Millat al-Islam

Chapter 21 · 112 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Anbiyaa in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Anbiyaa (1271 reciters)

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱقۡتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمۡ وَهُمۡ فِي غَفۡلَةٍ مُّعۡرِضُونَ ١(Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamaha) baa u soo dhowaada dadka halka iyagu ay dhoohnaan la sii jeedaan مَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٍ مِّن رَّبِّهِم مُّحۡدَثٍ إِلَّا ٱسۡتَمَعُوهُ وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ ٢Ma jiro Xus ( Waxyi) uga yimaado isagoo cusub xagga Rabbbigood, bal waxay dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya لَاهِيَةً قُلُوبُهُمۡۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّجۡوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ هَلۡ هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثۡلُكُمۡۖ أَفَتَأۡتُونَ ٱلسِّحۡرَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ ٣Oo qalbiyadoodu ka maan la' yihiin, oo kuwaa fala gefka (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan wada hadalkooda sirta ah (iyagoo leh): Kani (Nabigan) ma wax aan ahayn baa qof idinka oo kale ah ? Ma waxaad aqabaleysaan sixir idinkoo arka قَالَ رَبِّي يَعۡلَمُ ٱلۡقَوۡلَ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٤Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl1 (kasta) (oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arladaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.” بَلۡ قَالُوٓاْ أَضۡغَٰثُ أَحۡلَٰمِۭ بَلِ ٱفۡتَرَىٰهُ بَلۡ هُوَ شَاعِرٌ فَلۡيَأۡتِنَا بِـَٔايَةٍ كَمَآ أُرۡسِلَ ٱلۡأَوَّلُونَ ٥Bal waxay yidhaahdaan: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray! _mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore مَآ ءَامَنَتۡ قَبۡلَهُم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآۖ أَفَهُمۡ يُؤۡمِنُونَ ٦Ma jirin magaalo aan halaagnay oo rumeysey iyaga hortood (inkastoo ay shaahideen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyaga baa rumeyn doona وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ ٧Oo ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (dhambaalka), ee bal weydiiya ehlu dikirka (Kitaabka) haddii aydaan wax ogeyn وَمَا جَعَلۡنَٰهُمۡ جَسَدًا لَّا يَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُواْ خَٰلِدِينَ ٨Oo uma aan yeelin iyaga (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), oo ma aheyn kuwo aan dhiman oo ku waara (arlada) ثُمَّ صَدَقۡنَٰهُمُ ٱلۡوَعۡدَ فَأَنجَيۡنَٰهُمۡ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهۡلَكۡنَا ٱلۡمُسۡرِفِينَ ٩Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay oo waanu badbaadinnay iyaga iyo ciddii aan doonnay oo waxaanu hallignay xad gudbayaashii لَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ كِتَٰبًا فِيهِ ذِكۡرُكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ١٠Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (sharaftiinna) Ee miyeydaan haddaba garasho lahayn وَكَمۡ قَصَمۡنَا مِن قَرۡيَةٍ كَانَتۡ ظَالِمَةً وَأَنشَأۡنَا بَعۡدَهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ ١١Oo intee baan magaalo ay dadkeedu gef galeen baabi’innay4, oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale فَلَمَّآ أَحَسُّواْ بَأۡسَنَآ إِذَا هُم مِّنۡهَا يَرۡكُضُونَ ١٢Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan لَا تَرۡكُضُواْ وَٱرۡجِعُوٓاْ إِلَىٰ مَآ أُتۡرِفۡتُمۡ فِيهِ وَمَسَٰكِنِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُسۡـَٔلُونَ ١٣Ha cararina (haatan), ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna , si wax la idiin weydiiyo قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ ١٤Waxay yidhaahdeen: (Alla) balo ha nagu dhacdee! Waxanynu ahayn gar diid فَمَا زَالَت تِّلۡكَ دَعۡوَىٰهُمۡ حَتَّىٰ جَعَلۡنَٰهُمۡ حَصِيدًا خَٰمِدِينَ ١٥Oo calaalcalkoodaas ma ay deyn ilaa aan dabar goynay, oo baqtiyeen (dambas noqdeen) وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ ١٦Oo uma aan abuurin samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel لَوۡ أَرَدۡنَآ أَن نَّتَّخِذَ لَهۡوًا لَّٱتَّخَذۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّآ إِن كُنَّا فَٰعِلِينَ ١٧Haddii aan rabno inaan yeelanno madaddaallo6, waxaan hubaal ka yeelan lahayn Xaggayaga, haddii aan sidaas falayno بَلۡ نَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَى ٱلۡبَٰطِلِ فَيَدۡمَغُهُۥ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌۚ وَلَكُمُ ٱلۡوَيۡلُ مِمَّا تَصِفُونَ ١٨Bal waxaan Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa; oo hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed وَلَهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَنۡ عِندَهُۥ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَلَا يَسۡتَحۡسِرُونَ ١٩Oo Wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada Isagaa leh; oo kuwa agtiisa jooga ee u dhow (malaa’igta) iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo kama gaabshaan يُسَبِّحُونَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ لَا يَفۡتُرُونَ ٢٠Waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan habeen iyo maalinba, oo kama daalaan أَمِ ٱتَّخَذُوٓاْ ءَالِهَةً مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ هُمۡ يُنشِرُونَ ٢١Mise waxay yeesheen (si ay u caabudaan) ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya لَوۡ كَانَ فِيهِمَآ ءَالِهَةٌ إِلَّا ٱللَّهُ لَفَسَدَتَاۚ فَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَرۡشِ عَمَّا يَصِفُونَ ٢٢Haddii ay ahaan lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Allaah, xaqiiq way fasaadi lahaayeen. Wuu ka ceeb tiran yahay Allaah, Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay u tiirshaan لَا يُسۡـَٔلُ عَمَّا يَفۡعَلُ وَهُمۡ يُسۡـَٔلُونَ ٢٣Lama weydiiyo waxa uu falo, halka iyaga la weydiin doono أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةًۖ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡۖ هَٰذَا ذِكۡرُ مَن مَّعِيَ وَذِكۡرُ مَن قَبۡلِيۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٱلۡحَقَّۖ فَهُم مُّعۡرِضُونَ ٢٤Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Bal badankoodu ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلَّا نُوحِيٓ إِلَيۡهِ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعۡبُدُونِ ٢٥Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna oo aan u waxyoon (Annagoo leh), "ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga ahayn, ee i caabuda (Aniga oo keliya).” وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدًاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۚ بَلۡ عِبَادٌ مُّكۡرَمُونَ ٢٦Oo waxay yidhaahdaan: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka ceeb tiran yahay, balse9 waa addoom la sharfay لَا يَسۡبِقُونَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ وَهُم بِأَمۡرِهِۦ يَعۡمَلُونَ ٢٧Kagama hormaraan hadal, oo amarkiisa uun bay iyagu ku camal falaan يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَلَا يَشۡفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ٱرۡتَضَىٰ وَهُم مِّنۡ خَشۡيَتِهِۦ مُشۡفِقُونَ ٢٨Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, oo uma shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee. Oo cabsidiisa bay la xurmo weeyaan ۞ وَمَن يَقُلۡ مِنۡهُمۡ إِنِّيٓ إِلَٰهٌ مِّن دُونِهِۦ فَذَٰلِكَ نَجۡزِيهِ جَهَنَّمَۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّٰلِمِينَ ٢٩Oo mid kastoo ka mid ah ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Naar. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa gar ma qaatayaasha أَوَلَمۡ يَرَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ كَانَتَا رَتۡقًا فَفَتَقۡنَٰهُمَاۖ وَجَعَلۡنَا مِنَ ٱلۡمَآءِ كُلَّ شَيۡءٍ حَيٍّۚ أَفَلَا يُؤۡمِنُونَ ٣٠Oo miyaanay kuwa gaalooba arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, oo Waxaan ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay haddaba rumayn doonin وَجَعَلۡنَا فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِهِمۡ وَجَعَلۡنَا فِيهَا فِجَاجًا سُبُلًا لَّعَلَّهُمۡ يَهۡتَدُونَ ٣١Oo Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, oo waxaanu yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan وَجَعَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ سَقۡفًا مَّحۡفُوظًاۖ وَهُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِهَا مُعۡرِضُونَ ٣٢Oo Waxaanu ka dhignay samada saqaf ilaashan. Oo waliba iyagu waa ka jeesadaan calaamadaheeda وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسۡبَحُونَ ٣٣Oo Waa Isaga Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda وَمَا جَعَلۡنَا لِبَشَرٍ مِّن قَبۡلِكَ ٱلۡخُلۡدَۖ أَفَإِيْن مِّتَّ فَهُمُ ٱلۡخَٰلِدُونَ ٣٤Oo kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey mid waara. Ee haddaba haddii aad adigu dhimato ma iyaga baa waari doona كُلُّ نَفۡسٍ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۗ وَنَبۡلُوكُم بِٱلشَّرِّ وَٱلۡخَيۡرِ فِتۡنَةًۖ وَإِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ ٣٥Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, oo waxaanu idinku imtixaani doonnaa shar iyo khayrba kala saar darteed, oo Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa وَإِذَا رَءَاكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي يَذۡكُرُ ءَالِهَتَكُمۡ وَهُم بِذِكۡرِ ٱلرَّحۡمَٰنِ هُمۡ كَٰفِرُونَ ٣٦Oo marka ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) ku arkaan, kaama dhigtaan waxaan ahayn dheeldheel (oo waxay yidhaahdaan):” Oo ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay diidaan xuska Allaha Raxmaanka ah خُلِقَ ٱلۡإِنسَٰنُ مِنۡ عَجَلٍۚ سَأُوْرِيكُمۡ ءَايَٰتِي فَلَا تَسۡتَعۡجِلُونِ ٣٧Waxaa lagu abuuray aadmiga degdeg, waxaan haatan idin tusi doonaa calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٣٨Oo waxay odhan: “Goorma bay gooddin- tani dhici doontaa haddii aad tihiin kuwo run sheegi?” لَوۡ يَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ ٱلنَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمۡ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ ٣٩Haddii ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) uun ogaan lahaayeen (waqtiga) marka aanay kari doonin inay ka ceshaan Naarta wejiyadooda iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaari doonin (ma degdegsadeen Cadaabka) بَلۡ تَأۡتِيهِم بَغۡتَةً فَتَبۡهَتُهُمۡ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ ٤٠Bal, waxay ugu iman doontaa kedo, oo way jahawareerin doontaa, marka ma kari doonaan weecinteeda, loomana sugi doono وَلَقَدِ ٱسۡتُهۡزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبۡلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُواْ مِنۡهُم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ٤١Oo xaqiiq Rusul (badan) oo kaa horreeyey baa lagu jeesjeesay, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ka mid ahaa ee ku jeesjeesay wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen قُلۡ مَن يَكۡلَؤُكُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ مِنَ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ بَلۡ هُمۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِم مُّعۡرِضُونَ ٤٢Dheh: “Yaa idinka dhowra habeen iyo maalinba xagga Naxariistaha (Allaah)? Bal, waxay iyagu ka sii jeesadaan xusidda Rabbigood أَمۡ لَهُمۡ ءَالِهَةٌ تَمۡنَعُهُم مِّن دُونِنَاۚ لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَ أَنفُسِهِمۡ وَلَا هُم مِّنَّا يُصۡحَبُونَ ٤٣Mise waxay leeyihiin ilaahyo ka dhicin kara Ciqaabtayada? Ma lahaan doonaan awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga difaaco innaga بَلۡ مَتَّعۡنَا هَٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۗ أَفَلَا يَرَوۡنَ أَنَّا نَأۡتِي ٱلۡأَرۡضَ نَنقُصُهَا مِنۡ أَطۡرَافِهَآۚ أَفَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ ٤٤Bal, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba xitaa cimriga loo dheereeyey (markaasay wax is bideen)11 miyaanay haddaba arag inaan nimaanno arlada oo ka naaqusinno cirifyadiisa? Ee ma iyagaa haddaba adkaan doona قُلۡ إِنَّمَآ أُنذِرُكُم بِٱلۡوَحۡيِۚ وَلَا يَسۡمَعُ ٱلصُّمُّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ ٤٥Dheh waxaan uun idiinku digayaa waxyi (ka yimid Allaah). Oo kuwa dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa mar kastoo iyaga loo digo وَلَئِن مَّسَّتۡهُمۡ نَفۡحَةٌ مِّنۡ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ ٤٦Oo haddii hur ka mid ah cadaabta Rabbigaa uu taaban lahaa, waxay hubaal odhan doonaan: Balo ha nagu dhacdee! Waxaan hubaal ahayn gar ma qaatayaal وَنَضَعُ ٱلۡمَوَٰزِينَ ٱلۡقِسۡطَ لِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَلَا تُظۡلَمُ نَفۡسٌ شَيۡـًٔاۖ وَإِن كَانَ مِثۡقَالَ حَبَّةٍ مِّنۡ خَرۡدَلٍ أَتَيۡنَا بِهَاۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَٰسِبِينَ ٤٧Oo Waxaanu dhigi doonnaa miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, marka nafna loolama dhaqmi doono si gardarro ah in yarba ha ahaatee, oo haddii ay ku tahay wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) (weliba) waanu keeni doonnaa. Oo Annagaa ku filan inaan idin xisaabinno وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٱلۡفُرۡقَانَ وَضِيَآءً وَذِكۡرًا لِّلۡمُتَّقِينَ ٤٨Oo xaqiiq waxaan siinaay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano ay12 leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَهُم مِّنَ ٱلسَّاعَةِ مُشۡفِقُونَ ٤٩Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba), oo iyagu13 aad uga cabsada Saacadda (Qiyaame) وَهَٰذَا ذِكۡرٌ مُّبَارَكٌ أَنزَلۡنَٰهُۚ أَفَأَنتُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ ٥٠Oo kani (Qur'aanku) waa waano barakaysan aan soo waxyoonnay, ee miyaad haddaba diidi doontaan ۞ وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ إِبۡرَٰهِيمَ رُشۡدَهُۥ مِن قَبۡلُ وَكُنَّا بِهِۦ عَٰلِمِينَ ٥١Oo xaqiiq waxaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka,15 oo Waxaaanu u ogeyn si dhan oo wanaagsan إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا هَٰذِهِ ٱلتَّمَاثِيلُ ٱلَّتِيٓ أَنتُمۡ لَهَا عَٰكِفُونَ ٥٢Markii uu ku yidhi aabbihii iyo dadkiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabuddaan)?” قَالُواْ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا لَهَا عَٰبِدِينَ ٥٣Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.” قَالَ لَقَدۡ كُنتُمۡ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمۡ فِي ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ ٥٤Wuxuu yidhi: “Xaqiiq waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow caddaan ah?.” قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا بِٱلۡحَقِّ أَمۡ أَنتَ مِنَ ٱللَّٰعِبِينَ ٥٥Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noo keentay xaq, mise adigu waxaad ka mid tahay ciyaartoyda?.” قَالَ بَل رَّبُّكُمۡ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا۠ عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ ٱلشَّٰهِدِينَ ٥٦Wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan ifka u soo bixiyey, oo aniga waxaan ka mid ahay kuwa ka markhaati kaca arrinkani وَتَٱللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصۡنَٰمَكُم بَعۡدَ أَن تُوَلُّواْ مُدۡبِرِينَ ٥٧Oo Wallaahi, Waxaan hubaal u degi doonaa qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) sannammadiinna marka aad tagtaan oo dhabarka jeedisaan16?” فَجَعَلَهُمۡ جُذَٰذًا إِلَّا كَبِيرًا لَّهُمۡ لَعَلَّهُمۡ إِلَيۡهِ يَرۡجِعُونَ ٥٨Markaas buu ka dhigay digada (dhammaantood) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u soo noqdaan (oo ay weydiiyaan) قَالُواْ مَن فَعَلَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَآ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٥٩Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi hubaal waa mid ka mid ah kuwa gefa?” قَالُواْ سَمِعۡنَا فَتًى يَذۡكُرُهُمۡ يُقَالُ لَهُۥٓ إِبۡرَٰهِيمُ ٦٠Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.” قَالُواْ فَأۡتُواْ بِهِۦ عَلَىٰٓ أَعۡيُنِ ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَشۡهَدُونَ ٦١Waxay yidhaahdeen: “Haddaba keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan17?.” قَالُوٓاْ ءَأَنتَ فَعَلۡتَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَا يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ ٦٢Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow قَالَ بَلۡ فَعَلَهُۥ كَبِيرُهُمۡ هَٰذَا فَسۡـَٔلُوهُمۡ إِن كَانُواْ يَنطِقُونَ ٦٣(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Bal ’ waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee bal weydiiya haddii ay hadli karaan!” فَرَجَعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ فَقَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ أَنتُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٦٤Markaas bay nafahoodii dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: “hubaal, idinka naf ahaantiinna baa ku jira gef.” ثُمَّ نُكِسُواْ عَلَىٰ رُءُوسِهِمۡ لَقَدۡ عَلِمۡتَ مَا هَٰٓؤُلَآءِ يَنطِقُونَ ٦٥Markaasaa laga yeelay inay madax hoos u rogtaan18 (oo yidhaahdeen): Waad ogsoon tahay inayan kuwakani hadlin قَالَ أَفَتَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمۡ شَيۡـًٔا وَلَا يَضُرُّكُمۡ ٦٦(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad haddaba caabuddaan Allaah sokadi waxaan waxba idin tarin waxbana idin yeelin أُفٍّ لَّكُمۡ وَلِمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ٦٧“Uf baad leedihiin idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi. Miyeydaan haddaba garasho lahayn?” قَالُواْ حَرِّقُوهُ وَٱنصُرُوٓاْ ءَالِهَتَكُمۡ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ ٦٨Waxay yidhaahdeen: “Guba isaga oo u gargaara ilaahyadiinna, haddii aad (wax) falaysaan.” قُلۡنَا يَٰنَارُ كُونِي بَرۡدًا وَسَلَٰمًا عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ ٦٩Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibrahiim!” وَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدًا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَخۡسَرِينَ ٧٠Oo waxay la dooneen shirqool, ha yeeshee waxaan ka yeelnay iyaga kuwa ugu khasaaraha badan وَنَجَّيۡنَٰهُ وَلُوطًا إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَا لِلۡعَٰلَمِينَ ٧١Oo Waxaan badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii19 aan u barakaynay dadka oo dhan وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ نَافِلَةًۖ وَكُلًّا جَعَلۡنَا صَٰلِحِينَ ٧٢Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, oo mid walbaa waxaan ka dhignay dhammaan kuwo wanaagsan وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَئِمَّةً يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡهِمۡ فِعۡلَ ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَإِقَامَ ٱلصَّلَوٰةِ وَإِيتَآءَ ٱلزَّكَوٰةِۖ وَكَانُواْ لَنَا عَٰبِدِينَ ٧٣Oo Waxaanu ka dhignay hoggaami- yeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, oo Waxaanu u waxyoonnay falidda khayraadka, iyo u oogidda salaadda si wanaagsan, iyo bixinta sakada, Oo waxay ahaayeen kuwo Annaga na caabuda وَلُوطًا ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمًا وَعِلۡمًا وَنَجَّيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِي كَانَت تَّعۡمَلُ ٱلۡخَبَٰٓئِثَۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمَ سَوۡءٍ فَٰسِقِينَ ٧٤Oo (ma) Luud, Waxaanu siinnay Xukun iyo cilmi, oo Waxaanu ka badbaadinnay magaaladii ahayd mid fasha xumaha20. Hubaal waxay ahaayeen qolo xun oo caasiyaal ah وَأَدۡخَلۡنَٰهُ فِي رَحۡمَتِنَآۖ إِنَّهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ٧٥Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada, hubaal wuxuu (Luud) ka mid ahaa inta wanaagsan وَنُوحًا إِذۡ نَادَىٰ مِن قَبۡلُ فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ ٧٦Oo Nuux, waa tii uu noo dhawaaqday kol hore21. Markaasaan ka ajiibnay bariyadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (hafintii dadkiisii) وَنَصَرۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمَ سَوۡءٍ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٧٧Oo Waan uga gargaannay dadkii beeniyey Aayadahayaga, hubaal, waxay ahaayeen dad xun, mrkaasaan hafinnay dhammaantood وَدَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ إِذۡ يَحۡكُمَانِ فِي ٱلۡحَرۡثِ إِذۡ نَفَشَتۡ فِيهِ غَنَمُ ٱلۡقَوۡمِ وَكُنَّا لِحُكۡمِهِمۡ شَٰهِدِينَ ٧٨Oo Daawuud iyo Sulaymaan, markii ay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay adhi dad leeyihiin, oo Waxaanu ka aheyn garsoorkoodii goob joog فَفَهَّمۡنَٰهَا سُلَيۡمَٰنَۚ وَكُلًّا ءَاتَيۡنَا حُكۡمًا وَعِلۡمًاۚ وَسَخَّرۡنَا مَعَ دَاوُۥدَ ٱلۡجِبَالَ يُسَبِّحۡنَ وَٱلطَّيۡرَۚ وَكُنَّا فَٰعِلِينَ ٧٩Markaasaan fahansiinnay Sulaymaan, mid walbana oo ka mid ah waxaan siinnay xukun iyo cilmi, oo Waxaan ka yeelnay buuraha iyo shimbiraha inay Daawuud la qaadaan Alle amaanka. Oo Waa Annaga kuwa falay22 (waxaasi oo idil) وَعَلَّمۡنَٰهُ صَنۡعَةَ لَبُوسٍ لَّكُمۡ لِتُحۡصِنَكُم مِّنۢ بَأۡسِكُمۡۖ فَهَلۡ أَنتُمۡ شَٰكِرُونَ ٨٠Oo Waxaanu barnay isaga sameynta jaakado bir ah aad leedihiin idinka si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin haddaba kuwa shurkri naqaya وَلِسُلَيۡمَٰنَ ٱلرِّيحَ عَاصِفَةً تَجۡرِي بِأَمۡرِهِۦٓ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَاۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيۡءٍ عَٰلِمِينَ ٨١Oo (waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabaysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay. Oo Waxaanu nahay kuwo wax walba Ogsoon وَمِنَ ٱلشَّيَٰطِينِ مَن يَغُوصُونَ لَهُۥ وَيَعۡمَلُونَ عَمَلًا دُونَ ذَٰلِكَۖ وَكُنَّا لَهُمۡ حَٰفِظِينَ ٨٢Oo waxaa ka mid ahaa Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh) kuwo u quusa (badda), oo u fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Oo Waa Annaga kuwa dhowrayey ۞ وَأَيُّوبَ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَسَّنِيَ ٱلضُّرُّ وَأَنتَ أَرۡحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ ٨٣Oo Ayyuub, waa tii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Dhibaataa igu dhacday, oo Adigu waxaad tahay Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.” فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ فَكَشَفۡنَا مَا بِهِۦ مِن ضُرٍّۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَهۡلَهُۥ وَمِثۡلَهُم مَّعَهُمۡ رَحۡمَةً مِّنۡ عِندِنَا وَذِكۡرَىٰ لِلۡعَٰبِدِينَ ٨٤Markaasaan ajiibnay, oo Waxaan ka feydnay dhibtii haysey, oo waxaan siinnay ehelkiisii (uu waayey), iyo in le’eg oo wehlisa,_ Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِدۡرِيسَ وَذَا ٱلۡكِفۡلِۖ كُلٌّ مِّنَ ٱلصَّٰبِرِينَ ٨٥Oo Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, giddigood waxay ka mid ahaayeen kuwa samir yeesha وَأَدۡخَلۡنَٰهُمۡ فِي رَحۡمَتِنَآۖ إِنَّهُم مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ٨٦Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada. Hubaal waxay ka mid ahaayeen inta wanaagsan وَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَٰضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقۡدِرَ عَلَيۡهِ فَنَادَىٰ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبۡحَٰنَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٨٧Oo (xus) saaxiibkii nibirigu (Yuunus) waa tii uu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 24, oo wuxuu mooday inaanan ku ciriiryi doonin (caloosha nibriga ama aan qabanayn)25! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyada dhexdooda26 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn. Adigaa Ceeb tiran, hubaal waxaan anigu ka mid ahay geflowyada فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ وَنَجَّيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡغَمِّۚ وَكَذَٰلِكَ نُـۨجِي ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٨٨Markaasaan ajiibnnay baryadiisii, oo ka badbaadinnay murugadii. Oo sidaas oo kale baan u badbaadinnaa mu’miniinta وَزَكَرِيَّآ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥ رَبِّ لَا تَذَرۡنِي فَرۡدًا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡوَٰرِثِينَ ٨٩Oo Sakariya, markii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! ha igu dhaafin keli, Oo Adigaa u Kheyr roon dhaxlayaasha.” فَٱسۡتَجَبۡنَا لَهُۥ وَوَهَبۡنَا لَهُۥ يَحۡيَىٰ وَأَصۡلَحۡنَا لَهُۥ زَوۡجَهُۥٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِ وَيَدۡعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًاۖ وَكَانُواْ لَنَا خَٰشِعِينَ ٩٠Markaasaan ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, oo u hagaajinnay xaaskiisii. hubaal, waxay iskula tartami jireen sama falka oo noo baryi jireen si rajo iyo cabsiba leh, oo waxay ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san) وَٱلَّتِيٓ أَحۡصَنَتۡ فَرۡجَهَا فَنَفَخۡنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلۡنَٰهَا وَٱبۡنَهَآ ءَايَةً لِّلۡعَٰلَمِينَ ٩١Iyo tii xafidday jirkeeda (Maryam), markaasaan ku afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (afuufidda) Ruuxayaga (Jibriil), Oo Waxaan uga dhignay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka إِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُونِ ٩٢Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah27, Oo Anigu waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda ( Aniga oo keliya) وَتَقَطَّعُوٓاْ أَمۡرَهُم بَيۡنَهُمۡۖ كُلٌّ إِلَيۡنَا رَٰجِعُونَ ٩٣Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda28. Xaggayaga bay giddi u soo wada noqon doonaan فَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤۡمِنٌ فَلَا كُفۡرَانَ لِسَعۡيِهِۦ وَإِنَّا لَهُۥ كَٰتِبُونَ ٩٤Ee mid kastoo samo fala isagoo mu’miin ah, lama burin doono ajarka dadaalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa وَحَرَٰمٌ عَلَىٰ قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَآ أَنَّهُمۡ لَا يَرۡجِعُونَ ٩٥Oo Waa wax saaran magaalo kasta aan halaagno inayan dib u soo laaban doonin حَتَّىٰٓ إِذَا فُتِحَتۡ يَأۡجُوجُ وَمَأۡجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلُونَ ٩٦Xitaa marka Yuug iyo Yamaayuug laga soo furo (moos xirkii), oo waxay ka soo dhici doonaan taag walba si degdeg ah وَٱقۡتَرَبَ ٱلۡوَعۡدُ ٱلۡحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَٰخِصَةٌ أَبۡصَٰرُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَٰوَيۡلَنَا قَدۡ كُنَّا فِي غَفۡلَةٍ مِّنۡ هَٰذَا بَلۡ كُنَّا ظَٰلِمِينَ ٩٧Oo Yabooha Xaqa ah wuu soo dhowaan doonaa. Mise markaa, waxaad arki doontaa indhaha kuwii Xaqa diiday oo dhaygagsan. (Waxay odhan doonaan)” Alla balo ha nagu dhacdee! Hubaal waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani;bal waxaanu aheyn kuwo gefsan إِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمۡ لَهَا وَٰرِدُونَ ٩٨Hubaal Idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi, waxaad ahaan doontaan shidaalka Naarta, xaggeeda baad idinku geli doontaan لَوۡ كَانَ هَٰٓؤُلَآءِ ءَالِهَةً مَّا وَرَدُوهَاۖ وَكُلٌّ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٩٩Haddii ay kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen halkaa (Naarta), oo kulligood waa ay ku waari doonaan لَهُمۡ فِيهَا زَفِيرٌ وَهُمۡ فِيهَا لَا يَسۡمَعُونَ ١٠٠Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan إِنَّ ٱلَّذِينَ سَبَقَتۡ لَهُم مِّنَّا ٱلۡحُسۡنَىٰٓ أُوْلَٰٓئِكَ عَنۡهَا مُبۡعَدُونَ ١٠١Hubaal, (ma) kuwa ay hor u martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda waa laga fogeyn doonaa لَا يَسۡمَعُونَ حَسِيسَهَاۖ وَهُمۡ فِي مَا ٱشۡتَهَتۡ أَنفُسُهُمۡ خَٰلِدُونَ ١٠٢Ma maqli doonaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waari doona wixii ay nafahooda rabaan لَا يَحۡزُنُهُمُ ٱلۡفَزَعُ ٱلۡأَكۡبَرُ وَتَتَلَقَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ هَٰذَا يَوۡمُكُمُ ٱلَّذِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ ١٠٣Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamaha) ma murugo gelin doono, oo malaa’iguhu waxay ku soo dhoweyn doonaan (salaan iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay يَوۡمَ نَطۡوِي ٱلسَّمَآءَ كَطَيِّ ٱلسِّجِلِّ لِلۡكُتُبِۚ كَمَا بَدَأۡنَآ أَوَّلَ خَلۡقٍ نُّعِيدُهُۥۚ وَعۡدًا عَلَيۡنَآۚ إِنَّا كُنَّا فَٰعِلِينَ ١٠٤Maalinta aan u duubi doonno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sida aan u billownay abuuriddii hore, baan ku soo celin doonnaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali doonnaa وَلَقَدۡ كَتَبۡنَا فِي ٱلزَّبُورِ مِنۢ بَعۡدِ ٱلذِّكۡرِ أَنَّ ٱلۡأَرۡضَ يَرِثُهَا عِبَادِيَ ٱلصَّٰلِحُونَ ١٠٥Oo xaqiiq Waxaan ku qornay Zabuurka30 (kutubta Ilaahay) kaddib (markii aan horay ugu ) xusnay Dikirka31, in arlada (Jannada) ay dhaxli doonaan addoomahyaga wanaagsan إِنَّ فِي هَٰذَا لَبَلَٰغًا لِّقَوۡمٍ عَٰبِدِينَ ١٠٦Hubaal, Kan gudahiisa waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا رَحۡمَةً لِّلۡعَٰلَمِينَ ١٠٧Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato caalamka قُلۡ إِنَّمَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّسۡلِمُونَ ١٠٨Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya, ee ma u hoggaansami doontaanaan?” فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُلۡ ءَاذَنتُكُمۡ عَلَىٰ سَوَآءٍۖ وَإِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٌ مَّا تُوعَدُونَ ١٠٩Haddiise ay jeesadaan, ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Oo ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.” إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡتُمُونَ ١١٠Hubaal Wuxuu Isagu og yahay hadalka kii kor loo qaado, oo wuxuu Og yahay waxa aad qarisaanba وَإِنۡ أَدۡرِي لَعَلَّهُۥ فِتۡنَةٌ لَّكُمۡ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٍ ١١١Oo ma ogi, waa intaaso ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda ciqaabtu) iyo raaxo ku eg ilaa muddo قَٰلَ رَبِّ ٱحۡكُم بِٱلۡحَقِّۗ وَرَبُّنَا ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلۡمُسۡتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ ١١٢Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ku xukun xaq. Oo Rabbigayo waa Raxmaanka ee laga kaalmaysto waxa aad sheegtaan

Translation: Abdullah Hasan Jacob.