Millat al-Islam

Chapter 62 · 11 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Jumua in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Jumua (1216 reciters)
Medinanسورة الجمعة11 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡمَلِكِ ٱلۡقُدُّوسِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ ١Waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada baa Xurma weyneeya oo Hufa Allaah, Boqorka, Daahirka, Adkaadaha, Xakiimka ah هُوَ ٱلَّذِي بَعَثَ فِي ٱلۡأُمِّيِّـۧنَ رَسُولًا مِّنۡهُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمۡ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلُ لَفِي ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ ٢Isaga weeye (Alle) Kan ka soo saaray ummiyiinta2 dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, kaasoo u akhriya Aayadahiisa, oo daahiriya, oo bara Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo dhab ahaan ku sugan habow caddaan ah وَءَاخَرِينَ مِنۡهُمۡ لَمَّا يَلۡحَقُواْ بِهِمۡۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٣Iyo kuwo kale oo ka mid noqon doona (qaaruumo iyo qolooyin kale) kuwaasoo aan weli ku soo biirin. Oo Isagu (Alle) waa Aadkaadaha, Xakiimka ah ذَٰلِكَ فَضۡلُ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ ٤Kaasi waa Fadliga Ilaahay, ee uu siiyo ciddii uu doono3. Oo Allaah waa Kan iska leh Fadliga weyn مَثَلُ ٱلَّذِينَ حُمِّلُواْ ٱلتَّوۡرَىٰةَ ثُمَّ لَمۡ يَحۡمِلُوهَا كَمَثَلِ ٱلۡحِمَارِ يَحۡمِلُ أَسۡفَارَۢاۚ بِئۡسَ مَثَلُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٥Mataalka kuwaa lagu aaminay oo la saa- ray (xilka) Towraadda, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista (xilkaa)3, waa sida dameer sida kutub4 culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha qoloda beeniya Aayadaha Ilaahay. Oo Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ هَادُوٓاْ إِن زَعَمۡتُمۡ أَنَّكُمۡ أَوۡلِيَآءُ لِلَّهِ مِن دُونِ ٱلنَّاسِ فَتَمَنَّوُاْ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٦Dheh: Idinka heysta Yuhuudiyaddow! Haddii aad mooddaan inaad tihiin xulka Ilaahay5, dadka kale ka sokow, haddaba rajeeya dhimasho haddii aad run sheegeysaan وَلَا يَتَمَنَّوۡنَهُۥٓ أَبَدَۢا بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ ٧Oo marnaba ma rajeyn doonaan (dhimasho) waxa ay gacmahoodu horay u geysteen darteed, oo Allaah waa Ogsoon yahay gar ma qaatayaasha قُلۡ إِنَّ ٱلۡمَوۡتَ ٱلَّذِي تَفِرُّونَ مِنۡهُ فَإِنَّهُۥ مُلَٰقِيكُمۡۖ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٨Waxaad ku dhahdaa: (Ma xagga) dhimashada aad ka carartaan, (arrin)kaasi hubaal waad la kulmi doontaan, markaas baa dib la idiinku soo celin doonaa xagga Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, oo Wuxuu idiin sheegi waxaad camal fali jirteen يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نُودِيَ لِلصَّلَوٰةِ مِن يَوۡمِ ٱلۡجُمُعَةِ فَٱسۡعَوۡاْ إِلَىٰ ذِكۡرِ ٱللَّهِ وَذَرُواْ ٱلۡبَيۡعَۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٌ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٩Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la isugu yeero salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Ilaahay oo ka taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddii aad ogtihiin فَإِذَا قُضِيَتِ ٱلصَّلَوٰةُ فَٱنتَشِرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَٱبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرًا لَّعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ ١٠Markase ay dhammaato salaadda, ku kala faafa arlada, oo wax ka dalba Deeqda Ilaahay (aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san), oo xusa Ilaahay in badan aad liibaantaane وَإِذَا رَأَوۡاْ تِجَٰرَةً أَوۡ لَهۡوًا ٱنفَضُّوٓاْ إِلَيۡهَا وَتَرَكُوكَ قَآئِمًاۚ قُلۡ مَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٌ مِّنَ ٱللَّهۡوِ وَمِنَ ٱلتِّجَٰرَةِۚ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ ١١Oo marka ay arkaan wax ganac ah ama madaddaalo waxay u kala yaacaan xaggeeda, oo kaa tagaan adigoo taagan. Dheh: Waxa Allaah uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganac kasta. Oo Allaah waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda

Translation: Abdullah Hasan Jacob.