بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ ١Nuun2. Waxaan ku dhaartay Qalinka iyo waxa ay (malaa’igtu) qoraan مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٍ ٢Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) nin waalan وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٍ ٣Oo hubaal waxaad leedahay ajar aan weligii go'eyn وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ ٤Oo hubaal waxaad u dhaqantaa si dabeecad aad u sarreysa ah فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ ٥Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki doonaan بِأَييِّكُمُ ٱلۡمَفۡتُونُ ٦Kiinna idinka mid ah ee waalli qaba إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ ٧Hubaal, Rabbigaa baa aad u Ogsoon, kan ka dhuma Jidkiisa, oo Isaga baa aad u Ogsoon kuwa raaca tubta toosan فَلَا تُطِعِ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٨Ee ha adeecin xaq diidayaasha وَدُّواْ لَوۡ تُدۡهِنُ فَيُدۡهِنُونَ ٩Waxay jecel yihiin inaad u soo dabacdo, si ay iyaguna (sidoo kale) u soo dabcaan وَلَا تُطِعۡ كُلَّ حَلَّافٍ مَّهِينٍ ١٠Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan oo qiimo laheyn هَمَّازٍ مَّشَّآءِۭ بِنَمِيمٍ ١١Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah) مَّنَّاعٍ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ ١٢Khayr diid ah, xad-gudbe,dambi badan عُتُلِّۭ بَعۡدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ ١٣macangag madax adag,_intaasoo dhan ka sokow isku dhejis ah (sharci ku dhalan) أَن كَانَ ذَا مَالٍ وَبَنِينَ ١٤Inuu lahaaday darteed maal iyo wiilal إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٥Marka Aayadahayaga loo akhriyo, wuxuu yidhaahdaa: waa sheekooyinkii dadkii hore سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلۡخُرۡطُومِ ١٦Waxaanu ka calaameyn doonnaa san- qaroorka dushiis إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ ١٧Hubaal Waxaan u imtixaannay sidii aanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, waa tii ay ku dhaarteen inay hubaal goosanayaan midhaha aroorta horeba وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ ١٨Oo ma dooneyn inay dhinac ugu saaraan qayb (saboolka) فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ ١٩Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadiiba (oo gubatay) intii ay hurdeen فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ ٢٠Markaasay waxay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ ٢١Halka iyagii ay isu dhawaaqeen subaxnimadiiba أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ ٢٢iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddii aad goosanaysaan midhaha فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ ٢٣Markaas bay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٌ ٢٤Waa inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٍ قَٰدِرِينَ ٢٥Oo waxay kallaheen subaxii horeba, iyagoo go’aansan inay ka celiyaan فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ ٢٦Markayse arkeen iyadii, waxay yidhaahdeen: wallee waanu soo dhunnay بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ ٢٧Bal, waxaa nalaga yeelay inay nagu dhacdo qatooyo قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ ٢٨Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaan idinku odhan: Maxaad u hufi weydeen (Allaah) oo u xurmeyn weydeen قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ ٢٩Waxay yidhaahdeen: Xurmo oo idil waxaa iska leh oo hufan Rabbigeen. xaqiiq waxaanu nahay gar ma qaatayaal فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ يَتَلَٰوَمُونَ ٣٠Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday, iyagoo is eedeynaya قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ ٣١Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, xaqiiq waxaanu nahay kuwo xadgudbay عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرًا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ ٣٢Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Hubaal xagga Rabbigeen baanu codsi u direynaa كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٣٣Waa sidaas cadaabtu, oo hubaal cadaabta Aakhiradaa ka sii weyn, haddii ay ogaan lahaayeen إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ٣٤Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ ٣٥Ma waxaan haddaba la mid dhignaa kuwaa hoggaansan sida dambiilayaasha مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ ٣٦Maxaa idinku dhacay? Sidee baad wax u guddoomisaan أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٌ فِيهِ تَدۡرُسُونَ ٣٧Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ ٣٨Inaad ku leedihiin hubaal dhexdiis waxaad doorataan أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ ٣٩Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad hubaal heli doontaan waxaad dalabtaan سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ ٤٠Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ ٤١Mise waxay leeyihiin shariigyo, haddaba ha keenaan shariigyadooda haddii ay run sheegayaan يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ ٤٢Maalinta marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Ilaahay) oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase ahaan doonaan kuwo kara (waa gaalada iyo munaafiqiinta). (dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada, waa Maalinta Qiyaamaha) خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٌۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ ٤٣Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona; oo xaqiiq waxaa loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo weliba fayow فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ ٤٤Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan; waxaan ka qaban doonnaa si heerar ah meel aysan ka fileynba وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ ٤٥Oo Waan u dul qaadan doonaa. hubaal, tabteydu waa mid sugan أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرًا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٍ مُّثۡقَلُونَ ٤٦Mise ma waxaad weydiisataa abaal gud, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ ٤٧Mise cilmiga waxa aan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٌ ٤٨Ee u sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yoonis) rafiiqii nibiriga,_markuu dhawaaqay isagoo walbahaarsan لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٌ ٤٩Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa hubaal lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ٥٠Rabbigiis baase doortay, oo ka mid yeelay kuwa wanaagsan وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٌ ٥١Oo kuwa xaqa diida waxay sigaan inay kugu gubaan indhohooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada; oo waxay yidhaahdaan: Kani hubaal waa waalan yahay وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٌ لِّلۡعَٰلَمِينَ ٥٢Oo ma ah wax kale aan aheyn Waano ku socoto ummadaha oo dhan