بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
طسٓۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡقُرۡءَانِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ ١Daa Siin1 Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka iyo Kitaab iska cad هُدًى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ ٢Waa u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ ٣Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Sakada, oo iyagu ah kuwo Aakhiro yaqiinsan إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمۡ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُمۡ يَعۡمَهُونَ ٤Ma xagga kuwa aan rumeysneyn Aakhirada, waxaan hubaal u qurxinnay acmaashooda, waana ay ku jaha wareersan yihiin habowgooda أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمۡ سُوٓءُ ٱلۡعَذَابِ وَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡأَخۡسَرُونَ ٥Kuwaanu waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan). Oo Aakhirada iyaga uun baa ugu khasaare badan وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلۡقُرۡءَانَ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ عَلِيمٍ ٦Oo hubaal, adiga wuxuu xaqiiq kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Midka ah Xakiimmka, wax kasta Ogsoon (Allaah) إِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهۡلِهِۦٓ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارًا سَـَٔاتِيكُم مِّنۡهَا بِخَبَرٍ أَوۡ ءَاتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمۡ تَصۡطَلُونَ ٧Waa tii uu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Hubaal waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war ama waxaan idiinka keeni dhim- bilo dab ah si aad u diirisaan nafahiinna فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِيَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِي ٱلنَّارِ وَمَنۡ حَوۡلَهَا وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٨Markiise uu yimid halkaa, cod baa dha- waaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dab- ka agti ah iyo waxa hareera jooga,oo xurmo waxaa leh oo hufan Alle, Rabbiga uunanka يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٩“Muusow! Hubaal Waa Aniga! Allaah, Awood Badanaha, Xikmadda Badan وَأَلۡقِ عَصَاكَۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهۡتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنٌّ وَلَّىٰ مُدۡبِرًا وَلَمۡ يُعَقِّبۡۚ يَٰمُوسَىٰ لَا تَخَفۡ إِنِّي لَا يَخَافُ لَدَيَّ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ١٠“Ee tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dib umuu jaleecin. Muusow! Ha cabsan, hubaal, Rusushu kuma cabsadaan agtayda إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسۡنَۢا بَعۡدَ سُوٓءٍ فَإِنِّي غَفُورٌ رَّحِيمٌ ١١Mid gef geysta maahee markaas taa beddelkeed wanaag fala xumaantii kaddib, markaa hubaal Anigu waxaan ahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan وَأَدۡخِلۡ يَدَكَ فِي جَيۡبِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٍۖ فِي تِسۡعِ ءَايَٰتٍ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَقَوۡمِهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمًا فَٰسِقِينَ ١٢Oo geli gacantaada goshaada, waxay soo bixi doontaa durbaba caddaan cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo dadkiisa,waa dad caasiyaal ah فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَٰتُنَا مُبۡصِرَةً قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٌ مُّبِينٌ ١٣Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen, waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir iska cad وَجَحَدُواْ بِهَا وَٱسۡتَيۡقَنَتۡهَآ أَنفُسُهُمۡ ظُلۡمًا وَعُلُوًّاۚ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ ١٤Oo waa dafireen Aayadahaa gardarro iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen oo ku qanceen. Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii mufsidiinta وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ عِلۡمًاۖ وَقَالَا ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّنۡ عِبَادِهِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٥Oo xaqiiq waxaanu cilmi siinnay Daawuud iyo Sulaymaan, oo waxay labduba yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, kan naga kor mariyey in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah وَوَرِثَ سُلَيۡمَٰنُ دَاوُۥدَۖ وَقَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمۡنَا مَنطِقَ ٱلطَّيۡرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيۡءٍۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡمُبِينُ ١٦Oo wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Oo wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, oo waxaa wax nalaga siiyey wax walba2. Hubaal kani waa Fadli (Ilaahay baxsho) oo iska cad وَحُشِرَ لِسُلَيۡمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ وَٱلطَّيۡرِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ ١٧Oo askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh waa loo soo kulmiyey Sulaymaan iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوۡاْ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمۡلِ قَالَتۡ نَمۡلَةٌ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمۡلُ ٱدۡخُلُواْ مَسَٰكِنَكُمۡ لَا يَحۡطِمَنَّكُمۡ سُلَيۡمَٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ١٨ilaa, markay yimaadeen toggii Quraanyada, Quraanyo baa waxay tidhi: “Quraanyoy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوۡلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوۡزِعۡنِيٓ أَنۡ أَشۡكُرَ نِعۡمَتَكَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَيَّ وَأَنۡ أَعۡمَلَ صَٰلِحًا تَرۡضَىٰهُ وَأَدۡخِلۡنِي بِرَحۡمَتِكَ فِي عِبَادِكَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١٩Markaasuu muusooday, isagoo la cajabsan hadalkeeda o yidhi: Rabbiyow3! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan sama falo aad ka raalli tahay, oo igu dhex geli Naxariistaada addoomahaaga kuwa wanaagsan وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيۡرَ فَقَالَ مَالِيَ لَآ أَرَى ٱلۡهُدۡهُدَ أَمۡ كَانَ مِنَ ٱلۡغَآئِبِينَ ٢٠Oo wuxuu kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki waayey hud-hudkii5, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابًا شَدِيدًا أَوۡ لَأَاْذۡبَحَنَّهُۥٓ أَوۡ لَيَأۡتِيَنِّي بِسُلۡطَٰنٍ مُّبِينٍ ٢١Waxaan hubaal ciqaabi doonaa ciqaab daran ama waan gowrici doonaa ama wuxuu ii keeni doonaa xujo cad فَمَكَثَ غَيۡرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ وَجِئۡتُكَ مِن سَبَإِۭ بِنَبَإٍ يَقِينٍ ٢٢Mase maqnaan muddo dheer, (oo wuxuu joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin oo waxaan kaaga keenay Saba6 war la hubo إِنِّي وَجَدتُّ ٱمۡرَأَةً تَمۡلِكُهُمۡ وَأُوتِيَتۡ مِن كُلِّ شَيۡءٍ وَلَهَا عَرۡشٌ عَظِيمٌ ٢٣Hubaal waxaan helay haweeney xukumeysa7, oo la siiyey wax walba8, oo waxay leedahay Carshi aad u Weyn وَجَدتُّهَا وَقَوۡمَهَا يَسۡجُدُونَ لِلشَّمۡسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمۡ لَا يَهۡتَدُونَ ٢٤Waxaan soo helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Allaah, oo shaydaan wuxuu u qurxiyey camalladooda, oo ka duway Jidka (Toosan), marka ma ay hanuunsana أَلَّاۤ يَسۡجُدُواْۤ لِلَّهِ ٱلَّذِي يُخۡرِجُ ٱلۡخَبۡءَ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَيَعۡلَمُ مَا تُخۡفُونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ ٢٥Ma ay u sujuudaan Allaah ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxa aad qarisaan, iyo waxa aad muujisaanba ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ ۩ ٢٦Allaah, ma jiro Ilaah ( Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn ۞ قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقۡتَ أَمۡ كُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ ٢٧(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waan arki doonnaa inaad run sheegtay ama inaad tahay (mid) ka mid ah beenlowyada ٱذۡهَب بِّكِتَٰبِي هَٰذَا فَأَلۡقِهۡ إِلَيۡهِمۡ ثُمَّ تَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَٱنظُرۡ مَاذَا يَرۡجِعُونَ ٢٨Qaad waraaqdaydaan oo u dhiib, oo ka soo laabo, oo fiiri wixii ay (jawaab) soo celiyaan” قَالَتۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ إِنِّيٓ أُلۡقِيَ إِلَيَّ كِتَٰبٌ كَرِيمٌ ٢٩Waxay tidhi: Mudanayaal! hubaal waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh إِنَّهُۥ مِن سُلَيۡمَٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٣٠Hubaal waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim أَلَّا تَعۡلُواْ عَلَيَّ وَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ ٣١Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah قَالَتۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَفۡتُونِي فِيٓ أَمۡرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمۡرًا حَتَّىٰ تَشۡهَدُونِ ٣٢Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin قَالُواْ نَحۡنُ أُوْلُواْ قُوَّةٍ وَأُوْلُواْ بَأۡسٍ شَدِيدٍ وَٱلۡأَمۡرُ إِلَيۡكِ فَٱنظُرِي مَاذَا تَأۡمُرِينَ ٣٣Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxa aad amreyso قَالَتۡ إِنَّ ٱلۡمُلُوكَ إِذَا دَخَلُواْ قَرۡيَةً أَفۡسَدُوهَا وَجَعَلُوٓاْ أَعِزَّةَ أَهۡلِهَآ أَذِلَّةًۚ وَكَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ ٣٤Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Oo Sidaas bay falaan وَإِنِّي مُرۡسِلَةٌ إِلَيۡهِم بِهَدِيَّةٍ فَنَاظِرَةُۢ بِمَ يَرۡجِعُ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٣٥Oo hubaal waxaan u dirayaa hadiyad oo sugayaa si aan u eego waxa ay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu (kuwa la diray) فَلَمَّا جَآءَ سُلَيۡمَٰنَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٍ فَمَآ ءَاتَىٰنِۦَ ٱللَّهُ خَيۡرٌ مِّمَّآ ءَاتَىٰكُمۚ بَلۡ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمۡ تَفۡرَحُونَ ٣٦Markiise (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad Iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Allaah baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Bal waxaad ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna ٱرۡجِعۡ إِلَيۡهِمۡ فَلَنَأۡتِيَنَّهُم بِجُنُودٍ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخۡرِجَنَّهُم مِّنۡهَآ أَذِلَّةً وَهُمۡ صَٰغِرُونَ ٣٧U laabo iyaga, waxaan xaqiiq ula imaan doonnaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, oo waxaan hubaal ka saari doonnaa halkaa iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho قَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَيُّكُمۡ يَأۡتِينِي بِعَرۡشِهَا قَبۡلَ أَن يَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ ٣٨(Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni kara carshigeeda inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan?” قَالَ عِفۡرِيتٌ مِّنَ ٱلۡجِنِّ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَۖ وَإِنِّي عَلَيۡهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٌ ٣٩Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Aniga baa kuu keenaya inta aad ka kicin golahaaga, oo hubaal waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah قَالَ ٱلَّذِي عِندَهُۥ عِلۡمٌ مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن يَرۡتَدَّ إِلَيۡكَ طَرۡفُكَۚ فَلَمَّا رَءَاهُ مُسۡتَقِرًّا عِندَهُۥ قَالَ هَٰذَا مِن فَضۡلِ رَبِّي لِيَبۡلُوَنِيٓ ءَأَشۡكُرُ أَمۡ أَكۡفُرُۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشۡكُرُ لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيٌّ كَرِيمٌ ٤٠Mid haystay cilmi Kitaabka ah10 wuxuu yidhi: Aniga baa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Oo markii uu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay_ si uu ii imtixaano inaan mahad naqo ama aan abaal dhaco. Oo mid kastoo mahad naqa wuxuu u mahad naqaa naftiisa, oo mid kastoo abaal dhaca, haddaba hubaal! Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan قَالَ نَكِّرُواْ لَهَا عَرۡشَهَا نَنظُرۡ أَتَهۡتَدِيٓ أَمۡ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهۡتَدُونَ ٤١Wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno bal inay garato, mise ay ka mid noqoto kuwa aan garanayn فَلَمَّا جَآءَتۡ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرۡشُكِۖ قَالَتۡ كَأَنَّهُۥ هُوَۚ وَأُوتِينَا ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهَا وَكُنَّا مُسۡلِمِينَ ٤٢Oo markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Oo waxaa nala siiyey cilmi horteed, oo waxaanu nahay Muslimiin وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعۡبُدُ مِن دُونِ ٱللَّهِۖ إِنَّهَا كَانَتۡ مِن قَوۡمٍ كَٰفِرِينَ ٤٣Oo waxay caabudeysey Allaah sokadi baa ka jeediyey (Xaqa), hubaal waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah قِيلَ لَهَا ٱدۡخُلِي ٱلصَّرۡحَۖ فَلَمَّا رَأَتۡهُ حَسِبَتۡهُ لُجَّةً وَكَشَفَتۡ عَن سَاقَيۡهَاۚ قَالَ إِنَّهُۥ صَرۡحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَۗ قَالَتۡ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي وَأَسۡلَمۡتُ مَعَ سُلَيۡمَٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٤Waxaa lagu yidhi: Gal Qasarka, markiise ay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaas bay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen12; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan, oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Hubaal waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan isu dhiibay la jirka Sulaymaan xagga Alle, Rabbiga uunanka وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمۡ فَرِيقَانِ يَخۡتَصِمُونَ ٤٥Oo xaqiiq waxaan u dirnay Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Allaah (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ ٤٦(Saalix) wuxuu yidhi: “Dadkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaan (cadaab) ka hor samaanta14 (Naxariis Ilaahay)? Maxaad uga dalbi weydeen Dambi Dhaaf Ilaahay, bal inuu idiin naxariisto قَالُواْ ٱطَّيَّرۡنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَۚ قَالَ طَٰٓئِرُكُمۡ عِندَ ٱللَّهِۖ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ تُفۡتَنُونَ ٤٧Waxay yidhahdeen: Waxaa nagu dhacay balaayo iyo baas sababtaada adiga iyo sababta kuwa kula jiraba. Wuxuu yidhi: "Sharaysigiinnu waa xagga Ilaahay15; bal, waxaad tihiin dad la imtaxaanay.” وَكَانَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ تِسۡعَةُ رَهۡطٍ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ ٤٨Oo waxaa jiray magaalada sagaal nin (oo ah wiilashii madaxdoodii)16, oo ku fala fasahaad arlada17, oo aan wax hagaajin قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ ٤٩Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Allaah inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisaba goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan qaraabadiisa dhow18: Maa aanu joogin meesha uu ku halaagsamay ehelkiisu, oo waxaan hubaal nahay xaqiiq run sheegayaal وَمَكَرُواْ مَكۡرًا وَمَكَرۡنَا مَكۡرًا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ٥٠Oo waxay tabeeyeen tab, oo Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكۡرِهِمۡ أَنَّا دَمَّرۡنَٰهُمۡ وَقَوۡمَهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٥١Ee fiiri sida ay aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan فَتِلۡكَ بُيُوتُهُمۡ خَاوِيَةَۢ بِمَا ظَلَمُوٓاْۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةً لِّقَوۡمٍ يَعۡلَمُونَ ٥٢Marka waa kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan gardarradoodii darteed, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamo dad garasho leh وَأَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ ٥٣Oo Waxaanu badbaaddinnay kuwii rumeeyey oo ka dhowrsanayey (xumaha) وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ ٥٤Oo (waxaan dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Ma waxaad fashaan anshax19 xumo idinkoo arkaya أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةً مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ تَجۡهَلُونَ ٥٥Ma waxaad u tagtaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Bal waxaad tihiin dad u dhaqma si jaahilnimo ah
۞ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَخۡرِجُوٓاْ ءَالَ لُوطٍ مِّن قَرۡيَتِكُمۡۖ إِنَّهُمۡ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ ٥٦Mase ahayn jawaabtii dadkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara intii raacday Luud magaaladiinna, hubaal waa dad is daahirine فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَٰهَا مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ ٥٧Markaas baan badbaadinnay isaga iyo intii raacday, marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (la halaagay) وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرًاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ ٥٨Oo Waxaanu ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo ah). Xumaa roobka kuwa loo digay قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ وَسَلَٰمٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَىٰٓۗ ءَآللَّهُ خَيۡرٌ أَمَّا يُشۡرِكُونَ ٥٩Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, oo nabad ha ahaato addoomahiisa dushooda uu doortay. Ma Allaah baa wanaagsan, mise kuwa ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan أَمَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَنۢبَتۡنَا بِهِۦ حَدَآئِقَ ذَاتَ بَهۡجَةٍ مَّا كَانَ لَكُمۡ أَن تُنۢبِتُواْ شَجَرَهَآۗ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٌ يَعۡدِلُونَ ٦٠Mayee, (Allaah baa wanaagsan) ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo shuba biyo (roob) xagga daruurta, markaas aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, waa dad ka weecda (Xaqa) أَمَّن جَعَلَ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلَٰلَهَآ أَنۡهَٰرًا وَجَعَلَ لَهَا رَوَٰسِيَ وَجَعَلَ بَيۡنَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ حَاجِزًاۗ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٦١Mise, Kan ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, oo yeelay dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Mayee, badankood garasho ma leh أَمَّن يُجِيبُ ٱلۡمُضۡطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكۡشِفُ ٱلسُّوٓءَ وَيَجۡعَلُكُمۡ خُلَفَآءَ ٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ ٦٢Mise, Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, oo wuxuu idinka yeeli kuwa u hara (oo isku beddela) dhulka21. Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Yaraa inta aad xusuusataan أَمَّن يَهۡدِيكُمۡ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ وَمَن يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦٓۗ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِۚ تَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ٦٣Mise, Kan idin tilmaama marka aad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Waa ka sarreeyaa Allaah waxa ay la wadaajiyaan cibaadada أَمَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِۚ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٦٤Mise, Kan billaaba asal ahaan abuurka, markaas soo celin doona, oo ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Allaah? Dheh: Keena Xujadiinna haddaad tihiin run sheegayaal قُل لَّا يَعۡلَمُ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلۡغَيۡبَ إِلَّا ٱللَّهُۚ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ ٦٥Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Allaah ma’ahee, oo ma oga goorta la soo bixin doono (Qiyaamaha) بَلِ ٱدَّٰرَكَ عِلۡمُهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكٍّ مِّنۡهَاۖ بَلۡ هُم مِّنۡهَا عَمُونَ ٦٦Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Balse, waxayba ka qabaan shaki, oo waa ay ka indha la' yihiin وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخۡرَجُونَ ٦٧Oo kuwaa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Ma marka aan noqon- no ciid, innaga iyo aabbayaashayoba,miyaa xaqiiq nala soo bixin doonaa (mar kale) لَقَدۡ وُعِدۡنَا هَٰذَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٦٨Waxaa xaqiiq naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ٦٩Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribtii Dambiilayaasha وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُن فِي ضَيۡقٍ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ ٧٠Oo ha u murugoon, oo ha ka walbahaarin waxa ay qrosheeyaan darteed وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٧١Oo waxay yidhaahdaan: Goorma bay gooddintani dhici doontaa? Haddii aad tihiin run sheegayaal قُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي تَسۡتَعۡجِلُونَ ٧٢Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxa aad rabtaan in la soo dedjiyo وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ ٧٣Oo hubaal Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ ٧٤Oo hubaal, Rabbigaa xaqiiq waa Ogsoon yahay waxa ay laabahoodu qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba وَمَا مِنۡ غَآئِبَةٍ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّا فِي كِتَٰبٍ مُّبِينٍ ٧٥Oo ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَكۡثَرَ ٱلَّذِي هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ ٧٦Hubaal Qur’aankani wuxuu daaha uga qaadaa ilmahii Israa’iil badi waxaa ay isku hayaan oo isku khilaafsan yihiin وَإِنَّهُۥ لَهُدًى وَرَحۡمَةٌ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ ٧٧Oo hubaal Waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُم بِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ ٧٨Hubaal Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda iyaga xukunkiisa, oo waa Isaga Awood Badanaha, wax kasta Ogsoonaha ah فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنَّكَ عَلَى ٱلۡحَقِّ ٱلۡمُبِينِ ٧٩Ee isku hallee Allaah; hubaal, waxaad ku taagan tahay Xaq Cad إِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ ٨٠Hubaal adigu wax ma maqashiin kartid meytida, oo ma maqashiin kartid dhagoola- ha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِي ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ ٨١Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu hoggaansan Muslimiinta ah ۞ وَإِذَا وَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِمۡ أَخۡرَجۡنَا لَهُمۡ دَآبَّةً مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ تُكَلِّمُهُمۡ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ ٨٢Oo marka uu Qawlku ku fulo dushooda23, Waxaan uga soo bixin donnaa Daabbad arlada, la hadleysa, inayan dadku rumeyn Aayadahayaga darteed وَيَوۡمَ نَحۡشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٍ فَوۡجًا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُمۡ يُوزَعُونَ ٨٣Oo Maalinta aan ka soo kulmin doonno ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga, markaasna waxaa loo kala saari doonaa qayb qayb حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبۡتُم بِـَٔايَٰتِي وَلَمۡ تُحِيطُواْ بِهَا عِلۡمًا أَمَّاذَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٨٤Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan doonaa: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinka oo aan ku koobin cilmi, ama maxay aheyd waxa aad fasheen وَوَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِم بِمَا ظَلَمُواْ فَهُمۡ لَا يَنطِقُونَ ٨٥Oo waxaa ku dhici doona Qowlkii (Cadaabka)24, gefefkii ay geysteen darteed, marka ma hadli doonaan أَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ لِيَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٍ لِّقَوۡمٍ يُؤۡمِنُونَ ٨٦Mawaysan u fiirsan inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan Maalintana iftiin? Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin dad rumeysan وَيَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُۚ وَكُلٌّ أَتَوۡهُ دَٰخِرِينَ ٨٧Oo Maalinta buunka la afuufo, markaa kuwaa ku sugan samooyinka iyo kuwaa ku sugan arlada waxay la dhici doonaan naxdin mid maahee Allaah uu doono (oo ka cafiyo), kulligoodna waxay u imaan doonaan iyagoo dullaysan وَتَرَى ٱلۡجِبَالَ تَحۡسَبُهَا جَامِدَةً وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِۚ صُنۡعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِيٓ أَتۡقَنَ كُلَّ شَيۡءٍۚ إِنَّهُۥ خَبِيرُۢ بِمَا تَفۡعَلُونَ ٨٨Oo waad arkaysaa buuraha aad mooddo wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Ilaahay ee u sameeyey wax walba si hagaagsan. Hubaal waa u Xog ogaal waxa aad fashaan مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٌ مِّنۡهَا وَهُم مِّن فَزَعٍ يَوۡمَئِذٍ ءَامِنُونَ ٨٩Mid kastoo la yimaada samaan25 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan ajar ahaan, oo iyagu naxdinta Maalintaas waa ka aamin وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٩٠Oo mid kastoo la yimaada xumaan26 waxaa loogu tuuri doonaa weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku jaaseeyaa waxaan ahayn waxaad fasheen إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ ٱلۡبَلۡدَةِ ٱلَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَيۡءٍۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ٩١Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan27 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Oo waxaa la I amray inaan ahaado mid ka mid ah kuwa isu dhiiba (Ilaahay) وَأَنۡ أَتۡلُوَاْ ٱلۡقُرۡءَانَۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ ٩٢Iyo inaan akhriyo Qur’aanka, ee qofkii hanuuna, wuxuu u hanuunaa naftiisa, oo qofkii lumaa, markaa dheh: Anigu waxaan ahay oo keliya mid ka mid ah digayaasha.” وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَتَعۡرِفُونَهَاۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ٩٣Oo dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. Wuxuu idin tusi doonaa calaamooyinkiisa, waana garan doontaan. Mana aha Rabbigaa mid moog waxa aad fashaan