Millat al-Islam

Chapter 37 · 182 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah As-Saaffat in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah As-Saaffat (1189 reciters)
Meccanسورة الصافات182 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفًّا ١Waxaan ku dhaartay kuwa (malaa’igta) safta safafka siman فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرًا ٢Misna kuwa soo kaxeeya kaxeynta adag فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا ٣Misna kuwa akhriya (Dhambaalka) iyagoo baraarugsan إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٌ ٤Hubaal Ilaahiinnu (Runta ah) waa Mid keliya (Allaah) رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ ٥Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ ٦Hubaal Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux, xiddigaha ah وَحِفۡظًا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٍ مَّارِدٍ ٧Iyo ka ilaalin ahaan shaydaan walboo fallaago ah khayr daran لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ ٨Ma dhegaysan karaan kulanka sare oo waxaa laga soo ganaa dhinac walba دُحُورًاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ وَاصِبٌ ٩Iyagoo la soo eryey, oo waxay leeyihiin cadaab joogto ah إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٌ ثَاقِبٌ ١٠Marka laga reebo mid dafa (hadalka) dafid (mar keliya ah) markaasaa waxaa laga daba geeyaa dhinbil ololeysa oo iftiin leh فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٍ لَّازِبِۭ ١١Ee weydii ma iyaga baa abuur adag mise waxaa (kale) ee aan abuurnay?. Hubaal Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo wax ku dhagta بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ ١٢Bal adigu waad la yaabtaa, halka iyagu iska jees-jeesaan وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ ١٣Oo marka la waaniyo, ma waansamaan وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةً يَسۡتَسۡخِرُونَ ١٤Oo marka ay arkaan Calaamo waxay isku dhiirro geliyaan inay ku jees-jeesaan وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٌ مُّبِينٌ ١٥Oo waxay yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxba aan ahayn sixir caddaaan ah أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ ١٦Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ ١٧Ama aabbayaashayadii waa’ hore jiray قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ ١٨Dheh: Haah, idinkoo markaa dulleysan فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٌ وَٰحِدَةٌ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ ١٩Marka waxay ahaan doontaa oo keliya hal Qeylo, mise markaa bay arki doonaan وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ ٢٠Oo waxay odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Tanu waa Maliinta is abaal marinta هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ٢١Tani waa Maalinta kala baxa ee aad beenin jirteen ۞ ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٢٢Soo kulmiya iyagoo dhan kuwii ahaa gar ma qaatayaasha iyo4 shurakadoodii iyo waxa ay caabudi jireenba مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ ٢٣Allaah sokadi, oo u taxaaba jidka Naarta ololeysa وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ ٢٤Oo joojiya, waayo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ ٢٥Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ ٢٦Mayee, Maalintaa way is dhiibi doonaan وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ يَتَسَآءَلُونَ ٢٧Oo waxay ku jeesan doonaan qaarkoodba qaaar iyagoo is su'aalaya قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ ٢٨Waxay odhan: Hubaal waxaad nooga imaan jirteen dhanka midig قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ ٢٩Waxay odhan: Mayee, idinka naf ahaantiinu maydaan aheyn mu’miniin وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمًا طَٰغِينَ ٣٠Oo kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Mayee, waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ ٣١Sidaas awgeed waxaa nagu waajibay Qawlka Rabbigeen, (haatan) hubaal waanu dhadhamin doonnaa (Cadaabta) فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ ٣٢Marka waan idin luminnay6, waayo innaga naf ahaanteenna baa lunsanayn فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٍ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ ٣٣Marka Maalintaas cadaabta bay wadaagi doonaan إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ ٣٤Hubaal sidaas baan ku fallaa Dambiilayaasha إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ ٣٥Hubaal iyaga marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, way iska weyneyn jireen وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجۡنُونِۭ ٣٦Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabayaa waalan بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٣٧Mayee’ wuxuu la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii ( Alle soo diray) إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ ٣٨Hubaal waxaad idinku dhadhamin doontaan cadaabta xanuunka badan وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٣٩Oo la idinkama goyn doono waxaan aheyn waxa aad galabsateen إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٤٠Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada) أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٌ مَّعۡلُومٌ ٤١Kuwaasu waxay leeyihiin risiq la yaqaan فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ ٤٢Midho, oo waxay ahaan doonaan kuwo si heer sare ah loogu maamuuso فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ٤٣Beeraha barwaaqada gudaheeda عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَٰبِلِينَ ٤٤Sariiro sarreeya korkooda iyagoo is qaabilsan fool ka fool يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٍ مِّن مَّعِينِۭ ٤٥Waxaa lagula wareegi doonaa koob (khamri ah) ka soo shubma ilo saafi ah بَيۡضَآءَ لَذَّةٍ لِّلشَّٰرِبِينَ ٤٦Cad, oo u macaan kuwa cabba لَا فِيهَا غَوۡلٌ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ ٤٧Ma ahaan doonto wax dhibaato ah dhexdeeda, mana ahaana doonaan kuwo ku sarkhaamo وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٌ ٤٨Oo waxaa la jirkood ahaan doona kuwa soo laaba araggooda, ee leh indha waasic ah oo aad u qurxoon كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٌ مَّكۡنُونٌ ٤٩La moodo ukummo aad loo dhowray فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ يَتَسَآءَلُونَ ٥٠Waxay qaabili doonaan qaarkoodba qaarka kale, iyagoo wax is weydiinaya قَالَ قَآئِلٌ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ ٥١Midkood hadlaya baa odhan doona; Waxaan hubaal anigu lahaa rafiiq يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ ٥٢Kaasoo yidhi: Ma waxaad dhabtii ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta) أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ ٥٣Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa (naloo soo saari doonaa) abaal marin قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ ٥٤Wuxuu odhan: Miyaad dhuganeysaan فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ ٥٥Markaasuu dhugtay hoos oo ku arkay Naarta bartankeeda قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ ٥٦Wuxuu odhan: Wallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ ٥٧Oo haddii aysan jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan hubaal ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta) أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ ٥٨Ee ma nihin miyaa kuwo dhiman doona إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ ٥٩Waxaan ahayn dhimashadayadii hore? mana layna cadaabi doono إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ٦٠Hubaal (arrin)kani ani waa Liibaanta aad u Weyn لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ ٦١Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan camal falayaashu أَذَٰلِكَ خَيۡرٌ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ ٦٢Ma (arrin)kani (Jannada) baa martiqaad wanaagsan mise geedka Zaquumka إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةً لِّلظَّٰلِمِينَ ٦٣Hubaal Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) gar ma qaatayaasha إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ ٦٤Hubaal waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ ٦٥Miraheeda ka soo baxa la moodo madaxyada shaydaammada فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ ٦٦Hubaal waxay wax ka cuni (geedkaa), oo ka buuxin doonaan caloolahooda ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبًا مِّنۡ حَمِيمٍ ٦٧Markaa waxay hubaal mudan doonaan intaa kaddib inay cabbaan isku dhaf lagu soo dheehay biyo kulul oo karaya ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ ٦٨Markaa hubaal laabashadoodu waxay ahaan doontaa xagga Naarta holaca badan إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ ٦٩Hubaal Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ ٧٠Marka iyagu raad raacooda baa lagu soo dedejiyaa وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٧١Oo dhab ahaan waxaa lumay iyaga hortood badi dadkii hore وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ ٧٢Oo dhab ahaan Waxaan u dirnay digayaal فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ ٧٣Ee fiiri sida ay aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin) إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٧٤Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada) وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٌ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ ٧٥Oo waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, oo maxaynu nahay kuwa u wanaagsan ee ajiiba (baryada) وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ ٧٦Oo waxaan ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (qaraqii) وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ ٧٧Oo waxaan ka dhignay durriyaddiisa badbaadayaasha وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ٧٨Oo Waxaan u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٩Nabad korkiisa ha u ahaato Nuux uunanka dhexdooda إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٨٠Sidaas baan Annagu hubaal u abaal marinnaa sama falayaasha إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٨١Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ٨٢Markaas Waxaan hafinnay intii kale ۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ ٨٣Oo hubaal wuxuu Ibraahiim7 xaqiiq raacay jidkiisa إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٍ سَلِيمٍ ٨٤Marka uu ula yimid Rabbigi qalbi fayow إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ ٨٥Marka uu ku yidhi aabbihi iyo qoladiisii: Waa maxay waxaa aad caabuddaan أَئِفۡكًا ءَالِهَةً دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ ٨٦been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٨٧Muxuu haddaba yahay fikradda aad ka qabtaan Rabbiga uunanka فَنَظَرَ نَظۡرَةً فِي ٱلنُّجُومِ ٨٨Markaas wuxuu fiirshay xagga xiddigaha, isagoo kor eegaya fiiro keliya فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٌ ٨٩Markaasuu wuxuu yidhi: Anigu hubaal waa bukaa فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ ٩٠Markaasay ka jeesteen xaggiisa, iyagoo dib u noqonaya فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ ٩١Markaasuu u daba maray si dhuumaaleysi ah ilaahyadoodii, oo yidhi: Mawaydaan (wax) cuneyn مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ ٩٢Maxaad leedihiin oo aydaan la hadlin فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ ٩٣Markaasuu ku jeestay si dhuumaaleysi ah isagoo ku garaacaya gacanta midig فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ ٩٤Markaasay waxay soo aadeen (dadkii) xaggiisa, iyagoo soo degdegaya قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ ٩٥(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabuddaan waxaad qor-qor jaftaan وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ ٩٦Isaga oo Allaah abuuray idinka iyo waxa aad samaysaanba قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنًا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ ٩٧Waxay yidhaahdeen: U dhisa foorno (dab lagu shido) markaa ku tuura dabkaa ololaya فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدًا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ ٩٨Oo waxay dooneen dagaal ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hoos maray وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ ٩٩Oo wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin doonaa رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١٠٠Rabbiyow! I sii (ubad) ka mid ah wanaagsanayaasha فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٍ ١٠١Markaas baan Waxaan ugu bishaaraynay wiil dul badan فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ ١٠٢Oo, markii uu gaaray inuu la shaqeeyo10, wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Hubaal waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya (qurbaan ahaan), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, haddii Alle idmo, waxaad i heli doontaa mid ka mid ah kuwa samir yeesha فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ ١٠٣Markay labaduba hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco) وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ ١٠٤Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٠٥Waxaad xaqiiq ka run sheegtay oo fulisay riyadii. Hubaal sidaas baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ ١٠٦Hubaal, (arrin)kani wuxuu xaqiiq ahaa imtixaan cad ( oo weyn) وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٍ ١٠٧Oo waxaan (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran) وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ١٠٨Oo Waxaan u dhaafnay ( Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ ١٠٩Nabad korkiisa ha ahaato Ibraahiim كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١١٠Sidaaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١١١Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيًّا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١١٢Oo Waxaan ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٌ وَظَالِمٌ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٌ ١١٣Oo Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah (qaar) fala samaan iyo (sidoo kale) qaar ugu gar darrooda nafahooda si caddaan ah وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ١١٤Oo dhab ahaan Waxaanu ku mannaysannay gallad Muuse iyo Haaruun وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ ١١٥Oo Waxaanu ka badbaadinnay labadoodaba iyo dadkoodii kurbaddii weynayd وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ ١١٦Oo waan u gargaarnay, Sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ ١١٧Oo Waxaanu siinnay labadooduba Kitaab ka yeelay (arrimaha) caddaan وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ ١١٨Oo Waxaanu ku hanuuninnay labadooduba Jidka Toosan وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ١١٩Oo Waxaanu u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ١٢٠Nabad korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٢١Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٢٢Hubaal Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٢٣Oo hubaal, Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ ١٢٤Marka uu ku yidhi tolkiisii, Ma waydaan ka dhowrsanayn (xumaha) أَتَدۡعُونَ بَعۡلًا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ ١٢٥Ma waxaad u dhawaaqataan (oo baridaan) Bacal13 oo ka tagtaan (Allaah ee ah) Kan u wanaagsan abuurayaasha ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٢٦Allaah, waa Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ ١٢٧Wayse beeniyeen, sidaas darteed hubaal waxay ahaan doonaan kuwo la keeno إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ١٢٨Addoomaha Ilaahay ee daacadda ah maahee u keli yeela cibaadada وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ١٢٩Oo Waxaan u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ ١٣٠Nabad korkiisa ha ahaato Ilyaasiin إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٣١Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٣٢Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah وَإِنَّ لُوطًا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٣٣Oo Luud wuxuu hubaal ka mid ahaa Rususha إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ ١٣٤Waa tii aanu badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan إِلَّا عَجُوزًا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ ١٣٥Marka laga reebo habar duq ah (xaas- kiisa oo ka mid ahayd) kuwaa nagaaday ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ١٣٦Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale (ee hartay) وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ ١٣٧Oo waxaad hubaal ag martaan waaberiga وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ١٣٨Iyo habeenkaba, ee mawaydaan haddaba garowsaneyn وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٣٩Oo Yuunus wuxuu hubaal ka mid ahaa Rusushii (la soo diray) إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ ١٤٠Waa tii uu u cararay doonidii buuxday فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ ١٤١Marka wuu la qori tuurtay, wuxuuse ahaa mid ka mid ah kuwaa la reebay فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ ١٤٢Markaas buu nibirigu liqay isagoo falay waxaa uu naftiisa ku canaantay فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ ١٤٣Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwaa na xurmo weyneeya oo na hufa لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ ١٤٤Wuxuu hubaal ku negaan lahaa calooshiisa tan iyo Maalinta Qiyaamaha ۞ فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٌ ١٤٥Markaas baan Waxaan ku soo tuur- nay (xeebta) bannaanka ah isagoo buka وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةً مِّن يَقۡطِينٍ ١٤٦Oo Waxaan u soo bixinnay geed Aredube ah وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ ١٤٧Oo Waxaan u dirnay Boqol kun ama ka badanba فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٍ ١٤٨Oo waa ay rumeeyeen; markaas baan waxaanu siinnay sahay ilaa muddo ah فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ ١٤٩Ee weydii iyaga haddii Rabbigaa leeyahay gabdho, iyaguna leeyihiin wiilal أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثًا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ ١٥٠Mise waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, oo iyagaa ka ahaa goob joog أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ ١٥١Haddaba hubaal waa been abuurkooda inay yidhaahdaan وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ ١٥٢Waa dhal Ilaahay, oo hubaal iyagu waa beenaalayaal أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ ١٥٣Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ ١٥٤Maxaa si idin ka ah, waa sidee sida aad wax u xukuntaan أَفَلَا تَذَكَّرُونَ ١٥٥Ee mawaydaan haddaba garaadsanayn أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٌ مُّبِينٌ ١٥٦Mise waxaad heysataan Xujo Cad فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ١٥٧Haddaba keena Kitaabkiinna haddii aad tihiin run sheegayaal وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبًاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ ١٥٨Oo Waxay yeelaan xigaalo Isaga (Allaah) iyo jinka dhexdooda, oo dhabtii waxay jinku og yihiin in hubaal loo keeni doono (xisaab xil ma leh) سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ ١٥٩Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka nazahan yahay waxa ay tilmaamaan إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ١٦٠Addoomaha Ilaahay maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ ١٦١Marka hubaal idinka iyo waxa aad caabuddaanba (Alle sokadi) مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ ١٦٢Cidna kama fidnayn kartaan Xaggiisa إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ ١٦٣Mid maahee Naarta geli doona وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٌ مَّعۡلُومٌ ١٦٤Oo ma jiro mid naga mid ah aan lahayn meel lagu og yahay وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ ١٦٥Oo hubaal waa innaga (malaa’igta) kuwa u safta safafka siman وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ ١٦٦Oo hubaal waa innaga kuwa xurmo weyneeya oo nazaha (Allaah) وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ ١٦٧Oo hubaal waxay odhan jireen لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرًا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٦٨Haddii aan ka heysan laheyn waano kuwii hore لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ١٦٩Waxaan hubaal ahaan laheyn addoo- maha Ilaahay ee daacadda ah u keli yeela cibaadada فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ١٧٠Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٧١Oo dhab ahaan Kelmaddayadu horay bay u hirgashay xagga addoomahayaga, Rususha إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ ١٧٢In hubaal iyagu yihiin kuwa loo gargaari doono وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ ١٧٣Iyo in hubaal ciidammayadu ay iyaga yihiin kuwa adkaan doona فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٍ ١٧٤Ee isaga jeeso iyaga tan iyo muddo وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ ١٧٥Oo (markaa) arag iyaga, iyaguna sidoo kale way arki doonaan أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ ١٧٦War ma Cadaabtayada bay degdegsanayaan فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ ١٧٧Markase uu ku soo dego ardaagoooda, wax xun buu haddaba ahaan doonaa waa bariga kuwa loo digay وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٍ ١٧٨Oo isaga jeeso iyaga tan iyo muddo وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ ١٧٩Oo (markaa) arag, iyaguna sidoo kale waa ay arki doonaan سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ ١٨٠Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo hufan Rabbigaa, Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxa ay tilmaamaan وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٨١Oo nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Ilaahay) وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٨٢Oo Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka

Translation: Abdullah Hasan Jacob.