Millat al-Islam

Chapter 52 · 49 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah At-Tur in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah At-Tur (1214 reciters)
Meccanسورة الطور49 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلطُّورِ ١Waxaan ku dhaartay Buurta (Siinaay) وَكِتَٰبٍ مَّسۡطُورٍ ٢Iyo Kitaabka qoran فِي رَقٍّ مَّنشُورٍ ٣Ee indhalka ku fidsan وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ ٤Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ ٥Iyo saqafka la kor yeelay (samada) وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ ٦Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda) إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٌ ٧Hubaal, Cadaabta Rabbigaa waa wax dhici doona oo sugan مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٍ ٨Ma jiro wax celin doona يَوۡمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوۡرًا ٩Maalinta marka uu cirku hadba dhinac u wareegi doono وَتَسِيرُ ٱلۡجِبَالُ سَيۡرًا ١٠Oo buuruhu socon doonaan socosho (yaab) leh فَوَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ١١Ee hoog waxaa leh Maalintaas kuwa (Xaqa) diida ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي خَوۡضٍ يَلۡعَبُونَ ١٢Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta يَوۡمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا ١٣Maalinta loogu tuuri doono Naarta si daran oo xoog leh هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ ١٤Tani waa Naartii aad beenin jirteen أَفَسِحۡرٌ هَٰذَآ أَمۡ أَنتُمۡ لَا تُبۡصِرُونَ ١٥Ee ma sixir baa haddaba, mise idinku ma aragtaan ٱصۡلَوۡهَا فَٱصۡبِرُوٓاْ أَوۡ لَا تَصۡبِرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ١٦Gala si aad ugu gubataan, markaa ku sabra ama ha ku sabrina - waa isugu kiin wada mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٍ وَنَعِيمٍ ١٧Hubaal, kuwa ka dhowrsada xumaha waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ وَوَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ ١٨Iyagoo ku raaxeysan waxa uu siiyey Rabbigood, oo Rabbigood Wuxuu ka badbaadshay cadaabta Naarta ololeysa كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ١٩(Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَّصۡفُوفَةٍۖ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٍ ٢٠Waxay ku jiqleysan doonaan sariiro heer sare ahoo la safay. Oo waxaanu u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan) وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱتَّبَعَتۡهُمۡ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَٰنٍ أَلۡحَقۡنَا بِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَمَآ أَلَتۡنَٰهُم مِّنۡ عَمَلِهِم مِّن شَيۡءٍۚ كُلُّ ٱمۡرِيِٕۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ ٢١Oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka,_ waxaanu isu wada keeni doonnaa durriyadooda, oo waxna kama dhimi doonno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mas’uul ka yahay waxa uu kasbado وَأَمۡدَدۡنَٰهُم بِفَٰكِهَةٍ وَلَحۡمٍ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ ٢٢Oo waxaan siin khudrad iyo hilib, kay rabaan يَتَنَٰزَعُونَ فِيهَا كَأۡسًا لَّا لَغۡوٌ فِيهَا وَلَا تَأۡثِيمٌ ٢٣Waxay isu dhiib-dhiibi doonaan galaas (khamro xalaal) ah aan lahaan doonin wax ah laqwi iyo dambi midkoodna ۞ وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ غِلۡمَانٌ لَّهُمۡ كَأَنَّهُمۡ لُؤۡلُؤٌ مَّكۡنُونٌ ٢٤Oo waxaa hareera socon doona wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ يَتَسَآءَلُونَ ٢٥Oo qaarkood waxay qaabili doonaan qaar kale iyagoo is-wareysan قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا قَبۡلُ فِيٓ أَهۡلِنَا مُشۡفِقِينَ ٢٦Waxay odhan: Waxaan ka hor ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadho gelinta Ilaahay) فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ ٢٧Allaah baase noo nicmeeyey, oo naga dhowray cadaabta hanfiga kulul إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلُ نَدۡعُوهُۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡبَرُّ ٱلرَّحِيمُ ٢٨Hubaal Waxaan innagu awal hore baryi jirnay Isagoo (Keliya). Hubaal, waa Isaga Baarriga , Naxariista Badan فَذَكِّرۡ فَمَآ أَنتَ بِنِعۡمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجۡنُونٍ ٢٩Ee waani (Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo ku waalan midna أَمۡ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيۡبَ ٱلۡمَنُونِ ٣٠Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibad waqtiga la iman قُلۡ تَرَبَّصُواْ فَإِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُتَرَبِّصِينَ ٣١Dheh: Suga! Aniguna sidoo kale hubaal waxaan ka mid ahay kuwa wax suga أَمۡ تَأۡمُرُهُمۡ أَحۡلَٰمُهُم بِهَٰذَآۚ أَمۡ هُمۡ قَوۡمٌ طَاغُونَ ٣٢Ma caqliyadooda baa ku amra sidan mise waa qolo qooqan أَمۡ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥۚ بَل لَّا يُؤۡمِنُونَ ٣٣Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay? Mayee! Ma rumeysna فَلۡيَأۡتُواْ بِحَدِيثٍ مِّثۡلِهِۦٓ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ ٣٤Ee ha keenaan war la mid ahi haddii ay yihiin run sheegayaal أَمۡ خُلِقُواْ مِنۡ غَيۡرِ شَيۡءٍ أَمۡ هُمُ ٱلۡخَٰلِقُونَ ٣٥Mise ma waxaa laga abuuray cid la', mise iyagaa ah abuurayashaa أَمۡ خَلَقُواْ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ ٣٦Mise ma waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمۡ هُمُ ٱلۡمُصَۜيۡطِرُونَ ٣٧Mise ma waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan أَمۡ لَهُمۡ سُلَّمٌ يَسۡتَمِعُونَ فِيهِۖ فَلۡيَأۡتِ مُسۡتَمِعُهُم بِسُلۡطَٰنٍ مُّبِينٍ ٣٨Mise ma waxay leeyihiin sallaanno ay wax ku dhegaystaan; ee ha la yimaado dhegaystahoodu xujo cad أَمۡ لَهُ ٱلۡبَنَٰتُ وَلَكُمُ ٱلۡبَنُونَ ٣٩Mise ma wuxuu leeyahay gabdho halka idinku leedihiin wiilal أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرًا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٍ مُّثۡقَلُونَ ٤٠Mise ma waxaad adigu weydiisataa abaalgud, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ ٤١Mise ma waxay hayaan waxa qarsoon aan muuqan ee iyagu qoraan أَمۡ يُرِيدُونَ كَيۡدًاۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هُمُ ٱلۡمَكِيدُونَ ٤٢Mise ma waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda أَمۡ لَهُمۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ٤٣Mise ma waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Xurmoo dhan waxaa iska leh Allaah oo ka nazahan waxa ay la wadaajiyaan (cibaadada) وَإِن يَرَوۡاْ كِسۡفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطًا يَقُولُواْ سَحَابٌ مَّرۡكُومٌ ٤٤Oo haddii ay arki lahaayeen gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7. waxay odhan lahaayeen: Waa daruur is dul saaran فَذَرۡهُمۡ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي فِيهِ يُصۡعَقُونَ ٤٥Ee iskaga tag inta ay la kulmaan Maalintooda ee laga yeeli doono inay la suuxaan (qarracan) يَوۡمَ لَا يُغۡنِي عَنۡهُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـًٔا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ ٤٦Maalinta uusan dabinkoodu waxba u tari doonin oo aan loo gargaari doonin وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٤٧Oo hubaal waxay kuwaa ah gar ma qaatayaasha la kulmi doonaan cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) laakiinse badankoodu ma ay ogsoona وَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعۡيُنِنَاۖ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ ٤٨Ee u sug si samir leh xukunka Rabbigaa, waxaad hubaal tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa marka aad soo kacdoba وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَإِدۡبَٰرَ ٱلنُّجُومِ ٤٩Oo habeenkana huf oo xurmo weynee, iyo marka ay xiddiguhu dhacaanba

Translation: Abdullah Hasan Jacob.