Millat al-Islam

Chapter 50 · 45 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Qaf in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Qaf (1391 reciters)
Meccanسورة ق45 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

قٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡمَجِيدِ ١Qaaf;2 Waxaan ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan بَلۡ عَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنۡهُمۡ فَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا شَيۡءٌ عَجِيبٌ ٢Bal, waxay la yaabban yihiin inuu u yimid dige ka mid ahi iyaga. Oo gaaladu waxay yidhaahdaan: Kanu waa wax la yaab leh أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابًاۖ ذَٰلِكَ رَجۡعُۢ بَعِيدٌ ٣Ma markaan dhimanno oo aan noqonno ciid? Taasu waa soo Noqosho Fog قَدۡ عَلِمۡنَا مَا تَنقُصُ ٱلۡأَرۡضُ مِنۡهُمۡۖ وَعِندَنَا كِتَٰبٌ حَفِيظُۢ ٤Waxaan ognahay dhab ahaan waxa uu dhulku ka dhimo iyaga, oo agtannada wa- xaa ah Kitaab wax walba kooba oo xafidan بَلۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَهُمۡ فِيٓ أَمۡرٍ مَّرِيجٍ ٥Bal waxay beeniyeen Xaqa markii uu u yimid, waxay haddaba ku jiraan xaalad murugsan أَفَلَمۡ يَنظُرُوٓاْ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَوۡقَهُمۡ كَيۡفَ بَنَيۡنَٰهَا وَزَيَّنَّٰهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ ٦Mawaysan haddaba fiirin samada korkooda ah, sida aan u dhisnay oo u qurxinnay, oo ma laha wax duleello ah وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجِۭ بَهِيجٍ ٧Oo dhulka Waxaanu ka yeellay mid fidsan, oo ku sugnay buuro, oo waxaan ka yeelany inay ka soo dhex baxaan dhir qurxoon oo cayn walba leh تَبۡصِرَةً وَذِكۡرَىٰ لِكُلِّ عَبۡدٍ مُّنِيبٍ ٨Oo tusmo iyo waano u ah addoon kasta oo badiya u soo laabashada (Ilaahay) وَنَزَّلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً مُّبَٰرَكًا فَأَنۢبَتۡنَا بِهِۦ جَنَّٰتٍ وَحَبَّ ٱلۡحَصِيدِ ٩Oo Waxaan ka soo dejinnaa daruurta biyo khayr badan, oo ku soo saarnaa beero iyo baad وَٱلنَّخۡلَ بَاسِقَٰتٍ لَّهَا طَلۡعٌ نَّضِيدٌ ١٠Iyo geedo timireed dhaadheer oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran رِّزۡقًا لِّلۡعِبَادِۖ وَأَحۡيَيۡنَا بِهِۦ بَلۡدَةً مَّيۡتًاۚ كَذَٰلِكَ ٱلۡخُرُوجُ ١١Risiq ay leeyihiin addoomaha. Oo waxaan ku nooleynaa dhul dhintay. Sidaas oo kale bay ahaan doontaa soo bixintu كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٍ وَأَصۡحَٰبُ ٱلرَّسِّ وَثَمُودُ ١٢Qolodii Nuux baa beeniyey hortood iyaga4, iyo qoladii ceelka iyo Thamuud وَعَادٌ وَفِرۡعَوۡنُ وَإِخۡوَٰنُ لُوطٍ ١٣Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ وَقَوۡمُ تُبَّعٍۚ كُلٌّ كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ ١٤Iyo reer hawdkii iyo qolodii Tubbac; dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga أَفَعَيِينَا بِٱلۡخَلۡقِ ٱلۡأَوَّلِۚ بَلۡ هُمۡ فِي لَبۡسٍ مِّنۡ خَلۡقٍ جَدِيدٍ ١٥Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ وَنَعۡلَمُ مَا تُوَسۡوِسُ بِهِۦ نَفۡسُهُۥۖ وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنۡ حَبۡلِ ٱلۡوَرِيدِ ١٦Oo dhab ahaan waxaan abuurnay aadmiga, oo waa ognahay waxa ay naftiisu kula hadasho. Oo waxaan uga dhownahay xididka dhuunta إِذۡ يَتَلَقَّى ٱلۡمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٌ ١٧Marka ay labada xilqaade (malaa’igta wax qoreysa) qaadaan xilkooda, iyagoo kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix مَّا يَلۡفِظُ مِن قَوۡلٍ إِلَّا لَدَيۡهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ ١٨Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye u diyaar ah (inuu qoro) وَجَآءَتۡ سَكۡرَةُ ٱلۡمَوۡتِ بِٱلۡحَقِّۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنۡهُ تَحِيدُ ١٩Oo waxay ku iman doontaa sakaraadka mowdka xaq: kaasi waa waxaad ka meermeereysey وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِۚ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡوَعِيدِ ٢٠Oo Buunkaa la afuufi _ taasu waa Maalintii laysu yaboohay وَجَآءَتۡ كُلُّ نَفۡسٍ مَّعَهَا سَآئِقٌ وَشَهِيدٌ ٢١Oo naf walbaa waxay iman doontaa iyadoo uu la socdo mid hoggaaminaya, iyo mid ku markhaati furaya لَّقَدۡ كُنتَ فِي غَفۡلَةٍ مِّنۡ هَٰذَا فَكَشَفۡنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ ٱلۡيَوۡمَ حَدِيدٌ ٢٢Xaqiiq waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay وَقَالَ قَرِينُهُۥ هَٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ ٢٣Oo rafiiqiisu wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah أَلۡقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ ٢٤Ku tuura Naar gaal kastoo xaq diiddo ku madax adeegay مَّنَّاعٍ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ مُّرِيبٍ ٢٥Khayr diide,xadgudbe, shaki qabeen ah ٱلَّذِي جَعَلَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَأَلۡقِيَاهُ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلشَّدِيدِ ٢٦Ee la mid dhigay Allaah, ilaah kale, ee ku tuura cadaab daran ۞ قَالَ قَرِينُهُۥ رَبَّنَا مَآ أَطۡغَيۡتُهُۥ وَلَٰكِن كَانَ فِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٍ ٢٧Rafiiqiisii wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, laakiinse isagaa naf ahaantiisa ku sugnaa habow aad u fog قَالَ لَا تَخۡتَصِمُواْ لَدَيَّ وَقَدۡ قَدَّمۡتُ إِلَيۡكُم بِٱلۡوَعِيدِ ٢٨Wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, oo dhab ahaan waxaan horay idiinku soo diray gooddiga مَا يُبَدَّلُ ٱلۡقَوۡلُ لَدَيَّ وَمَآ أَنَا۠ بِظَلَّٰمٍ لِّلۡعَبِيدِ ٢٩Hadalka iga soo fulaa ma aha mid la beddelo, Oo Anigu ma ahi mid ku gardarrooda Addoomaha يَوۡمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ ٱمۡتَلَأۡتِ وَتَقُولُ هَلۡ مِن مَّزِيدٍ ٣٠Maalinta aan ku odhan Naarta: Ma buuxsantay? Oo waxay odhan: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ غَيۡرَ بَعِيدٍ ٣١Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ ٣٢Kani waa waxa la idin ballan qaaday, Waxaa iska leh mid walboo u soo laabasho badiya (Allaah), dhowra xuduuddiisa مَّنۡ خَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِ وَجَآءَ بِقَلۡبٍ مُّنِيبٍ ٣٣Kan ka cabsada Raxmaanka (Allaah) sir (iyo saaqba) oo la yimaada qalbi toobad keen badan ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٍۖ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡخُلُودِ ٣٤Ku gala nabad (Jannada); taasi waa Maalinta waaridda لَهُم مَّا يَشَآءُونَ فِيهَا وَلَدَيۡنَا مَزِيدٌ ٣٥Waxay ku leeyihiin gudaheeda wixii ay doonaan,_oo waxaan u heynaa weliba wax intaa ka badan (Eegidda Wejiga Ilaahay) وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّن قَرۡنٍ هُمۡ أَشَدُّ مِنۡهُم بَطۡشًا فَنَقَّبُواْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ هَلۡ مِن مَّحِيصٍ ٣٦Oo badanaa inta fac aan rognay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ee ma jirtaa meel la magan galo إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكۡرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُۥ قَلۡبٌ أَوۡ أَلۡقَى ٱلسَّمۡعَ وَهُوَ شَهِيدٌ ٣٧Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٍ ٣٨Oo dhab ahaan Waxaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood oo nama soo gaarin wax daal ah فَٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ قَبۡلَ طُلُوعِ ٱلشَّمۡسِ وَقَبۡلَ ٱلۡغُرُوبِ ٣٩Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor inta aanay dhicin وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَأَدۡبَٰرَ ٱلسُّجُودِ ٤٠Oo habeenka in ka mid ah ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow وَٱسۡتَمِعۡ يَوۡمَ يُنَادِ ٱلۡمُنَادِ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ ٤١Oo Dhageyso Maalinta marka uu dhawaaquhu ka dhawaaqi doono meel dhow يَوۡمَ يَسۡمَعُونَ ٱلصَّيۡحَةَ بِٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكَ يَوۡمُ ٱلۡخُرُوجِ ٤٢Maalinta ay maqli doonaan qaylo si Xaq ah, taasu waa Maalinta soo bixinta إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَإِلَيۡنَا ٱلۡمَصِيرُ ٤٣Hubaal Waxaanu bixinnaa nolol oo sababnaa dhimasho; oo waa Xaggayaga halka loo soo laabmi يَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلۡأَرۡضُ عَنۡهُمۡ سِرَاعًاۚ ذَٰلِكَ حَشۡرٌ عَلَيۡنَا يَسِيرٌ ٤٤Maalinta uu dhulku ka dillaaci doono gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi doonaan, kaasu waa soo kulmin noo fudud نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَقُولُونَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِجَبَّارٍۖ فَذَكِّرۡ بِٱلۡقُرۡءَانِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ ٤٥Annaga baa aad u ogsoon waxa ay leeyihiin; oo adigu ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka, kan ka cabsada Gooddigayga

Translation: Abdullah Hasan Jacob.