Millat al-Islam

Chapter 85 · 22 verses · Mahmud Muhammad Abduh

Surah Al-Burooj in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Burooj (1318 reciters)
Meccanسورة البروج22 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ ١Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda) وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ ٢Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada) وَشَاهِدٍ وَمَشۡهُودٍ ٣Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ ٤Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo) ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ ٥Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٌ ٦Gaaladiina ay korfadiyeen Godka وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٌ ٧iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah» وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ ٨Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ شَهِيدٌ ٩Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ ١٠Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٌ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ ١١Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ ١٢Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ ١٣Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ ١٤Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca) ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ ١٥Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ ١٦Wuuna falaa wuxuu doono هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ ١٧Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii) فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ ١٨Fircoon iyo Thamuud بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٍ ١٩Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa) وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ ٢٠Eebana waa koobay (kamana baxsadaan) بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٌ مَّجِيدٌ ٢١Waase Quraan sharaf leh فِي لَوۡحٍ مَّحۡفُوظِۭ ٢٢Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka)

Translation: Mahmud Muhammad Abduh.