بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
ٱلۡحَآقَّةُ ١Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan) مَا ٱلۡحَآقَّةُ ٢Xaaqo maxay tahay وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحَآقَّةُ ٣inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada كَذَّبَتۡ ثَمُودُ وَعَادُۢ بِٱلۡقَارِعَةِ ٤Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهۡلِكُواْ بِٱلطَّاغِيَةِ ٥Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran وَأَمَّا عَادٌ فَأُهۡلِكُواْ بِرِيحٍ صَرۡصَرٍ عَاتِيَةٍ ٦Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow سَخَّرَهَا عَلَيۡهِمۡ سَبۡعَ لَيَالٍ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًاۖ فَتَرَى ٱلۡقَوۡمَ فِيهَا صَرۡعَىٰ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ خَاوِيَةٍ ٧oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay) فَهَلۡ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ ٨wax ka hadhay miyaad aragtaa وَجَآءَ فِرۡعَوۡنُ وَمَن قَبۡلَهُۥ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتُ بِٱلۡخَاطِئَةِ ٩Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi) فَعَصَوۡاْ رَسُولَ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَهُمۡ أَخۡذَةً رَّابِيَةً ١٠Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلۡمَآءُ حَمَلۡنَٰكُمۡ فِي ٱلۡجَارِيَةِ ١١Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii لِنَجۡعَلَهَا لَكُمۡ تَذۡكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ ١٢si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ نَفۡخَةٌ وَٰحِدَةٌ ١٣Marka Suurka la afuufo hal mar وَحُمِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً ١٤Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar فَيَوۡمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ ١٥Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِيَ يَوۡمَئِذٍ وَاهِيَةٌ ١٦Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan وَٱلۡمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرۡجَآئِهَاۚ وَيَحۡمِلُ عَرۡشَ رَبِّكَ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَئِذٍ ثَمَٰنِيَةٌ ١٧Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag يَوۡمَئِذٍ تُعۡرَضُونَ لَا تَخۡفَىٰ مِنكُمۡ خَافِيَةٌ ١٨Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقۡرَءُواْ كِتَٰبِيَهۡ ١٩Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَٰقٍ حِسَابِيَهۡ ٢٠Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ ٢١wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ ٢٢Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ ٢٣Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran) كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَآ أَسۡلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡأَيَّامِ ٱلۡخَالِيَةِ ٢٤Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii) وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُوتَ كِتَٰبِيَهۡ ٢٥Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga وَلَمۡ أَدۡرِ مَا حِسَابِيَهۡ ٢٦Xisaabtaydana maanan ogaanin يَٰلَيۡتَهَا كَانَتِ ٱلۡقَاضِيَةَ ٢٧Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday مَآ أَغۡنَىٰ عَنِّي مَالِيَهۡۜ ٢٨Xoolahaygi wax iima tarin هَلَكَ عَنِّي سُلۡطَٰنِيَهۡ ٢٩Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii) خُذُوهُ فَغُلُّوهُ ٣٠Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira ثُمَّ ٱلۡجَحِيمَ صَلُّوهُ ٣١Naarta Jahannamada geliya ثُمَّ فِي سِلۡسِلَةٍ ذَرۡعُهَا سَبۡعُونَ ذِرَاعًا فَٱسۡلُكُوهُ ٣٢Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ ٱلۡعَظِيمِ ٣٣maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ ٣٤aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo فَلَيۡسَ لَهُ ٱلۡيَوۡمَ هَٰهُنَا حَمِيمٌ ٣٥Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنۡ غِسۡلِينٍ ٣٦Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka» لَّا يَأۡكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡخَٰطِـُٔونَ ٣٧Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada) فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَا تُبۡصِرُونَ ٣٨Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah) وَمَا لَا تُبۡصِرُونَ ٣٩iyo waxaydaan arkayninba إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ٤٠ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَاعِرٍۚ قَلِيلًا مَّا تُؤۡمِنُونَ ٤١Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa) وَلَا بِقَوۡلِ كَاهِنٍۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ ٤٢Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٣(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka وَلَوۡ تَقَوَّلَ عَلَيۡنَا بَعۡضَ ٱلۡأَقَاوِيلِ ٤٤Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed) لَأَخَذۡنَا مِنۡهُ بِٱلۡيَمِينِ ٤٥Waxaanu ku qaban gacan adag ثُمَّ لَقَطَعۡنَا مِنۡهُ ٱلۡوَتِينَ ٤٦Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha فَمَا مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ عَنۡهُ حَٰجِزِينَ ٤٧Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro وَإِنَّهُۥ لَتَذۡكِرَةٌ لِّلۡمُتَّقِينَ ٤٨Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada وَإِنَّا لَنَعۡلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ ٤٩Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka) وَإِنَّهُۥ لَحَسۡرَةٌ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٥٠Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame) وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلۡيَقِينِ ٥١Qur'aanka waa run dhab ah فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ ٥٢Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn