Millat al-Islam

Chapter 77 · 50 verses · Mahmud Muhammad Abduh

Surah Al-Mursalat in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Mursalat (1212 reciters)

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلۡمُرۡسَلَٰتِ عُرۡفًا ١Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro فَٱلۡعَٰصِفَٰتِ عَصۡفًا ٢iyo Dabaysha sida daran u dhabata وَٱلنَّٰشِرَٰتِ نَشۡرًا ٣Iyo Dabaysha roobka kicisa فَٱلۡفَٰرِقَٰتِ فَرۡقًا ٤Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa فَٱلۡمُلۡقِيَٰتِ ذِكۡرًا ٥iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa عُذۡرًا أَوۡ نُذۡرًا ٦Si Dadka loo waaniyo looguna digo إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٌ ٧Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتۡ ٨Markase xiddiguhu Nuurku ka tago وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتۡ ٩Oo samadu Dildillaacdo وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ نُسِفَتۡ ١٠Oo Buuraha la Rujiyo وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتۡ ١١Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii) لِأَيِّ يَوۡمٍ أُجِّلَتۡ ١٢Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed لِيَوۡمِ ٱلۡفَصۡلِ ١٣In dadka la kala Bixiyo Dartiis وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ١٤Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ١٥Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay أَلَمۡ نُهۡلِكِ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٦Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore ثُمَّ نُتۡبِعُهُمُ ٱلۡأٓخِرِينَ ١٧Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ ١٨Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ١٩Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya أَلَمۡ نَخۡلُقكُّم مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ ٢٠Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar فَجَعَلۡنَٰهُ فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ ٢١Markaasna yeellay meel ilaashan إِلَىٰ قَدَرٍ مَّعۡلُومٍ ٢٢Tan iyo Muddo la yaqaanno فَقَدَرۡنَا فَنِعۡمَ ٱلۡقَٰدِرُونَ ٢٣Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٢٤Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya أَلَمۡ نَجۡعَلِ ٱلۡأَرۡضَ كِفَاتًا ٢٥Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade أَحۡيَآءً وَأَمۡوَٰتًا ٢٦Nolol iyo Geeriba وَجَعَلۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ شَٰمِخَٰتٍ وَأَسۡقَيۡنَٰكُم مَّآءً فُرَاتًا ٢٧Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٢٨Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay ٱنطَلِقُوٓاْ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ٢٩Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen ٱنطَلِقُوٓاْ إِلَىٰ ظِلٍّ ذِي ثَلَٰثِ شُعَبٍ ٣٠Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah لَّا ظَلِيلٍ وَلَا يُغۡنِي مِنَ ٱللَّهَبِ ٣١Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn إِنَّهَا تَرۡمِي بِشَرَرٍ كَٱلۡقَصۡرِ ٣٢Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar كَأَنَّهُۥ جِمَٰلَتٌ صُفۡرٌ ٣٣Ama aad Mooddo geel madaw ah وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٣٤Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay هَٰذَا يَوۡمُ لَا يَنطِقُونَ ٣٥Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku وَلَا يُؤۡذَنُ لَهُمۡ فَيَعۡتَذِرُونَ ٣٦Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٣٧Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِۖ جَمَعۡنَٰكُمۡ وَٱلۡأَوَّلِينَ ٣٨Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba فَإِن كَانَ لَكُمۡ كَيۡدٌ فَكِيدُونِ ٣٩Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٤٠Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي ظِلَٰلٍ وَعُيُونٍ ٤١Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo وَفَوَٰكِهَ مِمَّا يَشۡتَهُونَ ٤٢(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٤٣Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٤٤Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٤٥Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya كُلُواْ وَتَمَتَّعُواْ قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجۡرِمُونَ ٤٦(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٤٧Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرۡكَعُواْ لَا يَرۡكَعُونَ ٤٨Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ٤٩Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya فَبِأَيِّ حَدِيثِۭ بَعۡدَهُۥ يُؤۡمِنُونَ ٥٠Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan

Translation: Mahmud Muhammad Abduh.