بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
إِذَا وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ ١Markay Qiyaamadu dhacdo لَيۡسَ لِوَقۡعَتِهَا كَاذِبَةٌ ٢Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan) خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ ٣Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah إِذَا رُجَّتِ ٱلۡأَرۡضُ رَجًّا ٤Marka la gilgilo Dhulka gilgilid وَبُسَّتِ ٱلۡجِبَالُ بَسًّا ٥Buurahana la riqdo فَكَانَتۡ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا ٦Oy noqoto boodh Firdhisan وَكُنتُمۡ أَزۡوَٰجًا ثَلَٰثَةً ٧Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin) فَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ ٨Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ ٩Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari وَٱلسَّٰبِقُونَ ٱلسَّٰبِقُونَ ١٠Iyo kuwii aad u hormaray أُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡمُقَرَّبُونَ ١١Waa kuwa Eebe dhaweeyay فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ١٢Waxayna gali Jannooyin Nicma leh ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣Waana Koox ka mid ah kuwii hore وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ ١٤Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوۡضُونَةٍ ١٥Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيۡهَا مُتَقَٰبِلِينَ ١٦Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili يَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ ١٧Waxaa la dhex wareegi wiilal waari بِأَكۡوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأۡسٍ مِّن مَّعِينٍ ١٨Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda لَّا يُصَدَّعُونَ عَنۡهَا وَلَا يُنزِفُونَ ١٩Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh وَفَٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ ٢٠Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli وَلَحۡمِ طَيۡرٍ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ ٢١Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah وَحُورٌ عِينٌ ٢٢Iyo Haween Janno oo Indha cadcad كَأَمۡثَٰلِ ٱللُّؤۡلُوِٕ ٱلۡمَكۡنُونِ ٢٣Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٢٤Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa) لَا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوًا وَلَا تَأۡثِيمًا ٢٥Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna إِلَّا قِيلًا سَلَٰمًا سَلَٰمًا ٢٦Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah) وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ ٢٧Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta فِي سِدۡرٍ مَّخۡضُودٍ ٢٨Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn وَطَلۡحٍ مَّنضُودٍ ٢٩Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa وَظِلٍّ مَّمۡدُودٍ ٣٠Iyo Hoos joogta ah وَمَآءٍ مَّسۡكُوبٍ ٣١Iyo Biyo socda (goor walba) وَفَٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ ٣٢Iyo Faakiha badan لَّا مَقۡطُوعَةٍ وَلَا مَمۡنُوعَةٍ ٣٣Oon la goynaynin lana reebaynin وَفُرُشٍ مَّرۡفُوعَةٍ ٣٤Iyo Gogol la koryeelay إِنَّآ أَنشَأۡنَٰهُنَّ إِنشَآءً ٣٥Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada) فَجَعَلۡنَٰهُنَّ أَبۡكَارًا ٣٦Kana dhigi kuwa aan la taaban عُرُبًا أَتۡرَابًا ٣٧Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna لِّأَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ ٣٨Liwa Midigta yaa muta (arrintaas) ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ ٣٩Waana Koox kuwii hore ka mid ah وَثُلَّةٌ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ ٤٠Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah وَأَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ ٤١Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda فِي سَمُومٍ وَحَمِيمٍ ٤٢Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan وَظِلٍّ مِّن يَحۡمُومٍ ٤٣Iyo hoos madow oo wax guba لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ ٤٤Aan qaboobayn aragna fiicnayn إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُتۡرَفِينَ ٤٥Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta) وَكَانُواْ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلۡحِنثِ ٱلۡعَظِيمِ ٤٦Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn وَكَانُواْ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ ٤٧Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ ٤٨Ama Aabayaalkannagii horeeyay قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَوَّلِينَ وَٱلۡأٓخِرِينَ ٤٩Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba لَمَجۡمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَٰتِ يَوۡمٍ مَّعۡلُومٍ ٥٠Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo) ثُمَّ إِنَّكُمۡ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلۡمُكَذِّبُونَ ٥١Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah لَأٓكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ ٥٢Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ ٥٣Aad kana buuxinaysaan Caloosha فَشَٰرِبُونَ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡحَمِيمِ ٥٤Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan فَشَٰرِبُونَ شُرۡبَ ٱلۡهِيمِ ٥٥Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman هَٰذَا نُزُلُهُمۡ يَوۡمَ ٱلدِّينِ ٥٦Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada) نَحۡنُ خَلَقۡنَٰكُمۡ فَلَوۡلَا تُصَدِّقُونَ ٥٧(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta) أَفَرَءَيۡتُم مَّا تُمۡنُونَ ٥٨Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida» ءَأَنتُمۡ تَخۡلُقُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡخَٰلِقُونَ ٥٩Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra نَحۡنُ قَدَّرۡنَا بَيۡنَكُمُ ٱلۡمَوۡتَ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ ٦٠Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمۡثَٰلَكُمۡ وَنُنشِئَكُمۡ فِي مَا لَا تَعۡلَمُونَ ٦١Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ ٦٢Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ ٦٣Ka warrama waxaad beereysaan ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّٰرِعُونَ ٦٤Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمًا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ ٦٥Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan) إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ ٦٦(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ ٦٧Mase waa nala hoojiyay أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ ٦٨Ka warrama Biyahaad cabbaysaan ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ ٦٩Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجًا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ ٧٠Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe) أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي تُورُونَ ٧١Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan ءَأَنتُمۡ أَنشَأۡتُمۡ شَجَرَتَهَآ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنشِـُٔونَ ٧٢Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay نَحۡنُ جَعَلۡنَٰهَا تَذۡكِرَةً وَمَتَٰعًا لِّلۡمُقۡوِينَ ٧٣Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada) فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ ٧٤Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn ۞ فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ ٧٥(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan) وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٌ لَّوۡ تَعۡلَمُونَ عَظِيمٌ ٧٦Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine إِنَّهُۥ لَقُرۡءَانٌ كَرِيمٌ ٧٧Quraanku waa shay sharaf leh فِي كِتَٰبٍ مَّكۡنُونٍ ٧٨Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُطَهَّرُونَ ٧٩Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٨٠Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka أَفَبِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَنتُم مُّدۡهِنُونَ ٨١Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan وَتَجۡعَلُونَ رِزۡقَكُمۡ أَنَّكُمۡ تُكَذِّبُونَ ٨٢Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa) فَلَوۡلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلۡحُلۡقُومَ ٨٣Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho وَأَنتُمۡ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ ٨٤Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman) وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُبۡصِرُونَ ٨٥Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin فَلَوۡلَآ إِن كُنتُمۡ غَيۡرَ مَدِينِينَ ٨٦Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin تَرۡجِعُونَهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٨٧Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ ٨٨Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay فَرَوۡحٌ وَرَيۡحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ ٨٩Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ ٩٠Hadduu yahay kuwa Midigta marina فَسَلَٰمٌ لَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ ٩١Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag) وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ ٩٢Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna فَنُزُلٌ مِّنۡ حَمِيمٍ ٩٣Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan وَتَصۡلِيَةُ جَحِيمٍ ٩٤Iyo galidda Naarta Jaxiimo إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلۡيَقِينِ ٩٥Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ ٩٦Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn