بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرۡوًا ١Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) ku fida meel fog oo ballaaran فَٱلۡحَٰمِلَٰتِ وِقۡرًا ٢Haddana (duruurahaa) xambaarsan culayska (roobka) فَٱلۡجَٰرِيَٰتِ يُسۡرًا ٣Haddana (doon)yahaa sida fudud u socda فَٱلۡمُقَسِّمَٰتِ أَمۡرًا ٤Haddana kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ ٥Waxa la idiinku gooddiyey hubaal waa xaqiiq dhab ah وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٌ ٦Oo xaqiiq abaal marintu waa la hubaa inay dhaceyso وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡحُبُكِ ٧Waxaan ku dhaartay samada waddooyinka badan leh إِنَّكُمۡ لَفِي قَوۡلٍ مُّخۡتَلِفٍ ٨Hubaal waxaad idinku kaga sugan tihiin hadal kala duwan يُؤۡفَكُ عَنۡهُ مَنۡ أُفِكَ ٩Waxaa laga duwaa kan isaga iska duwa قُتِلَ ٱلۡخَرَّٰصُونَ ١٠Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي غَمۡرَةٍ سَاهُونَ ١١Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan يَسۡـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلدِّينِ ١٢Waxay weydiiyaan: Waa goorma Maalinta Abaal marintu يَوۡمَ هُمۡ عَلَى ٱلنَّارِ يُفۡتَنُونَ ١٣Waa Maalin Naarta lagu jarribi doono ذُوقُواْ فِتۡنَتَكُمۡ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ ١٤Dhadhamiya caddibiddiina. Kanu waa waxaad degdegsanayseen إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ١٥Hubaal, Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan doonaan Beero iyo ilo ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُحۡسِنِينَ ١٦Iyagoo qaadanaya waxa uu Rabbigood siiyey. Hubaal waxay ahaayeen ka hor (arrin)kaasi sama falayaal كَانُواْ قَلِيلًا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مَا يَهۡجَعُونَ ١٧Waxay seexan jireen in yar habeenkii وَبِٱلۡأَسۡحَارِ هُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ ١٨Oo waqtiyada suxuurta waxay weydiisanayeen dambi dhaaf وَفِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقٌّ لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ ١٩Oo maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan وَفِي ٱلۡأَرۡضِ ءَايَٰتٌ لِّلۡمُوقِنِينَ ٢٠Oo dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh yaqiin وَفِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ ٢١Iyo nafahiinna (sidoo kale), ee mawaydaan haddaba arkeyn وَفِي ٱلسَّمَآءِ رِزۡقُكُمۡ وَمَا تُوعَدُونَ ٢٢Oo samada bay jirtaa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِنَّهُۥ لَحَقٌّ مِّثۡلَ مَآ أَنَّكُمۡ تَنطِقُونَ ٢٣Ee waa igu Rabbiga samada iyo arlada, waa la hubaayoo Xaq weeye, sida aad u hadashaanba هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ ٢٤Ma kuu yimid warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمًاۖ قَالَ سَلَٰمٌ قَوۡمٌ مُّنكَرُونَ ٢٥Waa tii ay u soo galeen, oo yidhaahdeen: waa nabad, wuxuu yidhi: nabad. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجۡلٍ سَمِينٍ ٢٦Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيۡهِمۡ قَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ ٢٧Oo u soo dhoweeyey (isagoo leh): Mawaydaan cunayn فَأَوۡجَسَ مِنۡهُمۡ خِيفَةًۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٍ ٢٨Markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan, oo waxay ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh فَأَقۡبَلَتِ ٱمۡرَأَتُهُۥ فِي صَرَّةٍ فَصَكَّتۡ وَجۡهَهَا وَقَالَتۡ عَجُوزٌ عَقِيمٌ ٢٩Markaas bay soo aadday haweeneydiisii iyadoo yaabban, oo iska dharbaaxday wejigeeda, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday قَالُواْ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡعَلِيمُ ٣٠Waxay yidhaahdeen: Sidaas buu leeyahay Rabbigaa. Hubaal, waa Isaga Xakiimka ,Wax kasta Ogaha ah
۞ قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٣١Wuxuu yidhi: Muxuu haddaba xaalkiinnu yahay kuwayahow la soo diray قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٍ مُّجۡرِمِينَ ٣٢Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah لِنُرۡسِلَ عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةً مِّن طِينٍ ٣٣Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo ah مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلۡمُسۡرِفِينَ ٣٤Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha فَأَخۡرَجۡنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٣٥Markaas baan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah فَمَا وَجَدۡنَا فِيهَا غَيۡرَ بَيۡتٍ مِّنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ٣٦Kamase aanu helin gudaheeda wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah وَتَرَكۡنَا فِيهَآ ءَايَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ ٣٧Oo waxaan uga tagnay halkaa Calaamo5 kuwa ka cabsada cadaabta xanuunka badan وَفِي مُوسَىٰٓ إِذۡ أَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ بِسُلۡطَٰنٍ مُّبِينٍ ٣٨Oo Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad فَتَوَلَّىٰ بِرُكۡنِهِۦ وَقَالَ سَٰحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٌ ٣٩Wuuse jeestay isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: Waa saaxir ama nin waalan فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ ٤٠Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan وَفِي عَادٍ إِذۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلۡعَقِيمَ ٤١Oo Caad (waxaa ku sugan calaamo), markaan ku dirnay dabayl wax halaagta مَا تَذَرُ مِن شَيۡءٍ أَتَتۡ عَلَيۡهِ إِلَّا جَعَلَتۡهُ كَٱلرَّمِيمِ ٤٢Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale وَفِي ثَمُودَ إِذۡ قِيلَ لَهُمۡ تَمَتَّعُواْ حَتَّىٰ حِينٍ ٤٣Oo Thamuud (calaamaa ku sugan), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah فَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَهُمۡ يَنظُرُونَ ٤٤Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُواْ مُنتَصِرِينَ ٤٥Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin وَقَوۡمَ نُوحٍ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمًا فَٰسِقِينَ ٤٦Oo qolodii Nuux iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo), hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah وَٱلسَّمَآءَ بَنَيۡنَٰهَا بِأَيۡيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ ٤٧Oo samada waxaan ku dhisnay awood Oo hubaal waa Annaga kuwa waasiciya وَٱلۡأَرۡضَ فَرَشۡنَٰهَا فَنِعۡمَ ٱلۡمَٰهِدُونَ ٤٨Oo arlada Waxaanu ka yeellay gogol fidsan, Ee fiicanaa haddaba diyaariyuhu وَمِن كُلِّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَا زَوۡجَيۡنِ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ ٤٩Oo wax walba Waxaan ka abuurnay lammaan, si aad u waano qaadataan فَفِرُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ ٥٠Ee u carara xagga7 Allaah, hubaal waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa وَلَا تَجۡعَلُواْ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۖ إِنِّي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ ٥١Oo ha u yeelina Allaah, Ilaah kale oo la dhig ah. Hubaal Waxaan idiin ahay diga cad ka yimid Xaggiisa كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُواْ سَاحِرٌ أَوۡ مَجۡنُونٌ ٥٢Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa Saaxir, ama nin waalan أَتَوَاصَوۡاْ بِهِۦۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٌ طَاغُونَ ٥٣Miyey iskula dardaarmeen arrintani8? Mayee’ waa qolo xadgudub badan فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٍ ٥٤Ee iskaga jeeso iyaga, kaama saarna eed وَذَكِّرۡ فَإِنَّ ٱلذِّكۡرَىٰ تَنفَعُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٥٥Oo wad waanada waxay runtii waanadu anfacdaa mu’miniinta وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ ٥٦Oo uma aanu abuurin Jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan مَآ أُرِيدُ مِنۡهُم مِّن رِّزۡقٍ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطۡعِمُونِ ٥٧Kama doonayo wax risiq ah oo kama doonayo inay i quudiyaan إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلۡقُوَّةِ ٱلۡمَتِينُ ٥٨Hubaal, waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoog Badnaha ah فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذَنُوبًا مِّثۡلَ ذَنُوبِ أَصۡحَٰبِهِمۡ فَلَا يَسۡتَعۡجِلُونِ ٥٩Oo hubaal kuwa gar ma qaatayaasha ah waxay la kulmi doonaan saami la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo فَوَيۡلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن يَوۡمِهِمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ ٦٠Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida, kaasoo kaga iman doona Maalintoodaasi loogu gooddiyey