بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَنفَالِۖ قُلِ ٱلۡأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَصۡلِحُواْ ذَاتَ بَيۡنِكُمۡۖ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ١Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa iska leh Allaah iyo Rasuulka. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaafaadkiinna ah, oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, haddii aad tihiin mu’miniin إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَإِذَا تُلِيَتۡ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُهُۥ زَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنًا وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ ٢Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu marka la xuso Allaah, oo marka Aayadahiisa loo akhriyo ay u kordhiyaan Iimaan; oo Rabbigood (Keliya) isku halleeya ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ ٣Kuwa hagaajiya salaadda oo waxa aan siinnay wax (fiican) ka bixiya أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقًّاۚ لَّهُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَمَغۡفِرَةٌ وَرِزۡقٌ كَرِيمٌ ٤Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku mudan darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo dambi dhaaf iyo risiq aad u wanaagsan كَمَآ أَخۡرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيۡتِكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقًا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لَكَٰرِهُونَ ٥Weliba sida uu Rabbigaa kaaga bixiyey gurigaaga si xaq ah, inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay hubaal kahanayeen يُجَٰدِلُونَكَ فِي ٱلۡحَقِّ بَعۡدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلۡمَوۡتِ وَهُمۡ يَنظُرُونَ ٦Waxay kaala doodeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, ( oo waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya وَإِذۡ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحۡدَى ٱلطَّآئِفَتَيۡنِ أَنَّهَا لَكُمۡ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيۡرَ ذَاتِ ٱلشَّوۡكَةِ تَكُونُ لَكُمۡ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَيَقۡطَعَ دَابِرَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٧Oo waa tii uu Allaah idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood inaad heli doontaan, oo waxaad jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, oo Allaah wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo cidhib tiro gaalada لِيُحِقَّ ٱلۡحَقَّ وَيُبۡطِلَ ٱلۡبَٰطِلَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٨Si uu u sugo Xaqa, oo u buriyo baadilka haba nacbeystaan dambiilayaasha’e إِذۡ تَسۡتَغِيثُونَ رَبَّكُمۡ فَٱسۡتَجَابَ لَكُمۡ أَنِّي مُمِدُّكُم بِأَلۡفٍ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُرۡدِفِينَ ٩Waa tii aad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ وَلِتَطۡمَئِنَّ بِهِۦ قُلُوبُكُمۡۚ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ١٠Oo Allaah kama yeelin waxaan ahayn war san aad ku faraxdaan, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah إِذۡ يُغَشِّيكُمُ ٱلنُّعَاسَ أَمَنَةً مِّنۡهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً لِّيُطَهِّرَكُم بِهِۦ وَيُذۡهِبَ عَنكُمۡ رِجۡزَ ٱلشَّيۡطَٰنِ وَلِيَرۡبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمۡ وَيُثَبِّتَ بِهِ ٱلۡأَقۡدَامَ ١١Waa tii uu sababay inay degganaanasho idinku soo degto, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idinkaga soo dejiyey biyo xagga daruurta, si uu idiinkugu daahiriyo oo idiinkaga bi’iyo waswaaska Shaydaanka, iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha إِذۡ يُوحِي رَبُّكَ إِلَى ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ أَنِّي مَعَكُمۡ فَثَبِّتُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ سَأُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ فَٱضۡرِبُواْ فَوۡقَ ٱلۡأَعۡنَاقِ وَٱضۡرِبُواْ مِنۡهُمۡ كُلَّ بَنَانٍ ١٢Waa tii uu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeysan. Waxaan ku tuuri doonaa argagax quluubta kuwa gaalada ah, ee ku dhufta luqumaha korkooda, oo ku dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ شَآقُّواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَمَن يُشَاقِقِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ١٣Arrinkani waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo qofkii colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal, Allaah ciqaabtiisu aad bay u daran tahay ذَٰلِكُمۡ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابَ ٱلنَّارِ ١٤(Arrin)kan--- bal dhadhamiya, oo (ogow) in gaaladu leeyihiin cadaab dab ah يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ زَحۡفًا فَلَا تُوَلُّوهُمُ ٱلۡأَدۡبَارَ ١٥Mu’miniintoy! Marka aad la kulantaan gaalada oo duullaan ah dagaal dooni. Markaa ha u jeedininna dhabarrada وَمَن يُوَلِّهِمۡ يَوۡمَئِذٍ دُبُرَهُۥٓ إِلَّا مُتَحَرِّفًا لِّقِتَالٍ أَوۡ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٍ فَقَدۡ بَآءَ بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأۡوَىٰهُ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ ١٦Oo qofkii u jeediya dhabarkiisa maalintaa _ inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay), _ wuxuu xaqiiq ku mudan taasi Cadho ah xagga Ilaahay, oo hoygiisu waa Naar, oo iyadaa u xun meel la ahaado فَلَمۡ تَقۡتُلُوهُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ قَتَلَهُمۡۚ وَمَا رَمَيۡتَ إِذۡ رَمَيۡتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ رَمَىٰ وَلِيُبۡلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡهُ بَلَآءً حَسَنًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ١٧Haddaba ma aydaan layn idinkuye, laakiinse Allaah baa laayey. Oo adigu ma aad tuurin4 markaad tuurtay (cadowga), laakiinse wuxuu ahaa Allaah Kan tuuray, oo waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Ogsoon ذَٰلِكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُوهِنُ كَيۡدِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ١٨Arrinkan (waa fal Ilaahay) oo weliba Allaah waa licifiyaha halganka gaalada إِن تَسۡتَفۡتِحُواْ فَقَدۡ جَآءَكُمُ ٱلۡفَتۡحُۖ وَإِن تَنتَهُواْ فَهُوَ خَيۡرٌ لَّكُمۡۖ وَإِن تَعُودُواْ نَعُدۡ وَلَن تُغۡنِيَ عَنكُمۡ فِئَتُكُمۡ شَيۡـًٔا وَلَوۡ كَثُرَتۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٩Haddii aad dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka xaqiiq waa idiin yimid oo haddii aad joojisaan (colaadda), waa sida idiin khayr badan, oo haddii aad ku noqotaan (dagaalka) annagana sidoo kale waan soo rogaal celin doonnaa. Oo ciidamadiinnu waxba idiin ma tari doonaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, oo (ogaada) in Allaah uu la jiro mu’mimiinta يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَأَنتُمۡ تَسۡمَعُونَ ٢٠Mu’miniintoy! Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ ٢١Oo ha noqonnina sida kuwii yidhi: Waan maqlaynaa, oo aan waxba maqlin ۞ إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلصُّمُّ ٱلۡبُكۡمُ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ ٢٢Hubaal, noole waxaa ugu liita Allaah agtii kuwa (ka) dhega la’(xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn وَلَوۡ عَلِمَ ٱللَّهُ فِيهِمۡ خَيۡرًا لَّأَسۡمَعَهُمۡۖ وَلَوۡ أَسۡمَعَهُمۡ لَتَوَلَّواْ وَّهُم مُّعۡرِضُونَ ٢٣Oo haddii Allaah uu ku og yahay wax khayr ah, wuxuu ka yeeli lahaa inay maqlaan, oo hadduu ka yeeli lahaa inay wax maqlaan, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَجِيبُواْ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمۡ لِمَا يُحۡيِيكُمۡۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَقَلۡبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ ٢٤Mu’miniintoy! Ajiiba (baaqa) Ilaahay iyo Rasuul (kiisa) marka uu idiinku yeedho wax idin nooleeya5, oo ogaada inuu Allaah kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin doono وَٱتَّقُواْ فِتۡنَةً لَّا تُصِيبَنَّ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنكُمۡ خَآصَّةًۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٢٥Oo iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee xumaha fala6; oo ogaada in Allaah ay Daran tahay Ciqaabtiisu وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ أَنتُمۡ قَلِيلٌ مُّسۡتَضۡعَفُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمۡ وَأَيَّدَكُم بِنَصۡرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ٢٦Oo Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala boobin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan, bal inaad mahad naqdaan يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَخُونُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓاْ أَمَٰنَٰتِكُمۡ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٢٧Mu’miniintoy! Ha khayaamina Allaah iyo Rasuulka, oo ha khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٌ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٌ ٢٨Oo Ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Allaah agtiisa yahay Abaalgud aad u Wayn يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَتَّقُواْ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّكُمۡ فُرۡقَانًا وَيُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ ٢٩Mu’miniintoy! Haddaad dhwortaan (xilka uu idin saaray) Allaah, Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), oo idinka tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin dambi dhaafi, oo Allaah waa Rabbiga iska leh Fadliga aad u Weyn وَإِذۡ يَمۡكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيُثۡبِتُوكَ أَوۡ يَقۡتُلُوكَ أَوۡ يُخۡرِجُوكَۚ وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ ٣٠Oo waa tii ay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; oo way tab dhigeen, oo Allaah sidoo kale wuu tab dhigay, oo Allaah waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا قَالُواْ قَدۡ سَمِعۡنَا لَوۡ نَشَآءُ لَقُلۡنَا مِثۡلَ هَٰذَآ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٣١Oo Marka Aayadahayaga loo akhriyo, waxay yidhaahdaan: Xaqiiq waanu maqallay; oo haddaan doonno waxaan odhan karnaa waxa uu yidhi oo kale. (Waxa)kanina ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore وَإِذۡ قَالُواْ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَٰذَا هُوَ ٱلۡحَقَّ مِنۡ عِندِكَ فَأَمۡطِرۡ عَلَيۡنَا حِجَارَةً مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئۡتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ٣٢Oo waa tii ay yidhaahdeen: Allahayow! Hadduu kani xaq yahay Adiga kaa yimid, haddaba nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab aad u xanuun badan وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمۡ وَأَنتَ فِيهِمۡۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمۡ وَهُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ ٣٣Ma ahase Allaah mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, oo ma aha mid ca- daabaya iyagoo weli dambi dhaaf dalbaya وَمَا لَهُمۡ أَلَّا يُعَذِّبَهُمُ ٱللَّهُ وَهُمۡ يَصُدُّونَ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَمَا كَانُوٓاْ أَوۡلِيَآءَهُۥٓۚ إِنۡ أَوۡلِيَآؤُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُتَّقُونَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٣٤Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Allaah u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, oo uma suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Oo ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa iska jira (xumaha), laakiinse badankoodu ma ogsoona وَمَا كَانَ صَلَاتُهُمۡ عِندَ ٱلۡبَيۡتِ إِلَّا مُكَآءً وَتَصۡدِيَةًۚ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ ٣٥Oo salaaddooda Beytka (Kacbada) agteeda ma ahayn waxaan aheyn foori iyo sacabbo tun. Ee haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinna darteed إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ لِيَصُدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَسَيُنفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيۡهِمۡ حَسۡرَةً ثُمَّ يُغۡلَبُونَۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ يُحۡشَرُونَ ٣٦Hubaal, gaalada waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Ilaahay, sidaas bayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon doontaa qoomamo daran, misna waa laga adkaan doonaa. Oo gaalada xagga Naarta baa loo taxaabi doonaa لِيَمِيزَ ٱللَّهُ ٱلۡخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِ وَيَجۡعَلَ ٱلۡخَبِيثَ بَعۡضَهُۥ عَلَىٰ بَعۡضٍ فَيَرۡكُمَهُۥ جَمِيعًا فَيَجۡعَلَهُۥ فِي جَهَنَّمَۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ٣٧Waa si uu Allaah uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo uu isku raseeyo dhammaantood, markaas ugu tuuro Naar. kuwan weeye kuwa ku sugan khasaaraha قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَنتَهُواْ يُغۡفَرۡ لَهُم مَّا قَدۡ سَلَفَ وَإِن يَعُودُواْ فَقَدۡ مَضَتۡ سُنَّتُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٣٨Ku dheh kuwa (Xaqa) rumeysan diida, haddii ay ka haraan (xaq diiddada) waxaa loo dhaafi doonaa wixii horay uga dhacay . Hadday se u noqdaan, waxaa xaqiiq sugaya jidka kuwii hore وَقَٰتِلُوهُمۡ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتۡنَةٌ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ كُلُّهُۥ لِلَّهِۚ فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ ٣٩Oo la dagaallama jeer la waayo wax gardarro ah, oo diinta (cibaadada) waa inuu yeesho Allaah Keliya. Haddiise ay joojiyaan (gefka iyo gaboodfalka), markaas hubaal, Allaah waa arkaa waxa ay falaan وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَىٰكُمۡۚ نِعۡمَ ٱلۡمَوۡلَىٰ وَنِعۡمَ ٱلنَّصِيرُ ٤٠Oo hadday jeestaan, ogaada in Allaah yahay Gacalkiin, Wanaag badanaa Gacalku, oo wanaag badanaa gargaarahu
۞ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا غَنِمۡتُم مِّن شَيۡءٍ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا يَوۡمَ ٱلۡفُرۡقَانِ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ قَدِيرٌ ٤١Oo ogaada in wax kastoo aad qaniimeysataan, markaa Allaah wuxuu leeyahay shan meelood oo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, oo Allaah wax walba inuu falo wuu Karaa إِذۡ أَنتُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلۡقُصۡوَىٰ وَٱلرَّكۡبُ أَسۡفَلَ مِنكُمۡۚ وَلَوۡ تَوَاعَدتُّمۡ لَٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡمِيعَٰدِ وَلَٰكِن لِّيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرًا كَانَ مَفۡعُولًا لِّيَهۡلِكَ مَنۡ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٍ وَيَحۡيَىٰ مَنۡ حَيَّ عَنۢ بَيِّنَةٍۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ ٤٢Oo waa tii aad idinku joogteen docda soke (ee togga)11, oo iyagu ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Oo haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waxaa hubaal ah inaad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Allaah u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, oo ciddii noolaan si cad ugu noolaato. Oo hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon إِذۡ يُرِيكَهُمُ ٱللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلًاۖ وَلَوۡ أَرَىٰكَهُمۡ كَثِيرًا لَّفَشِلۡتُمۡ وَلَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ سَلَّمَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ٤٣Oo waa tii uu Allaah idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, oo hadduu idiin tusi lahaa iyagoo tiro badan, hubaal waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Laakiinse Allaah baa (idinka) badbaadshay. Hubaal waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha وَإِذۡ يُرِيكُمُوهُمۡ إِذِ ٱلۡتَقَيۡتُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِكُمۡ قَلِيلًا وَيُقَلِّلُكُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِهِمۡ لِيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرًا كَانَ مَفۡعُولًاۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ ٤٤Oo wuxuu idiin tusay markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, oo wuxuu idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Allaah u fuliyo arrin horay uu u qaddaray, oo Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمۡ فِئَةً فَٱثۡبُتُواْ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرًا لَّعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ ٤٥Mu’miniintoy! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) markaa sugnaada, oo xusa Allaah in badan si aad u guuleysataan وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَنَٰزَعُواْ فَتَفۡشَلُواْ وَتَذۡهَبَ رِيحُكُمۡۖ وَٱصۡبِرُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ ٤٦Oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha isqabannina, yeydaan niyad jabine oo xooggiinnu tegin, oo samir yeesha. Hubaal Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَٰرِهِم بَطَرًا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٌ ٤٧Oo ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Ilaahay12. Oo Allaah wuu koobaa waxay falaan وَإِذۡ زَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ ٱلۡيَوۡمَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَإِنِّي جَارٌ لَّكُمۡۖ فَلَمَّا تَرَآءَتِ ٱلۡفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ وَقَالَ إِنِّي بَرِيٓءٌ مِّنكُمۡ إِنِّيٓ أَرَىٰ مَا لَا تَرَوۡنَ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَۚ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٤٨Oo waa tii uu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda oo yidhi: Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, oo hubaal aniga baa ah ilaaliyahiinna. Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, hubaal Anigu barii baan idinka ahay. Hubaal waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, oo Allaah way daran tahay Ciqaabtiisu إِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَٰٓؤُلَآءِ دِينُهُمۡۗ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٤٩Waa tii ay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Oo qofkii isku halleeya Allaah, haddaba hubaal, Allaah waa Adkaade, Xakiim ah وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ يَتَوَفَّى ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ ٥٠Oo haddaad arki lahayd marka ay malaa'igtu nafta ka qaadeyso gaalada iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabta gubashada ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّٰمٍ لِّلۡعَبِيدِ ٥١Arrinkani waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Allaah aanu u ahayn mid ku gardarrooda addoomahiisa كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٥٢Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay rumeysan diideen Aayadaha Ilaahay, markaasuu Allaah u halaagay dambiyadoodii awgood. Hubaal Allaah waa Xoog Badane, Ciqaab Adag ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمۡ يَكُ مُغَيِّرًا نِّعۡمَةً أَنۡعَمَهَا عَلَىٰ قَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ٥٣Arrinkani wa inaan Allaah marnaba beddelin nicmad uu siiyey dad jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo waa inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَۚ وَكُلٌّ كَانُواْ ظَٰلِمِينَ ٥٤Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan ku halaagnay dambiyadoodii awgood, oo waxaan qarqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen gar ma qaatayaal إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ٥٥Kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Allaah agtii waa gaalada (madaxa adag),marka ma ay rumeynayaan ٱلَّذِينَ عَٰهَدتَّ مِنۡهُمۡ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهۡدَهُمۡ فِي كُلِّ مَرَّةٍ وَهُمۡ لَا يَتَّقُونَ ٥٦Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan ka dhowrsan (ciqaabka Ilaahay) فَإِمَّا تَثۡقَفَنَّهُمۡ فِي ٱلۡحَرۡبِ فَشَرِّدۡ بِهِم مَّنۡ خَلۡفَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ ٥٧Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya14, bal inay waantoobaan وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوۡمٍ خِيَانَةً فَٱنۢبِذۡ إِلَيۡهِمۡ عَلَىٰ سَوَآءٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡخَآئِنِينَ ٥٨Oo haddaad ka cabsato khiyaano xagga dad (axdi idinka dhexeeyey)15, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal Allaah ma jecla khaa’imiinta وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَبَقُوٓاْۚ إِنَّهُمۡ لَا يُعۡجِزُونَ ٥٩Oo yeysan moodin gaalada inay fakan karaan. hubaal kama fakan karaan (Allaah) وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ ٱلۡخَيۡلِ تُرۡهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمۡ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمۡ لَا تَعۡلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعۡلَمُهُمۡۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٍ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ ٦٠Oo u diyaarsada waxaad kartaanba oo xoog ah iyo fardo u heegan ah (dagaal) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Ilaahay iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Allaah baase ogsoon. Oo wax kastoo aad ku bixisaan Jidka Ilaahay waa la idiin gudi doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinku gardarroon doonin ۞ وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلۡمِ فَٱجۡنَحۡ لَهَا وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٦١Oo hadday u iishaan xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo isku hallee Allaah. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah وَإِن يُرِيدُوٓاْ أَن يَخۡدَعُوكَ فَإِنَّ حَسۡبَكَ ٱللَّهُۚ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَيَّدَكَ بِنَصۡرِهِۦ وَبِٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٦٢Oo hadday doonaan inay ku dhagraan, haddaba hubaal waxaa kugu Filan Allaah, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey taageeradiisa iyo mu’mminiintaba وَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡۚ لَوۡ أَنفَقۡتَ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعًا مَّآ أَلَّفۡتَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٦٣Oo mideeyey quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, laakiinse Allaah baa mideeyey. Hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَسۡبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٦٤Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَى ٱلۡقِتَالِۚ إِن يَكُن مِّنكُمۡ عِشۡرُونَ صَٰبِرُونَ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٌ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفًا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٌ لَّا يَفۡقَهُونَ ٦٥Nabiyow! ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan kun kuwa gaalada ah, waayo waa dad aan wax fahmayn ٱلۡـَٰٔنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمۡ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمۡ ضَعۡفًاۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٌ صَابِرَةٌ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمۡ أَلۡفٌ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفَيۡنِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ ٦٦Haatan Allaah wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, oo wuxuu ogsoon yahay inay tabar yari idin heyso. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, oo hadday jiraan kun idinka mid ah (oo samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan doonaan labo kun Ilaahay Idankii. Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسۡرَىٰ حَتَّىٰ يُثۡخِنَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنۡيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٦٧Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Ilaahady) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Allaah (idinla) rabaa Aakhirada. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah لَّوۡلَا كِتَٰبٌ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمۡ فِيمَآ أَخَذۡتُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ ٦٨Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Allaah ah ee hore uu u gooyey16, hubaal waxaa idinku soo gaari lahaa waxa aad qaadateen cadaab aad u weyn فَكُلُواْ مِمَّا غَنِمۡتُمۡ حَلَٰلًا طَيِّبًاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ٦٩Ee cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّمَن فِيٓ أَيۡدِيكُم مِّنَ ٱلۡأَسۡرَىٰٓ إِن يَعۡلَمِ ٱللَّهُ فِي قُلُوبِكُمۡ خَيۡرًا يُؤۡتِكُمۡ خَيۡرًا مِّمَّآ أُخِذَ مِنكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ٧٠Nabiyow! Ku dheh kuwaa aad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Allaah ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin doonaa wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin dambi dhaafi doonaa, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan وَإِن يُرِيدُواْ خِيَانَتَكَ فَقَدۡ خَانُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ فَأَمۡكَنَ مِنۡهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ ٧١Haddiise ay doonaan inay ku khiyaameeyaan waxay horeba u khiyaameeyeen Allaah. Markaas buu Wuxuu idin siiyey awood uu idinka kormarshay. Oo Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٍۚ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يُهَاجِرُواْ مَا لَكُم مِّن وَلَٰيَتِهِم مِّن شَيۡءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْۚ وَإِنِ ٱسۡتَنصَرُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ فَعَلَيۡكُمُ ٱلنَّصۡرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٌۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ ٧٢Hubaaal, kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu halgamay si adag maalkooda iyo nafahoodaba jidka Ilaahay iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, _ kuwan ayaa qaarkoodba xulufo u yahay qaarka kale. (ma) kuwase rumeeyey ee aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo dad uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٍۚ إِلَّا تَفۡعَلُوهُ تَكُن فِتۡنَةٌ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ ٧٣Oo kuwaa gaalada ah qaaroodba xulufo buuu yahay qaarka kale, haddii aydaan sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri doona dhulka fasahaad aad u weyn وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقًّاۚ لَّهُم مَّغۡفِرَةٌ وَرِزۡقٌ كَرِيمٌ ٧٤Oo (ma xagga) kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku halgamay Jidka Ilaahay, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwan waa mu’miniinta dhabta ah, waxay mudan doonaan dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ مَعَكُمۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ مِنكُمۡۚ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٍ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ ٧٥Oo (ma xagga) kuwa rumeeyay waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaad galay la jirkiin, kuwaani waa idinka mid. Oo qaraabadaa qaarkoodba isaga sokeeya qaarka kale sida Kitaabka Ilaahay qoray18. Hubaal, Allaah wax kasta wuu Og yahay