بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
إِذَا وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ ١Marka ay dhacdada weyni dhacdo لَيۡسَ لِوَقۡعَتِهَا كَاذِبَةٌ ٢Ma jiro wax beeninayaa dhiciddeeda خَافِضَةٌ رَّافِعَةٌ ٣Hoos u dhigeysaa (qolo) kor u qaadeysaa (qolo kale) إِذَا رُجَّتِ ٱلۡأَرۡضُ رَجًّا ٤Marka dhulka la gilgilo gilgilid daran وَبُسَّتِ ٱلۡجِبَالُ بَسًّا ٥Oo buuraha la ridqo ridqin daran فَكَانَتۡ هَبَآءً مُّنۢبَثًّا ٦Markaas waxay ahaan sida boor firdhisan وَكُنتُمۡ أَزۡوَٰجًا ثَلَٰثَةً ٧Oo waxaad ahaan saddex nooc فَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ ٨Ma kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ ٩Kuwase ah Gacanta Bidix, xumaa kuwa ah Gacanta Bidix وَٱلسَّٰبِقُونَ ٱلسَّٰبِقُونَ ١٠oo kuwa hor maray iyagaa horreyn أُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡمُقَرَّبُونَ ١١Kuwakan weeye kuwa loo soo dhoweyn Ilaahay فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ١٢Beero barwaaqo ah gudahood ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣Waa rac ka mid ah kuwii hore وَقَلِيلٌ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ ١٤Iyo in yar oo ka mid ah kuwii dambe عَلَىٰ سُرُرٍ مَّوۡضُونَةٍ ١٥Sariiro korkooda dahab lagu qurxiyey مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيۡهَا مُتَقَٰبِلِينَ ١٦Iyagoo ku jiqleysan korkeeda, oo fool ka fool is qaabilaya يَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ ١٧Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doono بِأَكۡوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأۡسٍ مِّن مَّعِينٍ ١٨Koobab iyo kirliyo iyo galaas sharaab macaan oo daahir ah لَّا يُصَدَّعُونَ عَنۡهَا وَلَا يُنزِفُونَ ١٩Oo aanu marnaba madaxu ku wareerin oo aanay ku maan guurin وَفَٰكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ ٢٠Iyo midho; waxay doortaan ah وَلَحۡمِ طَيۡرٍ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ ٢١Iyo hilib shimbiro kay rabaanba وَحُورٌ عِينٌ ٢٢Oo (u wehelin doonaan) xuurul cayn كَأَمۡثَٰلِ ٱللُّؤۡلُوِٕ ٱلۡمَكۡنُونِ ٢٣La moodo luul la dhowray جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٢٤Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen لَا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوًا وَلَا تَأۡثِيمًا ٢٥Kuma maqli doonaan halkaa hadal macno darro ah iyo dambaabid midna إِلَّا قِيلًا سَلَٰمًا سَلَٰمًا ٢٦Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ ٢٧Kuwa ah Gacanta Midig, maxay farxad u ahaatay kuwa ah Gacanta Midig فِي سِدۡرٍ مَّخۡضُودٍ ٢٨(Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn وَطَلۡحٍ مَّنضُودٍ ٢٩Iyo geedo Muus ah miro karooran وَظِلٍّ مَّمۡدُودٍ ٣٠Iyo har fidsan وَمَآءٍ مَّسۡكُوبٍ ٣١Iyo biyo u socda joogto وَفَٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ ٣٢Iyo midho tiro badan لَّا مَقۡطُوعَةٍ وَلَا مَمۡنُوعَةٍ ٣٣Marnaba aan go’eyn, mamnuucna ahayn وَفُرُشٍ مَّرۡفُوعَةٍ ٣٤Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay إِنَّآ أَنشَأۡنَٰهُنَّ إِنشَآءً ٣٥Waxaan Annagu ka yeelay inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah فَجَعَلۡنَٰهُنَّ أَبۡكَارًا ٣٦Markaasaan waxaan ka dhignay bikrooyin ugub ah عُرُبًا أَتۡرَابًا ٣٧Gacalooyin, isku wada da’ ah لِّأَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ ٣٨Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig ثُلَّةٌ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ ٣٩Kuwo badan oo ka mid ah waa horraankii kal hore (soo galay Islaamka) وَثُلَّةٌ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ ٤٠Kuwo badan oo ka mid ahna kuwii kal dambe (soo galay Islaamka) وَأَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ ٤١Kuwa ah Gacanta Bidix _xumaa kuwaa ah Gacanta Bidix فِي سَمُومٍ وَحَمِيمٍ ٤٢Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya وَظِلٍّ مِّن يَحۡمُومٍ ٤٣Iyo hoos qiiq badan لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ ٤٤Aan laheyn qabow iyo daryeel midna إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُتۡرَفِينَ ٤٥Hubaal waxay ahaayeen taa horteed, kuwo loo raaxeeyey وَكَانُواْ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلۡحِنثِ ٱلۡعَظِيمِ ٤٦Oo waxay ku adkeysan jireen Dambiga aad iyo aadka u weyn (shirkiga) وَكَانُواْ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ ٤٧Oo waxay odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno ciid iyo lafo, miyaa xaqiiq nala soo nooleyn doonaa أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ ٤٨Oo sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn) قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَوَّلِينَ وَٱلۡأٓخِرِينَ ٤٩Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba لَمَجۡمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَٰتِ يَوۡمٍ مَّعۡلُومٍ ٥٠Waxaa hubaal loo soo kulmin doonaa wada jir waqti Maalin la yaqaan ثُمَّ إِنَّكُمۡ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلۡمُكَذِّبُونَ ٥١Markaas idinka kuwiinan habowsanayaasha ahow, ee beeniyow لَأٓكِلُونَ مِن شَجَرٍ مِّن زَقُّومٍ ٥٢Waxaad hubaal wax ka cuni doontaan geed xun oo Zaqquum ah فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ ٥٣Oo ka buuxin doontaan caloolihiinna فَشَٰرِبُونَ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡحَمِيمِ ٥٤Markaas ku cabbi doontaan biyo kulul oo karkaraya فَشَٰرِبُونَ شُرۡبَ ٱلۡهِيمِ ٥٥Oo u cabbi doontaan sida cabbidda geel asqoobay هَٰذَا نُزُلُهُمۡ يَوۡمَ ٱلدِّينِ ٥٦Kani waa waxa lagu soori doona iyaga Maalinta Abaal marinta نَحۡنُ خَلَقۡنَٰكُمۡ فَلَوۡلَا تُصَدِّقُونَ ٥٧Annagaa idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen أَفَرَءَيۡتُم مَّا تُمۡنُونَ ٥٨Ma u fiirsateen minada idinka timaada ءَأَنتُمۡ تَخۡلُقُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡخَٰلِقُونَ ٥٩Ma idinkaa abuuray mise waa Annaga Abuurayaasha نَحۡنُ قَدَّرۡنَا بَيۡنَكُمُ ٱلۡمَوۡتَ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ ٦٠Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, oo ma nihin kuwo laga baxsan karo عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمۡثَٰلَكُمۡ وَنُنشِئَكُمۡ فِي مَا لَا تَعۡلَمُونَ ٦١Si aan u keenno halkiinna kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo bixinno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ ٦٢Oo waxaad dhab ahaan og tihiin soo bixitaankii hore, ee maxaad haddaba u garowsan weydeen أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ ٦٣Ma u fiirsateen waxa aad beertaan ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّٰرِعُونَ ٦٤Ma idinkaa sababa inay soo baxaan, mise waa Annaga Kuwa soo Bixiya لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمًا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ ٦٥Haddii aan Doonno, waxaan ka dhigi karnaa xaabo engagan, oo waxaad noqoneysaan kuwo murugo iyo ciil qaba إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ ٦٦(idinkoo leh): dhab ahaan Waxaynu nahay kuwo la culaabeysan deyn بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ ٦٧Mayee, waxaynu nahay kuwa la seejiyey (midhahii) أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ ٦٨Ma u fiirsateen biyaha aad cabtaan ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ ٦٩Ma idinkaa kuwa ka soo dajiya daruuraha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجًا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ ٧٠Haddii aan doonno, Waxaan ka dhigi lahayn jaan dhanaan oo milix ah, ee maxaad haddaba u shurki naqi weydeen أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي تُورُونَ ٧١Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan ءَأَنتُمۡ أَنشَأۡتُمۡ شَجَرَتَهَآ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنشِـُٔونَ ٧٢Ma idinka baa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga weeye soo saarayaasha نَحۡنُ جَعَلۡنَٰهَا تَذۡكِرَةً وَمَتَٰعًا لِّلۡمُقۡوِينَ ٧٣Innaga baa waxaynu ka dhignay waano; iyo wax ay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba) فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ ٧٤Ee xurmee Magaca Rabbigaa, Weynaha ۞ فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ ٧٥Mayee Waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٌ لَّوۡ تَعۡلَمُونَ عَظِيمٌ ٧٦Oo xaqiiq, waa dhaar dhabtii and u weyn, haddii aad ogaan lahaydeen إِنَّهُۥ لَقُرۡءَانٌ كَرِيمٌ ٧٧Hubaal waa Qur'aan Sharaf Badan فِي كِتَٰبٍ مَّكۡنُونٍ ٧٨Ku yaal Kitaab aad la dhowray لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُطَهَّرُونَ ٧٩Cidina taaban kuwa la daahiriyey mooyee تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٨٠Ah soo waxyoodka Rabbiga uunanka أَفَبِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَنتُم مُّدۡهِنُونَ ٨١Ee ma warkan baad haddaba u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn وَتَجۡعَلُونَ رِزۡقَكُمۡ أَنَّكُمۡ تُكَذِّبُونَ ٨٢oo ka yeeshaan risiqiinna inaad ka been sheegtaan فَلَوۡلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلۡحُلۡقُومَ ٨٣Ee maxaydaan haddaba marka ay (naftu) dhuunta soo gaadho وَأَنتُمۡ حِينَئِذٍ تَنظُرُونَ ٨٤Oo idinku markaas aad eegaysaan وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُبۡصِرُونَ ٨٥Oo Annagu aan idiinka dhow nahay, laakiinse aydaan arkaynin فَلَوۡلَآ إِن كُنتُمۡ غَيۡرَ مَدِينِينَ ٨٦Ee Maxaydaan haddaba haddii aad tihiin kuwo aan xil qabanayn تَرۡجِعُونَهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٨٧Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddii aad run sheegeysaan فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ ٨٨Haddaba haddii uu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) فَرَوۡحٌ وَرَيۡحَانٌ وَجَنَّتُ نَعِيمٍ ٨٩Markaas waa farax, iyo risiq, iyo Beer barwaaqo ah وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ ٩٠Oo haddii uu ka mid yahay kuwa ah gacanta midig فَسَلَٰمٌ لَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ ٩١Nabad baa kaaga sugnaatay xagga kuwa ah gacanta midig وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ ٩٢Haddiise uu ka mid yahay kuwa (Xaqa) diida , habowsanaaysaha ah فَنُزُلٌ مِّنۡ حَمِيمٍ ٩٣Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya وَتَصۡلِيَةُ جَحِيمٍ ٩٤Iyo ku gubasho Dabka إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلۡيَقِينِ ٩٥Hubaal, arrinkani waa run la hubo فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ ٩٦Ee xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha