ملة الإسلام

السورة 40 · 85 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة غافر باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة غافر (1,259 قارئاً)
مكيةسورة غافر٨٥ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ ١Xaa Miim تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ ٢Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) wuxuu ka yimi xagga Allaah, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوۡبِ شَدِيدِ ٱلۡعِقَابِ ذِي ٱلطَّوۡلِۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ إِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ ٣Dambi dhaafaha, Toobad aqbalaha, Daran tahay Ciqaabtiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel laabadku مَا يُجَٰدِلُ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَا يَغۡرُرۡكَ تَقَلُّبُهُمۡ فِي ٱلۡبِلَٰدِ ٤Cidina kama dooddo Aayadaha Ilaahay aan ahayn kuwa xaqa diida. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٍ وَٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۖ وَهَمَّتۡ كُلُّ أُمَّةِۭ بِرَسُولِهِمۡ لِيَأۡخُذُوهُۖ وَجَٰدَلُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّ فَأَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ ٥Qoladii Nuux iyo colalkii ka dambeeyay baa beeniyey (anbiyadii Ilaahay) hortood iyaga, oo ummad walbaa waxay qorsheeyeen lidka Rasuulkooda si ay u dilaan, oo waxay ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaas baan qabtay, ee sidee bay u aheyd mid daran Ciqaabtaydii وَكَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ ٦Oo sidaas bay Kelmedda Rabbigaa ugu waajibtay kuwa xaqa diiday inay iyagu yihiin ehlu-Naarka ٱلَّذِينَ يَحۡمِلُونَ ٱلۡعَرۡشَ وَمَنۡ حَوۡلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَيُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَيَسۡتَغۡفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْۖ رَبَّنَا وَسِعۡتَ كُلَّ شَيۡءٍ رَّحۡمَةً وَعِلۡمًا فَٱغۡفِرۡ لِلَّذِينَ تَابُواْ وَٱتَّبَعُواْ سَبِيلَكَ وَقِهِمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ ٧Kuwa xambaarsan Carshiga iyo kuwa hareera joogaba waxay ku tasbiixsadaan ammaanta Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, oo waxay u dambi dhaaf dalbaan kuwa (Xaqa) rumeysan (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo Ogaal ee u dambi dhaaf kuwa kuu soo laabta oo raaca Jidkaaga, oo ka dhowr Cadaabta Naarta رَبَّنَا وَأَدۡخِلۡهُمۡ جَنَّٰتِ عَدۡنٍ ٱلَّتِي وَعَدتَّهُمۡ وَمَن صَلَحَ مِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَأَزۡوَٰجِهِمۡ وَذُرِّيَّٰتِهِمۡۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٨Rabbigayow! Oo gali Beeraha negaya ee aad u ballan qaadday iyaga, iyo kuwa wa- naagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Hubaal wa- xaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah وَقِهِمُ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ وَمَن تَقِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ يَوۡمَئِذٍ فَقَدۡ رَحِمۡتَهُۥۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ٩Oo ka dhowr wax xun oo dhan, oo kan aad ka dhowrto xumo oo dhan Maalintan, dhab ahaan waad u naxariistay, oo (arrin)kani weeye Liibaanta Weyn إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُنَادَوۡنَ لَمَقۡتُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُ مِن مَّقۡتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡ إِذۡ تُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلۡإِيمَٰنِ فَتَكۡفُرُونَ ١٠Hubaal kuwa xaqa diida waxaa loogu dhawaaqi doonaa: Dhab ahaan Naceybka Ilaahay (idiin qabay) goortii la idiinku baaqay Iimaanka, oo aad diiddeen, baa aad uga weyn naceybka aad u qabtaan hadda nafahiinna قَالُواْ رَبَّنَآ أَمَتَّنَا ٱثۡنَتَيۡنِ وَأَحۡيَيۡتَنَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَٱعۡتَرَفۡنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلۡ إِلَىٰ خُرُوجٍ مِّن سَبِيلٍ ١١Waxay odhan doonaan: Rabbigayow! labo jeer3 baad naga yeeshay meyd, oo labo jeer baad na siisay nolol. marka waanu qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta) ذَٰلِكُم بِأَنَّهُۥٓ إِذَا دُعِيَ ٱللَّهُ وَحۡدَهُۥ كَفَرۡتُمۡ وَإِن يُشۡرَكۡ بِهِۦ تُؤۡمِنُواْۚ فَٱلۡحُكۡمُ لِلَّهِ ٱلۡعَلِيِّ ٱلۡكَبِيرِ ١٢(Arrin)kaasi waxaa u sabab ah marka Allaah Keliya loo baryo waad diiddaan (Xaqa), markase loo shariig yeelo waad rumaysaan. Haddaba Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, aad u Weyn هُوَ ٱلَّذِي يُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُنَزِّلُ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ رِزۡقًاۚ وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَن يُنِيبُ ١٣Waa Isaga (Alle) Kan idin tusiya Calaamooyinkiisa oo idiinka soo dejiya risiq samada, oo cidi ma garowsato aan ahayn kawa u laabashada badan (Ilaahay) فَٱدۡعُواْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ ١٤Sidaa darteed barya Allaah (Keliya) idiinkoo u gaar yeelaya cibaadada, haba nacaan gaaladuye رَفِيعُ ٱلدَّرَجَٰتِ ذُو ٱلۡعَرۡشِ يُلۡقِي ٱلرُّوحَ مِنۡ أَمۡرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ لِيُنذِرَ يَوۡمَ ٱلتَّلَاقِ ١٥Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee kaamil ahaanta, Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah kan uu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta isla kulanka يَوۡمَ هُم بَٰرِزُونَۖ لَا يَخۡفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِنۡهُمۡ شَيۡءٌۚ لِّمَنِ ٱلۡمُلۡكُ ٱلۡيَوۡمَۖ لِلَّهِ ٱلۡوَٰحِدِ ٱلۡقَهَّارِ ١٦Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Allaah: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, waaxidka,Qahraha (wax kasta) ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡۚ لَا ظُلۡمَ ٱلۡيَوۡمَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ ١٧Maalintan naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay, ma jiro gardarro (laysu geysan) maalintan4. Hubaal Allaah wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabista وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡأٓزِفَةِ إِذِ ٱلۡقُلُوبُ لَدَى ٱلۡحَنَاجِرِ كَٰظِمِينَۚ مَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ حَمِيمٍ وَلَا شَفِيعٍ يُطَاعُ ١٨Oo uga dig Maalinta aad u soo dhowaata, marka ay quluubtu iman dhuu- maha (cabsi darteed) iyagoo walbahaar- san. Ma lahaan doonaan gar ma qaatayaa- sha saaxiib iyo shafeece midna ee la maqlayo يَعۡلَمُ خَآئِنَةَ ٱلۡأَعۡيُنِ وَمَا تُخۡفِي ٱلصُّدُورُ ١٩Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxa ay laabuhu qarsadaanba وَٱللَّهُ يَقۡضِي بِٱلۡحَقِّۖ وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَقۡضُونَ بِشَيۡءٍۗ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ ٢٠Oo Allaah wuxuu wax ku xukumaa Xaq, oo kuwaas ay baryaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba, Hubaal, Allaah, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka ۞ أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُواْ هُمۡ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةً وَءَاثَارًا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡ وَمَا كَانَ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٍ ٢١Mawaysan ku socdaalin dhulka oo fiirin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwa ka xoog badan iyo camiraadba arlada, wuxuuse Allaah u qabtay dambiyaday faleen. Oo uma sugnaan iyaga wax ka difaaca Ilaahay ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَانَت تَّأۡتِيهِمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَكَفَرُواْ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ قَوِيٌّ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٢٢(Arrin)kaasi waxaa ugu wacnaa waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse diideen iyaga. Sidaas darteed Allaah baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabtiisu daran tahay وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٍ مُّبِينٍ ٢٣Oo dhab ahaan waxaan ula dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَقَٰرُونَ فَقَالُواْ سَٰحِرٌ كَذَّابٌ ٢٤Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir beenaale ah فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ مِنۡ عِندِنَا قَالُواْ ٱقۡتُلُوٓاْ أَبۡنَآءَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ وَٱسۡتَحۡيُواْ نِسَآءَهُمۡۚ وَمَا كَيۡدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٍ ٢٥Haddaba markii uu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha ka mid ah kuwa (xaqa) rumeysan la jirki oo u daaya haweenkooda nolol; oo halganka gaaladu wuxuu ku soo gabagaboobi uun hungo وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ذَرُونِيٓ أَقۡتُلۡ مُوسَىٰ وَلۡيَدۡعُ رَبَّهُۥٓۖ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُبَدِّلَ دِينَكُمۡ أَوۡ أَن يُظۡهِرَ فِي ٱلۡأَرۡضِ ٱلۡفَسَادَ ٢٦Oo Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, oo ha u dhawaaqdo Rabbigiis, hubaal waxaan anigu cabsi ka qabaa inuu idin dhaqan rogo ama uu fasahaad5 ka soo if bixiyo dhulka وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُم مِّن كُلِّ مُتَكَبِّرٍ لَّا يُؤۡمِنُ بِيَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ ٢٧Oo Muuse wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kasta oo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta وَقَالَ رَجُلٌ مُّؤۡمِنٌ مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَكۡتُمُ إِيمَٰنَهُۥٓ أَتَقۡتُلُونَ رَجُلًا أَن يَقُولَ رَبِّيَ ٱللَّهُ وَقَدۡ جَآءَكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ مِن رَّبِّكُمۡۖ وَإِن يَكُ كَٰذِبًا فَعَلَيۡهِ كَذِبُهُۥۖ وَإِن يَكُ صَادِقًا يُصِبۡكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي يَعِدُكُمۡۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٌ كَذَّابٌ ٢٨Oo nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon (Xizqil, Fircoon ina Adeerki, khaznad hayahii dawladda) oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu leeyahay: Rabbigay waa Allaah, oo dhab ahaan wuxuu idiin keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Oo haddii uu yahay beenlow, isaga bay u daran tahay oo dushiisa ahaan beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici doona qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Allaah ma hanuuniyo mid isagu ah xad gudbe, beenaale يَٰقَوۡمِ لَكُمُ ٱلۡمُلۡكُ ٱلۡيَوۡمَ ظَٰهِرِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَن يَنصُرُنَا مِنۢ بَأۡسِ ٱللَّهِ إِن جَآءَنَاۚ قَالَ فِرۡعَوۡنُ مَآ أُرِيكُمۡ إِلَّا مَآ أَرَىٰ وَمَآ أَهۡدِيكُمۡ إِلَّا سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ ٢٩Tolkayow! Idinka baa leh xukunka maalintan, idinkoo madax ku ah arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabta Ilaahay haddii ay noo timaaddo. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxa aan anigu arko, oo idin ma qaadsiiyo waxaan aheyn jidka hanuunka وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُم مِّثۡلَ يَوۡمِ ٱلۡأَحۡزَابِ ٣٠Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa wax la mid ah wixii ku dhacay axzaabta مِثۡلَ دَأۡبِ قَوۡمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلۡمًا لِّلۡعِبَادِ ٣١Wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, oo Allaah ma aha mid la doona grdarro addoomahiisa وَيَٰقَوۡمِ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ يَوۡمَ ٱلتَّنَادِ ٣٢Oo tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Maalinta isu Yeeridda يَوۡمَ تُوَلُّونَ مُدۡبِرِينَ مَا لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنۡ عَاصِمٍۗ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٍ ٣٣Maalinta aad jeedin doontaan dhabarradiinna idinkoo dib u guranaya, halkaa ma jiri doono wax idinka badbaadiya Ilaahay. Oo mid kastoo Allaah lumiyo ma uu laha wax hanuuniya وَلَقَدۡ جَآءَكُمۡ يُوسُفُ مِن قَبۡلُ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا زِلۡتُمۡ فِي شَكٍّ مِّمَّا جَآءَكُم بِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا هَلَكَ قُلۡتُمۡ لَن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ مِنۢ بَعۡدِهِۦ رَسُولًاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٌ مُّرۡتَابٌ ٣٤Oo xaqiiq Yuusuf wuxuu idinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen waxa uu idiin keenay, jeer marka uu dhintay aad tidhaahdeen: Allaah ma soo diri doono wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaas buu Allaah u lumiyaa kan isagu ah xad gudbe, shaki qabeen ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡۖ كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ قَلۡبِ مُتَكَبِّرٍ جَبَّارٍ ٣٥Kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay iyagoo aan heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax Allaah u aad u neceb yahay oo (sidoo kale ay neceby yihiin) kuwaa rumeysan. Sidaas buu Allaah u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ يَٰهَٰمَٰنُ ٱبۡنِ لِي صَرۡحًا لَّعَلِّيٓ أَبۡلُغُ ٱلۡأَسۡبَٰبَ ٣٦Oo Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaaro asbaabta loo maro أَسۡبَٰبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ فَأَطَّلِعَ إِلَىٰٓ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُۥ كَٰذِبًاۚ وَكَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِفِرۡعَوۡنَ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَصُدَّ عَنِ ٱلسَّبِيلِۚ وَمَا كَيۡدُ فِرۡعَوۡنَ إِلَّا فِي تَبَابٍ ٣٧Asbaabta loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; oo waxaan anigu hubaal qabaa inuu isagu yahay beenaale. Oo sidaas baa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, oo looga duway Jidka (Toosan), oo ma ahayn halgankii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) hoog iyo baabba’a isaga ku dhacday وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُونِ أَهۡدِكُمۡ سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ ٣٨Oo kii isagu rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا مَتَٰعٌ وَإِنَّ ٱلۡأٓخِرَةَ هِيَ دَارُ ٱلۡقَرَارِ ٣٩Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), oo hubaal Aakhirada baa ah Daarta lagu waaro مَنۡ عَمِلَ سَيِّئَةً فَلَا يُجۡزَىٰٓ إِلَّا مِثۡلَهَاۖ وَمَنۡ عَمِلَ صَٰلِحًا مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٌ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ يُرۡزَقُونَ فِيهَا بِغَيۡرِ حِسَابٍ ٤٠Mid kastoo sameeyaa fal xun, laguma abaal marin doono waxaan aheyn iyadoo kale. Oo mid kastoo wanaag fala lab ama dheddig kuu doonaba ha ahaadee isagoo mu’min ah, kuwan waxay geli doonaan Jannada, iyagoo lagu arsaaqi doono xisaab la’aan ۞ وَيَٰقَوۡمِ مَا لِيٓ أَدۡعُوكُمۡ إِلَى ٱلنَّجَوٰةِ وَتَدۡعُونَنِيٓ إِلَى ٱلنَّارِ ٤١Oo tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halka aad idinku iigu yeedhaan Naar تَدۡعُونَنِي لِأَكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَأُشۡرِكَ بِهِۦ مَا لَيۡسَ لِي بِهِۦ عِلۡمٌ وَأَنَا۠ أَدۡعُوكُمۡ إِلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡغَفَّٰرِ ٤٢Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Allaah oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, oo anigu waxaan idiinku yeeraa xagga Adkaadaha Sarreeya Danbi Dhaafka Badan لَا جَرَمَ أَنَّمَا تَدۡعُونَنِيٓ إِلَيۡهِ لَيۡسَ لَهُۥ دَعۡوَةٌ فِي ٱلدُّنۡيَا وَلَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنَآ إِلَى ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱلۡمُسۡرِفِينَ هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ ٤٣Shaki ma leh waxaad iigu yeedhaan ma leh darajo loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, iyo in laabashadeennuna tahay xagga Ilaahay iyo in xad gudbayaasha iyagu yihiin Ehlu-Naarka فَسَتَذۡكُرُونَ مَآ أَقُولُ لَكُمۡۚ وَأُفَوِّضُ أَمۡرِيٓ إِلَى ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَصِيرُۢ بِٱلۡعِبَادِ ٤٤Marka waad xusuusan doontaan waxa aan idinku leeyahay, oo waxaan u xil saartay arrinkayga Allaah. Hubaal Allaah waa Arkaa addoomahiisa فَوَقَىٰهُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِ مَا مَكَرُواْۖ وَحَاقَ بِـَٔالِ فِرۡعَوۡنَ سُوٓءُ ٱلۡعَذَابِ ٤٥Markaas buu Allaah ka dhowray xumaha waxa ay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon ٱلنَّارُ يُعۡرَضُونَ عَلَيۡهَا غُدُوًّا وَعَشِيًّاۚ وَيَوۡمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ أَدۡخِلُوٓاْ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ أَشَدَّ ٱلۡعَذَابِ ٤٦Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab (kastaba)9, oo Maalinta ay Saacaddu dhici doonto: Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran وَإِذۡ يَتَحَآجُّونَ فِي ٱلنَّارِ فَيَقُولُ ٱلضُّعَفَٰٓؤُاْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُنَّا لَكُمۡ تَبَعًا فَهَلۡ أَنتُم مُّغۡنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِّنَ ٱلنَّارِ ٤٧Oo marka ay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii taagta darraa ( raciyada ahaa) ku odhan kuwii ( madaxda ahaa) ee isla weynaa; hubaal Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُلٌّ فِيهَآ إِنَّ ٱللَّهَ قَدۡ حَكَمَ بَيۡنَ ٱلۡعِبَادِ ٤٨Kuwii isla weynaa waxay odhan: Hubaal waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Allaah waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda وَقَالَ ٱلَّذِينَ فِي ٱلنَّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ٱدۡعُواْ رَبَّكُمۡ يُخَفِّفۡ عَنَّا يَوۡمًا مِّنَ ٱلۡعَذَابِ ٤٩Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin qura ee cadaabta قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ تَكُ تَأۡتِيكُمۡ رُسُلُكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ قَالُواْ بَلَىٰۚ قَالُواْ فَٱدۡعُواْۗ وَمَا دُعَٰٓؤُاْ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٍ ٥٠Waxay odhan: Mawaysan Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Oo baryada gaaladu ma aha waxaan aheyn mid ku dhacda meel baadi ah إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَيَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡأَشۡهَٰدُ ٥١Waxaan hubaal Annagu xaqiiq u gargaarnaa Rusuhayada iyo kuwa rumeysan, noloshan adduunka iyo Maalinta ay markhaatiyadu istaagi doonaan يَوۡمَ لَا يَنفَعُ ٱلظَّٰلِمِينَ مَعۡذِرَتُهُمۡۖ وَلَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ ٥٢Maalinta aysan waxba u tari doonin gar ma qaatayaasha cudur daarashadoodu. Oo mudankoodu waa nacalad oo mudankoodu waa Daarta xun وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡهُدَىٰ وَأَوۡرَثۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ ٥٣Oo dhab ahaan Waxaanu siinnay Muuse hanuun, oo waxaanu ka yeelnay ilmahii Israa’iil inay dhaxlaan Kitaabka هُدًى وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٥٤Hanuun iyo waano u ah waxgaradka فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِبۡكَٰرِ ٥٥Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo ka istiqfaarso dambi- gaaga10, oo ku tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba إِنَّ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡ إِن فِي صُدُورِهِمۡ إِلَّا كِبۡرٌ مَّا هُم بِبَٰلِغِيهِۚ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ ٥٦Hubaal (ma xagga) kuwa ka dooda Aayadaha Ilaahay xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) weynaan aysan weligood gaari doonin ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka لَخَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَكۡبَرُ مِنۡ خَلۡقِ ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ ٥٧Xaqiiq abuurista samooyinka iyo arlada baa ka weyn abuurista dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَلَا ٱلۡمُسِيٓءُۚ قَلِيلًا مَّا تَتَذَكَّرُونَ ٥٨Oo ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye inta aaad waantowdaan إِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٌ لَّا رَيۡبَ فِيهَا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ ٥٩Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, laakiinse dadka badankiisu ma ay rumaysna وَقَالَ رَبُّكُمُ ٱدۡعُونِيٓ أَسۡتَجِبۡ لَكُمۡۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِي سَيَدۡخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ ٦٠Oo Rabbigiin wuxuu leeyahay: I barya11 waan idinka aqbaliye; hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda12, waxay goor aan fogeyn geli doonaan Naar iyagoo dullaysan ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ ٦١Allaah waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, oo maalinta idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankoodu ma mahad naqaan ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٍ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ ٦٢Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay كَذَٰلِكَ يُؤۡفَكُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ ٦٣Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii dafiray Aayadaha Ilaahay ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارًا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءً وَصَوَّرَكُمۡ فَأَحۡسَنَ صُوَرَكُمۡ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٦٤Allaah, waa kan idiinka dhigay arlada meel degganaansho, cirkana saqaf oo idin suureeyey markaas wanaajiyey suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah Rabbigiin, ee waxaa khayr badnaaday iyo barako Allaah Rabbiga uunanka هُوَ ٱلۡحَيُّ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱدۡعُوهُ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَۗ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٦٥Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka ۞ قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَمَّا جَآءَنِيَ ٱلۡبَيِّنَٰتُ مِن رَّبِّي وَأُمِرۡتُ أَنۡ أُسۡلِمَ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٦٦Dheh: aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi, marka ay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, oo waxaa aniga la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uunanka هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٍ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٍ ثُمَّ يُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلًا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡ ثُمَّ لِتَكُونُواْ شُيُوخًاۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبۡلُۖ وَلِتَبۡلُغُوٓاْ أَجَلًا مُّسَمًّى وَلَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ ٦٧Isaga weeye Kan idinka abuuray ciid, haddana mino nool, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u qaan gaartaan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, oo waxaa jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban13, bal inaad garowsataan هُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ فَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ ٦٨Isaga (Alle) weeye Kan bixiya nolol, oo sababa geeri, oo marka uu arrin guddoo- miyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, oo waaba yahay أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ أَنَّىٰ يُصۡرَفُونَ ٦٩Mawaadaan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Ilaahay: Xaggee baa loo iilay ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِٱلۡكِتَٰبِ وَبِمَآ أَرۡسَلۡنَا بِهِۦ رُسُلَنَاۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٧٠Kuwa beeniya Kitaabka iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (goor dhow waxa ku dhaca) إِذِ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ وَٱلسَّلَٰسِلُ يُسۡحَبُونَ ٧١Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha ahaan luqumahooda; waxaa lagu jiidi doonaa فِي ٱلۡحَمِيمِ ثُمَّ فِي ٱلنَّارِ يُسۡجَرُونَ ٧٢Biyo kulul oo karaya dhexdood, markaas Naarta baa lagu gubi ثُمَّ قِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تُشۡرِكُونَ ٧٣Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen مِن دُونِ ٱللَّهِۖ قَالُواْ ضَلُّواْ عَنَّا بَل لَّمۡ نَكُن نَّدۡعُواْ مِن قَبۡلُ شَيۡـًٔاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٧٤Allaah ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu dhawaaqin jirin waxna kal hore. Sidaas buu Allaah u lumiyaa gaalada ذَٰلِكُم بِمَا كُنتُمۡ تَفۡرَحُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَبِمَا كُنتُمۡ تَمۡرَحُونَ ٧٥(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxaad aad ugu farax taraari jirteen dhulka xaq darro oo waxaad u dhaqmi jirteen si kibir badan ٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ ٧٦Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, ee maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقٌّۚ فَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ ٧٧Ee samir yeelo, hubaal Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq, oo haddii aan ku tusno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsannaba (intaas ka hor), waa Xaggayaga halka loo soo celin doono وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلًا مِّن قَبۡلِكَ مِنۡهُم مَّن قَصَصۡنَا عَلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّن لَّمۡ نَقۡصُصۡ عَلَيۡكَۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأۡتِيَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قُضِيَ بِٱلۡحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ ٧٨Oo xaqiiq waxaan soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, oo waxaa jira kuwo kale aanu kaaga qisoon, oo ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Ilaahay ma’ahee. markase uu Amarka Ilaahay yimaado, waxaa lagu xukumi Xaq, oo halkaas kuwa ka soo qaaday wax been ah oo kale waa hoogaan ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمَ لِتَرۡكَبُواْ مِنۡهَا وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ ٧٩Allaah waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha), si aad u fuushaan qaar ka mid ah, oo qaar ka mid ah aad cuntaan وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَلِتَبۡلُغُواْ عَلَيۡهَا حَاجَةً فِي صُدُورِكُمۡ وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ ٨٠Oo waxaa jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَأَيَّ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُنكِرُونَ ٨١Oo Wuxuu idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Ilaahay beenineysaan أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِنۡهُمۡ وَأَشَدَّ قُوَّةً وَءَاثَارًا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٨٢Mawaysan ku socdaalin arlada oo arag sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani, oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَرِحُواْ بِمَا عِندَهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ٨٣Ee Markii ay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farax taraareen waxay heysteen oo aqoon ah14, oo halkaas waxaa ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen فَلَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَحۡدَهُۥ وَكَفَرۡنَا بِمَا كُنَّا بِهِۦ مُشۡرِكِينَ ٨٤Markiise ay arkeen Cadaabtayadii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumaysannahay Allaah Keliya, oo diidnay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay فَلَمۡ يَكُ يَنفَعُهُمۡ إِيمَٰنُهُمۡ لَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَاۖ سُنَّتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي قَدۡ خَلَتۡ فِي عِبَادِهِۦۖ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡكَٰفِرُونَ ٨٥Rumayntooduse ma ahayn mid anfacaysa iyaga marka ay arkeen Cadaabtayada, (tani waa) xeerka Ilaahay oo horay ugu meel maray addoomahiisa. Oo halkaas gaalada waa ku hoogaan

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.