ملة الإسلام

السورة 68 · 52 آية · Mahmud Muhammad Abduh

سورة القلم باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة القلم (1,276 قارئاً)
مكيةسورة القلم٥٢ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ ١Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka) مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٍ ٢Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٍ ٣Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ ٤Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ ٥Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan بِأَييِّكُمُ ٱلۡمَفۡتُونُ ٦kinna waalan (ama la caddibo) إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ ٧Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan فَلَا تُطِعِ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٨Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda) وَدُّواْ لَوۡ تُدۡهِنُ فَيُدۡهِنُونَ ٩Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan وَلَا تُطِعۡ كُلَّ حَلَّافٍ مَّهِينٍ ١٠Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan هَمَّازٍ مَّشَّآءِۭ بِنَمِيمٍ ١١oo Xanlow ah, isku diraa ah مَّنَّاعٍ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ ١٢Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah عُتُلِّۭ بَعۡدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ ١٣Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah) أَن كَانَ ذَا مَالٍ وَبَنِينَ ١٤inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay) إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٥Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلۡخُرۡطُومِ ١٦wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ ١٧Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ ١٨Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ ١٩Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ ٢٠Waxayna noqotay wax la shafay oo kale فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ ٢١wayna isu dhawaaqeen Subaxdii أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ ٢٢iyagoo leh kallaha oo beerta goosta فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ ٢٣wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٌ ٢٤inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٍ قَٰدِرِينَ ٢٥Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo) فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ ٢٦Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ ٢٧haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ ٢٨Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ ٢٩Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ يَتَلَٰوَمُونَ ٣٠Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ ٣١Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرًا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ ٣٢Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٣٣Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ٣٤Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada» أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ ٣٥Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ ٣٦Seed u dhihi kartaan saas أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٌ فِيهِ تَدۡرُسُونَ ٣٧Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ ٣٨oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ ٣٩Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ ٤٠Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ ٤١mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ ٤٢Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٌۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ ٤٣Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ ٤٤Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ ٤٥Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرًا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٍ مُّثۡقَلُونَ ٤٦Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ ٤٧Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٌ ٤٨Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٌ ٤٩Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ٥٠Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٌ ٥١Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu) وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٌ لِّلۡعَٰلَمِينَ ٥٢Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka

الترجمة: Mahmud Muhammad Abduh.