بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفًّا ١(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرًا ٢Iyo tan kaxaysa daruuraha فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا ٣Iyo tan akhrida Quraanka إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٌ ٤Ee ilaahiin waa mid (qudha) رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ ٥Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ ٦Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah وَحِفۡظًا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٍ مَّارِدٍ ٧Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ ٨Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta دُحُورًاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ وَاصِبٌ ٩Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٌ ثَاقِبٌ ١٠Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٍ لَّازِبِۭ ١١Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ ١٢Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ ١٣Marka la waaniyana ma waantooban وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةً يَسۡتَسۡخِرُونَ ١٤Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٌ مُّبِينٌ ١٥Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ ١٦Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ ١٧Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin) قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ ١٨Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٌ وَٰحِدَةٌ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ ١٩Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ ٢٠Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ٢١Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen ۞ ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٢٢Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ ٢٣Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ ٢٤Joojiyana waxbaa la waydiine مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ ٢٥(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ ٢٦Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ يَتَسَآءَلُونَ ٢٧Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ ٢٨Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga) قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ ٢٩Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمًا طَٰغِينَ ٣٠Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ ٣١Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka) فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ ٣٢Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٍ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ ٣٣Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ ٣٤Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ ٣٥Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجۡنُونِۭ ٣٦Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٣٧Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray) إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ ٣٨Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya) وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٣٩Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٤٠Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan) أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٌ مَّعۡلُومٌ ٤١Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno) فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ ٤٢Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ٤٣Jannooyinka Naciima عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَٰبِلِينَ ٤٤Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٍ مِّن مَّعِينِۭ ٤٥Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano) بَيۡضَآءَ لَذَّةٍ لِّلشَّٰرِبِينَ ٤٦Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi لَا فِيهَا غَوۡلٌ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ ٤٧Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada) وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٌ ٤٨Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٌ مَّكۡنُونٌ ٤٩Ood moodo ukun la dhowray فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ يَتَسَآءَلُونَ ٥٠Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin قَالَ قَآئِلٌ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ ٥١Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ ٥٢Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta) أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ ٥٣Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ ٥٤Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ ٥٥Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ ٥٦Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso) وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ ٥٧Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta) أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ ٥٨(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ ٥٩Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ٦٠Taasina waa uun liibaanta wayn لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ ٦١Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali أَذَٰلِكَ خَيۡرٌ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ ٦٢Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd) إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةً لِّلظَّٰلِمِينَ ٦٣Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ ٦٤Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ ٦٥Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ ٦٦Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبًا مِّنۡ حَمِيمٍ ٦٧Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ ٦٨Markaas waxay ku noqon jaxiimo إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ ٦٩Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ ٧٠Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٧١Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ ٧٢Waxaana udiraydhexdooda udigayaal فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ ٧٣Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٧٤Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan) وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٌ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ ٧٥Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ ٧٦Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii) وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ ٧٧Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ٧٨Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah) سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٩NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٨٠Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٨١Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa) ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ٨٢Markaasaan maanshaynay kuwii kale ۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ ٨٣Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٍ سَلِيمٍ ٨٤Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey) إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ ٨٥Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan أَئِفۡكًا ءَالِهَةً دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ ٨٦Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٨٧Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka فَنَظَرَ نَظۡرَةً فِي ٱلنُّجُومِ ٨٨Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٌ ٨٩Wuxuuna yidhi waan bukaa فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ ٩٠Markaasay katageen kana jeedsadeen فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ ٩١Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ ٩٢Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ ٩٣Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ ٩٤Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay) قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ ٩٥Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen) وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ ٩٦Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنًا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ ٩٧Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka) فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدًا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ ٩٨Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday) وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ ٩٩Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١٠٠Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo) فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٍ ١٠١Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ ١٠٢Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ ١٠٣Markay hogaansameen oos u lagday wajiga وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ ١٠٤Yaan udhawaaqnay Ibraahimow قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٠٥Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ ١٠٦Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn) وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٍ ١٠٧Waxaana ku furanay loog weyn (wan) وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ١٠٨Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ ١٠٩Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١١٠Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١١١Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيًّا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١١٢Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٌ وَظَالِمٌ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٌ ١١٣Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ١١٤Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo) وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ ١١٥Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ ١١٦Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey) وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ ١١٧waxaana siinay Kitaabkii caddaa وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ ١١٨Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ١١٩Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah) سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ١٢٠Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٢١Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٢٢Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٢٣Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ ١٢٤Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn) أَتَدۡعُونَ بَعۡلًا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ ١٢٥Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٢٦Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ ١٢٧Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab) إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ١٢٨Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr) وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ١٢٩Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah) سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ ١٣٠Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٣١Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٣٢Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah وَإِنَّ لُوطًا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٣٣Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray) إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ ١٣٤Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan إِلَّا عَجُوزًا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ ١٣٥marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ١٣٦Ka dibna waxaan halaagnay intii kale وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ ١٣٧Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ١٣٨Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٣٩Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray) إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ ١٤٠Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ ١٤١Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray) فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ ١٤٢Kalluunna liqay isagoo ladagaalay فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ ١٤٣Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa) لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ ١٤٤Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka ۞ فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٌ ١٤٥Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةً مِّن يَقۡطِينٍ ١٤٦Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed) وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ ١٤٧Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٍ ١٤٨Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ ١٤٩Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثًا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ ١٥٠Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ ١٥١Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ ١٥٢Eeba waa dhalay waana beenaalayaal أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ ١٥٣Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ ١٥٤Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan أَفَلَا تَذَكَّرُونَ ١٥٥Miyeeydaan wax xusuusaneyn أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٌ مُّبِينٌ ١٥٦Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ١٥٧Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبًاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ ١٥٨Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada) سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ ١٥٩Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ١٦٠Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan) فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ ١٦١Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy) مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ ١٦٢Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ ١٦٣Marka laga reebo kuwagali jaxiimo وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٌ مَّعۡلُومٌ ١٦٤Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ ١٦٥Waana safannahay (cibaado darteed) وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ ١٦٦Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe) وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ ١٦٧Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرًا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٦٨Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab) لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ١٦٩Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ١٧٠Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca) وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٧١Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii) إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ ١٧٢In iyaga uun loo gargaari وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ ١٧٣Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan) فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٍ ١٧٤Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ ١٧٥Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca) أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ ١٧٦Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ ١٧٧Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٍ ١٧٨Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ ١٧٩Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca) سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ ١٨٠Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun) وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٨١Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٨٢Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah