Millat al-Islam

Chapter 2 · 286 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Baqarah in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Baqarah (1524 reciters)
Medinanسورة البقرة286 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓمٓ ١Alif laam miim ذَٰلِكَ ٱلۡكِتَٰبُ لَا رَيۡبَۛ فِيهِۛ هُدًى لِّلۡمُتَّقِينَ ٢Kitaabkani, shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa iska jira (xumaha) ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡغَيۡبِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ ٣Kuwa rumeysan waxa aan muuqan ee qarsoon, oo hagaajiya salaadda, oo wax ka bixiya waxa aanu siinnay وَٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ وَبِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ ٤Oo (ah) kuwa rumeysan waxa laguu soo waxyooday (Muxammadow), iyo waxa la soo waxyoodayba adiga hortaa3, ee Aakhiro iyagu yaqiinsan أُوْلَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ٥Kuwan baa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ٦Hubaal Kuwa rumeysan diida, waa isugu mid haddii aad u digto iyo haddii aadan u diginba, ma rumeyn doonaan خَتَمَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَعَلَىٰ سَمۡعِهِمۡۖ وَعَلَىٰٓ أَبۡصَٰرِهِمۡ غِشَٰوَةٌۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ ٧Wuxuu Allaah ku dhigay shaabbad daahda quluubtooda iyo maqalkooda, oo araggooda waxaa ku rogan dabool4. Oo waxay mudan doonaan cadaab aad u weyn وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَمَا هُم بِمُؤۡمِنِينَ ٨Oo dadka waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Allaah5 iyo Maalinta dambeysa oo aan ahaynba mu’miniin يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَمَا يَخۡدَعُونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ ٩Waxay (rabaan inay) dagaan Allaah iyo kuwa rumeysan, mase dagaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ ٱللَّهُ مَرَضًاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡذِبُونَ ١٠Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Allaah u kordhiyey cudur. Oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَا تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ قَالُوٓاْ إِنَّمَا نَحۡنُ مُصۡلِحُونَ ١١Oo marka lagu yidhaahdo: Ha ku falina fasahaad arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun sama doon أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡمُفۡسِدُونَ وَلَٰكِن لَّا يَشۡعُرُونَ ١٢Haddaba hubaal Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi, laakiinse ma ay dareensana وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ ءَامِنُواْ كَمَآ ءَامَنَ ٱلنَّاسُ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ كَمَآ ءَامَنَ ٱلسُّفَهَآءُۗ أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلسُّفَهَآءُ وَلَٰكِن لَّا يَعۡلَمُونَ ١٣Oo marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Oo ma waxaanu u rumeynaynaa sida ay maangaabku u rumeeyeen? Haddaba hubaal waa iyaga kuwa maan gaabka ahi, laakiinse waanay garaneyn وَإِذَا لَقُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوۡاْ إِلَىٰ شَيَٰطِينِهِمۡ قَالُوٓاْ إِنَّا مَعَكُمۡ إِنَّمَا نَحۡنُ مُسۡتَهۡزِءُونَ ١٤Oo markay la kulmaan kuwa rumeysan, waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda, waxay yidhaahdaan: hubaal innagu idinkaynu idinla jidhnaa; waa uun iska jeesjeeseennay ٱللَّهُ يَسۡتَهۡزِئُ بِهِمۡ وَيَمُدُّهُمۡ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ ١٥Allaah baa se ku jees-jeesi doona, oo wuxuu kaga tagi doonaa keligood xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلضَّلَٰلَةَ بِٱلۡهُدَىٰ فَمَا رَبِحَت تِّجَٰرَتُهُمۡ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ ١٦Kuwani waa kuwa iyagu iibsaday habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacooda ma keento wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan مَثَلُهُمۡ كَمَثَلِ ٱلَّذِي ٱسۡتَوۡقَدَ نَارًا فَلَمَّآ أَضَآءَتۡ مَا حَوۡلَهُۥ ذَهَبَ ٱللَّهُ بِنُورِهِمۡ وَتَرَكَهُمۡ فِي ظُلُمَٰتٍ لَّا يُبۡصِرُونَ ١٧Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu u ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, Allaah ka qaaday iftiinkii, oo uga tegay gudcurro mugdi daran ah oo aanay waxba arkeyn صُمُّۢ بُكۡمٌ عُمۡيٌ فَهُمۡ لَا يَرۡجِعُونَ ١٨Waa dhego la’ yihiin, af la' yihiin, (oo) indho la' yihiin, marka dib uguma soo laabtaan (waddada toosan) أَوۡ كَصَيِّبٍ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فِيهِ ظُلُمَٰتٌ وَرَعۡدٌ وَبَرۡقٌ يَجۡعَلُونَ أَصَٰبِعَهُمۡ فِيٓ ءَاذَانِهِم مِّنَ ٱلصَّوَٰعِقِ حَذَرَ ٱلۡمَوۡتِۚ وَٱللَّهُ مُحِيطُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ ١٩Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruurta oo wata gudcur madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowdka. Oo Allaah waa ku hareersan yahay gaalada يَكَادُ ٱلۡبَرۡقُ يَخۡطَفُ أَبۡصَٰرَهُمۡۖ كُلَّمَآ أَضَآءَ لَهُم مَّشَوۡاْ فِيهِ وَإِذَآ أَظۡلَمَ عَلَيۡهِمۡ قَامُواْۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَذَهَبَ بِسَمۡعِهِمۡ وَأَبۡصَٰرِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ قَدِيرٌ ٢٠Hillaacu wuxuu sigaa inuu indho tiro, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaada dushooda way joogsadaan. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu xaqiiq tiri lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Allaah wax walba Wuu Karaa يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱعۡبُدُواْ رَبَّكُمُ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ ٢١Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyayba, bal inaad u hoggaansantaan ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فِرَٰشًا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءً وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَخۡرَجَ بِهِۦ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ رِزۡقًا لَّكُمۡۖ فَلَا تَجۡعَلُواْ لِلَّهِ أَندَادًا وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٢٢(Isaga weeye) Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, oo ka soo shuba daruurta biyo, markaas ku soo saara miraha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Allaah shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon(inaysan jirin cid la mid ah) وَإِن كُنتُمۡ فِي رَيۡبٍ مِّمَّا نَزَّلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا فَأۡتُواْ بِسُورَةٍ مِّن مِّثۡلِهِۦ وَٱدۡعُواْ شُهَدَآءَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٢٣Oo haddaad ka shakisan tihiin waxa aan u soo waxyoonnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad), haddaba keena Suurad la mid ah, oo u yeerta taageerayaashiinna Allaah ka sokow, haddaad tihiin run sheegayaal فَإِن لَّمۡ تَفۡعَلُواْ وَلَن تَفۡعَلُواْ فَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلۡحِجَارَةُۖ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ ٢٤Haddii se aydaan falin, marnabana ma fali doontaane, hadddaba iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, taasoo loo diyaarshay gaalada وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ جَنَّٰتٍ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ كُلَّمَا رُزِقُواْ مِنۡهَا مِن ثَمَرَةٍ رِّزۡقًا قَالُواْ هَٰذَا ٱلَّذِي رُزِقۡنَا مِن قَبۡلُۖ وَأُتُواْ بِهِۦ مُتَشَٰبِهًاۖ وَلَهُمۡ فِيهَآ أَزۡوَٰجٌ مُّطَهَّرَةٌۖ وَهُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢٥Oo ugu bishaaree kuwa rumeysan oo samaha fala, inay mudan doonaan beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo miro, Waxay odhan doonaan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, oo waxaa la siiyey kuwo kale oo u eg, oo waxay ku yeelan doonaan dhexdeeda afooyin la daahiriyey, oo waa ay ku dhex waari doonaan ۞ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَسۡتَحۡيِۦٓ أَن يَضۡرِبَ مَثَلًا مَّا بَعُوضَةً فَمَا فَوۡقَهَاۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فَيَعۡلَمُونَ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡۖ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَيَقُولُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًاۘ يُضِلُّ بِهِۦ كَثِيرًا وَيَهۡدِي بِهِۦ كَثِيرًاۚ وَمَا يُضِلُّ بِهِۦٓ إِلَّا ٱلۡفَٰسِقِينَ ٢٦Hubaal Allaah kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale- kaneeco ama wax ka sii yarba6. Ma xagga kuwa rumeysan, way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, ma kuwase rumeysan waaya, waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Allaah tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, oo ku hanuuniyaa in badan. Oo kuma habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha ٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهۡدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقۡطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ٢٧Kuwa ka baxa ballanka Ilaahay kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Allaah uu amray in la xidhiidhiyo, ee ku fala fasahaad arlada, kuwan weeye kuwa iyagu ku sugan khasaaraha weyni كَيۡفَ تَكۡفُرُونَ بِٱللَّهِ وَكُنتُمۡ أَمۡوَٰتًا فَأَحۡيَٰكُمۡۖ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يُحۡيِيكُمۡ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٢٨Sidee baad ugu gaaloobeysaan Allaah idinkoo ahaa meyti, buu markaa idin soo nooleeyey, haddana sababi doonaa inaad dhimataan, haddana dib idin soo nooleyn doonaa, haddana Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ لَكُم مَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعًا ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَسَوَّىٰهُنَّ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٍۚ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ ٢٩Waa Isaga Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan. markaas wuxuu abbaaray xagga samada, markaas ka dhigay toddobo samood, oo Isagu wax waliba Ogsoon وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي ٱلۡأَرۡضِ خَلِيفَةًۖ قَالُوٓاْ أَتَجۡعَلُ فِيهَا مَن يُفۡسِدُ فِيهَا وَيَسۡفِكُ ٱلدِّمَآءَ وَنَحۡنُ نُسَبِّحُ بِحَمۡدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَۖ قَالَ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ مَا لَا تَعۡلَمُونَ ٣٠Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan dhigayaa dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Waa la yaabe! ma waxaad dhigi doontaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga, oo ku xurmo weyneyna. Wuxuu yidhi: hubaal Waxaan Anigu ogahay wax aydaan ogeyn وَعَلَّمَ ءَادَمَ ٱلۡأَسۡمَآءَ كُلَّهَا ثُمَّ عَرَضَهُمۡ عَلَى ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ فَقَالَ أَنۢبِـُٔونِي بِأَسۡمَآءِ هَٰٓؤُلَآءِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٣١Oo wuxuu baray Aadam magacyada oo idil, markaas buu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddii aad tihiin run sheegayaal قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ لَا عِلۡمَ لَنَآ إِلَّا مَا عَلَّمۡتَنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ ٣٢Waxa yidhaahdeen: Xurmo oo dhan Adigaa baa iska leh! Ma lihin cilmi aan aheyn waxa aad na bartay. Hubaal waa Adiga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ أَنۢبِئۡهُم بِأَسۡمَآئِهِمۡۖ فَلَمَّآ أَنۢبَأَهُم بِأَسۡمَآئِهِمۡ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ غَيۡبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَأَعۡلَمُ مَا تُبۡدُونَ وَمَا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ ٣٣Wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markaasuu markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan anigu hubaal ogahay waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arladaba, oo waxaan ogahay waxa aad muujisaan iyo waxa aad idinku qarinayseenba وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ وَٱسۡتَكۡبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٣٤Oo waa tii aan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaas bay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ka mid ahaaday gaalada وَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ ٱسۡكُنۡ أَنتَ وَزَوۡجُكَ ٱلۡجَنَّةَ وَكُلَا مِنۡهَا رَغَدًا حَيۡثُ شِئۡتُمَا وَلَا تَقۡرَبَا هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٣٥Oo Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo afadaaduba Jannada, oo ku cuna badhaadhe iyo bashbash meeshaad ka doontaanba, hase u dhowaannina geedkan haddii kale waxaad ka mid noqon doontaan geflowyda فَأَزَلَّهُمَا ٱلشَّيۡطَٰنُ عَنۡهَا فَأَخۡرَجَهُمَا مِمَّا كَانَا فِيهِۖ وَقُلۡنَا ٱهۡبِطُواْ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوٌّۖ وَلَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُسۡتَقَرٌّ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٍ ٣٦Shaydaanka baase ka yeelay labadoodaba inay ka soo dhaadhacaan oo sababay inay ka soo baxaan (xaaladdaa) ay ku jireen; oo Waxaanu nidhi: Ka dega, (dhammaantiin) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Oo waxaad ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh فَتَلَقَّىٰٓ ءَادَمُ مِن رَّبِّهِۦ كَلِمَٰتٍ فَتَابَ عَلَيۡهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ٣٧Markaas buu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey8, oo wuxuu ka aqbalay towbadiisa. hubaal Waa Isaga (Allaah) Towbad Aqbalaha, Naxariista Badan قُلۡنَا ٱهۡبِطُواْ مِنۡهَا جَمِيعًاۖ فَإِمَّا يَأۡتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدًى فَمَن تَبِعَ هُدَايَ فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٣٨Waxaanu nidhi: Ka degta xaggeeda dhammaantiin, oo markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, haddaba qofkii raaca Hanuunkayga, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٣٩Oo (ma) kuwa (Xaqa) rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari doonaan weligood يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتِيَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتُ عَلَيۡكُمۡ وَأَوۡفُواْ بِعَهۡدِيٓ أُوفِ بِعَهۡدِكُمۡ وَإِيَّٰيَ فَٱرۡهَبُونِ ٤٠Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oo oofiya ballanteyda (idin saaran), waxaan oofin doonaa ballantaan idinka qaaday, oo Anigoo Keliya iga cabsada وَءَامِنُواْ بِمَآ أَنزَلۡتُ مُصَدِّقًا لِّمَا مَعَكُمۡ وَلَا تَكُونُوٓاْ أَوَّلَ كَافِرِۭ بِهِۦۖ وَلَا تَشۡتَرُواْ بِـَٔايَٰتِي ثَمَنًا قَلِيلًا وَإِيَّٰيَ فَٱتَّقُونِ ٤١Oo Rumeeya waxa aan soo waxyooday oo xaqiijinaya waxa aad haysataan, oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee Xaqa diida, oo ha siisannina aayadahayga qiimo yar, oo Anigoo Keliya iga cabsada وَلَا تَلۡبِسُواْ ٱلۡحَقَّ بِٱلۡبَٰطِلِ وَتَكۡتُمُواْ ٱلۡحَقَّ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٤٢Oo ha ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah, hana qarinnina Xaqa idinkoo ogsoon وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱرۡكَعُواْ مَعَ ٱلرَّٰكِعِينَ ٤٣Oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, oo la rukuuca jamaca Rukuucayaasha ۞ أَتَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبِرِّ وَتَنسَوۡنَ أَنفُسَكُمۡ وَأَنتُمۡ تَتۡلُونَ ٱلۡكِتَٰبَۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ٤٤Waa la yaabe! Ma waxaad amartaan samaan dadka oo hilmaantaan nafahiinna9 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan haddaba garaadsan وَٱسۡتَعِينُواْ بِٱلصَّبۡرِ وَٱلصَّلَوٰةِۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى ٱلۡخَٰشِعِينَ ٤٥Oo kaalmaysta Sabarka iyo salaaddda, oo hubaal waa wax ku culus waxaan ahayn kal samayaasha ٱلَّذِينَ يَظُنُّونَ أَنَّهُم مُّلَٰقُواْ رَبِّهِمۡ وَأَنَّهُمۡ إِلَيۡهِ رَٰجِعُونَ ٤٦Kuwa huba inay la kulmi doonaan Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban doonaan يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتِيَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتُ عَلَيۡكُمۡ وَأَنِّي فَضَّلۡتُكُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٧Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna) وَٱتَّقُواْ يَوۡمًا لَّا تَجۡزِي نَفۡسٌ عَن نَّفۡسٍ شَيۡـًٔا وَلَا يُقۡبَلُ مِنۡهَا شَفَٰعَةٌ وَلَا يُؤۡخَذُ مِنۡهَا عَدۡلٌ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ ٤٨Oo iska jira Maalin marka aysan nafi wax u tari doonin naf kale, oo aan laga aqbali doonin shafeeco, oo laga qaadan doonin madax furasho, loona gargaari doonin وَإِذۡ نَجَّيۡنَٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٌ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٌ ٤٩Oo waa tii aan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon10, ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo waxaa taas ku sugnaa imtixaan weyn oo xagga Rabbigiin ah وَإِذۡ فَرَقۡنَا بِكُمُ ٱلۡبَحۡرَ فَأَنجَيۡنَٰكُمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ ٥٠Oo waa tii aan idiin dhanballay badda, oo idin badbaadinnay, oo qarqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkayey وَإِذۡ وَٰعَدۡنَا مُوسَىٰٓ أَرۡبَعِينَ لَيۡلَةً ثُمَّ ٱتَّخَذۡتُمُ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِهِۦ وَأَنتُمۡ ظَٰلِمُونَ ٥١Oo waa tii aan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad sameysateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), oo waxaad ahaydeen gar ma qaatayaal ثُمَّ عَفَوۡنَا عَنكُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ٥٢Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib bal inaad mahad naqdaan وَإِذۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡفُرۡقَانَ لَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ ٥٣Oo waa tii aan siinnay Muuse Kitaabka iyo kala saaraha, bal inaad hanuuntaan وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِنَّكُمۡ ظَلَمۡتُمۡ أَنفُسَكُم بِٱتِّخَاذِكُمُ ٱلۡعِجۡلَ فَتُوبُوٓاْ إِلَىٰ بَارِئِكُمۡ فَٱقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٌ لَّكُمۡ عِندَ بَارِئِكُمۡ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ٥٤Oo waa tii uu Muuse ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiiyow! Xaqiiq Waxaad u gefteen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga(ilaah). Ee u towbad keena Uumihiinna oo dila nafahiinna11, Sidaas baa idiin khayr badan (dhammaantiin) Uumihiinna xaggiisa, mar- kaasuu idinka aqbalay towbaddiinnii, waa Isaga towbad aqbalaha, Naxariista badan وَإِذۡ قُلۡتُمۡ يَٰمُوسَىٰ لَن نُّؤۡمِنَ لَكَ حَتَّىٰ نَرَى ٱللَّهَ جَهۡرَةً فَأَخَذَتۡكُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ ٥٥Oo waa tii aad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysan doonno marnaba jeer aan u aragno Allaah si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo arkayey ثُمَّ بَعَثۡنَٰكُم مِّنۢ بَعۡدِ مَوۡتِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ٥٦Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, bal inaad mahad naqdaan وَظَلَّلۡنَا عَلَيۡكُمُ ٱلۡغَمَامَ وَأَنزَلۡنَا عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَنَّ وَٱلسَّلۡوَىٰۖ كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡۚ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ ٥٧Oo Waxaan har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (wax macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka):Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; oo Annaga waxba nooma ay dhimine, laakiinse waxay (uun) u gafayeen nafahooda وَإِذۡ قُلۡنَا ٱدۡخُلُواْ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةَ فَكُلُواْ مِنۡهَا حَيۡثُ شِئۡتُمۡ رَغَدًا وَٱدۡخُلُواْ ٱلۡبَابَ سُجَّدًا وَقُولُواْ حِطَّةٌ نَّغۡفِرۡ لَكُمۡ خَطَٰيَٰكُمۡۚ وَسَنَزِيدُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٥٨Oo waa tii aan nidhi: Gala magaaladan (Qudus), oo wax ka cuna meeshaad doontaanba bashbash iyo barwaaqo, oo gala albaabka idinkoo hoggaansan oo dhaha: Naga rid culeysyadayada (dambiyada), Waanu idiin dhaafi doonnaa (markaa) gafafkiinna, oo waxaanu u kordhin doonaa sama falayaasha (ajar) فَبَدَّلَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ قَوۡلًا غَيۡرَ ٱلَّذِي قِيلَ لَهُمۡ فَأَنزَلۡنَا عَلَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ رِجۡزًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ ٥٩Kuwaasi se ahaa gar ma qaatayaasha waxay ku beddeleen (ereyadaa) weedh aan ahayn taasi lagu yidhi, markaasaan waxaan ku soo dejinnay kuwii gefka geystey cadaab (daacuun) kaga yimid samada caasintoodii darteed ۞ وَإِذِ ٱسۡتَسۡقَىٰ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ فَقُلۡنَا ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡحَجَرَۖ فَٱنفَجَرَتۡ مِنۡهُ ٱثۡنَتَا عَشۡرَةَ عَيۡنًاۖ قَدۡ عَلِمَ كُلُّ أُنَاسٍ مَّشۡرَبَهُمۡۖ كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ مِن رِّزۡقِ ٱللَّهِ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ ٦٠Oo waa tii uu Muuse u biyo doonay dadkiisii, markaas baan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halka ay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Ilaahay oo ha ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasahaad وَإِذۡ قُلۡتُمۡ يَٰمُوسَىٰ لَن نَّصۡبِرَ عَلَىٰ طَعَامٍ وَٰحِدٍ فَٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُخۡرِجۡ لَنَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلۡأَرۡضُ مِنۢ بَقۡلِهَا وَقِثَّآئِهَا وَفُومِهَا وَعَدَسِهَا وَبَصَلِهَاۖ قَالَ أَتَسۡتَبۡدِلُونَ ٱلَّذِي هُوَ أَدۡنَىٰ بِٱلَّذِي هُوَ خَيۡرٌۚ ٱهۡبِطُواْ مِصۡرًا فَإِنَّ لَكُم مَّا سَأَلۡتُمۡۗ وَضُرِبَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلذِّلَّةُ وَٱلۡمَسۡكَنَةُ وَبَآءُو بِغَضَبٍ مِّنَ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَانُواْ يَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَيَقۡتُلُونَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَواْ وَّكَانُواْ يَعۡتَدُونَ ٦١Oo waa tii aad tidhaahdeen: Muusow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah. Ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro'e waxa dhulka ka soo baxa, oo bagalkiisa leh iyo qiyaarkiisa iyo sareenkiisa iyo toonstiisa iyo digirtiisa iyo basashiisaba. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad ku beddelaneysaan waxa khayr roon wax ka hooseeya? Dega magaalo uun, waxaad hubaal ka heli doontaan waxa aad dalabteen. Oo dulli iyo darxumo baa lagu daboolay, oo la laabteen Cadho xagga Ilaahay (oo dushooda ah). Taasi waxaa ugu wacnaa waxay (marar badan) diideen Aayadaha Ilaahay, oo ku dileen Nabiyada gar darro. Taasi waxaa ugu wacnaa inay caasiyoobeen oo xadgudbi jireen إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلنَّصَٰرَىٰ وَٱلصَّٰبِـِٔينَ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَعَمِلَ صَٰلِحًا فَلَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٦٢Hubaal kuwa rumeeyey iyo kuwaa heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ahaa ee rumeeyey Allaah iyo Maalinta dambeysa oo sama falay, waxay ka heli doonaan abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَكُمۡ وَرَفَعۡنَا فَوۡقَكُمُ ٱلطُّورَ خُذُواْ مَآ ءَاتَيۡنَٰكُم بِقُوَّةٍ وَٱذۡكُرُواْ مَا فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ ٦٣Oo waa tii aan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxa aan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (xumaha) ثُمَّ تَوَلَّيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَۖ فَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ لَكُنتُم مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٦٤Markaas baad intaas kaddib jeesateen. Oo haddaanu Fadliga Ilaahay iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad hubaal ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلَّذِينَ ٱعۡتَدَوۡاْ مِنكُمۡ فِي ٱلسَّبۡتِ فَقُلۡنَا لَهُمۡ كُونُواْ قِرَدَةً خَٰسِـِٔينَ ٦٥Oo xaqiiq waxaad ogaateen kuwaas idinka mid ah ee ku xadgudbay arrinkii Sabtida, oo Waxaanu ku nidhi: Noqda (sida) daayeerro dulleysan oo deyro ah فَجَعَلۡنَٰهَا نَكَٰلًا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهَا وَمَا خَلۡفَهَا وَمَوۡعِظَةً لِّلۡمُتَّقِينَ ٦٦Oo waxaan uga dhignay ciqaab celisa kuwaa ahaa goob joogga iyo kuwa ka dambeeyeyba iyo waano ay ku cbirad qaataan kuwa iska jira (xumaha) وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تَذۡبَحُواْ بَقَرَةًۖ قَالُوٓاْ أَتَتَّخِذُنَا هُزُوًاۖ قَالَ أَعُوذُ بِٱللَّهِ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ ٦٧Oo waa tii uu Muuse ku yidhi tolkiisii: hubaal Allaah wuxuu idin amrayaa inaad gowracdaan sac12. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu ciyaareysaa. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Allaah inaan ka mid noqdo jaahiliinta قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَۚ قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٌ لَّا فَارِضٌ وَلَا بِكۡرٌ عَوَانُۢ بَيۡنَ ذَٰلِكَۖ فَٱفۡعَلُواْ مَا تُؤۡمَرُونَ ٦٨Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa; inuu noo caddeeyo waxa ay tahay. (Muuse) wuxuu yidhi: (Allaah) Wuxuu leeyahay, waa sac aan duq aheyn iyo ugub midna, oo u dhexeysa labadaa xaaladood; ee fala waxa la idin amray قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا لَوۡنُهَاۚ قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٌ صَفۡرَآءُ فَاقِعٌ لَّوۡنُهَا تَسُرُّ ٱلنَّٰظِرِينَ ٦٩Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waa maxay midabkeedu. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, Waa sac huruud ah oo midabkeedu huruud aad ah yahay, ay u bogayaan arkayaasha قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَ إِنَّ ٱلۡبَقَرَ تَشَٰبَهَ عَلَيۡنَا وَإِنَّآ إِن شَآءَ ٱللَّهُ لَمُهۡتَدُونَ ٧٠Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxa ay tahay. Hubaal lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, oo haddii Allaah idmo waxaan hubaal ahaan doonnaa kuwo hanuunsan قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٌ لَّا ذَلُولٌ تُثِيرُ ٱلۡأَرۡضَ وَلَا تَسۡقِي ٱلۡحَرۡثَ مُسَلَّمَةٌ لَّا شِيَةَ فِيهَاۚ قَالُواْ ٱلۡـَٰٔنَ جِئۡتَ بِٱلۡحَقِّۚ فَذَبَحُوهَا وَمَا كَادُواْ يَفۡعَلُونَ ٧١Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoo ay niyad u heyn inay sameeyaanba وَإِذۡ قَتَلۡتُمۡ نَفۡسًا فَٱدَّٰرَٰٔتُمۡ فِيهَاۖ وَٱللَّهُ مُخۡرِجٌ مَّا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ ٧٢Oo waa tii aad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allaah se wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxa aad qarineyseen فَقُلۡنَا ٱضۡرِبُوهُ بِبَعۡضِهَاۚ كَذَٰلِكَ يُحۡيِ ٱللَّهُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ ٧٣Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) waax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaas buu Allaah u soo nooleeyaa meytida, oo wuxuu idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan ثُمَّ قَسَتۡ قُلُوبُكُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ فَهِيَ كَٱلۡحِجَارَةِ أَوۡ أَشَدُّ قَسۡوَةًۚ وَإِنَّ مِنَ ٱلۡحِجَارَةِ لَمَا يَتَفَجَّرُ مِنۡهُ ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَشَّقَّقُ فَيَخۡرُجُ مِنۡهُ ٱلۡمَآءُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَهۡبِطُ مِنۡ خَشۡيَةِ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ٧٤Markaas quluubtiinnu way qallashay intaa kaddib, oo waa sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo hubaal waxaa jira dhagaxyo qaar ay ka soo burqadaan wabiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Ilaahay darteed13. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan ۞ أَفَتَطۡمَعُونَ أَن يُؤۡمِنُواْ لَكُمۡ وَقَدۡ كَانَ فَرِيقٌ مِّنۡهُمۡ يَسۡمَعُونَ كَلَٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُحَرِّفُونَهُۥ مِنۢ بَعۡدِ مَا عَقَلُوهُ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ ٧٥Ee ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan14 iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Ilaahay, oo markaas beddelaan (Towraadda)15 intay fahmeen kaddib iyagoo ogsoon وَإِذَا لَقُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَا بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ قَالُوٓاْ أَتُحَدِّثُونَهُم بِمَا فَتَحَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ لِيُحَآجُّوكُم بِهِۦ عِندَ رَبِّكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ٧٦Oo markay la kulmaan kuwa rumeysan, waxay yidhaahdaan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad idinku uga warrameysaan waxa Allaah idiin caddeeyey, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan haddaba garaad lahayn أَوَلَا يَعۡلَمُونَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ ٧٧Mawaysan se ogayn in Allaah ogsoon yahay waxa ay qariyaan iyo waxa ay muujiyaanba وَمِنۡهُمۡ أُمِّيُّونَ لَا يَعۡلَمُونَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّآ أَمَانِيَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَظُنُّونَ ٧٨Oo waxaa ka mid ah caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, wax se iska maleeya uun فَوَيۡلٌ لِّلَّذِينَ يَكۡتُبُونَ ٱلۡكِتَٰبَ بِأَيۡدِيهِمۡ ثُمَّ يَقُولُونَ هَٰذَا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ لِيَشۡتَرُواْ بِهِۦ ثَمَنًا قَلِيلًاۖ فَوَيۡلٌ لَّهُم مِّمَّا كَتَبَتۡ أَيۡدِيهِمۡ وَوَيۡلٌ لَّهُم مِّمَّا يَكۡسِبُونَ ٧٩Ee hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka isla gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Ilaahay, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxa ay gacmahooda qoreen darteed, oo hoog bay leeyihiin waxa ay kasbadaan darteed وَقَالُواْ لَن تَمَسَّنَا ٱلنَّارُ إِلَّآ أَيَّامًا مَّعۡدُودَةًۚ قُلۡ أَتَّخَذۡتُمۡ عِندَ ٱللَّهِ عَهۡدًا فَلَن يُخۡلِفَ ٱللَّهُ عَهۡدَهُۥٓۖ أَمۡ تَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ ٨٠Oo waxay yidhaahdaan: Marnaba Naari nama taaban doonto waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Ilaahay, marka Allaah ma ka bixi doono ballankiisa? Mise waxaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan ogeyn بَلَىٰۚ مَن كَسَبَ سَيِّئَةً وَأَحَٰطَتۡ بِهِۦ خَطِيٓـَٔتُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٨١Haayoo, Qofkii kasbadaa xume ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٨٢oo (ma xagga) kuwa rumeysan oo samaha fala16, kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari doonaan weligood وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ لَا تَعۡبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَانًا وَذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَقُولُواْ لِلنَّاسِ حُسۡنًا وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ ثُمَّ تَوَلَّيۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلًا مِّنكُمۡ وَأَنتُم مُّعۡرِضُونَ ٨٣Oo waa tii aan la galnay ballan Ilmahii Isaraa’iil: Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, oo waalidka u sama fala, iyo qaraabada iyo agoomaha iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadallo san, oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada, markaas baad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee oo (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَكُمۡ لَا تَسۡفِكُونَ دِمَآءَكُمۡ وَلَا تُخۡرِجُونَ أَنفُسَكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ ثُمَّ أَقۡرَرۡتُمۡ وَأَنتُمۡ تَشۡهَدُونَ ٨٤Oo waa tii aan idinla gallay ballan (leh): Ha daadinnina dhiiggiinna (midkiinba midka kale), ama ha iska qaxinnina guryahiinna, markaas aad qirteen (tani) idinkaana marag ka ah ثُمَّ أَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ تَقۡتُلُونَ أَنفُسَكُمۡ وَتُخۡرِجُونَ فَرِيقًا مِّنكُم مِّن دِيَٰرِهِمۡ تَظَٰهَرُونَ عَلَيۡهِم بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَإِن يَأۡتُوكُمۡ أُسَٰرَىٰ تُفَٰدُوهُمۡ وَهُوَ مُحَرَّمٌ عَلَيۡكُمۡ إِخۡرَاجُهُمۡۚ أَفَتُؤۡمِنُونَ بِبَعۡضِ ٱلۡكِتَٰبِ وَتَكۡفُرُونَ بِبَعۡضٍۚ فَمَا جَزَآءُ مَن يَفۡعَلُ ذَٰلِكَ مِنكُمۡ إِلَّا خِزۡيٌ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يُرَدُّونَ إِلَىٰٓ أَشَدِّ ٱلۡعَذَابِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ٨٥Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qaxinaya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn dambi iyo colaad. Oo hadday idiin yimaadaan iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qaxintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad haddaba rumeysaan qaar ka mid ah Kitaabka oo diiddaan in kale oo ka mid ah17? Oo muxuu yahay haddaba abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya waxaan aheyn dulli nolosha adduunkan ah, oo Maalinta Qiyaamaha waxaa loo celin doonaa cadaab tan ugu daran. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا بِٱلۡأٓخِرَةِۖ فَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ ٨٦Kuwaanu waa kuwa gata nolosha adduunkan halkii Aakhirada, sidaas awgeed cadaabta lagama khafiifin doono loomana gargaari doono وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَقَفَّيۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ بِٱلرُّسُلِۖ وَءَاتَيۡنَا عِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَأَيَّدۡنَٰهُ بِرُوحِ ٱلۡقُدُسِۗ أَفَكُلَّمَا جَآءَكُمۡ رَسُولُۢ بِمَا لَا تَهۡوَىٰٓ أَنفُسُكُمُ ٱسۡتَكۡبَرۡتُمۡ فَفَرِيقًا كَذَّبۡتُمۡ وَفَرِيقًا تَقۡتُلُونَ ٨٧Oo xaqiiq Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, oo waxaan soo dirnay Rusul isaga kaddib midba mid kale xigsaday. Oo Waxaanu siinnay Ciise ina Maryam, xujooyin cad oo ku xoojinnay Ruuxda daahirka ah (Jabriil). Waa la yaabe! Mar walba uu Rasuul idiinla yimaado waxaanay nafahiiinnu rabin, baad is kibrisaan markaas qaar beenisaan, qaarna disheen وَقَالُواْ قُلُوبُنَا غُلۡفُۢۚ بَل لَّعَنَهُمُ ٱللَّهُ بِكُفۡرِهِمۡ فَقَلِيلًا مَّا يُؤۡمِنُونَ ٨٨Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayada waa qufulan yihiin. Mayee, Allaah baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan وَلَمَّا جَآءَهُمۡ كِتَٰبٌ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٌ لِّمَا مَعَهُمۡ وَكَانُواْ مِن قَبۡلُ يَسۡتَفۡتِحُونَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَمَّا جَآءَهُم مَّا عَرَفُواْ كَفَرُواْ بِهِۦۚ فَلَعۡنَةُ ٱللَّهِ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٨٩Oo markuu u yimid Kitaab ka yimid xagga Ilaahay xaqiijinaya waxa ay haystaan, iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markiise uu halkaa u yimid (Nabi) ay aqoonsadeen bay rumayn diideen. Ee nacladda Ilaahay dushooda ha ahaato gaalada بِئۡسَمَا ٱشۡتَرَوۡاْ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمۡ أَن يَكۡفُرُواْ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بَغۡيًا أَن يُنَزِّلَ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ فَبَآءُو بِغَضَبٍ عَلَىٰ غَضَبٍۚ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٌ مُّهِينٌ ٩٠Xumaa waxa ay ku gateen nafahooda, inay diidaan waxa Allaah soo waxyooday xasad darti in Allaah uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho18. Oo gaaladu waxay mudan doonanan cadaab aad u dulleysa وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ ءَامِنُواْ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُواْ نُؤۡمِنُ بِمَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا وَيَكۡفُرُونَ بِمَا وَرَآءَهُۥ وَهُوَ ٱلۡحَقُّ مُصَدِّقًا لِّمَا مَعَهُمۡۗ قُلۡ فَلِمَ تَقۡتُلُونَ أَنۢبِيَآءَ ٱللَّهِ مِن قَبۡلُ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ٩١Oo marka lagu yidhaahdo, Rumeeya waxa Allaah soo waxyooday, waxay yidhaahdaan: Waxaanu rumeysannahay waxa naloo soo waxyooday. Oo waxay beeniyaan waxa la barbar ah, isagoo xaq ah xaqiijinaya waxa ay haystaan. Dheh: Maxaad haddaba u disheen Anbiyadii Ilaahay kal hore, haddii aad aheydeen run ahaan mu’miniin ۞ وَلَقَدۡ جَآءَكُم مُّوسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ ثُمَّ ٱتَّخَذۡتُمُ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِهِۦ وَأَنتُمۡ ظَٰلِمُونَ ٩٢Oo xaqiiq Muuse wuxuu idiin la yimid xujooyin cad, markaas baad ka dhigateen dibi (ilaah ahaan) maqnaashahiisii oo waxaad tihiin gar ma qaatayaal وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَكُمۡ وَرَفَعۡنَا فَوۡقَكُمُ ٱلطُّورَ خُذُواْ مَآ ءَاتَيۡنَٰكُم بِقُوَّةٍ وَٱسۡمَعُواْۖ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَعَصَيۡنَا وَأُشۡرِبُواْ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡعِجۡلَ بِكُفۡرِهِمۡۚ قُلۡ بِئۡسَمَا يَأۡمُرُكُم بِهِۦٓ إِيمَٰنُكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ٩٣Oo waa tii aan idinla galnay ballan, oo kor u qaadnay Buurta dushiinna: Xagsada waxaanu idin siinnay (Towraadda) si sugnaan leh oo ahaada daacad wax maqla. Waxay yidhaahdeen: Waanu maqallaa oo caasinnaa. Oo waxaa la waraabiyey Quluubtooda (jaceylka) dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed. Dheh: Xumaa wuxuu iimaankiinnu idinku amro haddaad tihiin mu’miniin قُلۡ إِن كَانَتۡ لَكُمُ ٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ عِندَ ٱللَّهِ خَالِصَةً مِّن دُونِ ٱلنَّاسِ فَتَمَنَّوُاْ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٩٤Dheh: Haddii daarta Aakhiro Allaah agtii ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, bal janta dhimasho haddaad tihiin run sheegayaal وَلَن يَتَمَنَّوۡهُ أَبَدَۢا بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ ٩٥Mase jaman doonaan waligood, waxa ay geysteen gacmahoodu awgii. Oo Allaah waa ogsoon yahay gar ma qaatayaasha وَلَتَجِدَنَّهُمۡ أَحۡرَصَ ٱلنَّاسِ عَلَىٰ حَيَوٰةٍ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۚ يَوَدُّ أَحَدُهُمۡ لَوۡ يُعَمَّرُ أَلۡفَ سَنَةٍ وَمَا هُوَ بِمُزَحۡزِحِهِۦ مِنَ ٱلۡعَذَابِ أَن يُعَمَّرَۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ ٩٦Oo hubaal waxaad xaqiiq heli doontaa inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu damcid badan noolaansho, (oo waxay ka sii damac badan yihiin) weliba kuwaa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Oo cimir dherer kama riixi doono in yarna ha ahaatee cadaabta uu mudan yahay. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan قُلۡ مَن كَانَ عَدُوًّا لِّـجِبۡرِيلَ فَإِنَّهُۥ نَزَّلَهُۥ عَلَىٰ قَلۡبِكَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَهُدًى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ ٩٧Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo waxyooday qalbigaaga Idanka Ilaahay, isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey, oo hanuun iyo bishaaro u sida mu’miniinta مَن كَانَ عَدُوًّا لِّلَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَجِبۡرِيلَ وَمِيكَىٰلَ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَدُوٌّ لِّلۡكَٰفِرِينَ ٩٨Qofkii cadow u ah Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Rusushiisa iyo Jabriil iyo Miikaal, haddaba hubaal Allaah waa u cadow gaalada وَلَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٍۖ وَمَا يَكۡفُرُ بِهَآ إِلَّا ٱلۡفَٰسِقُونَ ٩٩Oo xaqiiq Waxaan kuu soo waxyoonnay xujooyin cad, oo ma beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha أَوَكُلَّمَا عَٰهَدُواْ عَهۡدًا نَّبَذَهُۥ فَرِيقٌ مِّنۡهُمۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ١٠٠Waa la yaabe! Mar kasta oo ay ballan galaan, waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu maba ay rumeysna وَلَمَّا جَآءَهُمۡ رَسُولٌ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٌ لِّمَا مَعَهُمۡ نَبَذَ فَرِيقٌ مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَرَآءَ ظُهُورِهِمۡ كَأَنَّهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ١٠١Oo markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Ilaahay oo xaqiijinaya waxa ay haystaan, ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Ilaahay dhabarradooda gadaashood,sidii oo ayna waxba garaneyn وَٱتَّبَعُواْ مَا تَتۡلُواْ ٱلشَّيَٰطِينُ عَلَىٰ مُلۡكِ سُلَيۡمَٰنَۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيۡمَٰنُ وَلَٰكِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ كَفَرُواْ يُعَلِّمُونَ ٱلنَّاسَ ٱلسِّحۡرَ وَمَآ أُنزِلَ عَلَى ٱلۡمَلَكَيۡنِ بِبَابِلَ هَٰرُوتَ وَمَٰرُوتَۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنۡ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَآ إِنَّمَا نَحۡنُ فِتۡنَةٌ فَلَا تَكۡفُرۡۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنۡهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِۦ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَزَوۡجِهِۦۚ وَمَا هُم بِضَآرِّينَ بِهِۦ مِنۡ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡۚ وَلَقَدۡ عَلِمُواْ لَمَنِ ٱشۡتَرَىٰهُ مَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٍۚ وَلَبِئۡسَ مَا شَرَوۡاْ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمۡۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ١٠٢Oo waxay raaceen waxay shayaadiintu sixir shubayeen19 waqtiga xukunkii Sulaymaan. Oo Sulaymaan ma gaaloobin, laakiinse shayaadiinta baa gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, hubaal innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa wax ay ku kala furi kareen nin iyo afadiis, oo kuma waxyeelleyn karaan cidna Isagoo Allaah idmo ma’ahee. Oo waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Oo xaqiiq waxay og yihiin kan iibsaday inaanu ku lahaan doonin wax saami wanaagsan ah Aakhirada. Oo xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, haddii ay ogaan lahaayeen وَلَوۡ أَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ وَٱتَّقَوۡاْ لَمَثُوبَةٌ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ خَيۡرٌۚ لَّوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ١٠٣Oo hadday rumeeyaan, oo ka joogaan xumaha, abaalgudka Ilaahay baa u khayr badan, hadday ogaan lahaayeen يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقُولُواْ رَٰعِنَا وَقُولُواْ ٱنظُرۡنَا وَٱسۡمَعُواْۗ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ ١٠٤Mu’miniintoy! Ha odhannina Raacinaa (na dhowr, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn) oo ahaada daacad wax maqla. Oo gaaladu waxay mudan cadaab xanuun badan مَّا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَلَا ٱلۡمُشۡرِكِينَ أَن يُنَزَّلَ عَلَيۡكُم مِّنۡ خَيۡرٍ مِّن رَّبِّكُمۡۚ وَٱللَّهُ يَخۡتَصُّ بِرَحۡمَتِهِۦ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ ١٠٥Kuwa (Xaqa) rumeyn diida ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiintaba ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado xagga Rabbigiin. Oo Allaah wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa kuu doono. Oo Allaah waa Rabbiga leh Fadliga weyn ۞ مَا نَنسَخۡ مِنۡ ءَايَةٍ أَوۡ نُنسِهَا نَأۡتِ بِخَيۡرٍ مِّنۡهَآ أَوۡ مِثۡلِهَآۗ أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ قَدِيرٌ ١٠٦Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Allaah wax walba Karo أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ ١٠٧Oo miyaadan ogeyn in Allaah leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Allaah sokoadi gacal iyo gargaare midna أَمۡ تُرِيدُونَ أَن تَسۡـَٔلُواْ رَسُولَكُمۡ كَمَا سُئِلَ مُوسَىٰ مِن قَبۡلُۗ وَمَن يَتَبَدَّلِ ٱلۡكُفۡرَ بِٱلۡإِيمَٰنِ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ ١٠٨Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan20 Rasuulkiinna sidii Muuse horey loogu su'aalay. Oo qofkii qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu xaqiiq ka lumay jidka toosan وَدَّ كَثِيرٌ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَوۡ يَرُدُّونَكُم مِّنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِكُمۡ كُفَّارًا حَسَدًا مِّنۡ عِندِ أَنفُسِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡحَقُّۖ فَٱعۡفُواْ وَٱصۡفَحُواْ حَتَّىٰ يَأۡتِيَ ٱللَّهُ بِأَمۡرِهِۦٓۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ قَدِيرٌ ١٠٩In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Allaah uu ka keeno Amarkiisa. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَۚ وَمَا تُقَدِّمُواْ لِأَنفُسِكُم مِّنۡ خَيۡرٍ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ ١١٠Oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada, oo wax waliboo khayr ah aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli doontaan Allaah agtii. Hubaal, Allaah waa Arkaa waxa aad fashaan وَقَالُواْ لَن يَدۡخُلَ ٱلۡجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰۗ تِلۡكَ أَمَانِيُّهُمۡۗ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ١١١Oo waxay yidhaahdaan: Qofna ma geli doono Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran21. Dheh: Keena caddayntiinna haddii aad tihiin run sheegayaal بَلَىٰۚ مَنۡ أَسۡلَمَ وَجۡهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٌ فَلَهُۥٓ أَجۡرُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ١١٢Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Allaah oo isagu sama fale ah, wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa xagga Rabbigiis, oo cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ لَيۡسَتِ ٱلنَّصَٰرَىٰ عَلَىٰ شَيۡءٍ وَقَالَتِ ٱلنَّصَٰرَىٰ لَيۡسَتِ ٱلۡيَهُودُ عَلَىٰ شَيۡءٍ وَهُمۡ يَتۡلُونَ ٱلۡكِتَٰبَۗ كَذَٰلِكَ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ مِثۡلَ قَوۡلِهِمۡۚ فَٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ ١١٣Oo Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan waxba wanaagsan; oo Nasaaradu waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan waxba wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaas oo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn, sida waxa ay yidhaahdaan oo kale. Ee Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsan yihiin وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن مَّنَعَ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ أَن يُذۡكَرَ فِيهَا ٱسۡمُهُۥ وَسَعَىٰ فِي خَرَابِهَآۚ أُوْلَٰٓئِكَ مَا كَانَ لَهُمۡ أَن يَدۡخُلُوهَآ إِلَّا خَآئِفِينَۚ لَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٌ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ ١١٤Oo yaa ka gef badan kan u diida (dadka) Masaajidda Ilaahay, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi doonaan dulli adduunkan, oo waxay mudan doonaan cadaab weyn Aakhirada وَلِلَّهِ ٱلۡمَشۡرِقُ وَٱلۡمَغۡرِبُۚ فَأَيۡنَمَا تُوَلُّواْ فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ ١١٥Oo Allaah baa iska leh bariga iyo galbeedkaba, sidaas awgeed meel kastoo aad u jeedsataan waxaa jira Wejiga Ilaahay. Hubaal, Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدًاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ بَل لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلٌّ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ ١١٦Oo waxay yidhaahdaan: Allaah wuxuu leeyahay wiil. Xurmo oo dhan Isaga baa iska leh oo hufan. bal wuxuu leeyahay wax walba oo jira samooyinka iyo arlada, dhammaan Isaga bay adeecsan yihiin بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ ١١٧Waa unkaha samooyinka iyo arlada. Oo marka uu arrin gooyo, Wuxuu uun ku yidhaahdaa, Ahow, markaa wuuba yahay وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ لَوۡلَا يُكَلِّمُنَا ٱللَّهُ أَوۡ تَأۡتِينَآ ءَايَةٌۗ كَذَٰلِكَ قَالَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّثۡلَ قَوۡلِهِمۡۘ تَشَٰبَهَتۡ قُلُوبُهُمۡۗ قَدۡ بَيَّنَّا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٍ يُوقِنُونَ ١١٨Oo kuwa aan waxba ogeyni waxay yidhaahdaan: Oo muxuu Allaah noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Xaqiiq Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan dad iyagu yaqiinsan إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًاۖ وَلَا تُسۡـَٔلُ عَنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡجَحِيمِ ١١٩Hubaal Waxaan Annagu kula soo dirnay Xaqa, bishaareeye iyo dige ahaan, oo waxna lagaama weydiin doono asxaabta dabka ololaya وَلَن تَرۡضَىٰ عَنكَ ٱلۡيَهُودُ وَلَا ٱلنَّصَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمۡۗ قُلۡ إِنَّ هُدَى ٱللَّهِ هُوَ ٱلۡهُدَىٰۗ وَلَئِنِ ٱتَّبَعۡتَ أَهۡوَآءَهُم بَعۡدَ ٱلَّذِي جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ ١٢٠Marnaba kaama raalli noqon doonaan Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda. Dheh: hubaal Hanuunka Ilaahay, kaas baa ah hanuunka (Xaqa ah). Oo haddaad raacdo rabitaannadooda kaddib cilmiga kuu yimid, kuma lahaaan doontid xagga Ilaahay gacal iyo gargaare midna ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَتۡلُونَهُۥ حَقَّ تِلَاوَتِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۗ وَمَن يَكۡفُرۡ بِهِۦ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ١٢١Kuwa aanu siinnay Kitaabka baa u akhriya sida ay tahay in loo akhriyo22, kuwaan baa rumeysan. Oo qofkii rumeysan diida kuwan weeye kuwa ah khasaaro qabayaasha يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتِيَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتُ عَلَيۡكُمۡ وَأَنِّي فَضَّلۡتُكُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٢٢Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii) وَٱتَّقُواْ يَوۡمًا لَّا تَجۡزِي نَفۡسٌ عَن نَّفۡسٍ شَيۡـًٔا وَلَا يُقۡبَلُ مِنۡهَا عَدۡلٌ وَلَا تَنفَعُهَا شَفَٰعَةٌ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ ١٢٣Oo iska jira Maalin nafi aanay wax u tari doonin naf kale, oo madax furasho aan laga yeeli doonin, oo shafeeco aanay wax u tari doonin oo aan loo gargaari doonin ۞ وَإِذِ ٱبۡتَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ رَبُّهُۥ بِكَلِمَٰتٍ فَأَتَمَّهُنَّۖ قَالَ إِنِّي جَاعِلُكَ لِلنَّاسِ إِمَامًاۖ قَالَ وَمِن ذُرِّيَّتِيۖ قَالَ لَا يَنَالُ عَهۡدِي ٱلظَّٰلِمِينَ ١٢٤Oo waa tii uu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Hubaal Waxaan kaaga dhigayaa Imaam dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid durriyadeydaba Wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan gar ma qaatayaasha وَإِذۡ جَعَلۡنَا ٱلۡبَيۡتَ مَثَابَةً لِّلنَّاسِ وَأَمۡنًا وَٱتَّخِذُواْ مِن مَّقَامِ إِبۡرَٰهِـۧمَ مُصَلًّىۖ وَعَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ أَن طَهِّرَا بَيۡتِيَ لِلطَّآئِفِينَ وَٱلۡعَٰكِفِينَ وَٱلرُّكَّعِ ٱلسُّجُودِ ١٢٥Oo waa tii aan ka dhignay Beydka rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Oo ka dhigta meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Oo Waxaanu xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beydkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ رَبِّ ٱجۡعَلۡ هَٰذَا بَلَدًا ءَامِنًا وَٱرۡزُقۡ أَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ مَنۡ ءَامَنَ مِنۡهُم بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ قَالَ وَمَن كَفَرَ فَأُمَتِّعُهُۥ قَلِيلًا ثُمَّ أَضۡطَرُّهُۥٓ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلنَّارِۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ ١٢٦Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig tani maagalo nabad ah, oo ku galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Wuxuu yidhi: oo qofkii rumeyn diida, waxaan u raaxeyn doonaa in yar, markaas kaddib waxaanu ku dirqin doonaa cadaabta Naarta,oo ugu xun meel la ahaado وَإِذۡ يَرۡفَعُ إِبۡرَٰهِـۧمُ ٱلۡقَوَاعِدَ مِنَ ٱلۡبَيۡتِ وَإِسۡمَٰعِيلُ رَبَّنَا تَقَبَّلۡ مِنَّآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ١٢٧Oo waa tii uu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beydka iyo Ismaaciilba (iyagoo leh): Rabbiyow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta ee wax kasta Ogsoon رَبَّنَا وَٱجۡعَلۡنَا مُسۡلِمَيۡنِ لَكَ وَمِن ذُرِّيَّتِنَآ أُمَّةً مُّسۡلِمَةً لَّكَ وَأَرِنَا مَنَاسِكَنَا وَتُبۡ عَلَيۡنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ١٢٨Rabbiyow! Oo naga yeel labadayaba kuwa kuu hoggaansan, oo (ka soo saar) durriyaddayada ummad kuu hoggaansan, oo na tus hababkayaga cibaadeysiga, oo noogu soo noqo (si naxariis leh). Hubaal Waxaad Adigu tahay Kan u soo noqoshada badan (Naxariista), aad u Naxariista Badan رَبَّنَا وَٱبۡعَثۡ فِيهِمۡ رَسُولًا مِّنۡهُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِكَ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَيُزَكِّيهِمۡۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ١٢٩Rabbiyow! Oo ka soo dhex bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya Aayadahaaga oo bara Kitaabka iyo Xikmadda oo daahiriya. Hubaal Waxaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah وَمَن يَرۡغَبُ عَن مِّلَّةِ إِبۡرَٰهِـۧمَ إِلَّا مَن سَفِهَ نَفۡسَهُۥۚ وَلَقَدِ ٱصۡطَفَيۡنَٰهُ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١٣٠Oo yaa isaga taga diinta Ibraahiim, mid is caqli tira maahee? Oo hubaal Waxaan ku doorannay adduunkan, oo hubaal Aakhirada wuxuu xaqiiq ka mid yahay kuwa wanaagsan إِذۡ قَالَ لَهُۥ رَبُّهُۥٓ أَسۡلِمۡۖ قَالَ أَسۡلَمۡتُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٣١Waa tii uu Rabbigii ku yidhi: Hoggaansan, wuxuu yidhi: Waxaan u hoggaansanahay Rabbiga uunanka وَوَصَّىٰ بِهَآ إِبۡرَٰهِـۧمُ بَنِيهِ وَيَعۡقُوبُ يَٰبَنِيَّ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَىٰ لَكُمُ ٱلدِّينَ فَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنتُم مُّسۡلِمُونَ ١٣٢Oo isla arrinkaa buu Ibraahiim ku faral yeelay ilmahiisii, oo (sidaa buu yeelay) Yacquub: Wiilashaydow! Hubaal Allaah wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn أَمۡ كُنتُمۡ شُهَدَآءَ إِذۡ حَضَرَ يَعۡقُوبَ ٱلۡمَوۡتُ إِذۡ قَالَ لِبَنِيهِ مَا تَعۡبُدُونَ مِنۢ بَعۡدِيۖ قَالُواْ نَعۡبُدُ إِلَٰهَكَ وَإِلَٰهَ ءَابَآئِكَ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ إِلَٰهًا وَٰحِدًا وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ ١٣٣Mise waxaad aheydeen goob joog markay geeridu u timid Yacquub? Markuu ku yidhi wiilashiisii: Maxaad caabudi doontaan aniga kaddib? Waxay yidhaahdeen: Waxaan caabudeynaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo isxaaq, oo ilaah keliya ah, oo Isaga baanu u hoggansannahay Muslimiin ahaan تِلۡكَ أُمَّةٌ قَدۡ خَلَتۡۖ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَلَكُم مَّا كَسَبۡتُمۡۖ وَلَا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٣٤Tani waa ummad tagtay: Waxay heli doonaan waxay kasbadeen, oo idinkuna waxaad heli doontaan waxaad kasbataan. oo ma la idin weydiin doono inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen وَقَالُواْ كُونُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰ تَهۡتَدُواْۗ قُلۡ بَلۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِـۧمَ حَنِيفًاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ١٣٥Oo waxay yidhaahdaan: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni doontaane. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim, toosnahii, oo kama aanu mid aheyn mushrikiinta قُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَمَآ أُوتِيَ ٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمۡ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٍ مِّنۡهُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ ١٣٦Dhaha: Waxaanu rumaysannah Allaah iyo waxa naloo soo waxyooday iyo wixii loo soo waxyooday Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Oo ma kala sooceyno axad ka mid ah, oo Isaga baan u hoggaansannahay فَإِنۡ ءَامَنُواْ بِمِثۡلِ مَآ ءَامَنتُم بِهِۦ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا هُمۡ فِي شِقَاقٍۖ فَسَيَكۡفِيكَهُمُ ٱللَّهُۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ١٣٧Haddii haddaba ay rumeystaan sida aad u rumaysan tihiin oo kale, xaqiiq waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan haddaba waxay uun ku sugan yihiiin cinaad fog. marka Allaah baa kaaga filnaan doona. Oo Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon صِبۡغَةَ ٱللَّهِ وَمَنۡ أَحۡسَنُ مِنَ ٱللَّهِ صِبۡغَةًۖ وَنَحۡنُ لَهُۥ عَٰبِدُونَ ١٣٨Qaata Aslidda Ilaahay, oo yaa ka wanaagsan Allaah aslid ahaan. Oo Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa قُلۡ أَتُحَآجُّونَنَا فِي ٱللَّهِ وَهُوَ رَبُّنَا وَرَبُّكُمۡ وَلَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُخۡلِصُونَ ١٣٩Dheh: Ma waxaad nagala dooddaan arrinka Ilaahay Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba? Oo waxaanu mudan doonnaa acmaashayada, idinkuna waxaad mudan doontaan acmaashiinna. Oo innagu Isagaan daacad u nahay أَمۡ تَقُولُونَ إِنَّ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطَ كَانُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰۗ قُلۡ ءَأَنتُمۡ أَعۡلَمُ أَمِ ٱللَّهُۗ وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَتَمَ شَهَٰدَةً عِندَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ١٤٠Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinka baa ogsoon mise Allaah? Oo yaa ka gef badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Ilaahay? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan تِلۡكَ أُمَّةٌ قَدۡ خَلَتۡۖ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَلَكُم مَّا كَسَبۡتُمۡۖ وَلَا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٤١Tani waa ummad tagtay. Waxay mudan doonaan (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad mudan doontaan waxa aad kasbataan. Oo la idinma weydiin doono inaad ka jawaab bixisaan waxay faleen

Juz 2

۞ سَيَقُولُ ٱلسُّفَهَآءُ مِنَ ٱلنَّاسِ مَا وَلَّىٰهُمۡ عَن قِبۡلَتِهِمُ ٱلَّتِي كَانُواْ عَلَيۡهَاۚ قُل لِّلَّهِ ٱلۡمَشۡرِقُ وَٱلۡمَغۡرِبُۚ يَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسۡتَقِيمٍ ١٤٢Maangaabyada ku dhex jira dadka (Yuhuudda iyo mushrikiinta) waxay odhan doonaan: Maxaa ka duway qibladdooda ay lahaayeen23? Dheh: Bariga iyo galbeedkaba waxaa iska leh oo keliya Allaah; Wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَٰكُمۡ أُمَّةً وَسَطًا لِّتَكُونُواْ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِ وَيَكُونَ ٱلرَّسُولُ عَلَيۡكُمۡ شَهِيدًاۗ وَمَا جَعَلۡنَا ٱلۡقِبۡلَةَ ٱلَّتِي كُنتَ عَلَيۡهَآ إِلَّا لِنَعۡلَمَ مَن يَتَّبِعُ ٱلرَّسُولَ مِمَّن يَنقَلِبُ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِۚ وَإِن كَانَتۡ لَكَبِيرَةً إِلَّا عَلَى ٱلَّذِينَ هَدَى ٱللَّهُۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُضِيعَ إِيمَٰنَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِٱلنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ ١٤٣Oo sidaas baan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka24, iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Oo kama aanaan dhigin qiblad tan aad lahayd, waxaan ahayn inaan ku kala muujinno kan raaca Rasuulka iyo kan ciribihiisa rogta. Oo tani waxay aheyd hubaal wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Allaah. Oo Allaah ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaaddiinnii hore). hubaal, Allaah dadka waa u Turid, iyo Naxariis Badan yahay قَدۡ نَرَىٰ تَقَلُّبَ وَجۡهِكَ فِي ٱلسَّمَآءِۖ فَلَنُوَلِّيَنَّكَ قِبۡلَةً تَرۡضَىٰهَاۚ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَحَيۡثُ مَا كُنتُمۡ فَوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ شَطۡرَهُۥۗ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ لَيَعۡلَمُونَ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا يَعۡمَلُونَ ١٤٤Xaqiiq waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin dooonnaa Qiblad aad jecleysan doonto, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), oo meel kastoo aad joogtaanba, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Oo kuwa la siiyey Kitaabka hubaal way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan وَلَئِنۡ أَتَيۡتَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ بِكُلِّ ءَايَةٍ مَّا تَبِعُواْ قِبۡلَتَكَۚ وَمَآ أَنتَ بِتَابِعٍ قِبۡلَتَهُمۡۚ وَمَا بَعۡضُهُم بِتَابِعٍ قِبۡلَةَ بَعۡضٍۚ وَلَئِنِ ٱتَّبَعۡتَ أَهۡوَآءَهُم مِّنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ إِنَّكَ إِذًا لَّمِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٤٥Oo weliba haddaad u keento kuwa (madaxa adag) ee la siiyey kitaabka calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada, Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Oo haddaad raacdo rabitaannadooda liita kaddib cilmiga kuu yimid, markaa waxaad hubaal ka mid noqon doontaa geflowyada ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡرِفُونَهُۥ كَمَا يَعۡرِفُونَ أَبۡنَآءَهُمۡۖ وَإِنَّ فَرِيقًا مِّنۡهُمۡ لَيَكۡتُمُونَ ٱلۡحَقَّ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ ١٤٦Kuwa aanu siinnay Kitaabka waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) sida ay u gartaan wiilashooda. Oo hubaal koox ka mid ahi waxay xaqiiq qariyaan xaqa iyagoo ogsoon ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ ١٤٧Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha وَلِكُلٍّ وِجۡهَةٌ هُوَ مُوَلِّيهَاۖ فَٱسۡتَبِقُواْ ٱلۡخَيۡرَٰتِۚ أَيۡنَ مَا تَكُونُواْ يَأۡتِ بِكُمُ ٱللَّهُ جَمِيعًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ قَدِيرٌ ١٤٨Oo mid walba wuxuu leeyahay jiho ay tahay inuu u jeesto. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Allaah wuu idin wada keeni doonaa idinkoo dhan. Hubaal Allaah wax walba wuu Karaa وَمِنۡ حَيۡثُ خَرَجۡتَ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۖ وَإِنَّهُۥ لَلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ١٤٩Oo meel kastoo aad ka soo baxdo, u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi; oo hubaal waa xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan وَمِنۡ حَيۡثُ خَرَجۡتَ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَحَيۡثُ مَا كُنتُمۡ فَوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ شَطۡرَهُۥ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَيۡكُمۡ حُجَّةٌ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡ فَلَا تَخۡشَوۡهُمۡ وَٱخۡشَوۡنِي وَلِأُتِمَّ نِعۡمَتِي عَلَيۡكُمۡ وَلَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ ١٥٠Oo meel kasta aad ka soo baxdo, u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi, oo meel kastoo aad joogtaan u jeediya wejiyadiinna jihadiisa, si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwaa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee iga baqa, waa si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan كَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِيكُمۡ رَسُولًا مِّنكُمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِنَا وَيُزَكِّيكُمۡ وَيُعَلِّمُكُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَيُعَلِّمُكُم مَّا لَمۡ تَكُونُواْ تَعۡلَمُونَ ١٥١Waliba sida aan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan hore u aqoon فَٱذۡكُرُونِيٓ أَذۡكُرۡكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لِي وَلَا تَكۡفُرُونِ ١٥٢Ee i xusa, waan idin xusiye25, oo ii mahad naqa oo ha iga abaal dhicina يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَعِينُواْ بِٱلصَّبۡرِ وَٱلصَّلَوٰةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ ١٥٣Mu’miniintoy! Kaalmaysta sabarka iyo salaadda. Hubaal! Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha وَلَا تَقُولُواْ لِمَن يُقۡتَلُ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَمۡوَٰتُۢۚ بَلۡ أَحۡيَآءٌ وَلَٰكِن لَّا تَشۡعُرُونَ ١٥٤Oo ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Ilaahay waa meyd; mayee way nool yihiin, laakiinse waydaan dareemeyn وَلَنَبۡلُوَنَّكُم بِشَيۡءٍ مِّنَ ٱلۡخَوۡفِ وَٱلۡجُوعِ وَنَقۡصٍ مِّنَ ٱلۡأَمۡوَٰلِ وَٱلۡأَنفُسِ وَٱلثَّمَرَٰتِۗ وَبَشِّرِ ٱلصَّٰبِرِينَ ١٥٥Oo waxaan hubaal idinku imtixaani doonnaa xaqiiq wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo mirahaba ah, ee u bishaaree kuwa samir yeesha ٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوٓاْ إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّآ إِلَيۡهِ رَٰجِعُونَ ١٥٦Kuwa marka ay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Hubaal Allaah baa na leh27 oo innagu hubaal xaggiisaan u noqon doonnaa أُوْلَٰٓئِكَ عَلَيۡهِمۡ صَلَوَٰتٌ مِّن رَّبِّهِمۡ وَرَحۡمَةٌۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُهۡتَدُونَ ١٥٧Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda yihiin barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan ۞ إِنَّ ٱلصَّفَا وَٱلۡمَرۡوَةَ مِن شَعَآئِرِ ٱللَّهِۖ فَمَنۡ حَجَّ ٱلۡبَيۡتَ أَوِ ٱعۡتَمَرَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِ أَن يَطَّوَّفَ بِهِمَاۚ وَمَن تَطَوَّعَ خَيۡرًا فَإِنَّ ٱللَّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ ١٥٨Hubaal Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Allaah. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beydka ama soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa dhexdood28, oo qofkii iskiis u fala khayr badan, haddaba hubaal Allaah waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡتُمُونَ مَآ أَنزَلۡنَا مِنَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلۡهُدَىٰ مِنۢ بَعۡدِ مَا بَيَّنَّٰهُ لِلنَّاسِ فِي ٱلۡكِتَٰبِ أُوْلَٰٓئِكَ يَلۡعَنُهُمُ ٱللَّهُ وَيَلۡعَنُهُمُ ٱللَّٰعِنُونَ ١٥٩Hubaal kuwa qariya29 xujooyinka cad iyo hanuunka aan soo waxyoonnay, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwani weeye kuwa uu Allaah nacladi doono, oo kuwaa wax naclada ay nacladi doonaan (sidoo kale) إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ وَأَصۡلَحُواْ وَبَيَّنُواْ فَأُوْلَٰٓئِكَ أَتُوبُ عَلَيۡهِمۡ وَأَنَا ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ١٦٠Marka laga reebo kuwa toobad keena ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa). Kuwani weeye kuwa aan ugu soo noqdo (si naxariis leh). Oo Anigu waxaan ahay midka u soo noqoshoda badan (naxariista), aadka u Naxariista Badan إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٌ أُوْلَٰٓئِكَ عَلَيۡهِمۡ لَعۡنَةُ ٱللَّهِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ ١٦١Hubaal kuwa rumeysan diida oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwan weeye kuwa ay korkooda tahay Nacaladda Ilaahay, iyo malaa’igta iyo dadka oo dhan خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ ١٦٢Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabta lagama khafiifin doono, mana la siiin doono nafis وَإِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌۖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلرَّحِيمُ ١٦٣Oo IIaahiinnu waa Ilaah keliya, ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan إِنَّ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱلۡفُلۡكِ ٱلَّتِي تَجۡرِي فِي ٱلۡبَحۡرِ بِمَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن مَّآءٍ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٍ وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ وَٱلسَّحَابِ ٱلۡمُسَخَّرِ بَيۡنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٍ لِّقَوۡمٍ يَعۡقِلُونَ ١٦٤Hubaal Abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo waxa uu Allaah ka soo shubo daruurta oo biyo ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabaylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa hubaal ugu sugan calaamooyin dad garasho leh وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَتَّخِذُ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَندَادًا يُحِبُّونَهُمۡ كَحُبِّ ٱللَّهِۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَشَدُّ حُبًّا لِّلَّهِۗ وَلَوۡ يَرَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِذۡ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ أَنَّ ٱلۡقُوَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًا وَأَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعَذَابِ ١٦٥Oo waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Allaah sokadi wax ay la mid dhigaan ay u jecel yihiin sida ay u jecel yihiin Allaah. Kuwaase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Allaah. Oo hadday arki lahaayeen kuwaa gar ma qaatayaasha ahi, marka ay arkaan cadaabta, in Xoog oo dhan uu leeyahay Allaah, iyo in Allaah ay Daran tahay Cadaabtiisu إِذۡ تَبَرَّأَ ٱلَّذِينَ ٱتُّبِعُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُواْ وَرَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَ وَتَقَطَّعَتۡ بِهِمُ ٱلۡأَسۡبَابُ ١٦٦Marka kuwa la raacay ay dhaleeceyn doonaan kuwa raacay, oo ay arkaan cadaabta, oo uu kala go'o xiriirkoodii وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُواْ لَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَتَبَرَّأَ مِنۡهُمۡ كَمَا تَبَرَّءُواْ مِنَّاۗ كَذَٰلِكَ يُرِيهِمُ ٱللَّهُ أَعۡمَٰلَهُمۡ حَسَرَٰتٍ عَلَيۡهِمۡۖ وَمَا هُم بِخَٰرِجِينَ مِنَ ٱلنَّارِ ١٦٧Oo kuwa raacay waxay odhan doonaan: Haddii oo keliya aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan u dhaleeceyn lahayn sida ay noo dhaleeceeyeenba. Sidaas buu Allaah u tusi doonaa acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Oo iyagu kama soo bixi doonaan Naarta يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ كُلُواْ مِمَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ حَلَٰلًا طَيِّبًا وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوٌّ مُّبِينٌ ١٦٨Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan30 waxa laga helo dhulka, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad إِنَّمَا يَأۡمُرُكُم بِٱلسُّوٓءِ وَٱلۡفَحۡشَآءِ وَأَن تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ ١٦٩Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa xume iyo anshax darro, iyo inaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan u lahayn aqoon وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُواْ بَلۡ نَتَّبِعُ مَآ أَلۡفَيۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَآۚ أَوَلَوۡ كَانَ ءَابَآؤُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ شَيۡـًٔا وَلَا يَهۡتَدُونَ ١٧٠Oo marka lagu yidhaahdo, Raaca waxa uu Allaah soo waxyooday, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raacnaa waxa aan ka hellay Aabbayaashayo. ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn وَمَثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ كَمَثَلِ ٱلَّذِي يَنۡعِقُ بِمَا لَا يَسۡمَعُ إِلَّا دُعَآءً وَنِدَآءًۚ صُمُّۢ بُكۡمٌ عُمۡيٌ فَهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ ١٧١Oo mataalka gaalada waa sida mataalka mid u dhawaaqa waxaa aan maqlayn waxaan ahayn qaylo iyo dhawaaq. Dhego la’, af la’, oo indho la’. Marka wax ma fahmaan يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لِلَّهِ إِن كُنتُمۡ إِيَّاهُ تَعۡبُدُونَ ١٧٢Mu’miniintoy! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan31 oo aan idinku galladeysannay, oo u mahad naqa Allaah, hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَيۡتَةَ وَٱلدَّمَ وَلَحۡمَ ٱلۡخِنزِيرِ وَمَآ أُهِلَّ بِهِۦ لِغَيۡرِ ٱللَّهِۖ فَمَنِ ٱضۡطُرَّ غَيۡرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ١٧٣Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta, iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Allaah. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax dambi ah oo saaran korkiis. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡتُمُونَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَيَشۡتَرُونَ بِهِۦ ثَمَنًا قَلِيلًا أُوْلَٰٓئِكَ مَا يَأۡكُلُونَ فِي بُطُونِهِمۡ إِلَّا ٱلنَّارَ وَلَا يُكَلِّمُهُمُ ٱللَّهُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَلَا يُزَكِّيهِمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ ١٧٤Hubaal kuwa qariya wax ka mid ah Kitaabka uu Allaah soo waxyooday oo ku qaata qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Oo Allaah lama hadli doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan cadaab aad u xanuun badan أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلضَّلَٰلَةَ بِٱلۡهُدَىٰ وَٱلۡعَذَابَ بِٱلۡمَغۡفِرَةِۚ فَمَآ أَصۡبَرَهُمۡ عَلَى ٱلنَّارِ ١٧٥Kuwan weeye kuwa iibsada habowga halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Dambi Dhaafka. Ee intee buu yahay adkeysigoodu ay ku qaabilaan Naar ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ نَزَّلَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِي ٱلۡكِتَٰبِ لَفِي شِقَاقِۭ بَعِيدٍ ١٧٦Tani waa inuu Allaah ku soo waxyooday Kitaabka Xaq. Oo hubaal kuwa isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin cinaad aad u fog ۞ لَّيۡسَ ٱلۡبِرَّ أَن تُوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ قِبَلَ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَلَٰكِنَّ ٱلۡبِرَّ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ وَٱلۡكِتَٰبِ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ وَءَاتَى ٱلۡمَالَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ ذَوِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِ وَٱلسَّآئِلِينَ وَفِي ٱلرِّقَابِ وَأَقَامَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَى ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلۡمُوفُونَ بِعَهۡدِهِمۡ إِذَا عَٰهَدُواْۖ وَٱلصَّٰبِرِينَ فِي ٱلۡبَأۡسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ وَحِينَ ٱلۡبَأۡسِۗ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُتَّقُونَ ١٧٧Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; laakiinse waxaa sama ah inuu qofku rumeysan yahay Allaah iyo Maalinta dambeysa iyo Malaa’igta iyo Kitaabka iyo Nabiyada, oo siiya maalka isagoo jecel32 kuwaa qaraabada ah iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), iyo kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, oo hagaajiya salaadda, oo bixiya Sakada, oo oofiya ballantooda marka ay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga iyo jirrada iyo waqtiga dagaalka- Kuwan weeye kuwa ay runta ka tahay, oo kuwan weeye kuwa iska jira (xumaha) يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡقِصَاصُ فِي ٱلۡقَتۡلَىۖ ٱلۡحُرُّ بِٱلۡحُرِّ وَٱلۡعَبۡدُ بِٱلۡعَبۡدِ وَٱلۡأُنثَىٰ بِٱلۡأُنثَىٰۚ فَمَنۡ عُفِيَ لَهُۥ مِنۡ أَخِيهِ شَيۡءٌ فَٱتِّبَاعُۢ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَأَدَآءٌ إِلَيۡهِ بِإِحۡسَٰنٍۗ ذَٰلِكَ تَخۡفِيفٌ مِّن رَّبِّكُمۡ وَرَحۡمَةٌۗ فَمَنِ ٱعۡتَدَىٰ بَعۡدَ ذَٰلِكَ فَلَهُۥ عَذَابٌ أَلِيمٌ ١٧٨Mu’miniintoy! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, oo waa in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Tani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu mudan cadaab aad u xanuun badan وَلَكُمۡ فِي ٱلۡقِصَاصِ حَيَوٰةٌ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ ١٧٩Oo waxaa idiinku sugan nolol xeerka dhaawac simidda dadka wax garadkow, si aad isu ilaalisaan كُتِبَ عَلَيۡكُمۡ إِذَا حَضَرَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ إِن تَرَكَ خَيۡرًا ٱلۡوَصِيَّةُ لِلۡوَٰلِدَيۡنِ وَٱلۡأَقۡرَبِينَ بِٱلۡمَعۡرُوفِۖ حَقًّا عَلَى ٱلۡمُتَّقِينَ ١٨٠Dardaaran baa la idinku waajibiyey33 markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaraamo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah. Waa xil saaran kuwa iska jira (xumaha) فَمَنۢ بَدَّلَهُۥ بَعۡدَ مَا سَمِعَهُۥ فَإِنَّمَآ إِثۡمُهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ يُبَدِّلُونَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ١٨١Ee Qofkii beddela (dardaaranka) inta uu maqlay kaddib, dambigeedu markaa wuxuu saaran yahay oo keliya kuwa beddela. hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon فَمَنۡ خَافَ مِن مُّوصٍ جَنَفًا أَوۡ إِثۡمًا فَأَصۡلَحَ بَيۡنَهُمۡ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ١٨٢Qofkiise uga cabsada eex ama dambi dardaaramaha ee ka sameeya heshiis35 qolooyinkaa dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna dambi korkiisa. hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ ١٨٣Mu’miniintoy! Waxaa la idinku faral yeelay soon36, sidii loogu faral yeelayba kuwii idinka horreeyay, si aad isaga jirtaan (xumaha) أَيَّامًا مَّعۡدُودَٰتٍۚ فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنۡ أَيَّامٍ أُخَرَۚ وَعَلَى ٱلَّذِينَ يُطِيقُونَهُۥ فِدۡيَةٌ طَعَامُ مِسۡكِينٍۖ فَمَن تَطَوَّعَ خَيۡرًا فَهُوَ خَيۡرٌ لَّهُۥۚ وَأَن تَصُومُواْ خَيۡرٌ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ١٨٤Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. oo kuwaa aan awoodin37 waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin38. Ee qofkii iskii u falaa khayr si wanaagsan, isaga bay u roon tahay. Oo inaad soontaan baa idiin khayr badan haddaad og tihiin شَهۡرُ رَمَضَانَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ فِيهِ ٱلۡقُرۡءَانُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَٰتٍ مِّنَ ٱلۡهُدَىٰ وَٱلۡفُرۡقَانِۚ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ ٱلشَّهۡرَ فَلۡيَصُمۡهُۖ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنۡ أَيَّامٍ أُخَرَۗ يُرِيدُ ٱللَّهُ بِكُمُ ٱلۡيُسۡرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ ٱلۡعُسۡرَ وَلِتُكۡمِلُواْ ٱلۡعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَىٰكُمۡ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ١٨٥Bisha Ramadaan waa kaasi dhexdiisa Qur’aanka la soo waxyooday, hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh hanuunka iyo kala saaridda. ee qofkii idinka mid ah ee jooga bisha waa inuu soomo inta lagu jiro, oo qofkii buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, oo (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad xurmo weyneysaan Allaah inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad mahad naqdaan وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِي عَنِّي فَإِنِّي قَرِيبٌۖ أُجِيبُ دَعۡوَةَ ٱلدَّاعِ إِذَا دَعَانِۖ فَلۡيَسۡتَجِيبُواْ لِي وَلۡيُؤۡمِنُواْ بِي لَعَلَّهُمۡ يَرۡشُدُونَ ١٨٦Oo markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, haddaba Waxaan hubaal Anigu ahay mid aad u dhow, waxaan ajiibaa baryada baryootamaha markuu i baryo (dhexeeye la'aan). Marka waa inay ajiibaan baaqeyga oo i rumeeyaan, si ay u hanuunaan أُحِلَّ لَكُمۡ لَيۡلَةَ ٱلصِّيَامِ ٱلرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَآئِكُمۡۚ هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمۡ وَأَنتُمۡ لِبَاسٌ لَّهُنَّۗ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَخۡتَانُونَ أَنفُسَكُمۡ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡ وَعَفَا عَنكُمۡۖ فَٱلۡـَٰٔنَ بَٰشِرُوهُنَّ وَٱبۡتَغُواْ مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَكُمۡۚ وَكُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ ٱلۡخَيۡطُ ٱلۡأَبۡيَضُ مِنَ ٱلۡخَيۡطِ ٱلۡأَسۡوَدِ مِنَ ٱلۡفَجۡرِۖ ثُمَّ أَتِمُّواْ ٱلصِّيَامَ إِلَى ٱلَّيۡلِۚ وَلَا تُبَٰشِرُوهُنَّ وَأَنتُمۡ عَٰكِفُونَ فِي ٱلۡمَسَٰجِدِۗ تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِ فَلَا تَقۡرَبُوهَاۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ ءَايَٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ ١٨٧Waxaa la idiin banneeyay inaad u galmootaan xaasaskiinna habeenka soonka. Waxay idin yihiin hu’, oo idinkuna hu’ baad u tihiin. Allaah waa uu ogaa inaad khiyaamayseen39 nafahiinna, marka wuu idiin soo noqday (si naxariis leh) oo idinka cafiyey (oo qaaday culeyskan). Ee haatan la xiriira iyaga oo doona waxa Allaah idiin qaddaray, oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka. Oo ha u tegina idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwani waa xudduudaha (uu dhigay) Allaah ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Allaah ugu cadddeeyaa Aayadihiisa dadka si ay isaga jiraan (xumaha) وَلَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَكُم بَيۡنَكُم بِٱلۡبَٰطِلِ وَتُدۡلُواْ بِهَآ إِلَى ٱلۡحُكَّامِ لِتَأۡكُلُواْ فَرِيقًا مِّنۡ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ بِٱلۡإِثۡمِ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ١٨٨Oo ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, hana ku doonina inaad ugu dhowaataan xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka dambi idinkoo ogsoon ۞ يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَهِلَّةِۖ قُلۡ هِيَ مَوَٰقِيتُ لِلنَّاسِ وَٱلۡحَجِّۗ وَلَيۡسَ ٱلۡبِرُّ بِأَن تَأۡتُواْ ٱلۡبُيُوتَ مِن ظُهُورِهَا وَلَٰكِنَّ ٱلۡبِرَّ مَنِ ٱتَّقَىٰۗ وَأۡتُواْ ٱلۡبُيُوتَ مِنۡ أَبۡوَٰبِهَاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ ١٨٩Waxay wax kaa weydiiyaan Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Oo ma aha samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda40, waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), oo ka gala guryaha albaabbadooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah si aad u liibaantaan وَقَٰتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَكُمۡ وَلَا تَعۡتَدُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُعۡتَدِينَ ١٩٠Oo kula dagaallama Jidka Ilaahay kuwa idinla dagaallama, oo ha xad- gudbina. Hubaal Allaah ma jecla xad gudbayaasha وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ ثَقِفۡتُمُوهُمۡ وَأَخۡرِجُوهُم مِّنۡ حَيۡثُ أَخۡرَجُوكُمۡۚ وَٱلۡفِتۡنَةُ أَشَدُّ مِنَ ٱلۡقَتۡلِۚ وَلَا تُقَٰتِلُوهُمۡ عِندَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ حَتَّىٰ يُقَٰتِلُوكُمۡ فِيهِۖ فَإِن قَٰتَلُوكُمۡ فَٱقۡتُلُوهُمۡۗ كَذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡكَٰفِرِينَ ١٩١Oo ku dila meeshaad ka heshaanba, oo ka saara meeshay idinka saareenba. Oo fidnada baa ka daran dilka Oo ha kula dagaal gelina Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi agtiisa in maahee ay iyugu (marka hore) idinkula dagaalaan. Haddiise ay idinkula dagaallamaan la dagaallama. Waa sidaas abaal marinta gaaladuye فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ١٩٢Haddiise ay ka joogaan (xumaha), haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan وَقَٰتِلُوهُمۡ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتۡنَةٌ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ لِلَّهِۖ فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَلَا عُدۡوَٰنَ إِلَّا عَلَى ٱلظَّٰلِمِينَ ١٩٣Oo la dagaallama si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi, oo Diintu u ahaato tan Allaah oo keliya. Oo hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn gar ma qaatayaasha ٱلشَّهۡرُ ٱلۡحَرَامُ بِٱلشَّهۡرِ ٱلۡحَرَامِ وَٱلۡحُرُمَٰتُ قِصَاصٌۚ فَمَنِ ٱعۡتَدَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَٱعۡتَدُواْ عَلَيۡهِ بِمِثۡلِ مَا ٱعۡتَدَىٰ عَلَيۡكُمۡۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ ١٩٤Bisha xurmadda gaarka ahi leh waxay u go’daa bisha xurmadda gaarka ah leh, oo dhammaan waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihina waxaa jira qaanuunka dhaawac simidda, ee qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay41. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa iska jira (xumaha) وَأَنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَا تُلۡقُواْ بِأَيۡدِيكُمۡ إِلَى ٱلتَّهۡلُكَةِ وَأَحۡسِنُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٩٥Oo wax ku bixiya jidka Ilaahay, oo ha isugu tuurina gacamahiinna tahluko, oo u sama fala (dadka); hubaal Allaah wuu jecel yahay sama falayaasha وَأَتِمُّواْ ٱلۡحَجَّ وَٱلۡعُمۡرَةَ لِلَّهِۚ فَإِنۡ أُحۡصِرۡتُمۡ فَمَا ٱسۡتَيۡسَرَ مِنَ ٱلۡهَدۡيِۖ وَلَا تَحۡلِقُواْ رُءُوسَكُمۡ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ ٱلۡهَدۡيُ مَحِلَّهُۥۚ فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوۡ بِهِۦٓ أَذًى مِّن رَّأۡسِهِۦ فَفِدۡيَةٌ مِّن صِيَامٍ أَوۡ صَدَقَةٍ أَوۡ نُسُكٍۚ فَإِذَآ أَمِنتُمۡ فَمَن تَمَتَّعَ بِٱلۡعُمۡرَةِ إِلَى ٱلۡحَجِّ فَمَا ٱسۡتَيۡسَرَ مِنَ ٱلۡهَدۡيِۚ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ ثَلَٰثَةِ أَيَّامٍ فِي ٱلۡحَجِّ وَسَبۡعَةٍ إِذَا رَجَعۡتُمۡۗ تِلۡكَ عَشَرَةٌ كَامِلَةٌۗ ذَٰلِكَ لِمَن لَّمۡ يَكُنۡ أَهۡلُهُۥ حَاضِرِي ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ١٩٦Oo u dhammeystira Xajka42 iyo Cumrada Allaah darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi43 waxaad heli kartaan ah, oo ha xiirina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid44 ama bixin sadaqo45 ama neef gowracid46, markaadse nabad tagtaan, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wixii uu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood marka aad laabataan, intani waa toban buuxda. Tani waxay ku gaar tahay midka isagu aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo ogaada in Allaah ciqaabtiisu daran tahay ٱلۡحَجُّ أَشۡهُرٌ مَّعۡلُومَٰتٌۚ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ ٱلۡحَجَّ فَلَا رَفَثَ وَلَا فُسُوقَ وَلَا جِدَالَ فِي ٱلۡحَجِّۗ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٍ يَعۡلَمۡهُ ٱللَّهُۗ وَتَزَوَّدُواْ فَإِنَّ خَيۡرَ ٱلزَّادِ ٱلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُونِ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ١٩٧Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan47. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood48 iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Oo wax kastoo khayr ah oo aad fashaan, Allaah wuu ogsoon yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, dadka wax garadka ahow لَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَبۡتَغُواْ فَضۡلًا مِّن رَّبِّكُمۡۚ فَإِذَآ أَفَضۡتُم مِّنۡ عَرَفَٰتٍ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ عِندَ ٱلۡمَشۡعَرِ ٱلۡحَرَامِۖ وَٱذۡكُرُوهُ كَمَا هَدَىٰكُمۡ وَإِن كُنتُم مِّن قَبۡلِهِۦ لَمِنَ ٱلضَّآلِّينَ ١٩٨Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeqda Rabbigiin49. Ee markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Allaah Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa sidii uu idiin hanuuniyeyba, inkastoo tan ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan ثُمَّ أَفِيضُواْ مِنۡ حَيۡثُ أَفَاضَ ٱلنَّاسُ وَٱسۡتَغۡفِرُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ١٩٩Markaas ka dareera meesha uu dadku ka dareero, oo weydiista dambi dhaaf Ilaahay, hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan فَإِذَا قَضَيۡتُم مَّنَٰسِكَكُمۡ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَذِكۡرِكُمۡ ءَابَآءَكُمۡ أَوۡ أَشَدَّ ذِكۡرًاۗ فَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِي ٱلدُّنۡيَا وَمَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٍ ٢٠٠Oo markaad dhammeysataan cibaadooyinkiinna, misna Xusa Allaah sida aad u xustaan aabbayaashiin50 bal xusid ka badan51. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbiyow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahaan doonin Aakhirada qaybna وَمِنۡهُم مَّن يَقُولُ رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةً وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِ حَسَنَةً وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ ٢٠١Oo waxaa ka mid ah kuwo yidhaahda: Rabbiyow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, oo naga badbaadi cadaabta Naarta أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ نَصِيبٌ مِّمَّا كَسَبُواْۚ وَٱللَّهُ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ ٢٠٢Kuwaasi waxay mudan qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Oo Allaah wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta ۞ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ فِيٓ أَيَّامٍ مَّعۡدُودَٰتٍۚ فَمَن تَعَجَّلَ فِي يَوۡمَيۡنِ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِۖ لِمَنِ ٱتَّقَىٰۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّكُمۡ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ ٢٠٣Oo xusa Allaah inta lagu jiro maalmaha tirsan52; marka qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood, ma jiro wax dambi ah oo saaran, oo qofkii dib u hara ma jiro wax dambi ah oo saaran, (tani) waxaa iska leh kan isagu iska jira (xumaha), oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in idinku Xaggiisa la idiin soo wada kulmin doono وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُعۡجِبُكَ قَوۡلُهُۥ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَيُشۡهِدُ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا فِي قَلۡبِهِۦ وَهُوَ أَلَدُّ ٱلۡخِصَامِ ٢٠٤Oo waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Allaah waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka وَإِذَا تَوَلَّىٰ سَعَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيُفۡسِدَ فِيهَا وَيُهۡلِكَ ٱلۡحَرۡثَ وَٱلنَّسۡلَۚ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلۡفَسَادَ ٢٠٥Oo markuu dhabarka jeediyo, wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka, Oo Allaah ma jecla fasahaadka وَإِذَا قِيلَ لَهُ ٱتَّقِ ٱللَّهَ أَخَذَتۡهُ ٱلۡعِزَّةُ بِٱلۡإِثۡمِۚ فَحَسۡبُهُۥ جَهَنَّمُۖ وَلَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ ٢٠٦Oo marka lagu yidhaahdo, iska jir (Ciqaabka) Ilaahay; qabweyni u geyso dambi. Ee Naar baa ku filan isaga oo iyadaa ugu xun gogol la dhinac dhigo وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشۡرِي نَفۡسَهُ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ رَءُوفُۢ بِٱلۡعِبَادِ ٢٠٧Oo waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay54, Oo Allaah wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱدۡخُلُواْ فِي ٱلسِّلۡمِ كَآفَّةً وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوٌّ مُّبِينٌ ٢٠٨Mu’miniintoy! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal! Wuxuu idiin yahay cadow iska cad فَإِن زَلَلۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡكُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٢٠٩Haddiise aad sid-bataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, markaa ogaada inuu Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن يَأۡتِيَهُمُ ٱللَّهُ فِي ظُلَلٍ مِّنَ ٱلۡغَمَامِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ ٢١٠Ma waxay sugaan waxaan ahayn inuu Allaah ugu yimaado daruuro hogol ah iyo malaa’igtuba? oo arrinka (horey) baa loo gooyey. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo idil سَلۡ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ كَمۡ ءَاتَيۡنَٰهُم مِّنۡ ءَايَةِۭ بَيِّنَةٍۗ وَمَن يُبَدِّلۡ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٢١١Weydii ilmahii Israa’iil intee baan calaamo cad siinnay. Oo qofkii beddela Nicmadda Ilaahay kaddib markay u timid, haddaba hubaal Allaah Ciqaabtiisu way daran tahay زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَيَسۡخَرُونَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۘ وَٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ وَٱللَّهُ يَرۡزُقُ مَن يَشَآءُ بِغَيۡرِ حِسَابٍ ٢١٢Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa (Xaqa) aan rumeysnayn, oo waxay ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo macaasida), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah Maalinta Qiyaamaha. Oo Allaah wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan كَانَ ٱلنَّاسُ أُمَّةً وَٰحِدَةً فَبَعَثَ ٱللَّهُ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ وَأَنزَلَ مَعَهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ لِيَحۡكُمَ بَيۡنَ ٱلنَّاسِ فِيمَا ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِۚ وَمَا ٱخۡتَلَفَ فِيهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ أُوتُوهُ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۖ فَهَدَى ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِمَا ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ مِنَ ٱلۡحَقِّ بِإِذۡنِهِۦۗ وَٱللَّهُ يَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسۡتَقِيمٍ ٢١٣Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Allaah soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan, oo Wuxuu u soo waxyooday Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafeen, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaasuu Allaah Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa wixii ay gudahooda isku khilaafeen. Oo Allaah wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jidka Toosan أَمۡ حَسِبۡتُمۡ أَن تَدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ وَلَمَّا يَأۡتِكُم مَّثَلُ ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلِكُمۖ مَّسَّتۡهُمُ ٱلۡبَأۡسَآءُ وَٱلضَّرَّآءُ وَزُلۡزِلُواْ حَتَّىٰ يَقُولَ ٱلرَّسُولُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ مَتَىٰ نَصۡرُ ٱللَّهِۗ أَلَآ إِنَّ نَصۡرَ ٱللَّهِ قَرِيبٌ ٢١٤Mise waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay waliba idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay dhib iyo qahar oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman doonaa Gargaarka Ilaahay? Haddaba hubaal Gargaarka Ilaahay wuu dhow yahay يَسۡـَٔلُونَكَ مَاذَا يُنفِقُونَۖ قُلۡ مَآ أَنفَقۡتُم مِّنۡ خَيۡرٍ فَلِلۡوَٰلِدَيۡنِ وَٱلۡأَقۡرَبِينَ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِۗ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٌ ٢١٥Waxay ku weydiiyaan waxa ay tahay inay bixiyaan (nafaqo ahaan). Dheh: Wax kastoo aad bixisaan oo maal ah waxaa u mudan waalidiinta iyo qaraabada iyo agoomaha, iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), Oo wax kasta oo khayr ah aad fashaan, hubaal Allaah wuu ogsoon yahay كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡقِتَالُ وَهُوَ كُرۡهٌ لَّكُمۡۖ وَعَسَىٰٓ أَن تَكۡرَهُواْ شَيۡـًٔا وَهُوَ خَيۡرٌ لَّكُمۡۖ وَعَسَىٰٓ أَن تُحِبُّواْ شَيۡـًٔا وَهُوَ شَرٌّ لَّكُمۡۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ ٢١٦Dagaallan baa la idinku farad yeelay oo waa wax aad neceb tihiin, oo waxaa laga yaabaa inaad wax nacdaan isagoo khayr idiin ah, oo waxaa laga yaabaa inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, Oo Allaah baa ogsoon, idinkuse ma ogidin يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلشَّهۡرِ ٱلۡحَرَامِ قِتَالٍ فِيهِۖ قُلۡ قِتَالٌ فِيهِ كَبِيرٌۚ وَصَدٌّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَكُفۡرُۢ بِهِۦ وَٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَإِخۡرَاجُ أَهۡلِهِۦ مِنۡهُ أَكۡبَرُ عِندَ ٱللَّهِۚ وَٱلۡفِتۡنَةُ أَكۡبَرُ مِنَ ٱلۡقَتۡلِۗ وَلَا يَزَالُونَ يُقَٰتِلُونَكُمۡ حَتَّىٰ يَرُدُّوكُمۡ عَن دِينِكُمۡ إِنِ ٱسۡتَطَٰعُواْۚ وَمَن يَرۡتَدِدۡ مِنكُمۡ عَن دِينِهِۦ فَيَمُتۡ وَهُوَ كَافِرٌ فَأُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢١٧Waxay wax kaa weydiiyaan bisha xurmadda gaarka ahi lihi gudaheed in la dagaallamo. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, oo ka hor istaagidda dadka Jidka Ilaahay iyo beeninti, iyo ka hor istaagidda dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, baa waliba ka sii daran Allaah agti, oo fidnadaa55 ka daran dilka. Oo ma dayn doonaan (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Oo qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwani weeye kuwa ay buri doonaan camalladooda adduunka iyo aakhiradaba, oo waa iyaga ehlu Naarka; gudaheeda bayna ku waari doonaan إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ يَرۡجُونَ رَحۡمَتَ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ٢١٨Hubaal kuwa rumeeyay iyo kuwa ka soo haajiray (guryahooda Ilaahay darti) oo dadaal ku bixiyey Jidka Ilaahay, kuwani waxay ka rajo qabaan Naxariista Ilaahay. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan ۞ يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡخَمۡرِ وَٱلۡمَيۡسِرِۖ قُلۡ فِيهِمَآ إِثۡمٌ كَبِيرٌ وَمَنَٰفِعُ لِلنَّاسِ وَإِثۡمُهُمَآ أَكۡبَرُ مِن نَّفۡعِهِمَاۗ وَيَسۡـَٔلُونَكَ مَاذَا يُنفِقُونَۖ قُلِ ٱلۡعَفۡوَۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَتَفَكَّرُونَ ٢١٩Waxay wax kaa weydiiyaan Khamriga56 iyo Qamaarka57. Dheh: Waxaa labadaba ku jira dambi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, oo dambigooda baa ka weyn waxtarkooda. Oo waxay ku weydiiyaan maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaas buu Allaah idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۗ وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡيَتَٰمَىٰۖ قُلۡ إِصۡلَاحٌ لَّهُمۡ خَيۡرٌۖ وَإِن تُخَالِطُوهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ ٱلۡمُفۡسِدَ مِنَ ٱلۡمُصۡلِحِۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَأَعۡنَتَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٢٢٠Noloshatan adduunka iyo Aakhiradaba. Oo waxay wax kaa weydiiyaan agoomaha. Dheh: Inaad u hagaajiso (arrimahooda) baa khayr badan, oo haddaad shuruko la noqotaan, waa walaalihiin. Oo Allaah wuu og yahay kan wax bi’iyaha ah iyo kan wax hagaajiyaha ah. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu xaqiiq idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin; hubaal Allaah waa Adkaade, Xakiim ah وَلَا تَنكِحُواْ ٱلۡمُشۡرِكَٰتِ حَتَّىٰ يُؤۡمِنَّۚ وَلَأَمَةٌ مُّؤۡمِنَةٌ خَيۡرٌ مِّن مُّشۡرِكَةٍ وَلَوۡ أَعۡجَبَتۡكُمۡۗ وَلَا تُنكِحُواْ ٱلۡمُشۡرِكِينَ حَتَّىٰ يُؤۡمِنُواْۚ وَلَعَبۡدٌ مُّؤۡمِنٌ خَيۡرٌ مِّن مُّشۡرِكٍ وَلَوۡ أَعۡجَبَكُمۡۗ أُوْلَٰٓئِكَ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلنَّارِۖ وَٱللَّهُ يَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱلۡجَنَّةِ وَٱلۡمَغۡفِرَةِ بِإِذۡنِهِۦۖ وَيُبَيِّنُ ءَايَٰتِهِۦ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ ٢٢١Oo ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeer ay rumeeyaan, oo xaqiiq addoonad mu’minad ah baa ka khayr roon mushrikad haba idin cajabisee. Oo ha u guurinnina (gabdhihiinna mu’mindaha ah) ragga mushrikiinta ah jeer ay rumeeyaan. Oo xaqiiq addoon mu’min ah baa ka khayr roon Mushrik haba idin cajabiyee. Kuwani waxay ku baaqaan Naar, Oo Allaah wuxuu ku baaqaa Janno iyo dambi dhaaf si idankiisa ah, oo uga dhigaa caddaan Aayadahiisa dadka si ay u xusuustaan وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡمَحِيضِۖ قُلۡ هُوَ أَذًى فَٱعۡتَزِلُواْ ٱلنِّسَآءَ فِي ٱلۡمَحِيضِ وَلَا تَقۡرَبُوهُنَّ حَتَّىٰ يَطۡهُرۡنَۖ فَإِذَا تَطَهَّرۡنَ فَأۡتُوهُنَّ مِنۡ حَيۡثُ أَمَرَكُمُ ٱللَّهُۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلتَّوَّٰبِينَ وَيُحِبُّ ٱلۡمُتَطَهِّرِينَ ٢٢٢Oo waxay wax kaa weydiiyaan xaylka. Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, oo ha u dhowaanina inta ay ka daahir noqdaan. Haddaba markay daahir noqdaan uga taga meesha Allaah idinku amray; Hubaal Allaah wuxuu jecel yahay kuwa in badan u soo noqda (oo toobad keena), oo wuxuu jecel yahay kuwa isdaahiriya نِسَآؤُكُمۡ حَرۡثٌ لَّكُمۡ فَأۡتُواْ حَرۡثَكُمۡ أَنَّىٰ شِئۡتُمۡۖ وَقَدِّمُواْ لِأَنفُسِكُمۡۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّكُم مُّلَٰقُوهُۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٢٢٣Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, oo u hormrsada (khayr) nafahiinna. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta وَلَا تَجۡعَلُواْ ٱللَّهَ عُرۡضَةً لِّأَيۡمَٰنِكُمۡ أَن تَبَرُّواْ وَتَتَّقُواْ وَتُصۡلِحُواْ بَيۡنَ ٱلنَّاسِۚ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ٢٢٤Oo ha ka dhigina Allaah ku dhaarashadiina Isaga awgeed waxa idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon لَّا يُؤَاخِذُكُمُ ٱللَّهُ بِٱللَّغۡوِ فِيٓ أَيۡمَٰنِكُمۡ وَلَٰكِن يُؤَاخِذُكُم بِمَا كَسَبَتۡ قُلُوبُكُمۡۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ حَلِيمٌ ٢٢٥Allaah Idiin ma qabanayo waxa aydaan ula kac iyo qasad ugu dhaaran, laakiinse wuxuu idiin qabanayaa waxa ay quluubtiinna goostaan oo u bareeraan (oo dhaar ah). Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan لِّلَّذِينَ يُؤۡلُونَ مِن نِّسَآئِهِمۡ تَرَبُّصُ أَرۡبَعَةِ أَشۡهُرٍۖ فَإِن فَآءُو فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ٢٢٦Kuwa ka dhaarta xaasaskooda (in muddo ah inaysan u galmooneyn), waxaa la sugayaa afar bilood58, Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan وَإِنۡ عَزَمُواْ ٱلطَّلَٰقَ فَإِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ٢٢٧Haddayse goostaan furid, haddaba Allaah hubaal waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon وَٱلۡمُطَلَّقَٰتُ يَتَرَبَّصۡنَ بِأَنفُسِهِنَّ ثَلَٰثَةَ قُرُوٓءٍۚ وَلَا يَحِلُّ لَهُنَّ أَن يَكۡتُمۡنَ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِيٓ أَرۡحَامِهِنَّ إِن كُنَّ يُؤۡمِنَّ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَبُعُولَتُهُنَّ أَحَقُّ بِرَدِّهِنَّ فِي ذَٰلِكَ إِنۡ أَرَادُوٓاْ إِصۡلَٰحًاۚ وَلَهُنَّ مِثۡلُ ٱلَّذِي عَلَيۡهِنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيۡهِنَّ دَرَجَةٌۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٢٢٨Oo haweenka la furay waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), oo uma bannaaana inay qariyaan waxa uu Allaah ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta dambeysa. Oo nimankooda baa u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; oo waxay (haweenku) u xaq leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo gar ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah ٱلطَّلَٰقُ مَرَّتَانِۖ فَإِمۡسَاكُۢ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ تَسۡرِيحُۢ بِإِحۡسَٰنٍۗ وَلَا يَحِلُّ لَكُمۡ أَن تَأۡخُذُواْ مِمَّآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ شَيۡـًٔا إِلَّآ أَن يَخَافَآ أَلَّا يُقِيمَا حُدُودَ ٱللَّهِۖ فَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا يُقِيمَا حُدُودَ ٱللَّهِ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَا فِيمَا ٱفۡتَدَتۡ بِهِۦۗ تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِ فَلَا تَعۡتَدُوهَاۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٢٢٩Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor, intaas kaddib, ama u haysta (haweenka) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Oo idiinma bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, haddaba haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxa ay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, ee ha ku xadgudbina. Oo qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, waa kuwan kuwa ah gar ma qaatayaasha فَإِن طَلَّقَهَا فَلَا تَحِلُّ لَهُۥ مِنۢ بَعۡدُ حَتَّىٰ تَنكِحَ زَوۡجًا غَيۡرَهُۥۗ فَإِن طَلَّقَهَا فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَآ أَن يَتَرَاجَعَآ إِن ظَنَّآ أَن يُقِيمَا حُدُودَ ٱللَّهِۗ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِ يُبَيِّنُهَا لِقَوۡمٍ يَعۡلَمُونَ ٢٣٠Haddiise uu furo (mar seddexaad) uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay soo guursato nin kale. hadduu (ninkaasi dambe) furo (ama dhinto), ma saarna wax eed ah dushooda (haweentaa iyo ninkeedii hore) inay isku noqdaan, hadday dareemaan inay dhowri karaan xuduudaha (uu dhigay) Allaah. Oo kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Allaah, uu uga dhigo caddaan dad garasho leh وَإِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَبَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ سَرِّحُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍۚ وَلَا تُمۡسِكُوهُنَّ ضِرَارًا لِّتَعۡتَدُواْۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ وَلَا تَتَّخِذُوٓاْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوًاۚ وَٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَمَآ أَنزَلَ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡحِكۡمَةِ يَعِظُكُم بِهِۦۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ ٢٣١Oo markaad furtaan haweenka, oo ay gaaraan muddadda loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Oo ha u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, oo qofkii sidaas fala, wuxuu xaqiiq gef ka galay naftiisa. Oo ha ka dhigannina Aayadaha Ilaahay dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay korkiinna, iyo waxa uu idiin soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in Allaah wax walba Ogsoon yahay وَإِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَبَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا تَعۡضُلُوهُنَّ أَن يَنكِحۡنَ أَزۡوَٰجَهُنَّ إِذَا تَرَٰضَوۡاْ بَيۡنَهُم بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ ذَٰلِكَ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ مِنكُمۡ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۗ ذَٰلِكُمۡ أَزۡكَىٰ لَكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ ٢٣٢Oo markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka_ (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa. Tan baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Oo Allaah baa ogsoon oo idinku ma ogidin ۞ وَٱلۡوَٰلِدَٰتُ يُرۡضِعۡنَ أَوۡلَٰدَهُنَّ حَوۡلَيۡنِ كَامِلَيۡنِۖ لِمَنۡ أَرَادَ أَن يُتِمَّ ٱلرَّضَاعَةَۚ وَعَلَى ٱلۡمَوۡلُودِ لَهُۥ رِزۡقُهُنَّ وَكِسۡوَتُهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ لَا تُكَلَّفُ نَفۡسٌ إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَا تُضَآرَّ وَٰلِدَةُۢ بِوَلَدِهَا وَلَا مَوۡلُودٌ لَّهُۥ بِوَلَدِهِۦۚ وَعَلَى ٱلۡوَارِثِ مِثۡلُ ذَٰلِكَۗ فَإِنۡ أَرَادَا فِصَالًا عَن تَرَاضٍ مِّنۡهُمَا وَتَشَاوُرٍ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَاۗ وَإِنۡ أَرَدتُّمۡ أَن تَسۡتَرۡضِعُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُمۡ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِذَا سَلَّمۡتُم مَّآ ءَاتَيۡتُم بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ ٢٣٣Oo hooyooyinku waa inay nuujiyaan ilmahooda labo sano oo kaamil ah, xagga kan isagu doonaya inuu taam yeelo mudddada nuujinta, oo masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda dartood iyo aabbe ilmaha uu dhalay dartood. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Oo haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo ogaada in Allaah uu Arko waxa aad fashaan وَٱلَّذِينَ يُتَوَفَّوۡنَ مِنكُمۡ وَيَذَرُونَ أَزۡوَٰجًا يَتَرَبَّصۡنَ بِأَنفُسِهِنَّ أَرۡبَعَةَ أَشۡهُرٍ وَعَشۡرًاۖ فَإِذَا بَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا فَعَلۡنَ فِيٓ أَنفُسِهِنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٌ ٢٣٤Oo (ma xagga) kuwiinna idinka mid ah oo dhinta oo ka taga afooyin gadaashood, waa inay sugaan afar bilood iyo toban maalmood, haddaba markay gaaraan muddadooda ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxa ay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا عَرَّضۡتُم بِهِۦ مِنۡ خِطۡبَةِ ٱلنِّسَآءِ أَوۡ أَكۡنَنتُمۡ فِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمۡ سَتَذۡكُرُونَهُنَّ وَلَٰكِن لَّا تُوَاعِدُوهُنَّ سِرًّا إِلَّآ أَن تَقُولُواْ قَوۡلًا مَّعۡرُوفًاۚ وَلَا تَعۡزِمُواْ عُقۡدَةَ ٱلنِّكَاحِ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ ٱلۡكِتَٰبُ أَجَلَهُۥۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ فَٱحۡذَرُوهُۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٌ ٢٣٥Oo ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxa aad sarbeebtaan59 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Allaah wuxuu og yahay inaad xusi doontaan, laakiinse ha ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur in aad ku dhahdaan maahee hadal gar ah, oo ha tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Oo ogaada inuu Allaah ogsoon yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Oo ogaada inuu Allaah yahay Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan لَّا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِن طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ مَا لَمۡ تَمَسُّوهُنَّ أَوۡ تَفۡرِضُواْ لَهُنَّ فَرِيضَةًۚ وَمَتِّعُوهُنَّ عَلَى ٱلۡمُوسِعِ قَدَرُهُۥ وَعَلَى ٱلۡمُقۡتِرِ قَدَرُهُۥ مَتَٰعَۢا بِٱلۡمَعۡرُوفِۖ حَقًّا عَلَى ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٢٣٦Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, oo siiya sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (tani) waa waajib saaran sama falayaasha وَإِن طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ وَقَدۡ فَرَضۡتُمۡ لَهُنَّ فَرِيضَةً فَنِصۡفُ مَا فَرَضۡتُمۡ إِلَّآ أَن يَعۡفُونَ أَوۡ يَعۡفُوَاْ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ عُقۡدَةُ ٱلنِّكَاحِۚ وَأَن تَعۡفُوٓاْ أَقۡرَبُ لِلتَّقۡوَىٰۚ وَلَا تَنسَوُاْ ٱلۡفَضۡلَ بَيۡنَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ ٢٣٧Oo haddaad furtaan haweenka ka hor inta aydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Oo inaad cafidaan baa u dhow samaha. Oo ha halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Allaah wuu Arkaa waxaad fashaan حَٰفِظُواْ عَلَى ٱلصَّلَوَٰتِ وَٱلصَّلَوٰةِ ٱلۡوُسۡطَىٰ وَقُومُواْ لِلَّهِ قَٰنِتِينَ ٢٣٨Uga qayb gala si joogto ah salaadaha iyo salaadda dhexe60 oo kaca idinkoo si run ah u adeecsan Allaah فَإِنۡ خِفۡتُمۡ فَرِجَالًا أَوۡ رُكۡبَانًاۖ فَإِذَآ أَمِنتُمۡ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَمَا عَلَّمَكُم مَّا لَمۡ تَكُونُواْ تَعۡلَمُونَ ٢٣٩Haddiise aad ka cabsataan (cadow, markaa tukada) idinkoo lug ku socda ama fuushan gaadiid. Markase aad nabad tihiin, markaa (ku) xusa Allaah (salaadda) sida uu idiin baray waxaydaan (horay) u aqoonin وَٱلَّذِينَ يُتَوَفَّوۡنَ مِنكُمۡ وَيَذَرُونَ أَزۡوَٰجًا وَصِيَّةً لِّأَزۡوَٰجِهِم مَّتَٰعًا إِلَى ٱلۡحَوۡلِ غَيۡرَ إِخۡرَاجٍۚ فَإِنۡ خَرَجۡنَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِي مَا فَعَلۡنَ فِيٓ أَنفُسِهِنَّ مِن مَّعۡرُوفٍۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٢٤٠Oo kuwaa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga afooyin gadaashood, waa inay u dardaarmaan afooyinkooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn61, haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah وَلِلۡمُطَلَّقَٰتِ مَتَٰعُۢ بِٱلۡمَعۡرُوفِۖ حَقًّا عَلَى ٱلۡمُتَّقِينَ ٢٤١Oo haweenka la furo, (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Tani waa xil saaran kuwa iska jira xumaha كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ ٢٤٢Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan ۞ أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَٰرِهِمۡ وَهُمۡ أُلُوفٌ حَذَرَ ٱلۡمَوۡتِ فَقَالَ لَهُمُ ٱللَّهُ مُوتُواْ ثُمَّ أَحۡيَٰهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ ٢٤٣Miyaadan u fiirsan kuwii ka soo baxay guryahooda iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri? Markaasuu Allaah ku yidhi: Dhinta misna soo nooleeyey. Hubaal Allaah xaqiiq waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan وَقَٰتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ٢٤٤Oo ku dagaallama Jidka Ilaahay, oo ogaada inuu Allaah yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon مَّن ذَا ٱلَّذِي يُقۡرِضُ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنًا فَيُضَٰعِفَهُۥ لَهُۥٓ أَضۡعَافًا كَثِيرَةًۚ وَٱللَّهُ يَقۡبِضُ وَيَبۡصُۜطُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٢٤٥Kee baa amaahin Allaah amaah wanaagsan oo uu u labo laabaa laban laab badan? Oo Allaah waa (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ مِنۢ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مِنۢ بَعۡدِ مُوسَىٰٓ إِذۡ قَالُواْ لِنَبِيٍّ لَّهُمُ ٱبۡعَثۡ لَنَا مَلِكًا نُّقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ قَالَ هَلۡ عَسَيۡتُمۡ إِن كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلۡقِتَالُ أَلَّا تُقَٰتِلُواْۖ قَالُواْ وَمَا لَنَآ أَلَّا نُقَٰتِلَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَقَدۡ أُخۡرِجۡنَا مِن دِيَٰرِنَا وَأَبۡنَآئِنَاۖ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقِتَالُ تَوَلَّوۡاْ إِلَّا قَلِيلًا مِّنۡهُمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ ٢٤٦Miyaadan u fiirsan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami doonnaa Jidka Ilaahay. Wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Oo maxaan leennahay ee aanan ugu dagaalamayn Jidka Ilaahay innagoo xaqiiq nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Oo Allaah wuu yaqaanaa gar ma qaatayaasha وَقَالَ لَهُمۡ نَبِيُّهُمۡ إِنَّ ٱللَّهَ قَدۡ بَعَثَ لَكُمۡ طَالُوتَ مَلِكًاۚ قَالُوٓاْ أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُ ٱلۡمُلۡكُ عَلَيۡنَا وَنَحۡنُ أَحَقُّ بِٱلۡمُلۡكِ مِنۡهُ وَلَمۡ يُؤۡتَ سَعَةً مِّنَ ٱلۡمَالِۚ قَالَ إِنَّ ٱللَّهَ ٱصۡطَفَىٰهُ عَلَيۡكُمۡ وَزَادَهُۥ بَسۡطَةً فِي ٱلۡعِلۡمِ وَٱلۡجِسۡمِۖ وَٱللَّهُ يُؤۡتِي مُلۡكَهُۥ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ ٢٤٧Oo Nabigoodii wuxuu ku yidhi: hubaal Allaah wuxuu idiin soo baxshay Daaluut boqor ahaan. Waxay yidhaahdeen: Oo sidee buu noogu noqon karaa boqor iyada oo aanu isaga uga xaq leennahay boqortooayda, oo aan la siin hayd iyo hanti ballaaran? Wuxuu yidhi: Hubaal Allaah baa idinka xushay, oo wuxuu siiyey kororsiin cilmi iyo jidhba ah. Oo Allaah wuxuu siiyaa boqortooaydiisa qofkuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon وَقَالَ لَهُمۡ نَبِيُّهُمۡ إِنَّ ءَايَةَ مُلۡكِهِۦٓ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلتَّابُوتُ فِيهِ سَكِينَةٌ مِّن رَّبِّكُمۡ وَبَقِيَّةٌ مِّمَّا تَرَكَ ءَالُ مُوسَىٰ وَءَالُ هَٰرُونَ تَحۡمِلُهُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةً لَّكُمۡ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ٢٤٨Oo Nabigoodii wuxuu ku yidhi: Hubaal astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (kafan) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Hubaal tani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin فَلَمَّا فَصَلَ طَالُوتُ بِٱلۡجُنُودِ قَالَ إِنَّ ٱللَّهَ مُبۡتَلِيكُم بِنَهَرٍ فَمَن شَرِبَ مِنۡهُ فَلَيۡسَ مِنِّي وَمَن لَّمۡ يَطۡعَمۡهُ فَإِنَّهُۥ مِنِّيٓ إِلَّا مَنِ ٱغۡتَرَفَ غُرۡفَةَۢ بِيَدِهِۦۚ فَشَرِبُواْ مِنۡهُ إِلَّا قَلِيلًا مِّنۡهُمۡۚ فَلَمَّا جَاوَزَهُۥ هُوَ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ قَالُواْ لَا طَاقَةَ لَنَا ٱلۡيَوۡمَ بِجَالُوتَ وَجُنُودِهِۦۚ قَالَ ٱلَّذِينَ يَظُنُّونَ أَنَّهُم مُّلَٰقُواْ ٱللَّهِ كَم مِّن فِئَةٍ قَلِيلَةٍ غَلَبَتۡ فِئَةً كَثِيرَةَۢ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ ٢٤٩Haddaba markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Hubaal Allaah wuxuu idinku imtixaani doonaa webi. Haddaba qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin hubaal waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaas bay ka cabbeen geddigood in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood, waxay yidhaahdeen: Badanaa inta ay koox yari ay kaga adkaatay koox badan Idanka Ilaahay, Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha وَلَمَّا بَرَزُواْ لِجَالُوتَ وَجُنُودِهِۦ قَالُواْ رَبَّنَآ أَفۡرِغۡ عَلَيۡنَا صَبۡرًا وَثَبِّتۡ أَقۡدَامَنَا وَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢٥٠Oo markay u soo ban baxeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii dadkan gaalada ah فَهَزَمُوهُم بِإِذۡنِ ٱللَّهِ وَقَتَلَ دَاوُۥدُ جَالُوتَ وَءَاتَىٰهُ ٱللَّهُ ٱلۡمُلۡكَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَعَلَّمَهُۥ مِمَّا يَشَآءُۗ وَلَوۡلَا دَفۡعُ ٱللَّهِ ٱلنَّاسَ بَعۡضَهُم بِبَعۡضٍ لَّفَسَدَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ ذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢٥١Markaas bay ku jabiyeen Idanka Ilaahay, Oo Daawuud wuxuu dilay Jaaluut, oo Allaah uu siiyey boqortooyo iyo xikmad, oo uu baray wax ka mid ah wuxuu doono. Oo haddaanu Allaah ku celin lahayn dadka qaarba qaar kale, waxaa xaqiiq fasaadi lahaa arlada. Laakiinse Allaah waa u Roonaan badan yahay uunanka تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۚ وَإِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٢٥٢Kuwani waa Aayadaha Ilaahay, oo aanu kuugu akhrinno si xaq ah. Oo hubaal waxaad adigu (Muxammadow) xaqiiq ka mid tahay Rususha (Ilaahay)

Juz 3

۞ تِلۡكَ ٱلرُّسُلُ فَضَّلۡنَا بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍۘ مِّنۡهُم مَّن كَلَّمَ ٱللَّهُۖ وَرَفَعَ بَعۡضَهُمۡ دَرَجَٰتٍۚ وَءَاتَيۡنَا عِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَأَيَّدۡنَٰهُ بِرُوحِ ٱلۡقُدُسِۗ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا ٱقۡتَتَلَ ٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ وَلَٰكِنِ ٱخۡتَلَفُواْ فَمِنۡهُم مَّنۡ ءَامَنَ وَمِنۡهُم مَّن كَفَرَۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا ٱقۡتَتَلُواْ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَفۡعَلُ مَا يُرِيدُ ٢٥٣Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Allaah la hadlay; oo Wuxuu kor u qaaday qaarkood darajooyin; oo Waxaanu siinnay Ciise, ina Maryam Xujooyin cad, oo waxaanu ku xoojinnay Ruuxa Daahirka ah (Jabriil). Oo hadduu Allaah doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, laakiinse way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahaa ee rumeeyey, iyo kuwo (Xaqa) diiday. Oo hadduu Allaah doono, ma ay is dagaaleen, laakiinse Allaah wuxuu falaa wuxuu rabo يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٌ لَّا بَيۡعٌ فِيهِ وَلَا خُلَّةٌ وَلَا شَفَٰعَةٌۗ وَٱلۡكَٰفِرُونَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٢٥٤Mu’miniintoy! Wax ka bixiya waxa aan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jiri doonin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, oo gaaladu waa iyaga kuwa ah gar ma qaatayaasha ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُۚ لَا تَأۡخُذُهُۥ سِنَةٌ وَلَا نَوۡمٌۚ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ مَن ذَا ٱلَّذِي يَشۡفَعُ عِندَهُۥٓ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيۡءٍ مِّنۡ عِلۡمِهِۦٓ إِلَّا بِمَا شَآءَۚ وَسِعَ كُرۡسِيُّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۖ وَلَا يَـُٔودُهُۥ حِفۡظُهُمَاۚ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ ٢٥٥Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo jira samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Oo ma koobi karaan (uunankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu Isagu doono ma’ahee. Kursigiisu62 wuxuu ku fidsan yahay samooyinka iyo arlada, oo ma cusleeyaan ilaalintoodu63, oo waa Isaga Sarreeyaha weyn لَآ إِكۡرَاهَ فِي ٱلدِّينِۖ قَد تَّبَيَّنَ ٱلرُّشۡدُ مِنَ ٱلۡغَيِّۚ فَمَن يَكۡفُرۡ بِٱلطَّٰغُوتِ وَيُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱسۡتَمۡسَكَ بِٱلۡعُرۡوَةِ ٱلۡوُثۡقَىٰ لَا ٱنفِصَامَ لَهَاۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ٢٥٦Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Runtii hanuunka wuxuu noqaday mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii diida Daaquudka65 (shaydaanka) oo rumeeya Allaah, wuxuu run ahaan ku dhagey siddada aad u adag ee aan go’i doonin. Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon ٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُخۡرِجُهُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡلِيَآؤُهُمُ ٱلطَّٰغُوتُ يُخۡرِجُونَهُم مِّنَ ٱلنُّورِ إِلَى ٱلظُّلُمَٰتِۗ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢٥٧Allaah waa waliga66 (gargaaraha) kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka67. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gacalladoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwani weeye ehlu naarka, gudaheeda bay ku dhex waari doonaan أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِي حَآجَّ إِبۡرَٰهِـۧمَ فِي رَبِّهِۦٓ أَنۡ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُ ٱلۡمُلۡكَ إِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ رَبِّيَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ قَالَ أَنَا۠ أُحۡيِۦ وَأُمِيتُۖ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ فَإِنَّ ٱللَّهَ يَأۡتِي بِٱلشَّمۡسِ مِنَ ٱلۡمَشۡرِقِ فَأۡتِ بِهَا مِنَ ٱلۡمَغۡرِبِ فَبُهِتَ ٱلَّذِي كَفَرَۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٢٥٨Ma waadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Allaah siiyey boqortooyo darteed? markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sabab dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho68. Ibraahiim wuxuu yidhi: Haddaba hubaal Allaah wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bariga ee adigu ka soo saar xagga galbeedka. Markaasuu kaa isagu gaaloobay amakaag aamusay. Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar maqaatayaasha ah أَوۡ كَٱلَّذِي مَرَّ عَلَىٰ قَرۡيَةٍ وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا قَالَ أَنَّىٰ يُحۡيِۦ هَٰذِهِ ٱللَّهُ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۖ فَأَمَاتَهُ ٱللَّهُ مِاْئَةَ عَامٍ ثُمَّ بَعَثَهُۥۖ قَالَ كَمۡ لَبِثۡتَۖ قَالَ لَبِثۡتُ يَوۡمًا أَوۡ بَعۡضَ يَوۡمٍۖ قَالَ بَل لَّبِثۡتَ مِاْئَةَ عَامٍ فَٱنظُرۡ إِلَىٰ طَعَامِكَ وَشَرَابِكَ لَمۡ يَتَسَنَّهۡۖ وَٱنظُرۡ إِلَىٰ حِمَارِكَ وَلِنَجۡعَلَكَ ءَايَةً لِّلنَّاسِۖ وَٱنظُرۡ إِلَى ٱلۡعِظَامِ كَيۡفَ نُنشِزُهَا ثُمَّ نَكۡسُوهَا لَحۡمًاۚ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُۥ قَالَ أَعۡلَمُ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ قَدِيرٌ ٢٥٩Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Allaah nooleyn doonaa tani dhimashadeeda kaddib? Markaas buu Allaah sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaas soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; oo eeg dameerkaagii oo waxaanu kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Oo dhugo lafaha, sida aan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; haddaba markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay (haatan) inuu Allaah wax walba Karo وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ رَبِّ أَرِنِي كَيۡفَ تُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰۖ قَالَ أَوَلَمۡ تُؤۡمِنۖ قَالَ بَلَىٰ وَلَٰكِن لِّيَطۡمَئِنَّ قَلۡبِيۖ قَالَ فَخُذۡ أَرۡبَعَةً مِّنَ ٱلطَّيۡرِ فَصُرۡهُنَّ إِلَيۡكَ ثُمَّ ٱجۡعَلۡ عَلَىٰ كُلِّ جَبَلٍ مِّنۡهُنَّ جُزۡءًا ثُمَّ ٱدۡعُهُنَّ يَأۡتِينَكَ سَعۡيًاۚ وَٱعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٢٦٠Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sida aad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Miyaadan rumaysnayn? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Haddaba soo qaado afar shimbirood, oo u layli inay ku soo raacaan, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan doonaan iyagoo duulaya. Oo ogow in Allaah yahay Adkaade, Xakiim ah مَّثَلُ ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ كَمَثَلِ حَبَّةٍ أَنۢبَتَتۡ سَبۡعَ سَنَابِلَ فِي كُلِّ سُنۢبُلَةٍ مِّاْئَةُ حَبَّةٍۗ وَٱللَّهُ يُضَٰعِفُ لِمَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ ٢٦١Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, wa sida mataalka iniin bixisa toddobo madax, oo madax walba bixiyo boqol xabbo. Oo Allaah wuxuu u labo laabaa (ajarka) qofkuu doono69. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ لَا يُتۡبِعُونَ مَآ أَنفَقُواْ مَنًّا وَلَآ أَذًى لَّهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٢٦٢Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Ilaahay, markaas aan raacinin waxa ay bixiyeen waxtar sheegasho70 iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli doonaan Rabbigood agti, ma cabsi qabi doonaan, mana murugoon doonaan ۞ قَوۡلٌ مَّعۡرُوفٌ وَمَغۡفِرَةٌ خَيۡرٌ مِّن صَدَقَةٍ يَتۡبَعُهَآ أَذًىۗ وَٱللَّهُ غَنِيٌّ حَلِيمٌ ٢٦٣Hadal san iyo saamaxaad baa ka roon sadaqo ay raacdo waxyeello. Oo Allaah waa Deeqtoone, Dulqaad Badan يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُبۡطِلُواْ صَدَقَٰتِكُم بِٱلۡمَنِّ وَٱلۡأَذَىٰ كَٱلَّذِي يُنفِقُ مَالَهُۥ رِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَلَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۖ فَمَثَلُهُۥ كَمَثَلِ صَفۡوَانٍ عَلَيۡهِ تُرَابٌ فَأَصَابَهُۥ وَابِلٌ فَتَرَكَهُۥ صَلۡدًاۖ لَّا يَقۡدِرُونَ عَلَىٰ شَيۡءٍ مِّمَّا كَسَبُواْۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢٦٤Mu’miniintoy! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Dambeysa. marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Oo Allaah ma hanuuniyo gaalada (macangagga ah madax adag) وَمَثَلُ ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمُ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِ وَتَثۡبِيتًا مِّنۡ أَنفُسِهِمۡ كَمَثَلِ جَنَّةِۭ بِرَبۡوَةٍ أَصَابَهَا وَابِلٌ فَـَٔاتَتۡ أُكُلَهَا ضِعۡفَيۡنِ فَإِن لَّمۡ يُصِبۡهَا وَابِلٌ فَطَلٌّۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ ٢٦٥Oo mataalka kuwa u bixiya maalkooda doonista Raalli gelinta Ilaahay iyo sugitaanka nafahooda darteed, waa sida beer ku taal meel taag ah oo uu helo mahiigaan roob ah oo soo saarta midhaheeda labolaab. haddiise aanu helin mahiigaan roob weyn ah uu ku fillaado roob yar. Oo Allaah wuu Arkaa waxa aad fashaan أَيَوَدُّ أَحَدُكُمۡ أَن تَكُونَ لَهُۥ جَنَّةٌ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعۡنَابٍ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ لَهُۥ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَأَصَابَهُ ٱلۡكِبَرُ وَلَهُۥ ذُرِّيَّةٌ ضُعَفَآءُ فَأَصَابَهَآ إِعۡصَارٌ فِيهِ نَارٌ فَٱحۡتَرَقَتۡۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَتَفَكَّرُونَ ٢٦٦Miyuu midkiin jecel yahay inuu lahaado beer timir iyo canab leh, oo ay hoostoodu qulqulayaan webiyo, oo ay ugu yaallaan midho kasta, oo da’i hesho, oo uu leeyahay ilmo tabar yar, markaas ay ku dhacdo beertii xiisad dabeyl ah oo dab wadata, oo ay gubato? Sidaas buu Allaah idiinka dhigaa Aayadaha caddaan, bal inaad u fikir yeelataan يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنفِقُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا كَسَبۡتُمۡ وَمِمَّآ أَخۡرَجۡنَا لَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِۖ وَلَا تَيَمَّمُواْ ٱلۡخَبِيثَ مِنۡهُ تُنفِقُونَ وَلَسۡتُم بِـَٔاخِذِيهِ إِلَّآ أَن تُغۡمِضُواْ فِيهِۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ حَمِيدٌ ٢٦٧Mu’miniintoy! Wax uga bixiya (si fiican) waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun71, oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho isku qabsasho maahee. Oo ogaada inuu Allaah yahay Deeqtoone, la Ammaano ٱلشَّيۡطَٰنُ يَعِدُكُمُ ٱلۡفَقۡرَ وَيَأۡمُرُكُم بِٱلۡفَحۡشَآءِۖ وَٱللَّهُ يَعِدُكُم مَّغۡفِرَةً مِّنۡهُ وَفَضۡلًاۗ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ ٢٦٨Shaydaan wuxuu idinku gooddiyaa faqri, oo wuxuu idin amraa inaad ahaataan bakhayllo masuug badan; oo Allaah wuxuu idiin ballan qaadaa dambi dhaaf Xaggiisa ah iyo deeq badan, Oo Allaah waa Deeq Ballaadhane, wax kasta Ogsoon يُؤۡتِي ٱلۡحِكۡمَةَ مَن يَشَآءُۚ وَمَن يُؤۡتَ ٱلۡحِكۡمَةَ فَقَدۡ أُوتِيَ خَيۡرًا كَثِيرًاۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّآ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٢٦٩Wuxuu siiyaa Xikmad qofkuu doono, oo qofkii la siiyo Xikmad, xaqiiq waxaa la siiyey khayr tiro badan. oo ma garowsadaan waxaan aheyn wax garadka وَمَآ أَنفَقۡتُم مِّن نَّفَقَةٍ أَوۡ نَذَرۡتُم مِّن نَّذۡرٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُهُۥۗ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٍ ٢٧٠Oo wax kastoo sadaqo ah ee aad bixisaan ama (wax kastoo) nadar ah ee aad nadartaan, hubaal Allaah wuu ogsoon yahay. Oo gar ma qaatayaashu ma heli doonaan wax u soo gargaara إِن تُبۡدُواْ ٱلصَّدَقَٰتِ فَنِعِمَّا هِيَۖ وَإِن تُخۡفُوهَا وَتُؤۡتُوهَا ٱلۡفُقَرَآءَ فَهُوَ خَيۡرٌ لَّكُمۡۚ وَيُكَفِّرُ عَنكُم مِّن سَيِّـَٔاتِكُمۡۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٌ ٢٧١Haddaad u bixisaan sadaqooyinka si caddaan ah, waa hagaag, oo haddaad qarisaan, oo aad siisaan fuqurada, waa sida idiin khayr badan. Oo tani waxaa la idiinku dhaafi wax ka mid ah camalladiinna xun. Oo Allaah waxa aad fashaan waa u Xog Ogaal ۞ لَّيۡسَ عَلَيۡكَ هُدَىٰهُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَهۡدِي مَن يَشَآءُۗ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٍ فَلِأَنفُسِكُمۡۚ وَمَا تُنفِقُونَ إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ ٱللَّهِۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٍ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ ٢٧٢Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkuu doono. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan, idinka naf ahaantiinna bay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Ilaahay. Oo wax kastoo khayr ah aad bixisaan dib baa la idiinku oofin doonaa si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dhimi doonin لِلۡفُقَرَآءِ ٱلَّذِينَ أُحۡصِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا يَسۡتَطِيعُونَ ضَرۡبًا فِي ٱلۡأَرۡضِ يَحۡسَبُهُمُ ٱلۡجَاهِلُ أَغۡنِيَآءَ مِنَ ٱلتَّعَفُّفِ تَعۡرِفُهُم بِسِيمَٰهُمۡ لَا يَسۡـَٔلُونَ ٱلنَّاسَ إِلۡحَافًاۗ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ بِهِۦ عَلِيمٌ ٢٧٣(Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo Fuqarada u heegan xayirmay Jidka Ilaahay, ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Oo wax kastoo khayr ah ee aad bixisaan, hubaal Allaah wuu Ogsoon yahay ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ سِرًّا وَعَلَانِيَةً فَلَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٢٧٤(Ma xagga) kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan ٱلَّذِينَ يَأۡكُلُونَ ٱلرِّبَوٰاْ لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ ٱلَّذِي يَتَخَبَّطُهُ ٱلشَّيۡطَٰنُ مِنَ ٱلۡمَسِّۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّمَا ٱلۡبَيۡعُ مِثۡلُ ٱلرِّبَوٰاْۗ وَأَحَلَّ ٱللَّهُ ٱلۡبَيۡعَ وَحَرَّمَ ٱلرِّبَوٰاْۚ فَمَن جَآءَهُۥ مَوۡعِظَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ فَٱنتَهَىٰ فَلَهُۥ مَا سَلَفَ وَأَمۡرُهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِۖ وَمَنۡ عَادَ فَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢٧٥Kuwa cuna Ribada uma kici karaan waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabasha(diisa) u kaco72. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecshurada wax kale maahee waxay uun la mid tahay ribada; oo Allaah wuu xalaaleeyey beecshurada oo xaaraameeyey Ribada. Ee qofkii haddaba waano uga timaaddo Rabbigi markaa iska daaya, wuxuu leeyahay wixii horey u tagey73; oo arrinkiisa Allaah buu la jiraa; qofkiise u noqda, waa kuwan kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan يَمۡحَقُ ٱللَّهُ ٱلرِّبَوٰاْ وَيُرۡبِي ٱلصَّدَقَٰتِۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ كَفَّارٍ أَثِيمٍ ٢٧٦Allaah ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Oo Allaah ma jecla abaal laawe, dambiile oo dhan إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٢٧٧Hubaal kuwa rumeysan oo samaha fala oo hagaajiya salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli doonaan abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma qabi doonaan, mana murugoon doonaan يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَذَرُواْ مَا بَقِيَ مِنَ ٱلرِّبَوٰٓاْ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ٢٧٨Mu’miniintoy! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo iskaga taga waxa ka baaqi ah (faa’ido laga helay) ribo, haddaad tihiin mu’miniin فَإِن لَّمۡ تَفۡعَلُواْ فَأۡذَنُواْ بِحَرۡبٍ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَإِن تُبۡتُمۡ فَلَكُمۡ رُءُوسُ أَمۡوَٰلِكُمۡ لَا تَظۡلِمُونَ وَلَا تُظۡلَمُونَ ٢٧٩Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Allaah iyo Rasuulkiisu, oo haddaad toobad keentaan, haddaba waxaad mudan doontaan raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah) وَإِن كَانَ ذُو عُسۡرَةٍ فَنَظِرَةٌ إِلَىٰ مَيۡسَرَةٍۚ وَأَن تَصَدَّقُواْ خَيۡرٌ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٢٨٠Oo haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen وَٱتَّقُواْ يَوۡمًا تُرۡجَعُونَ فِيهِ إِلَى ٱللَّهِۖ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٍ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ ٢٨١Oo iska jira Maalin la idiin soo celin doono xagga Allaah. markaas naf walba loogu oofin doono si dhan waxay kasabtay iyagoo aan lagu gardarroon doonin يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا تَدَايَنتُم بِدَيۡنٍ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى فَٱكۡتُبُوهُۚ وَلۡيَكۡتُب بَّيۡنَكُمۡ كَاتِبُۢ بِٱلۡعَدۡلِۚ وَلَا يَأۡبَ كَاتِبٌ أَن يَكۡتُبَ كَمَا عَلَّمَهُ ٱللَّهُۚ فَلۡيَكۡتُبۡ وَلۡيُمۡلِلِ ٱلَّذِي عَلَيۡهِ ٱلۡحَقُّ وَلۡيَتَّقِ ٱللَّهَ رَبَّهُۥ وَلَا يَبۡخَسۡ مِنۡهُ شَيۡـًٔاۚ فَإِن كَانَ ٱلَّذِي عَلَيۡهِ ٱلۡحَقُّ سَفِيهًا أَوۡ ضَعِيفًا أَوۡ لَا يَسۡتَطِيعُ أَن يُمِلَّ هُوَ فَلۡيُمۡلِلۡ وَلِيُّهُۥ بِٱلۡعَدۡلِۚ وَٱسۡتَشۡهِدُواْ شَهِيدَيۡنِ مِن رِّجَالِكُمۡۖ فَإِن لَّمۡ يَكُونَا رَجُلَيۡنِ فَرَجُلٌ وَٱمۡرَأَتَانِ مِمَّن تَرۡضَوۡنَ مِنَ ٱلشُّهَدَآءِ أَن تَضِلَّ إِحۡدَىٰهُمَا فَتُذَكِّرَ إِحۡدَىٰهُمَا ٱلۡأُخۡرَىٰۚ وَلَا يَأۡبَ ٱلشُّهَدَآءُ إِذَا مَا دُعُواْۚ وَلَا تَسۡـَٔمُوٓاْ أَن تَكۡتُبُوهُ صَغِيرًا أَوۡ كَبِيرًا إِلَىٰٓ أَجَلِهِۦۚ ذَٰلِكُمۡ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِ وَأَقۡوَمُ لِلشَّهَٰدَةِ وَأَدۡنَىٰٓ أَلَّا تَرۡتَابُوٓاْ إِلَّآ أَن تَكُونَ تِجَٰرَةً حَاضِرَةً تُدِيرُونَهَا بَيۡنَكُمۡ فَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَلَّا تَكۡتُبُوهَاۗ وَأَشۡهِدُوٓاْ إِذَا تَبَايَعۡتُمۡۚ وَلَا يُضَآرَّ كَاتِبٌ وَلَا شَهِيدٌۚ وَإِن تَفۡعَلُواْ فَإِنَّهُۥ فُسُوقُۢ بِكُمۡۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ وَيُعَلِّمُكُمُ ٱللَّهُۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ ٢٨٢Mu’miniintoy! Marka aad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, haddaba qora. Oo ha idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Allaah u baray, ee ha qoro, oo ha yeeriyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilka uu saaray) Allaah, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeeriyo si caddaalad ah, oo marag gashada labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Oo waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Oo ha ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Allaah agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddii aydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, oo haddaad fashaan (dhibaato) haddaba hubaal waa caasinnimo idinku jirta. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah;oo Allaah wuxuu idin baraa cilmi, Oo Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay ۞ وَإِن كُنتُمۡ عَلَىٰ سَفَرٍ وَلَمۡ تَجِدُواْ كَاتِبًا فَرِهَٰنٌ مَّقۡبُوضَةٌۖ فَإِنۡ أَمِنَ بَعۡضُكُم بَعۡضًا فَلۡيُؤَدِّ ٱلَّذِي ٱؤۡتُمِنَ أَمَٰنَتَهُۥ وَلۡيَتَّقِ ٱللَّهَ رَبَّهُۥۗ وَلَا تَكۡتُمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَۚ وَمَن يَكۡتُمۡهَا فَإِنَّهُۥٓ ءَاثِمٌ قَلۡبُهُۥۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ عَلِيمٌ ٢٨٣Oo haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha dhowro (xilka uu saaray) Allaah, Rabbigi. Oo ha qarinnina marag furka, oo qofkii qariya, qalbigiisu hubaal waa dambiile. Oo Allaah waxa aad fashaan wuu Ogsoon yahay لِّلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَإِن تُبۡدُواْ مَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ أَوۡ تُخۡفُوهُ يُحَاسِبۡكُم بِهِ ٱللَّهُۖ فَيَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ قَدِيرٌ ٢٨٤Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo wax jira arlada, oo haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan. Allaah wuu idin ku xisaabin doonaa, markaas wuxuu u dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Oo Allaah wax walba awood buu ku dul leeyahay ءَامَنَ ٱلرَّسُولُ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ مِن رَّبِّهِۦ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَۚ كُلٌّ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِۦۚ وَقَالُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَاۖ غُفۡرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيۡكَ ٱلۡمَصِيرُ ٢٨٥Rasuulku wuxuu rumeysan yahay waxa lagaga soo Waxyooday xagga Rabbigi, oo (sidaas bay yeelaan) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeynsan yihiin Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusushiisa dhexdooda, oo waxay yidhaahdaan: Waanu maqlaynaa oo adeeceynaa. Rabbiyow! Dambi Dhaafiddaada (yaanu kaa barinnaa), oo waa Xaggaaga meel noqodka dambe لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَعَلَيۡهَا مَا ٱكۡتَسَبَتۡۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذۡنَآ إِن نَّسِينَآ أَوۡ أَخۡطَأۡنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تَحۡمِلۡ عَلَيۡنَآ إِصۡرًا كَمَا حَمَلۡتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلۡنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦۖ وَٱعۡفُ عَنَّا وَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَآۚ أَنتَ مَوۡلَىٰنَا فَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢٨٦Allaah ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (dambi) kasabtay Rabbiyow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbiyow! Oo ha na saarin culays sida aad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbiyow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur, oo noo naxariiso76. Adigaa ah Gacalkayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah

Translation: Abdullah Hasan Jacob.