Millat al-Islam

Chapter 88 · 26 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Ghashiya in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Ghashiya (1299 reciters)

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡغَٰشِيَةِ ١Mawuusan kuu iman warka dabooshada وُجُوهٌ يَوۡمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ ٢Wejiyo (qaar) maalintaas waxay ahaan kuwo dulleysan عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ ٣Howlan, aad u daallan تَصۡلَىٰ نَارًا حَامِيَةً ٤Waxay Geli Naar aad u kulul تُسۡقَىٰ مِنۡ عَيۡنٍ ءَانِيَةٍ ٥Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa لَّيۡسَ لَهُمۡ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ ٦Ma laha wax cunto ah qodxo maahee لَّا يُسۡمِنُ وَلَا يُغۡنِي مِن جُوعٍ ٧Kaasoo aan wax cayilin, gaajona wax ka tarin وُجُوهٌ يَوۡمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ ٨Wejiyo (kale) Maalintaas, waxay ahaan kuwo nicmeysan لِّسَعۡيِهَا رَاضِيَةٌ ٩Raalli ah dadaalkoodii darti فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ ١٠Ku jira Beer sare gudaheed لَّا تَسۡمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةً ١١Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah فِيهَا عَيۡنٌ جَارِيَةٌ ١٢Dhexdeeda waxaa ah il socota فِيهَا سُرُرٌ مَّرۡفُوعَةٌ ١٣Dhexdeeda waxaa ah sariirro la kor yeelay وَأَكۡوَابٌ مَّوۡضُوعَةٌ ١٤Iyo koobab diyaar laga dhigay وَنَمَارِقُ مَصۡفُوفَةٌ ١٥Iyo barkimooyin la safay وَزَرَابِيُّ مَبۡثُوثَةٌ ١٦Iyo gogollo la fidshey أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلۡإِبِلِ كَيۡفَ خُلِقَتۡ ١٧Mawaysan haddaba eegin geela, sida loo abuuray وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيۡفَ رُفِعَتۡ ١٨Iyo cirka, sida loo kor yeelay وَإِلَى ٱلۡجِبَالِ كَيۡفَ نُصِبَتۡ ١٩Iyo buuraha, sida loo dhidbay وَإِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَيۡفَ سُطِحَتۡ ٢٠Iyo dhulka, sida loo fidiyey فَذَكِّرۡ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌ ٢١Ee wax waani, waayo waxaad adigu uun tahay waaniye لَّسۡتَ عَلَيۡهِم بِمُصَيۡطِرٍ ٢٢Ma tihid mid qasab ku leh ee ilaaliya إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ ٢٣Kii kastoo se dhabarka jeediya oo gaalooba فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَكۡبَرَ ٢٤Wuxuu Allaah ku cadaabi cadaab aad u weyn إِنَّ إِلَيۡنَآ إِيَابَهُمۡ ٢٥Xaqiiq waa Xaggayaga meel noqodkoodu ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا حِسَابَهُم ٢٦Markaas hubaal Annaga bay na saaran tahay xisaabintooda

Translation: Abdullah Hasan Jacob.