Millat al-Islam

Chapter 76 · 31 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Insan in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Insan (1352 reciters)
Medinanسورة الإنسان31 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

هَلۡ أَتَىٰ عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهۡرِ لَمۡ يَكُن شَيۡـًٔا مَّذۡكُورًا ١Miyuunan soo marin Aadmigu waqti waayaha ka mid ah isagoo aan aheyn wax jira oo la sheego إِنَّا خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن نُّطۡفَةٍ أَمۡشَاجٍ نَّبۡتَلِيهِ فَجَعَلۡنَٰهُ سَمِيعَۢا بَصِيرًا ٢Hubaal Waxaanu ka abuurnay Aadmiga mani2- yaroo nool isku dhafanta, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka إِنَّا هَدَيۡنَٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا ٣Hubaal Waxaanu tusnay jidka, wuxuu noqon karaa mid mahad naqa, mise mid abaal dhac badan إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ سَلَٰسِلَاْ وَأَغۡلَٰلًا وَسَعِيرًا ٤Hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal iyo dab ololaya إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ يَشۡرَبُونَ مِن كَأۡسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا ٥Hubaal kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi doonaan galaas (khamro xalaal) ah oo lagu dheehay Kaafuur عَيۡنًا يَشۡرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفۡجِيرًا ٦Il ay ka cabbi doonaan addoomaha Ilaahay oo ay burqin doonaan burqin يُوفُونَ بِٱلنَّذۡرِ وَيَخَافُونَ يَوۡمًا كَانَ شَرُّهُۥ مُسۡتَطِيرًا ٧Waxay oofiyaan nidarradooda, oo ka cabsadaan Maalin sharkeedu aad u faafayo وَيُطۡعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسۡكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا ٨Oo waxay ugu deeqaan cunto jaceyl ay Isaga u qabaan darti miskiinka iyo agoonka iyo maxbuuska إِنَّمَا نُطۡعِمُكُمۡ لِوَجۡهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمۡ جَزَآءً وَلَا شُكُورًا ٩(iyagoo laabta ka leh) Waxaan uu idiin quudinnaa Ilaahay Darti. idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوۡمًا عَبُوسًا قَمۡطَرِيرًا ١٠Hubaal Waxaanu ka cabsannaa Rab- bigayo (Allaah) Maalin lala il darnaan dhibaatooyin aad u badan فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمِ وَلَقَّىٰهُمۡ نَضۡرَةً وَسُرُورًا ١١Markaa Allaah wuxuu ka samata bixin sharka Maalintaas, oo siin nuur iyo farxad وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُواْ جَنَّةً وَحَرِيرًا ١٢Oo ku abaal marin sabarkoodii dartiis Janno iyo xariir مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِۖ لَا يَرَوۡنَ فِيهَا شَمۡسًا وَلَا زَمۡهَرِيرًا ١٣Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arki doonaan dhexdeeda kuleylka qorraxda iyo qabow badan midna وَدَانِيَةً عَلَيۡهِمۡ ظِلَٰلُهَا وَذُلِّلَتۡ قُطُوفُهَا تَذۡلِيلًا ١٤Oo waxaa wax u dhow (ahaan doona) Hoosaskeeda, oo midhaheeda waxaa laga yeeli kuwo aad ugu dhow oo si sahal ah loo gaaro وَيُطَافُ عَلَيۡهِم بِـَٔانِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكۡوَابٍ كَانَتۡ قَوَارِيرَا۠ ١٥Oo waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah قَوَارِيرَاْ مِن فِضَّةٍ قَدَّرُوهَا تَقۡدِيرًا ١٦quraarado saafi ah laga sameeyey qalin, waxay u qiyaaseen iyaga qiyaas aad ah وَيُسۡقَوۡنَ فِيهَا كَأۡسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا ١٧Oo waxaa laga waraabin galaas (khamro xalaal ah) lagu dheehay Sanjabiil عَيۡنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلۡسَبِيلًا ١٨Il halkaa ku taal, la yidhaahdo Salsabiil ۞ وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيۡتَهُمۡ حَسِبۡتَهُمۡ لُؤۡلُؤًا مَّنثُورًا ١٩Oo waxaa ku wareegaaleysan si ay ugu adeegaan wiilal da’ yar ah aan gaboobin. marka aad aragto, waxaad moodi luul la firdhiyey وَإِذَا رَأَيۡتَ ثَمَّ رَأَيۡتَ نَعِيمًا وَمُلۡكًا كَبِيرًا ٢٠Oo marka aad aragto halkaa (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo aad u weyn عَٰلِيَهُمۡ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضۡرٌ وَإِسۡتَبۡرَقٌۖ وَحُلُّوٓاْ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍ وَسَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ شَرَابًا طَهُورًا ٢١Dharkoodu waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adag. Oo waxa lagu qurxin jin-jimo qalin ah oo Rabbigood wuxuu ka waraabin sharaab daahir ah إِنَّ هَٰذَا كَانَ لَكُمۡ جَزَآءً وَكَانَ سَعۡيُكُم مَّشۡكُورًا ٢٢Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, oo dadaalkiinnii waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ تَنزِيلًا ٢٣Hubaal! Annaga Naf ahaanteenna baa kuu soo waxyoonnay Qur’aaanka (Nabi Muxammadow) annagoo u soo waxyoonayna si qaybo ah فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعۡ مِنۡهُمۡ ءَاثِمًا أَوۡ كَفُورًا ٢٤Ee sug si samir leh Xukunka Rabbigaa, oo ha adeecin dambiile iyo abaal darne midkoodna ka mid ah iyaga وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ بُكۡرَةً وَأَصِيلًا ٢٥Oo xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَٱسۡجُدۡ لَهُۥ وَسَبِّحۡهُ لَيۡلًا طَوِيلًا ٢٦Oo qaybo ka mid ah habeenka u sujuud, oo xurmo weynee oo huf in dheer oo habeenka ka mid ah إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمۡ يَوۡمًا ثَقِيلًا ٢٧Hubaal! Kuwakani waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, oo waxay mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin)Maalin culus نَّحۡنُ خَلَقۡنَٰهُمۡ وَشَدَدۡنَآ أَسۡرَهُمۡۖ وَإِذَا شِئۡنَا بَدَّلۡنَآ أَمۡثَٰلَهُمۡ تَبۡدِيلًا ٢٨Annagaa abuurnay iyaga, oo adkaynnay seedahooda, oo haddii aan doonno Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٌۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا ٢٩Hubaal tani waa waano, ee mid kastoo doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا ٣٠Oo wax ma doontaan, in Allaah doono maahee, hubaal! Allaah waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah يُدۡخِلُ مَن يَشَآءُ فِي رَحۡمَتِهِۦۚ وَٱلظَّٰلِمِينَ أَعَدَّ لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمَۢا ٣١Wuxuu ka yeelaa kii uu doono inuu geliyo Naxariistiisa, oo daalimiinta (mushrikiinta,gaalada,dambiilayaasha,iwm) Wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan

Translation: Abdullah Hasan Jacob.