بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ ١Mayee, waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ ٢Oo mayee, waxaan ku dhaartay nafta is eedda أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ ٣Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu keeni doonin lafahiisa بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ ٤Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ ٥Bal! Aadmiga wuxuu rabaa inuu beeniyo waxa ka horreeya (ee sugaya) يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ ٦Wuxuu weydiiyaa: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ ٧Ee marka araggu wareero وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ ٨Oo dayaxu madoobaado وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ ٩Oo qorraxda iyo dayaxa la isu keeno يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ ١٠Aadmigu wuxuu Maalintaaas odhan: Xaggee loo cararaa كـَلَّا لَا وَزَرَ ١١May! Ma jiro agab (meel la magan galo) إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ ١٢Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ ١٣Aadmiga Maalintaas waxaa loo sheegi wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٌ ١٤Bal! Aadmigu wuxuu ku ahaan doonaa markhaati naftiisa lidkeed وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ ١٥Inkastoo uu keeno cudurdaarradiisa لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ ١٦Ha ku dhaqaajin carrabkaaga si aad ugu degdegto (akhrintiisa) إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ ١٧Hubaal waa xil Annaga na (saaran) inaan ku ururino laabtaada oo kuu akhrino فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ ١٨Ee marka aan akhrinno raac akhriskiisa ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ ١٩Markaas Annagga bayna na saaran tahay caddeyntiisu كـَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ ٢٠Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa وَتَذَرُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ ٢١Oo dayacdaan Aakhirada وُجُوهٌ يَوۡمَئِذٍ نَّاضِرَةٌ ٢٢Wejiyo qaar Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo ifaya oo nuur leh إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌ ٢٣Iyagoo eegaya xagga Rabbigood وَوُجُوهٌ يَوۡمَئِذِۭ بَاسِرَةٌ ٢٤Oo Wejiyo (kale), Maalintaas waxay ahaan doonaan kuwo kuduudsan تَظُنُّ أَن يُفۡعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌ ٢٥Waxay hubtaa in laga yeeli doono inay ku dhacdo belaayo aad iyo aad u weyn كـَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِيَ ٢٦Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (iyadoo sii baxeysa) وَقِيلَ مَنۡۜ رَاقٍ ٢٧Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلۡفِرَاقُ ٢٨Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda وَٱلۡتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ ٢٩Oo sakaraadkii loo geeyo sakaraad إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمَسَاقُ ٣٠Waa xagga Rabbigaa Maalintas halka laysu wadaaa فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ ٣١Marka ma uu rumeyn (Xaqa) mana tukan وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ٣٢Laakiinse wuu beeniyey (Xaqa) oo dhabarka jeediyey ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ ٣٣Markaas wuxuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰ ٣٤Dhowaa hooggaagu oo dhowaa ثُمَّ أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰٓ ٣٥Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَن يُتۡرَكَ سُدًى ٣٦Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi doono bilaash (ujeeddo la'aan) أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةً مِّن مَّنِيٍّ يُمۡنَىٰ ٣٧Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ٣٨Markaas uu noqday xinjir, uu abuuray oo qaab wanaagsan u yeelay فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ ٣٩Oo ka dhigay labo nooc, lab iyo dheddig أَلَيۡسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰ ٤٠Miyuusan Kaasi (Allaah) awoodin inuu soo nooleeyo maytida