بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
قُلۡ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ ٱسۡتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَقَالُوٓاْ إِنَّا سَمِعۡنَا قُرۡءَانًا عَجَبًا ١Dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Dhambaalkan). Markaasay yidhaahdeen: hubaal waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلرُّشۡدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦۖ وَلَن نُّشۡرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدًا ٢Wax ku toosinaya Jidka Toosan, markaasaan rumeynay, oo uma shariig yeeleyno axadna Rabbigyo وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةً وَلَا وَلَدًا ٣Oo waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas ama dhal midna وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطًا ٤Oo waxay kuwa maan gaabka ahi3 ee dhexdeenna ah ka sheegaan waxyaalo xadgudub ah Allaah وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلۡإِنسُ وَٱلۡجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا ٥Oo Waxaan innagu moodnay in aysan dadka iyo jinka ka been sheegin Allaah وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ ٱلۡإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَزَادُوهُمۡ رَهَقًا ٦Oo waxay rag ku jira insiga magan galeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (dambi) وَأَنَّهُمۡ ظَنُّواْ كَمَا ظَنَنتُمۡ أَن لَّن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ أَحَدًا ٧Oo waxay iyagu moodeen sida aad idinkuba mooddeen, inuusan Allaah soo bixineyn axadna وَأَنَّا لَمَسۡنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدۡنَٰهَا مُلِئَتۡ حَرَسًا شَدِيدًا وَشُهُبًا ٨Oo waxaan innagu doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo وَأَنَّا كُنَّا نَقۡعُدُ مِنۡهَا مَقَٰعِدَ لِلسَّمۡعِۖ فَمَن يَسۡتَمِعِ ٱلۡأٓنَ يَجِدۡ لَهُۥ شِهَابًا رَّصَدًا ٩Oo waxaan ka fariisan jirnay halkaa rugag laga fariisto si aan u xadno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya وَأَنَّا لَا نَدۡرِيٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ أَرَادَ بِهِمۡ رَبُّهُمۡ رَشَدًا ١٠Oo ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَۖ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدًا ١١Oo waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaloo naga mid ah aan sidaas ahayn. waxaanu nahay kooxo raaca dariiqoooyin kala duwan وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعۡجِزَ ٱللَّهَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَن نُّعۡجِزَهُۥ هَرَبًا ١٢Oo waxaan ognahay inaan uga fakan karin (ciqaabka) Ilaahay dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar وَأَنَّا لَمَّا سَمِعۡنَا ٱلۡهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦۖ فَمَن يُؤۡمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخۡسًا وَلَا رَهَقًا ١٣Oo markaanu maqallay Hanuunka, waan rumaynay, oo mid kastoo rumeeya Rabbigi waa inuusan ka baqin khasaaro, ama inuu qabsado (dulli) وَأَنَّا مِنَّا ٱلۡمُسۡلِمُونَ وَمِنَّا ٱلۡقَٰسِطُونَۖ فَمَنۡ أَسۡلَمَ فَأُوْلَٰٓئِكَ تَحَرَّوۡاْ رَشَدًا ١٤Oo waxaa naga mid ah kuwo hoggaansan (Muslimiin ah), oo qaarkayo waa kuwo (gaalo ah) ka leexda (Xaqa); ee mid kastoo u hoggaansan (Ilaahay), kuwaasi waxay raacaan jidka toosan وَأَمَّا ٱلۡقَٰسِطُونَ فَكَانُواْ لِجَهَنَّمَ حَطَبًا ١٥Oo ma xagga kuwa ka leexda (Xaqa), kuwaasu waa xaabada Naarta وَأَلَّوِ ٱسۡتَقَٰمُواْ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسۡقَيۡنَٰهُم مَّآءً غَدَقًا ١٦Oo haddii ay hayn lahaayeen Jidka (toosan) waxaan hubaal ka waraabin laheyn biyo badan oo macaan لِّنَفۡتِنَهُمۡ فِيهِۚ وَمَن يُعۡرِضۡ عَن ذِكۡرِ رَبِّهِۦ يَسۡلُكۡهُ عَذَابًا صَعَدًا ١٧Si aan ugu imtixaanno. Oo mid kastoo ka jeesada Waanada Rabbigi, Wuxuu ka yeeli inuu galo cadaab sii kordheysa وَأَنَّ ٱلۡمَسَٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدۡعُواْ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدًا ١٨Oo Masaajidyada waxaa leh Allaah, ee ha baryina axadna la jirka Alle وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبۡدُ ٱللَّهِ يَدۡعُوهُ كَادُواْ يَكُونُونَ عَلَيۡهِ لِبَدًا ١٩Oo waxay markuu addoonkaa Ilaahay istaagay isagoo baryaya, durbaba ka sameeyeen hareerahiisa is buurasho badan قُلۡ إِنَّمَآ أَدۡعُواْ رَبِّي وَلَآ أُشۡرِكُ بِهِۦٓ أَحَدًا ٢٠Dheh: Waxaan uun baryayaa Rabbigay oo lama wadaajinayo axadna cibaadada قُلۡ إِنِّي لَآ أَمۡلِكُ لَكُمۡ ضَرًّا وَلَا رَشَدًا ٢١Dheh: Anigu idin ma hayo habow ama hanuun قُلۡ إِنِّي لَن يُجِيرَنِي مِنَ ٱللَّهِ أَحَدٌ وَلَنۡ أَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلۡتَحَدًا ٢٢Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Ilaahay (Haddii aan ku caasiyo), mana ka heli karo sokadi wax ciirsi iyo agab ah إِلَّا بَلَٰغًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِسَٰلَٰتِهِۦۚ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ٢٣(Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Allaah iyo Risaalooyinkiisa (towxiidka), oo mid kastoo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta dabka ah, ay ku dhex waari doonaan weligood حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوۡاْ مَا يُوعَدُونَ فَسَيَعۡلَمُونَ مَنۡ أَضۡعَفُ نَاصِرًا وَأَقَلُّ عَدَدًا ٢٤Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan doonaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar قُلۡ إِنۡ أَدۡرِيٓ أَقَرِيبٌ مَّا تُوعَدُونَ أَمۡ يَجۡعَلُ لَهُۥ رَبِّيٓ أَمَدًا ٢٥Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli doono waqti go’an عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ فَلَا يُظۡهِرُ عَلَىٰ غَيۡبِهِۦٓ أَحَدًا ٢٦Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, umana bandhigo ghaybkiisa axadna إِلَّا مَنِ ٱرۡتَضَىٰ مِن رَّسُولٍ فَإِنَّهُۥ يَسۡلُكُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦ رَصَدًا ٢٧Mid maahee uu Isagu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu hubaal u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba لِّيَعۡلَمَ أَن قَدۡ أَبۡلَغُواْ رِسَٰلَٰتِ رَبِّهِمۡ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيۡهِمۡ وَأَحۡصَىٰ كُلَّ شَيۡءٍ عَدَدَۢا ٢٨Si uu u ogaado inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimaha Rabbigood, oo waa koobaa waxa xaggooda jira, oo tira koobaa wax walba