Millat al-Islam

Chapter 71 · 28 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Nuh in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Nuh (1276 reciters)
Meccanسورة نوح28 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦٓ أَنۡ أَنذِرۡ قَوۡمَكَ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ ١Hubaal Waxaanu u soo dirnay Nuux dadkiisii (Annagoo leh): U dig dadkaaga inta aysan u iman cadaab xanuun badan قَالَ يَٰقَوۡمِ إِنِّي لَكُمۡ نَذِيرٌ مُّبِينٌ ٢Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Hubaal waxaan anigu idiin ahay dige cad أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ ٣Inaad caabudddaan Allaah, oo aad dhowrtaan (xilka uu idin saaray), oo anigana i adeeca يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُؤَخِّرۡكُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّىۚ إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُۚ لَوۡ كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٤Wuxuu idiin dhaafi wax ka mid ah dambiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. hubaal, muddada Alle gooyey marka ay timaaddo lama dib dhigo, waase haddii aad og tihiin قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوۡتُ قَوۡمِي لَيۡلًا وَنَهَارًا ٥Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan anigu ugu baaqay (Towxiidka) dadkeygii habeen iyo maalinba فَلَمۡ يَزِدۡهُمۡ دُعَآءِيٓ إِلَّا فِرَارًا ٦Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo وَإِنِّي كُلَّمَا دَعَوۡتُهُمۡ لِتَغۡفِرَ لَهُمۡ جَعَلُوٓاْ أَصَٰبِعَهُمۡ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَٱسۡتَغۡشَوۡاْ ثِيَابَهُمۡ وَأَصَرُّواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ ٱسۡتِكۡبَارًا ٧Oo mar kastoo aan u baaqo si aad ugu dambi dhaafto, waxay dhex geliyaan farahooda dhegahooda2, oo isku dadaan maryahooda, oo madax adaygaan oo waxaa ka buuxsama kibir iyo san taag ثُمَّ إِنِّي دَعَوۡتُهُمۡ جِهَارًا ٨Haddana hubaal waxaan ugu baaqay (Towxiidka) si cod kore ah ثُمَّ إِنِّيٓ أَعۡلَنتُ لَهُمۡ وَأَسۡرَرۡتُ لَهُمۡ إِسۡرَارًا ٩Haddana hubaal waxaan ula hadlay iyaga si guud , oo waxaan ula hadlay iyaga si gaar ah (sir iyo saaqba) فَقُلۡتُ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ إِنَّهُۥ كَانَ غَفَّارًا ١٠Markaas waxaan idhi: Ka barya dambi dhaaf Rabbigiin; hubaal waa Dambi Dhaaf Badane’e يُرۡسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡكُم مِّدۡرَارًا ١١Wuxuu u soo diri doonaa dushiinna daruur idiin shubeysa roob darar ah وَيُمۡدِدۡكُم بِأَمۡوَٰلٍ وَبَنِينَ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ جَنَّٰتٍ وَيَجۡعَل لَّكُمۡ أَنۡهَٰرًا ١٢Oo idinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, oo idiin yeeli webiyaal مَّا لَكُمۡ لَا تَرۡجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا ١٣Maxaa idinku dhacay aydaan uga cabsoon Weynida Ilaahay وَقَدۡ خَلَقَكُمۡ أَطۡوَارًا ١٤Oo dhab ahaan wuxuu idin abuuray idinkoo soo maray heerar (kala duwan) أَلَمۡ تَرَوۡاْ كَيۡفَ خَلَقَ ٱللَّهُ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٍ طِبَاقًا ١٥Mawaydan arag sida Allaah u abuuray toddobada samo ee kala korreeya وَجَعَلَ ٱلۡقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ ٱلشَّمۡسَ سِرَاجًا ١٦Oo yeelay dayaxa dhexdiis nuur, oo ka yeelay qorraxda nal وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ نَبَاتًا ١٧Oo Allaah Wuxuu idinka soo bixiyey dhulka bixitaan ثُمَّ يُعِيدُكُمۡ فِيهَا وَيُخۡرِجُكُمۡ إِخۡرَاجًا ١٨Markaas idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxsiis (Cusub) وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ بِسَاطًا ١٩Oo Allaah Wuxuu idiinka yeelay dhulka gogol fidsan لِّتَسۡلُكُواْ مِنۡهَا سُبُلًا فِجَاجًا ٢٠Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah قَالَ نُوحٌ رَّبِّ إِنَّهُمۡ عَصَوۡنِي وَٱتَّبَعُواْ مَن لَّمۡ يَزِدۡهُ مَالُهُۥ وَوَلَدُهُۥٓ إِلَّا خَسَارًا ٢١Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waa ii caasiyeen, oo raaceen mid isagu maalkiisu iyo awlaaddiisu aysan u kordhin waxaan aheyn khasaaro وَمَكَرُواْ مَكۡرًا كُبَّارًا ٢٢Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn وَقَالُواْ لَا تَذَرُنَّ ءَالِهَتَكُمۡ وَلَا تَذَرُنَّ وَدًّا وَلَا سُوَاعًا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسۡرًا ٢٣Oo waxay yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar وَقَدۡ أَضَلُّواْ كَثِيرًاۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا ضَلَٰلًا ٢٤Oo xaqiiq waxay lumiyeen in badan, oo ha u kordhin gar ma qaatayaasha waxaan aheyn habow مِّمَّا خَطِيٓـَٰٔتِهِمۡ أُغۡرِقُواْ فَأُدۡخِلُواْ نَارًا فَلَمۡ يَجِدُواْ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَنصَارًا ٢٥Gefafkoodii dartood baa loo qarqiyey, markaas laga yeelay inay galaan Naar, marka ma helin cid u soo gargaarta Allaah sokadi وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرۡ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ دَيَّارًا ٢٦Oo Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa axad deggan oo ka mid ah gaalada إِنَّكَ إِن تَذَرۡهُمۡ يُضِلُّواْ عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوٓاْ إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا ٢٧Waayo hubaal haddii aad deyso iyaga, waxay dhumin addoomahaaga, oo ma dhali doonaan waxaan aheyn faajir, abaal dhac badan رَّبِّ ٱغۡفِرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيۡتِيَ مُؤۡمِنًا وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۖ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا تَبَارَۢا ٢٨Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Oo ha u kordhin daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, iwm,) waxaan aheyn burbur iyo baabba’a

Translation: Abdullah Hasan Jacob.