Millat al-Islam

Chapter 92 · 21 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Lail in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Lail (1283 reciters)
Meccanسورة الليل21 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰ ١Waxaan ku dhaartay habeenka marka uu soo rogo daaha وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ ٢Iyo maalinta marka ay iftiinto وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ ٣Iyo abuurista labka iyo dheddigga إِنَّ سَعۡيَكُمۡ لَشَتَّىٰ ٤Dadaalkiinna hubaal waa kala ujeeddo duwan yahay فَأَمَّا مَنۡ أَعۡطَىٰ وَٱتَّقَىٰ ٥Ee ma kan isagu wax bixiya oo ka dhowrsada xumaanta وَصَدَّقَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ ٦Oo rumeeya Tan aad u fiican (Jannada) فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡيُسۡرَىٰ ٧Waxaan u fududeyn doonaa jidka fudud (Islaamka) وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسۡتَغۡنَىٰ ٨Ma kan se isagu bakheylka ah oo isu arka mid deeqtoon وَكَذَّبَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ ٩Oo beeniya tan aad u fiican (Jannada) فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡعُسۡرَىٰ ١٠Waxaan u fududeyn doonnaa tan adag (Naarta) وَمَا يُغۡنِي عَنۡهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ ١١Oo muxuu maalkiisu u tari marka uu halaagsamo إِنَّ عَلَيۡنَا لَلۡهُدَىٰ ١٢Hubaal waa xil na saaran inaan tusinno jidka (toosan) وَإِنَّ لَنَا لَلۡأٓخِرَةَ وَٱلۡأُولَىٰ ١٣(Oo hubaal Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunka) فَأَنذَرۡتُكُمۡ نَارًا تَلَظَّىٰ ١٤Ee waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa لَا يَصۡلَىٰهَآ إِلَّا ٱلۡأَشۡقَى ١٥Ma uu galayo waxaan ahayn hoogaha ٱلَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ١٦Ee (Xaqa) beeniya oo dhabarka u jeediya وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلۡأَتۡقَى ١٧Oo waxaa laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha ٱلَّذِي يُؤۡتِي مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ ١٨Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعۡمَةٍ تُجۡزَىٰٓ ١٩Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِ ٱلۡأَعۡلَىٰ ٢٠Aan ahayn doonista Wejiga Rabbigi, ee aad u Sarreeya وَلَسَوۡفَ يَرۡضَىٰ ٢١Oo dhowaan wuu raalli noqon doonaa

Translation: Abdullah Hasan Jacob.