Millat al-Islam

Chapter 54 · 55 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Qamar in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Qamar (1218 reciters)
Meccanسورة القمر55 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱقۡتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلۡقَمَرُ ١Saacaddu way soo dhowaatay, oo dayaxii u kala dhanbalmay labo gabal وَإِن يَرَوۡاْ ءَايَةً يُعۡرِضُواْ وَيَقُولُواْ سِحۡرٌ مُّسۡتَمِرٌّ ٢Oo haddii ay arkaan mucjiso, waxay u jeestaan dhinac, oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan وَكَذَّبُواْ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَكُلُّ أَمۡرٍ مُّسۡتَقِرٌّ ٣Oo way beeniyaan oo raacaan waxa xun ay nafahoodu rabaan. Oo arrin kasta wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّنَ ٱلۡأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزۡدَجَرٌ ٤Oo dhab ahaan waxaa u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino) حِكۡمَةُۢ بَٰلِغَةٌۖ فَمَا تُغۡنِ ٱلنُّذُرُ ٥Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid) فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡۘ يَوۡمَ يَدۡعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَيۡءٍ نُّكُرٍ ٦Ee iskaga jeeso; Maalinta uu baaquhu ugu baaqi doono wax daran oo baas خُشَّعًا أَبۡصَٰرُهُمۡ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ كَأَنَّهُمۡ جَرَادٌ مُّنتَشِرٌ ٧Iyagoo arag dulleysan, ka soo baxaya qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay مُّهۡطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِۖ يَقُولُ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَسِرٌ ٨U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan:Tani waa Maalin daran ۞ كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٍ فَكَذَّبُواْ عَبۡدَنَا وَقَالُواْ مَجۡنُونٌ وَٱزۡدُجِرَ ٩Iyaga hortood Qolodii Nuux baa beeniyey, markaasay beeniyeen addoonkayagii oo yidhaahdeen: waa nin waalan, oo la handaday فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوبٌ فَٱنتَصِرۡ ١٠Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli فَفَتَحۡنَآ أَبۡوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٍ مُّنۡهَمِرٍ ١١Markaas baan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan وَفَجَّرۡنَا ٱلۡأَرۡضَ عُيُونًا فَٱلۡتَقَى ٱلۡمَآءُ عَلَىٰٓ أَمۡرٍ قَدۡ قُدِرَ ١٢Oo ka soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah). markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray وَحَمَلۡنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلۡوَٰحٍ وَدُسُرٍ ١٣Oo waxaan (Nuux) ku qaadnay taasi (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir تَجۡرِي بِأَعۡيُنِنَا جَزَآءً لِّمَن كَانَ كُفِرَ ١٤Ku socota indhahayaga hortood, oo abaalgud u ah kan isagu la diiday وَلَقَد تَّرَكۡنَٰهَآ ءَايَةً فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٍ ١٥Oo dhab ahaan Waxaan uga tagnay si ay u ahaato Calaamad, ee ma jiraa mid ku waantoobi فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ١٦Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٍ ١٧Oo dhab ahaan waxaan ka yeelnay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi كَذَّبَتۡ عَادٌ فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ١٨Caad waxay beenisay (Xaqa), ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحًا صَرۡصَرًا فِي يَوۡمِ نَحۡسٍ مُّسۡتَمِرٍّ ١٩Hubaal Waxaan ku soo dirnay dushood dabeylo duufaan ah maalin naxsgieed is daba joogo تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ مُّنقَعِرٍ ٢٠Iyadoo u majaxaabineysa dadka4 sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ٢١Ee sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٍ ٢٢Oo dhab ahaan Waxaan ka yeelnay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, mase jiraa mid ku waantoobi كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ ٢٣Thamuud waxay beenisay digniinihii فَقَالُوٓاْ أَبَشَرًا مِّنَّا وَٰحِدًا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذًا لَّفِي ضَلَٰلٍ وَسُعُرٍ ٢٤Markaasay waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya ah ee naga mid ah! miyaan raacnaa? Hubaal waxaanu markaas xaqiiq ku sugnaan habow iyo dhibaato أَءُلۡقِيَ ٱلذِّكۡرُ عَلَيۡهِ مِنۢ بَيۡنِنَا بَلۡ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌ ٢٥Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn سَيَعۡلَمُونَ غَدًا مَّنِ ٱلۡكَذَّابُ ٱلۡأَشِرُ ٢٦Berri bay ogaan doonaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah إِنَّا مُرۡسِلُواْ ٱلنَّاقَةِ فِتۡنَةً لَّهُمۡ فَٱرۡتَقِبۡهُمۡ وَٱصۡطَبِرۡ ٢٧Hubaal Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee dhugo iyaga oo samir yeelo وَنَبِّئۡهُمۡ أَنَّ ٱلۡمَآءَ قِسۡمَةُۢ بَيۡنَهُمۡۖ كُلُّ شِرۡبٍ مُّحۡتَضَرٌ ٢٨Oo u sheeg in biyuhu yihiin qayb dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah فَنَادَوۡاْ صَاحِبَهُمۡ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ ٢٩Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood, oo soo qaatay (seef) oo (Hashii) dilay فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ٣٠Ee Sidee bay (mid daran) u aheyd cadaabteydii iyo digniinaheygii إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ صَيۡحَةً وَٰحِدَةً فَكَانُواْ كَهَشِيمِ ٱلۡمُحۡتَظِرِ ٣١Hubaal Waxaan ku ridnay dushood Qeylo keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٍ ٣٢Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur'aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطِۭ بِٱلنُّذُرِ ٣٣Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٍۖ نَّجَّيۡنَٰهُم بِسَحَرٍ ٣٤Hubaal Waxaan ku ridnay duufaan dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waa aan badbaadinnay waaberiga hortiis نِّعۡمَةً مِّنۡ عِندِنَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَن شَكَرَ ٣٥Nicmo Xaggayaga ah, sidaas oo kale baan u abaal marinnaa kan isagu shukriya وَلَقَدۡ أَنذَرَهُم بَطۡشَتَنَا فَتَمَارَوۡاْ بِٱلنُّذُرِ ٣٦Oo dhab ahaan wuxuu uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, waxayse ka murmeen digniinihii وَلَقَدۡ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيۡفِهِۦ فَطَمَسۡنَآ أَعۡيُنَهُمۡ فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ ٣٧Oo dhab ahaan Waxay ku dadaaleen inay ka jeediyaan martidiisii, waxaanse cameynay indhahooda, ee dhadhamiya cadaabteyda iyo digniinaheyga وَلَقَدۡ صَبَّحَهُم بُكۡرَةً عَذَابٌ مُّسۡتَقِرٌّ ٣٨Oo dhab ahaan cadaab sugnaansho leh baa qabtay isla waabernimadiiba فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ ٣٩Ee dhadhamiya Cadaabteyda iyo Digniinaheyga وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٍ ٤٠Oo dhab ahaan Waxaan ka yeellay Qur’aanka mid sahlan si loo xusuusto, ee ma jiraa mid ku waantoobi وَلَقَدۡ جَآءَ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ ٱلنُّذُرُ ٤١Oo dhab ahaan Digniinihu waxay u yimaadeen qoladii Fircoon كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذۡنَٰهُمۡ أَخۡذَ عَزِيزٍ مُّقۡتَدِرٍ ٤٢(Way) beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaas baan qabannay Qabasho Awood Badane. Karaan Badan أَكُفَّارُكُمۡ خَيۡرٌ مِّنۡ أُوْلَٰٓئِكُمۡ أَمۡ لَكُم بَرَآءَةٌ فِي ٱلزُّبُرِ ٤٣Ma gaaladiinna baa ka fiican kuwakani mise waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabaha(yaga) أَمۡ يَقُولُونَ نَحۡنُ جَمِيعٌ مُّنتَصِرٌ ٤٤Mise waxay leeyihiin: Waxaanu innagu nahay ciidan dhan oo is taageeri سَيُهۡزَمُ ٱلۡجَمۡعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ ٤٥Durba ciidankooda waa la jabin oo dabaday jeedin doonaan بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوۡعِدُهُمۡ وَٱلسَّاعَةُ أَدۡهَىٰ وَأَمَرُّ ٤٦Balse, Saacadda waa waqtiga loo qabtay, oo Saacaddu waxay ahaan mid aad u daran oo qaraar إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي ضَلَٰلٍ وَسُعُرٍ ٤٧Hubaal, denbiilayaasha waxay ku sugan yihiin habow iyo dhibaato يَوۡمَ يُسۡحَبُونَ فِي ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ ذُوقُواْ مَسَّ سَقَرَ ٤٨Maalintaa marka wejiyadooda lagu dhex jiidi doono Naarta: Dhadhamiya taabashada Naarta إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٍ ٤٩Hubaal Waxaan wax kasta ku abuurnay Qaddar وَمَآ أَمۡرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٌ كَلَمۡحِۭ بِٱلۡبَصَرِ ٥٠Oo Amarkayagu ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَآ أَشۡيَاعَكُمۡ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٍ ٥١Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun isagu ku waantoobi وَكُلُّ شَيۡءٍ فَعَلُوهُ فِي ٱلزُّبُرِ ٥٢Oo wax kastoo ay faleen waxay ku yaalliin kutubta (qoran) وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُّسۡتَطَرٌ ٥٣Oo wax waliba yar iyo weynba way qoran yihiin إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٍ وَنَهَرٍ ٥٤Hubaal, kuwa iska jira (xumaha), waxay ku sugnaan Beero iyo webiyo فِي مَقۡعَدِ صِدۡقٍ عِندَ مَلِيكٍ مُّقۡتَدِرِۭ ٥٥Fadhi sharfeed run ah oo u dhow Boqorka Awooda wax walba

Translation: Abdullah Hasan Jacob.