Millat al-Islam

Chapter 55 · 78 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Ar-Rahman in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Ar-Rahman (1411 reciters)
Medinanسورة الرحمن78 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلرَّحۡمَٰنُ ١Naxariistaha (Allaah) عَلَّمَ ٱلۡقُرۡءَانَ ٢Wuxuu baray Qur'aanka خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ ٣Abuuray aadmiga عَلَّمَهُ ٱلۡبَيَانَ ٤Baray wada hadalka ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ بِحُسۡبَانٍ ٥Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab وَٱلنَّجۡمُ وَٱلشَّجَرُ يَسۡجُدَانِ ٦Oo xiddigaha iyo geedahuba way sujuudaan وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلۡمِيزَانَ ٧Oo samada kor ayuu u qaaday, oo Wuxuu dhigay miisaanka أَلَّا تَطۡغَوۡاْ فِي ٱلۡمِيزَانِ ٨Si aydaan ugu xadgudbin miisaanka وَأَقِيمُواْ ٱلۡوَزۡنَ بِٱلۡقِسۡطِ وَلَا تُخۡسِرُواْ ٱلۡمِيزَانَ ٩Oo u hagaajiya miisaanka si caadil ah, oo ha dhimina miisaanka وَٱلۡأَرۡضَ وَضَعَهَا لِلۡأَنَامِ ١٠Oo arlada Waxa uu degaan uga dhigay uunanka nool فِيهَا فَٰكِهَةٌ وَٱلنَّخۡلُ ذَاتُ ٱلۡأَكۡمَامِ ١١Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh وَٱلۡحَبُّ ذُو ٱلۡعَصۡفِ وَٱلرَّيۡحَانُ ١٢Iyo haruurta leh balka iyo dhir udug wanaagsan leh فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ١٣Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٍ كَٱلۡفَخَّارِ ١٤Wuxuu ka abuuray Aadmiga dhoobo engegan jilay oo kale ah وَخَلَقَ ٱلۡجَآنَّ مِن مَّارِجٍ مِّن نَّارٍ ١٥Oo Wuxuu ka abuuray jinka olol dab فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ١٦Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقَيۡنِ وَرَبُّ ٱلۡمَغۡرِبَيۡنِ ١٧Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ١٨Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ يَلۡتَقِيَانِ ١٩Wuxuu ka yeelay labada badood3 inay dareeraan si ay u wada kulmaan بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٌ لَّا يَبۡغِيَانِ ٢٠Waxaase dhex yaal shareer, oo iskuma xad gudbaan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٢١Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan يَخۡرُجُ مِنۡهُمَا ٱللُّؤۡلُؤُ وَٱلۡمَرۡجَانُ ٢٢Waxaa ka soo baxa luul mid weyn iyo mid yarba فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٢٣Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan وَلَهُ ٱلۡجَوَارِ ٱلۡمُنشَـَٔاتُ فِي ٱلۡبَحۡرِ كَٱلۡأَعۡلَٰمِ ٢٤Oo Isaga baa iska leh doonyaha dhex maaxa4 badda ee buuraha la moodo فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٢٥Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan كُلُّ مَنۡ عَلَيۡهَا فَانٍ ٢٦Waxa walba oo korkiisa ah waa inay dhintaan وَيَبۡقَىٰ وَجۡهُ رَبِّكَ ذُو ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ ٢٧Oo waxaa waadhi doonaa abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٢٨Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan يَسۡـَٔلُهُۥ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ كُلَّ يَوۡمٍ هُوَ فِي شَأۡنٍ ٢٩Kuwaa jira samooyinka iyo arlada baa wax weydiista. Maalin kasta Wuxuu ku sugan yahay xaalad sharaf iyo xurmo leh فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٣٠Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan سَنَفۡرُغُ لَكُمۡ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ ٣١Dhaqso Waanu idiin soo banbixi doonnaa, labadiinna ciidammow فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٣٢Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ إِنِ ٱسۡتَطَعۡتُمۡ أَن تَنفُذُواْ مِنۡ أَقۡطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ فَٱنفُذُواْۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلۡطَٰنٍ ٣٣Kulanka jinka iyo insigoow! Haddii aad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, haddaba ka soo gudba. ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٣٤Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan يُرۡسَلُ عَلَيۡكُمَا شُوَاظٌ مِّن نَّارٍ وَنُحَاسٌ فَلَا تَنتَصِرَانِ ٣٥Olol naar ah, qiiq, iyo maar (la dhalaaliyey)6 baa la idinku soo deyn, mana kari doontaan inaad is difaacdaan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٣٦Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتۡ وَرۡدَةً كَٱلدِّهَانِ ٣٧Ee marka ay samadu kala dillaacdo, oo markaas ay noqoto gaduud sida idiinta فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٣٨Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin8 beenineysaan فَيَوۡمَئِذٍ لَّا يُسۡـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٌ وَلَا جَآنٌّ ٣٩Maalintaas Insi iyo Jinba waxba lagama weydiin doono dambigooda فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٤٠Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan يُعۡرَفُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ بِسِيمَٰهُمۡ فَيُؤۡخَذُ بِٱلنَّوَٰصِي وَٱلۡأَقۡدَامِ ٤١Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaas baa laga soo qaban foodaha iyo cagaha فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٤٢Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي يُكَذِّبُ بِهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٤٣Tanu waa Naartii ay dambiilayaashu beeniyeen يَطُوفُونَ بَيۡنَهَا وَبَيۡنَ حَمِيمٍ ءَانٍ ٤٤Waxay ku meereyesan dhexdooda iyada iyo biyaha kulul ee karaya فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٤٥Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan وَلِمَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ جَنَّتَانِ ٤٦Oo kan isaga ka cabsada hor istaagga Rabbigi, waxaa uu mudan labo beerood فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٤٧Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan ذَوَاتَآ أَفۡنَانٍ ٤٨Oo leh noocyo kala duwan oo badan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٤٩Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan فِيهِمَا عَيۡنَانِ تَجۡرِيَانِ ٥٠Dhexdooda waxaa ah labo ilood oo dur dur ah فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٥١Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan فِيهِمَا مِن كُلِّ فَٰكِهَةٍ زَوۡجَانِ ٥٢Waxaaa ku yaal midho walba oo mid kastaa lammaane tahay فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٥٣Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ فُرُشِۭ بَطَآئِنُهَا مِنۡ إِسۡتَبۡرَقٍۚ وَجَنَى ٱلۡجَنَّتَيۡنِ دَانٍ ٥٤Iyagoo ku jiqlaynaya firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, oo midhaha labadaa beerood waxay ahaan kuwo goosi dhow فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٥٥Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan فِيهِنَّ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٌ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنٌّ ٥٦Waxaa jooga kuwaa soo laaba araggooda ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٥٧Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan كَأَنَّهُنَّ ٱلۡيَاقُوتُ وَٱلۡمَرۡجَانُ ٥٨La moodo dheeman iyo luul فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٥٩Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan هَلۡ جَزَآءُ ٱلۡإِحۡسَٰنِ إِلَّا ٱلۡإِحۡسَٰنُ ٦٠Miyey tahay abaalgudka samaanta wax kale aan ahayn samaan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٦١Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ ٦٢Oo barbarkooda labadatani, waxaa ah labo beerood oo kale فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٦٣Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan مُدۡهَآمَّتَانِ ٦٤Labaduba u janjeera madow cagaaran فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٦٥Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan فِيهِمَا عَيۡنَانِ نَضَّاخَتَانِ ٦٦Dhexdooda waxaa ah labo ilood oo burqanaya فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٦٧Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan فِيهِمَا فَٰكِهَةٌ وَنَخۡلٌ وَرُمَّانٌ ٦٨Waxaa dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٦٩Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan فِيهِنَّ خَيۡرَٰتٌ حِسَانٌ ٧٠Waxaa dhexdooda ah khayraat iyo qurux badnooyin فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٧١Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan حُورٌ مَّقۡصُورَٰتٌ فِي ٱلۡخِيَامِ ٧٢Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin khaymadahooda فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٧٣Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan لَمۡ يَطۡمِثۡهُنَّ إِنسٌ قَبۡلَهُمۡ وَلَا جَآنٌّ ٧٤Oo ka hore iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٧٥Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ رَفۡرَفٍ خُضۡرٍ وَعَبۡقَرِيٍّ حِسَانٍ ٧٦Iyagoo ku jiqleynaya barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ٧٧Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan تَبَٰرَكَ ٱسۡمُ رَبِّكَ ذِي ٱلۡجَلَٰلِ وَٱلۡإِكۡرَامِ ٧٨Waxaa khayr iyo barako badan Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan

Translation: Abdullah Hasan Jacob.