Millat al-Islam

Chapter 86 · 17 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah At-Tariq in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah At-Tariq (1312 reciters)
Meccanسورة الطارق17 verses

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ ١Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ ٢(Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ ٣Xiddigga iftiinka badan إِن كُلُّ نَفۡسٍ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظٌ ٤Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag) فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ ٥Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray خُلِقَ مِن مَّآءٍ دَافِقٍ ٦Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ ٧Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرٌ ٨Hubaal wuu karaa inuu u soo celiyo nolosha يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ ٩Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo wixii sir ahaan loo falay la muujin doono فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ ١٠Ma lahaan doono xoog ama wax u soo gargaara midna وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ ١١Waxaan ku dhaartay cirka soo celcelinta badan (ee soo shuba roobka) وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ ١٢Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa) إِنَّهُۥ لَقَوۡلٌ فَصۡلٌ ١٣Hubaal kani waa hadal dhab ah oo cad وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ ١٤Oo ma aha dheel إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدًا ١٥Hubaal waxay qoolaan shirqool وَأَكِيدُ كَيۡدًا ١٦Oo Anigu (sidoo kale) Waxaan qorsheeyaa qorshe فَمَهِّلِ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَمۡهِلۡهُمۡ رُوَيۡدَۢا ١٧Ee u sug gaalada: Daa wax yar

Translation: Abdullah Hasan Jacob.