بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ١Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka) ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٣Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ٤Ee hanta maalinta abaalmarinta (Qiyaamada) إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ ٥adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa (Eebow) ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ ٦ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa) صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ ٧Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna
Chapter 1 · 7 verses · Mahmud Muhammad Abduh
Surah Al-Fatihah in Somali
Tap a verse number for its tafsir
Translation: Mahmud Muhammad Abduh.