Millat al-Islam

Chapter 83 · 36 verses · Mahmud Muhammad Abduh

Surah Al-Mutaffifin in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Mutaffifin (1304 reciters)

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَيۡلٌ لِّلۡمُطَفِّفِينَ ١Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكۡتَالُواْ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسۡتَوۡفُونَ ٢Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta) وَإِذَا كَالُوهُمۡ أَو وَّزَنُوهُمۡ يُخۡسِرُونَ ٣Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya أَلَا يَظُنُّ أُوْلَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبۡعُوثُونَ ٤Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin لِيَوۡمٍ عَظِيمٍ ٥Maalin wayn darteed (Qiyaamada) يَوۡمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٦Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka كـَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ ٧Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ ٨Ma taqaannaa Sijiin كِتَٰبٌ مَّرۡقُومٌ ٩Waa Kitaab calaamaysan وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ١٠Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa) ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ ١١Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ ١٢Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore كـَلَّاۖ بَلۡۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ١٤Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah كـَلَّآ إِنَّهُمۡ عَن رَّبِّهِمۡ يَوۡمَئِذٍ لَّمَحۡجُوبُونَ ١٥Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi ثُمَّ إِنَّهُمۡ لَصَالُواْ ٱلۡجَحِيمِ ١٦Markaasna ay gali Jaxiimo ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ١٧Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka كـَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡأَبۡرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ ١٨Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ ١٩Cilliyiin ma taqaannaa كِتَٰبٌ مَّرۡقُومٌ ٢٠Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro) يَشۡهَدُهُ ٱلۡمُقَرَّبُونَ ٢١Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٍ ٢٢Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno) عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ ٢٣(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِهِمۡ نَضۡرَةَ ٱلنَّعِيمِ ٢٤Wajigooda waanad ka garan Nicmada يُسۡقَوۡنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخۡتُومٍ ٢٥Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan) خِتَٰمُهُۥ مِسۡكٌۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلۡيَتَنَافَسِ ٱلۡمُتَنَٰفِسُونَ ٢٦Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسۡنِيمٍ ٢٧Waxaana lagu dheehi Cabbitaan عَيۡنًا يَشۡرَبُ بِهَا ٱلۡمُقَرَّبُونَ ٢٨Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ كَانُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَضۡحَكُونَ ٢٩Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمۡ يَتَغَامَزُونَ ٣٠Haday maraanna way xaqirijireen وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمُ ٱنقَلَبُواْ فَكِهِينَ ٣١Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan) وَإِذَا رَأَوۡهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ ٣٢Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin وَمَآ أُرۡسِلُواْ عَلَيۡهِمۡ حَٰفِظِينَ ٣٣Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta فَٱلۡيَوۡمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنَ ٱلۡكُفَّارِ يَضۡحَكُونَ ٣٤Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ ٣٥Sariiro korkood yayna wax daawan هَلۡ ثُوِّبَ ٱلۡكُفَّارُ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ ٣٦Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay)

Translation: Mahmud Muhammad Abduh.