Millat al-Islam

Chapter 83 · 36 verses · Abdullah Hasan Jacob

Surah Al-Mutaffifin in Somali

Arabic with tafsir Listen to Surah Al-Mutaffifin (1304 reciters)

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَيۡلٌ لِّلۡمُطَفِّفِينَ ١Hoog waxaa leh kuwa dhima miisaanka ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكۡتَالُواْ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسۡتَوۡفُونَ ٢Kuwa, marka ay wax beegaan (xaqooda ah) u oofsada si dhan oo kaamil ah وَإِذَا كَالُوهُمۡ أَو وَّزَنُوهُمۡ يُخۡسِرُونَ ٣Markase ay u beegaan dadka kale ama miisaamaan dhima oo nuqsaamiya أَلَا يَظُنُّ أُوْلَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبۡعُوثُونَ ٤Mawaysan kuwaasu yaqiinsaneyn in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo) لِيَوۡمٍ عَظِيمٍ ٥Maalin aad u weyn يَوۡمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٦Maalinta dadka la hor keeni Rabbiga uunanka كـَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ ٧Mayee! hubaal, diiwaanka dambiilayaasha wuxuu yaal Sijjiin وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ ٨Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiinku yahay كِتَٰبٌ مَّرۡقُومٌ ٩Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaab qoran وَيۡلٌ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ١٠Hoog, Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ ١١Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ ١٢Oo cidi ma beeniso aan aheyn xad-gudbe kastoo dambiile ah إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore كـَلَّاۖ بَلۡۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ١٤Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood كـَلَّآ إِنَّهُمۡ عَن رَّبِّهِمۡ يَوۡمَئِذٍ لَّمَحۡجُوبُونَ ١٥Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi doonaa Rabbigood ثُمَّ إِنَّهُمۡ لَصَالُواْ ٱلۡجَحِيمِ ١٦Oo hubaal waxay gali oo ku guban dab olol badan ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ١٧Markaas waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen كـَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡأَبۡرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ ١٨Mayee, hubaal, diiwaanka baarriyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ ١٩Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyuunku yahay كِتَٰبٌ مَّرۡقُومٌ ٢٠Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaaab qoran يَشۡهَدُهُ ٱلۡمُقَرَّبُونَ ٢١Ay arkaan kuwaa loo soo dhoweeyo (Allaah) إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٍ ٢٢Hubaal baarriyiinta waxay dhex ahaan barwaaqo gudaheed عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ ٢٣Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba) تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِهِمۡ نَضۡرَةَ ٱلنَّعِيمِ ٢٤Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada يُسۡقَوۡنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخۡتُومٍ ٢٥Waxaa la siin si ay u cabbaan khamri (saafi ah) ee la abburay خِتَٰمُهُۥ مِسۡكٌۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلۡيَتَنَافَسِ ٱلۡمُتَنَٰفِسُونَ ٢٦Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسۡنِيمٍ ٢٧Oo dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah عَيۡنًا يَشۡرَبُ بِهَا ٱلۡمُقَرَّبُونَ ٢٨Il ay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) ka cabbaan إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ كَانُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَضۡحَكُونَ ٢٩Hubaal kuwa dambiilayaasha ah waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeysan وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمۡ يَتَغَامَزُونَ ٣٠Oo haddii ay soo ag maraan waa isu il-jabin jireen وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمُ ٱنقَلَبُواْ فَكِهِينَ ٣١Oo marka ay u laabtaan ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya وَإِذَا رَأَوۡهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ ٣٢Oo marka ay arkaan, waxay odhan jireen: hubaal! Kuwakanu waa lunsan yihiin وَمَآ أُرۡسِلُواْ عَلَيۡهِمۡ حَٰفِظِينَ ٣٣Oo looma dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda فَٱلۡيَوۡمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنَ ٱلۡكُفَّارِ يَضۡحَكُونَ ٣٤Marka maanta kuwa (Xaqa) rumeysan waxay ku qosli gaalada عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ ٣٥Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya هَلۡ ثُوِّبَ ٱلۡكُفَّارُ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ ٣٦Hubaal gaalada waxaa lagu abaal mariyaa wax u dhigma waxa ay (xume) faleen

Translation: Abdullah Hasan Jacob.