بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ ١Waxaan ku dhaartay rugaha xiddiguhu maraan وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ ٢Iyo Maalinta ballanta ah وَشَاهِدٍ وَمَشۡهُودٍ ٣Iyo marag furaha iyo kuwa lagu marag furo قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ ٤Belo ha ku dhacdo qoladii godka ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ ٥Ee lahaa dab olol iyo shidaal badan إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٌ ٦Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka) وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٌ ٧Oo waxay ka ahaayeen marag waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ ٨Oo kuma ay gelin wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh , ee la Ammaano ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ شَهِيدٌ ٩Ee, iska leh mulkiga (iyo maamulka) samooyinka iyo arlada! Oo Allaah wax walba waa u Jeedaa إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ ١٠Hubaal kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, markaas aan toobad keenin, waxay leeyihiin cadaab Naar ah, oo waxay leeyihiin cadaab gubeysa إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٌ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ ١١Hubaal kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ ١٢Hubaal Qabashada Rabbigaa waa mid aad u daran إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ ١٣Hubaal Isaga weeye Kan uuma (uunka) oo dib u soo saara وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ ١٤Oo Waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Gacalka ah ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ ١٥Rabbiga Carshiga, Sharafta Badan فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ ١٦Falaha Weyn ee wuxuu Doono هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ ١٧Ma ku soo gaaray warka ciidammadii فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ ١٨Fircoon iyo Thamuud بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٍ ١٩Balse! Kuwa gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta xaqa وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ ٢٠Oo Allaah baa ka kooba dhinac kasta بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٌ مَّجِيدٌ ٢١Bal! Kani waa Qur’aan Sharaf Badan فِي لَوۡحٍ مَّحۡفُوظِۭ ٢٢Ku yaal Looxa Maxfuudka