ملة الإسلام

السورة 84 · 25 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة الانشقاق باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة الانشقاق (1,276 قارئاً)
مكيةسورة الانشقاق٢٥ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتۡ ١Markay samadu u jeexanto gaballo وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ ٢Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo وَإِذَا ٱلۡأَرۡضُ مُدَّتۡ ٣Oo marka arlada la fidiyo وَأَلۡقَتۡ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتۡ ٤Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato وَأَذِنَتۡ لِرَبِّهَا وَحُقَّتۡ ٥Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدۡحًا فَمُلَٰقِيهِ ٦Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ ٧Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig فَسَوۡفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا ٨Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورًا ٩Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهۡرِهِۦ ١٠Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa فَسَوۡفَ يَدۡعُواْ ثُبُورًا ١١Wuxuu u yeedhan doonaa hoog وَيَصۡلَىٰ سَعِيرًا ١٢Oo geli doonaa naar hureysa إِنَّهُۥ كَانَ فِيٓ أَهۡلِهِۦ مَسۡرُورًا ١٣Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ ١٤Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga) بَلَىٰٓۚ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًا ١٥Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلشَّفَقِ ١٦Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac وَٱلَّيۡلِ وَمَا وَسَقَ ١٧Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo وَٱلۡقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ ١٨Iyo dayaxa marka uu buuxsamo لَتَرۡكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ ١٩Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba) فَمَا لَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ٢٠Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn وَإِذَا قُرِئَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقُرۡءَانُ لَا يَسۡجُدُونَۤ ۩ ٢١Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُكَذِّبُونَ ٢٢Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa) وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يُوعُونَ ٢٣Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ٢٤Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونِۭ ٢٥Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada)

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.