ملة الإسلام

السورة 25 · 77 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة الفرقان باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة الفرقان (1,365 قارئاً)
مكيةسورة الفرقان٧٧ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

تَبَارَكَ ٱلَّذِي نَزَّلَ ٱلۡفُرۡقَانَ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦ لِيَكُونَ لِلۡعَٰلَمِينَ نَذِيرًا ١Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Allaah ee) ku soo dejiyey Furqaanka addoonkiisa si ugu noqdo caalamka dige ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَمۡ يَتَّخِذۡ وَلَدًا وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٌ فِي ٱلۡمُلۡكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَيۡءٍ فَقَدَّرَهُۥ تَقۡدِيرًا ٢Kan (Allaah ee) iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, oo aan yeelan dhallaan oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Boqortooyada. Ee abuuray wax walba, markaas u qaddaray qaddar وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً لَّا يَخۡلُقُونَ شَيۡـًٔا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ وَلَا يَمۡلِكُونَ لِأَنفُسِهِمۡ ضَرًّا وَلَا نَفۡعًا وَلَا يَمۡلِكُونَ مَوۡتًا وَلَا حَيَوٰةً وَلَا نُشُورًا ٣Oo waxay yeesheen sokadi ilaahyo aan waxba abuurin balse iyaga la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama (ku bixiyaan) noolaansho, ama mid dhintay kaga soo saaraan qabri iyagoo nool وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٌ ٱفۡتَرَىٰهُ وَأَعَانَهُۥ عَلَيۡهِ قَوۡمٌ ءَاخَرُونَۖ فَقَدۡ جَآءُو ظُلۡمًا وَزُورًا ٤Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: “Waxakanu ma aha waxaan aheyn been uu isagu hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmayeen, marka dhab ahaan waxay geysteen gef oo ku hadleen been.” وَقَالُوٓاْ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٱكۡتَتَبَهَا فَهِيَ تُمۡلَىٰ عَلَيۡهِ بُكۡرَةً وَأَصِيلًا ٥Oo waxay yidhaahdaan: “Waa sheekooyinkii dadkii hore -- waa uu soo qortay, marka waa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba قُلۡ أَنزَلَهُ ٱلَّذِي يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا ٦Dheh: “Waxaa soo waxyooday Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxaris Badan وَقَالُواْ مَالِ هَٰذَا ٱلرَّسُولِ يَأۡكُلُ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشِي فِي ٱلۡأَسۡوَاقِ لَوۡلَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُۥ نَذِيرًا ٧Oo waxay yidhaahdaan: “Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cunaa cuntada, oo uu u socdaa suuqyada (sidayada oo kale). maxaa malag loogu soo diri waayey ee ahaada mid la diga أَوۡ يُلۡقَىٰٓ إِلَيۡهِ كَنزٌ أَوۡ تَكُونُ لَهُۥ جَنَّةٌ يَأۡكُلُ مِنۡهَاۚ وَقَالَ ٱلظَّٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلًا مَّسۡحُورًا ٨“Ama (maxaa) loog soo rogi waayey khaznad samada (uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Oo geflowyada waxay yidhaahdeen: Ma raacaysaan waxaan aheyn nin sixran.” ٱنظُرۡ كَيۡفَ ضَرَبُواْ لَكَ ٱلۡأَمۡثَٰلَ فَضَلُّواْ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ سَبِيلًا ٩Eeg waxa ay kugu shabbahaan tusaale ahaan, marka waa ay lumeen, sidaas awgeed ma ay kari doonaan inay helaan jid تَبَارَكَ ٱلَّذِيٓ إِن شَآءَ جَعَلَ لَكَ خَيۡرًا مِّن ذَٰلِكَ جَنَّٰتٍ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ وَيَجۡعَل لَّكَ قُصُورَۢا ١٠Waxaa barako iyo khayr badan Kan Isagu, haddii uu doono ku siin doona wax ka khayr badan waxakan_Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, oo wuxuu ku siin doonaa daaro waaweyn بَلۡ كَذَّبُواْ بِٱلسَّاعَةِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِمَن كَذَّبَ بِٱلسَّاعَةِ سَعِيرًا ١١Balse waxay beeniyaan Saacadda, oo waxaanu u diyaarinnay dab huraya kii isagu beeniya Saacadda (Qiyaame) إِذَا رَأَتۡهُم مِّن مَّكَانِۭ بَعِيدٍ سَمِعُواْ لَهَا تَغَيُّظًا وَزَفِيرًا ١٢Marka ay (Naartu) uga muuqato meel fog, waxay ka maqlaan caro daran iyo cartan وَإِذَآ أُلۡقُواْ مِنۡهَا مَكَانًا ضَيِّقًا مُّقَرَّنِينَ دَعَوۡاْ هُنَالِكَ ثُبُورًا ١٣Oo marka lagu tuuro meel cidhiidhi ah gudaheeda, iyagoo isku xirxiran, waxay halkaa u yeertaan halaag لَّا تَدۡعُواْ ٱلۡيَوۡمَ ثُبُورًا وَٰحِدًا وَٱدۡعُواْ ثُبُورًا كَثِيرًا ١٤Ha u yeerannina maanta halaag mar keliya ah, ee u yeerta halaag badan قُلۡ أَذَٰلِكَ خَيۡرٌ أَمۡ جَنَّةُ ٱلۡخُلۡدِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۚ كَانَتۡ لَهُمۡ جَزَآءً وَمَصِيرًا ١٥Dheh: Ma arrinkani baa wanaagsan _mise Beerta waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (xumaha)? Taasi waxay u ahaan abaal marin iyo aayo wanaagsan لَّهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَٰلِدِينَۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعۡدًا مَّسۡـُٔولًا ١٦Waxay ku mudan gudaheeda wixii ay doonaanba iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمۡ أَضۡلَلۡتُمۡ عِبَادِي هَٰٓؤُلَآءِ أَمۡ هُمۡ ضَلُّواْ ٱلسَّبِيلَ ١٧Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyaga iyo wax kasta ay caabudeenba Allaah sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinka baa lumiyey addoomahaygaan, mise iyaga baa iskood uga lumay Jidka (Toosan)?.” قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِي لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنۡ أَوۡلِيَآءَ وَلَٰكِن مَّتَّعۡتَهُمۡ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ نَسُواْ ٱلذِّكۡرَ وَكَانُواْ قَوۡمَۢا بُورًا ١٨Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adiga baa (Allow) iska leh oo hufan! Naguma habboona inaan yeelanno gargaarayaal Adiga ka sokow, laakiinse waxaad u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, oo waxay ahaayeen qolo halaagsamay فَقَدۡ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسۡتَطِيعُونَ صَرۡفًا وَلَا نَصۡرًاۚ وَمَن يَظۡلِم مِّنكُمۡ نُذِقۡهُ عَذَابًا كَبِيرًا ١٩Sidaas bay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kari doontaan furasho iyo gargaar midna. Oo mid kastoo idinka mid ah ee gar ma qaate ah, waxaan ka yeeli doonnaa inuu dhadhamiyo cadaab aad u weyn وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمۡ لَيَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشُونَ فِي ٱلۡأَسۡوَاقِۗ وَجَعَلۡنَا بَعۡضَكُمۡ لِبَعۡضٍ فِتۡنَةً أَتَصۡبِرُونَۗ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرًا ٢٠Oo ma soo dirin hortaa adiga wax Rusul ah balse waxay hubaal cuni jireen cunto, oo mari jireen suuqyada. Oo Waxaanu uga dhignay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee haddaba samir ma yeelan doontaan? Oo Rabbigaa waa Mid Arkaya

الجزء التاسع عشر

۞ وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ نَرَىٰ رَبَّنَاۗ لَقَدِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ وَعَتَوۡ عُتُوًّا كَبِيرًا ٢١Oo kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdaan: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey, ama ( maxaan) u arki weyney Rabbigayo (Allaah)?” Haddaba xaqiiq aad bay isula weynaadeen oo madax adeygeen madax adayg weyn يَوۡمَ يَرَوۡنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ لَا بُشۡرَىٰ يَوۡمَئِذٍ لِّلۡمُجۡرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجۡرًا مَّحۡجُورًا ٢٢Maalinta ay arkaan malaa’igta7 uma ahaan doonto farxad Maalintaas dambiilayaasha, oo Waxay (malaa’igtu) odhan:“Waa wax idinka xarriman (jannada) oo gebigeedaba idinka reebban وَقَدِمۡنَآ إِلَىٰ مَا عَمِلُواْ مِنۡ عَمَلٍ فَجَعَلۡنَٰهُ هَبَآءً مَّنثُورًا ٢٣Oo Waxaan hor keeni doonnaa9 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo waxaanu ka dhigi doonnaa sida boor hawada ku baabba’ay أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ يَوۡمَئِذٍ خَيۡرٌ مُّسۡتَقَرًّا وَأَحۡسَنُ مَقِيلًا ٢٤Ehlu-Jannuhu waxay Maalintaas ku sugnaan doonaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi wanaagsan وَيَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلسَّمَآءُ بِٱلۡغَمَٰمِ وَنُزِّلَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ تَنزِيلًا ٢٥Oo Maalinta marka samada dillaac la furmi doonto oo daruuro (ka soo baxaan)10, oo malaa’gta la soo dejin doono iyagoo u soo degaya ( saf saf) ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّ لِلرَّحۡمَٰنِۚ وَكَانَ يَوۡمًا عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ عَسِيرًا ٢٦Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh (Allaah) Raxmaanka, oo maalin daran bay u ahaan gaalada وَيَوۡمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيۡهِ يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي ٱتَّخَذۡتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلًا ٢٧Oo Maalinta gar ma qaataha uu qaniini doono gacmihiisa isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jid Rasuulka يَٰوَيۡلَتَىٰ لَيۡتَنِي لَمۡ أَتَّخِذۡ فُلَانًا خَلِيلًا ٢٨Hooggayga weeyee! Haddii aanan ka dhigin lahayn hebel saaxiib لَّقَدۡ أَضَلَّنِي عَنِ ٱلذِّكۡرِ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَنِيۗ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِلۡإِنسَٰنِ خَذُولًا ٢٩Xaqiiq wuxuu iga habaabiyey13 waanada, inta uu ii yimid kaddib. Oo Shaydaanku wuxuu hagradaa dadka oo uga tagaa meel xun14 oo hungo ah وَقَالَ ٱلرَّسُولُ يَٰرَبِّ إِنَّ قَوۡمِي ٱتَّخَذُواْ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ مَهۡجُورًا ٣٠Oo wuxuu Rasuulku ku calaacalay: “Rabbiyow! Hubaal dadkeygii waxay ka dhigteen Qur’aankan sida wax laga tagey وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا مِّنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيًا وَنَصِيرًا ٣١Oo sidaas baan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah dambiilayaasha. Oo ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلۡقُرۡءَانُ جُمۡلَةً وَٰحِدَةًۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَۖ وَرَتَّلۡنَٰهُ تَرۡتِيلًا ٣٢Oo kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay yidhaahdaan: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu16 (waxaa loogu soo dejiyey qaybqaybta), waa si aan ugu sugno laabtaada, oo waxaan isugu duwnay isku duwid fiican وَلَا يَأۡتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَأَحۡسَنَ تَفۡسِيرًا ٣٣Oo ma jirto dood ay kuula iman doonaan, bal waxaan kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan ٱلَّذِينَ يُحۡشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُوْلَٰٓئِكَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضَلُّ سَبِيلًا ٣٤(Ma xagga) kuwa laysugu soo kulim doona (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meel xun, oo ka sii lumid badan Jidka وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلۡنَا مَعَهُۥٓ أَخَاهُ هَٰرُونَ وَزِيرًا ٣٥Oo xaqiiq waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo waxaan ka yeel- lay la jirkiis walaalkiis Haaruun caawiye فَقُلۡنَا ٱذۡهَبَآ إِلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا فَدَمَّرۡنَٰهُمۡ تَدۡمِيرًا ٣٦Oo Waxaanu nidhi: Aada labaddiinnuba qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan وَقَوۡمَ نُوحٍ لَّمَّا كَذَّبُواْ ٱلرُّسُلَ أَغۡرَقۡنَٰهُمۡ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ لِلنَّاسِ ءَايَةًۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِلظَّٰلِمِينَ عَذَابًا أَلِيمًا ٣٧Oo dadkii Nuux, markii ay beeniyeen Rusushii baan qarqinnay oo uga dhignay calaamo dadka. Oo Waxaanu u diyaarinnay cadaab daran gar ma qaatayaasha وَعَادًا وَثَمُودَاْ وَأَصۡحَٰبَ ٱلرَّسِّ وَقُرُونَۢا بَيۡنَ ذَٰلِكَ كَثِيرًا ٣٨Oo (Sidoo kle) Caad iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass17 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan وَكُلًّا ضَرَبۡنَا لَهُ ٱلۡأَمۡثَٰلَۖ وَكُلًّا تَبَّرۡنَا تَتۡبِيرًا ٣٩Oo mid walba waxaanu siinnay tusaalooyin, oo mid walba waxaan halaagnay halaag daran وَلَقَدۡ أَتَوۡاْ عَلَى ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِيٓ أُمۡطِرَتۡ مَطَرَ ٱلسَّوۡءِۚ أَفَلَمۡ يَكُونُواْ يَرَوۡنَهَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَرۡجُونَ نُشُورًا ٤٠Oo xaqiiq waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu rogay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxa aanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib (oo la xisaabin) وَإِذَا رَأَوۡكَ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي بَعَثَ ٱللَّهُ رَسُولًا ٤١Oo markay ku arkaan kaama dhigtaan waxaan ahayn dheel-dheel (oo waxay yidhaahdaan): Ma kan baa kan uu Allaah u soo diray Rasuul uu ahaado إِن كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنۡ ءَالِهَتِنَا لَوۡلَآ أَن صَبَرۡنَا عَلَيۡهَاۚ وَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ حِينَ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ مَنۡ أَضَلُّ سَبِيلًا ٤٢Wuxuu ku dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddii aanan ku samir yeelanayn. Oo way ogaan doonaan marka ay arkaan cadaabta, waa kee kaa ka lunsan Jidka (Toosan) أَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ أَفَأَنتَ تَكُونُ عَلَيۡهِ وَكِيلًا ٤٣Miyaad aragtay kan isagu ka yeesha waxay naftiisa jeceshahay ilaahiisa? Ma waxaad haddaba adigu u noqon kartaa wakiil أَمۡ تَحۡسَبُ أَنَّ أَكۡثَرَهُمۡ يَسۡمَعُونَ أَوۡ يَعۡقِلُونَۚ إِنۡ هُمۡ إِلَّا كَٱلۡأَنۡعَٰمِ بَلۡ هُمۡ أَضَلُّ سَبِيلًا ٤٤Mise waxaad mooddaa inay badankoodu wax maqlaan ama wax fahmaan? Ma ay aha waxaan aheyn xoolaha oo kale19, mayee way ka sii jid lunsan yihiin (oo ka sii liitaan) أَلَمۡ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيۡفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوۡ شَآءَ لَجَعَلَهُۥ سَاكِنًا ثُمَّ جَعَلۡنَا ٱلشَّمۡسَ عَلَيۡهِ دَلِيلًا ٤٥Miyaadan u fiirsan (farsamada) Rabbigaa, sida uu u fidiyo hooska? Oo haddii uu doono, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa mid xasilan (taagan), markaasaan uga dhignay qorraxda tilmaan ay leedahay ثُمَّ قَبَضۡنَٰهُ إِلَيۡنَا قَبۡضًا يَسِيرًا ٤٦Markaasaan u soo qaadnaa xaggayaga qaadid aayar ah oo yar وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِبَاسًا وَٱلنَّوۡمَ سُبَاتًا وَجَعَلَ ٱلنَّهَارَ نُشُورًا ٤٧Oo (Alle) Isaga weeye Kan idiin ka dhigay habeenka hu22', hurdadana nasa- sho, oo wuxuu ka dhigay maalinta foof وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً طَهُورًا ٤٨Oo Isaga weeye Kan soo dira dabay- laha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), oo Waxaanu ka soo soo shubnaa xagga daruurta biyo daahir ah لِّنُحۡـِۧيَ بِهِۦ بَلۡدَةً مَّيۡتًا وَنُسۡقِيَهُۥ مِمَّا خَلَقۡنَآ أَنۡعَٰمًا وَأَنَاسِيَّ كَثِيرًا ٤٩Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad aad u badanba leh وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَٰهُ بَيۡنَهُمۡ لِيَذَّكَّرُواْ فَأَبَىٰٓ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورًا ٥٠Oo waan u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka ama biyaha) bal inay waansamaan24, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo وَلَوۡ شِئۡنَا لَبَعَثۡنَا فِي كُلِّ قَرۡيَةٍ نَّذِيرًا ٥١Oo haddii aan doonno, waxaan xaqiiq u soo diri laheyn magaalo walba dige فَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَجَٰهِدۡهُم بِهِۦ جِهَادًا كَبِيرًا ٥٢Ee ha adeecin gaalada, oo kula jihaad (Qur'aanka) jihaad aad u weyn ۞ وَهُوَ ٱلَّذِي مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ هَٰذَا عَذۡبٌ فُرَاتٌ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٌ وَجَعَلَ بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخًا وَحِجۡرًا مَّحۡجُورًا ٥٣Oo Isaga weeye (Allaah) Kan isku sii daayey labada badood, midda macaan ee lagu oon baxo , iyo midka kale ee milix jaan iyo qaraar ah ee milixeeda afka huriso, oo Wuxuu dhigay xayir iyo xijaab kala dhex yaal وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ مِنَ ٱلۡمَآءِ بَشَرًا فَجَعَلَهُۥ نَسَبًا وَصِهۡرًاۗ وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرًا ٥٤Oo Isaga weeye Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Oo (Alle) Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُهُمۡ وَلَا يَضُرُّهُمۡۗ وَكَانَ ٱلۡكَافِرُ عَلَىٰ رَبِّهِۦ ظَهِيرًا ٥٥Oo waxay caabudaan Allaah sokadi, waxaan wax tarin, waxna yeelin, oo gaalku mar waliba waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا ٥٦Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn bishaareeye iyo inaad dige ahaato قُلۡ مَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍ إِلَّا مَن شَآءَ أَن يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا ٥٧Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Risaalada), waxaan ahayn in qofkii doona uu qaado jid xagga Rabbigi وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡحَيِّ ٱلَّذِي لَا يَمُوتُ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِهِۦۚ وَكَفَىٰ بِهِۦ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًا ٥٨Oo isku hallee Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, oo ku tasbiixso Ammaanahiisa, oo ku Filan Isagu inuu dambiyada addommahiisa u ahaado xog ogaal ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَسۡـَٔلۡ بِهِۦ خَبِيرًا ٥٩Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta). Naxariis Badanaha (Allaah). Ee wax ka weydii mid Xog ogaal ah وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱسۡجُدُواْۤ لِلرَّحۡمَٰنِ قَالُواْ وَمَا ٱلرَّحۡمَٰنُ أَنَسۡجُدُ لِمَا تَأۡمُرُنَا وَزَادَهُمۡ نُفُورًا ۩ ٦٠Oo marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka. Waxay yidhaahdaan: Oo waa maxay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudnaa waxaa aad adigu nagu amarto? Oo Wuxuu u kordhiyaa didmo تَبَارَكَ ٱلَّذِي جَعَلَ فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَٰجًا وَقَمَرًا مُّنِيرًا ٦١Waxaa khayr iyo barako badan Kan u yeelay burjiyo samada, oo ka yeelay dhexdeeda nal (qorrax) iyo dayax ifiya وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ خِلۡفَةً لِّمَنۡ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوۡ أَرَادَ شُكُورًا ٦٢Oo Isaga weeye (Allaah) Kan uga dhigay habeenka iyo maalinta is dhaaf, kan isagu raba inuu waano qaato ama raba inuu mahad naqo وَعِبَادُ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلَّذِينَ يَمۡشُونَ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ هَوۡنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلۡجَٰهِلُونَ قَالُواْ سَلَٰمًا ٦٣Oo Addoomaha Raxmaanku waa kuwa ku mara dhulka miyir26, oo markay maan-gaabyad kula hadlaan (ereyo xun) waxay yidhaahdaan oo ku qaabilaan hadal ka maran gef ama xumaan وَٱلَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمۡ سُجَّدًا وَقِيَٰمًا ٦٤Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood iyo taagnaan وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱصۡرِفۡ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَۖ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا ٦٥Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga duw cadaabta Naarta, hubaal! Cadaabteedu waa wax joogta ah إِنَّهَا سَآءَتۡ مُسۡتَقَرًّا وَمُقَامًا ٦٦Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَنفَقُواْ لَمۡ يُسۡرِفُواْ وَلَمۡ يَقۡتُرُواْ وَكَانَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ قَوَامًا ٦٧Oo waa kuwa marka ay wax bixiyaan aan xad-dhaafin ama aan masuugin, oo labadaas dhexdooda ku toosnaada وَٱلَّذِينَ لَا يَدۡعُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ وَلَا يَقۡتُلُونَ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَا يَزۡنُونَۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ يَلۡقَ أَثَامًا ٦٨Oo waa kuwa aan baryin ilaah kale la jirka Allaah, oo aan ku dilin nafta uu Allaah xarrimay waxaan ahayn gar, iyo (kuwa) aan gelin zino, oo qofkii falaa kani, wuxuu la kulmi doonaa eedsiin dambiguu galay ah يُضَٰعَفۡ لَهُ ٱلۡعَذَابُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَيَخۡلُدۡ فِيهِۦ مُهَانًا ٦٩Cadaabta waa loo laab laabi doonaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuu ku dhex waari doonaa isagoo dulleysan إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَٰلِحًا فَأُوْلَٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمۡ حَسَنَٰتٍۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا ٧٠Marka laga reebo kan isagu toobad keena ee rumeeya ee sama fala, haddaba kuwan weeye kuwa uu Allaah ugu beddeli doonaa xumaatadoodii xasanaad Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا فَإِنَّهُۥ يَتُوبُ إِلَى ٱللَّهِ مَتَابًا ٧١Oo mid kastoo toobad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laabtaa xagga Ilaahay laabasho wanaagsan وَٱلَّذِينَ لَا يَشۡهَدُونَ ٱلزُّورَ وَإِذَا مَرُّواْ بِٱللَّغۡوِ مَرُّواْ كِرَامًا ٧٢Oo waa kuwa aan furin markhaati been ah, oo marka ay soo ag maraan wax uun hadal macno darro ah ku dhaafa sharaf وَٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَمۡ يَخِرُّواْ عَلَيۡهَا صُمًّا وَعُمۡيَانًا ٧٣Oo waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبۡ لَنَا مِنۡ أَزۡوَٰجِنَا وَذُرِّيَّٰتِنَا قُرَّةَ أَعۡيُنٍ وَٱجۡعَلۡنَا لِلۡمُتَّقِينَ إِمَامًا ٧٤Oo waa kuwa yidhaahda: Rabbiyow! Naga sii afooyinkayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan28, oo nooga dhig kuwo ku dayasho san leh xagga kuwa iska jira (xumaha) أُوْلَٰٓئِكَ يُجۡزَوۡنَ ٱلۡغُرۡفَةَ بِمَا صَبَرُواْ وَيُلَقَّوۡنَ فِيهَا تَحِيَّةً وَسَلَٰمًا ٧٥Kuwani waxaa lagu abaal marin doonaa dabaqyo sare (jannada gudaheeda)29 sabarkoodii dartiis, oo waxay kala kulmi doonaan dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ حَسُنَتۡ مُسۡتَقَرًّا وَمُقَامًا ٧٦Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ay ahaataa قُلۡ مَا يَعۡبَؤُاْ بِكُمۡ رَبِّي لَوۡلَا دُعَآؤُكُمۡۖ فَقَدۡ كَذَّبۡتُمۡ فَسَوۡفَ يَكُونُ لِزَامَۢا ٧٧Ku dheh; “Rabbigay dan idiinma galeen haddii aydaan barideen30. Haatanse dhabtii waad beeniseen (Xaqa).Marka taa- si iyada ah (cadaabta) waxay ahaan doontaa mid idin heysata

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.