بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
طسٓمٓ ١Taa Siin Miim تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ ٢Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ka yeela arrimaha caddaan لَعَلَّكَ بَٰخِعٌ نَّفۡسَكَ أَلَّا يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ ٣Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed إِن نَّشَأۡ نُنَزِّلۡ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةً فَظَلَّتۡ أَعۡنَٰقُهُمۡ لَهَا خَٰضِعِينَ ٤Haddii aan doonno, Waxaan kaga soo direynaa calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogan lahaayeen وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٍ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ مُحۡدَثٍ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهُ مُعۡرِضِينَ ٥Oo uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka isagoo cusub oo is daba jooga, bal waa kuwii ka jeesada فَقَدۡ كَذَّبُواْ فَسَيَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ٦Marka waxay dhabtii beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed wararka waxay ku jees-jeesaan baa dhaqso u imaan doona أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَمۡ أَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٍ كَرِيمٍ ٧Miyeyna arag dhulka,_intee baan nooc kasta oo wanaagsan aan sababnay inuu ku soo baxo إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ٨Hubaal Waxaa arrinkani ku jira xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ٩Oo hubaal (Allaah) Rabbigaa xaqiiq waa Awood Badanaha, Naxariista Badan وَإِذۡ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئۡتِ ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٠Oo waa tii Rabbigaa uu u dhawaaqay Muuse (Isagoo leh): U tag dadkaa gar ma qaatayaasha ah قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَۚ أَلَا يَتَّقُونَ ١١Qoladaa Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Allaah) قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ ١٢wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan ka cabsi qabaa inay i beeniyaan وَيَضِيقُ صَدۡرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرۡسِلۡ إِلَىٰ هَٰرُونَ ١٣Oo ay cidhiidhi noqoto laabteydu, oo cod kari waayo carrabkaygu. Ee u dir Haaruun (inuu i caawiyo) وَلَهُمۡ عَلَيَّ ذَنۢبٌ فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ ١٤Oo waxay igu heystaan danbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan قَالَ كـَلَّاۖ فَٱذۡهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسۡتَمِعُونَ ١٥(Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal; Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna فَأۡتِيَا فِرۡعَوۡنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٦Ee u taga Fircoon oo ku dhaha: “Hubaal innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uunanka أَنۡ أَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ١٧Ee nagu dar hana raacaane ilmihii Israa’iil قَالَ أَلَمۡ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثۡتَ فِينَا مِنۡ عُمُرِكَ سِنِينَ ١٨(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? O aad nala joogin sannado badan ka mid ah noloshaada وَفَعَلۡتَ فَعۡلَتَكَ ٱلَّتِي فَعَلۡتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ١٩Oo waxaad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin). Oo waxaad adigu ka mid tahay abaal laawayaasha قَالَ فَعَلۡتُهَآ إِذًا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ ٢٠Wuxuu yidhi: “Waan falay haddaba anigoo ka mid ah kuwaa aan wax garanayn فَفَرَرۡتُ مِنكُمۡ لَمَّا خِفۡتُكُمۡ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكۡمًا وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٢١Markaas baan idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey xikmad, oo iga dhigay mid ka mid ah Rususha وَتِلۡكَ نِعۡمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنۡ عَبَّدتَّ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٢٢Oo taasi ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil قَالَ فِرۡعَوۡنُ وَمَا رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢٣Fircoon wuxuu yidhi: Oo muxuu yahay Rabbiga uunanka قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ ٢٤Wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddii aad rumeysaneysaan قَالَ لِمَنۡ حَوۡلَهُۥٓ أَلَا تَسۡتَمِعُونَ ٢٥Fircoon wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn قَالَ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٢٦(Muuse) Wuxuu yidhi:(Allaah) Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِيٓ أُرۡسِلَ إِلَيۡكُمۡ لَمَجۡنُونٌ ٢٧(Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasulkiinna la idiin soo diray xaqiiq waa waalan yahay قَالَ رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ ٢٨(Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddii aad caqli leedihiin قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذۡتَ إِلَٰهًا غَيۡرِي لَأَجۡعَلَنَّكَ مِنَ ٱلۡمَسۡجُونِينَ ٢٩(Fircoon) wuxuu yidhi: Haddii aad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xiran قَالَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكَ بِشَيۡءٍ مُّبِينٍ ٣٠(Muuse) wuxuu yidhi: “Ma xitaa haddii aan kuula imaado wax (xujo) cad قَالَ فَأۡتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٣١Fircoon wuxuu yidhi: Haddaba la imow, haddii aad ka mid tahay run sheegyada فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٌ مُّبِينٌ ٣٢Markaas buu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ ٣٣Oo wuxuu soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad kuwa eegaya قَالَ لِلۡمَلَإِ حَوۡلَهُۥٓ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٌ ٣٤(Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: hubaal kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِۦ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ ٣٥Ee raba inuu idiin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad haddaba ku talineysaan قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَٱبۡعَثۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ ٣٦Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalkiba (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo wax soo kulmiya يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ ٣٧Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَٰتِ يَوۡمٍ مَّعۡلُومٍ ٣٨Markaas baa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلۡ أَنتُم مُّجۡتَمِعُونَ ٣٩Oo waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan wada jir idinkoo dhammi لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ ٤٠Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُواْ لِفِرۡعَوۡنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ ٤١Oo markii sixiroolayaashii ay yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddii aan annagu adkaanno قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ إِذًا لَّمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ ٤٢(Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, oo hubaal idinku markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwo iga ag dhow قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ ٤٣(Muuse) wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan فَأَلۡقَوۡاْ حِبَالَهُمۡ وَعِصِيَّهُمۡ وَقَالُواْ بِعِزَّةِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبُونَ ٤٤Markaas bay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii; oo yidhaahdeen: “Waa nagu awoodda Fircoon, waxaan hubaal ahaan doonnaa xaqiiq kuwa adkaan doona فَأَلۡقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ ٤٥Markaas buu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ ٤٦Oo sixiroolayaashii dhulka baa loo riday sujuud darteed قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٧Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeysannahay Rabbiga uunanka رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٤٨Rabbiga Muuse iyo Haaruun قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَ فَلَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ ٤٩(Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumayseen ka hor intii aan idiin idmin; hubaal isagu xaqiiq waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, ee waad ogaan dontaan, hubaal waxaan u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf oo hubaal waan idin daldali doonaa dhammaantiin قَالُواْ لَا ضَيۡرَۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ ٥٠Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Hubaal, Annagu Xagga Rabigayo baan u laabmaynaa إِنَّا نَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَٰيَٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٥١Hubaal waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa) ۞ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِيٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ ٥٢Oo waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idignkoo ku baxaya guuro habeennimo, hubaal waa la idiin soo raaciye فَأَرۡسَلَ فِرۡعَوۡنُ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ ٥٣Markaasuu Fircoon diray ciidammo xagga magaalooyinka gudahood إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَشِرۡذِمَةٌ قَلِيلُونَ ٥٤Hubaal kuwani xaqiiq wax koox yar وَإِنَّهُمۡ لَنَا لَغَآئِظُونَ ٥٥Oo hubaal way na cadho geliyeen وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَٰذِرُونَ ٥٦Oo hubaal waxaan innagu dhammaan nahay kuwo had iyo jeer digtoon فَأَخۡرَجۡنَٰهُم مِّن جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ٥٧Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ ٥٨Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٥٩Waa sidaase oo waxaan dhaxal siinnay Ilmahii Israa’iil فَأَتۡبَعُوهُم مُّشۡرِقِينَ ٦٠Markaas bay ka soo daba baxeen goor qorrax soo bax ah فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلۡجَمۡعَانِ قَالَ أَصۡحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدۡرَكُونَ ٦١Markii ay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “hubaal waa layna haleelay” قَالَ كـَلَّآۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهۡدِينِ ٦٢(Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi doona jid aan ka baxo فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡبَحۡرَۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرۡقٍ كَٱلطَّوۡدِ ٱلۡعَظِيمِ ٦٣Markaas baan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaas bay kala dhanbalantay, oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn وَأَزۡلَفۡنَا ثَمَّ ٱلۡأٓخَرِينَ ٦٤Oo Waan ku soo dhoweynay, halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon) وَأَنجَيۡنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ ٦٥Oo Wxaaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay oo dhan ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ٦٦Kaddib waxaan qarqinnay kuwii kale إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ٦٧Hubaal waxaa arrinkani ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ٦٨Oo hubaal, Rabbigaa, xaqiiq waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista badan وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ إِبۡرَٰهِيمَ ٦٩Oo u akhri qisadii Ibraahiim إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا تَعۡبُدُونَ ٧٠Waa tii uu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: “Maxaad caabuddaan قَالُواْ نَعۡبُدُ أَصۡنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ ٧١Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budnaa sanammo, oo aan u nahay daacad قَالَ هَلۡ يَسۡمَعُونَكُمۡ إِذۡ تَدۡعُونَ ٧٢(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Oo miyey idin maqlaan marka aad baridaan أَوۡ يَنفَعُونَكُمۡ أَوۡ يَضُرُّونَ ٧٣Waxse ma idin taraan ama idin yeelaan قَالُواْ بَلۡ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ ٧٤Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan ka soo gaarnay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya قَالَ أَفَرَءَيۡتُم مَّا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ ٧٥(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma u jeeddaan waxa aad soo caabudeyseen أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلۡأَقۡدَمُونَ ٧٦“Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba فَإِنَّهُمۡ عَدُوٌّ لِّيٓ إِلَّا رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٧Hubaal waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uunanka ٱلَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهۡدِينِ ٧٨“Ee i abuuray, haddana i hanuunshay وَٱلَّذِي هُوَ يُطۡعِمُنِي وَيَسۡقِينِ ٧٩‘Oo Waa Isaga Kan I siiya cunto oo i siiya wax aan cabbo وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِينِ ٨٠Oo marka aan buko, Isaga baa I bogsiya وَٱلَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحۡيِينِ ٨١Oo waa Isaga Kan i dhinsiin doona, haddana ii soo nooleyn doona (mar kale) وَٱلَّذِيٓ أَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لِي خَطِيٓـَٔتِي يَوۡمَ ٱلدِّينِ ٨٢Oo waa Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta رَبِّ هَبۡ لِي حُكۡمًا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ ٨٣Rabbiyow! I sii Xikmad, oo i haleeshii kuwa wanaagsan وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٍ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ٨٤Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdooda وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ ٨٥Oo iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ ٨٦Oo u dambi dhaaf Aabbahay, hubaal wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsan وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ ٨٧Oo ha i dulleyn Maalinta marka la soo la soo bixiyo (dhimasho kaddib) يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ ٨٨Maalinta aysan wax tari doonin maal iyo carruur midna إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٍ سَلِيمٍ ٨٩Mid maahe ula yimaada Allaah qalbi ka fayow6 ( shirki, shaki, xumaan, iwm) وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ ٩٠Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn doonaa kuwa iska jira (xumaha) وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ ٩١Oo Naarta waxaa loo muujin doonaa kuwa habowsan وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ ٩٢Oo waxaa lagu odhan doonaa: Meeye waxaad caabudi jirteen مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ ٩٣Allaah sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ ٩٤Markaas baa waxaa loogu tuuri doonaa wejiweji (Naarta),_iyaga iyo kuwa habowsanba وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ ٩٥Iyo askartii ibliis oo dhanba قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ ٩٦Waxay odhan doonaan iyagoo ku mur-maya dhexdeeda (Naarta) تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ ٩٧Tallaahi, waxaanu ahayn xaqiiq kuwo ku jira habow aad u muuqda إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٩٨Waa tii aan idin la sinnay Rabbiga uunanka وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٩٩Oo cidna aan ka ahayn dambiilayaasha nama aysan lumin فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ ١٠٠Haatan ma lihin wax garab na siiya وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ ١٠١Iyo saaxiib run ah midna فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٠٢(Hahe!) Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu’-miniinta إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٠٣Hubaal waxaa arrinkani ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankood kuwo rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٠٤Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٠٥Dadkii Nuux waxay beeniyeen Rusushii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٠٦Waa tii uu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha) إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٠٧Hubaal anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٠٨Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٠٩“Oo idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Ilaahay), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١١٠Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca ۞ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ ١١١Waxay yidhaahdeen: Ma adiga baan ku rumaynsannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١١٢Wuxuu yidhi: Oo maxaan ka ogahay waxa ay falaan إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ ١١٣“Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddii aad garasho leedihiin وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١١٤Oo anigu ma eryayo mu’miniinta إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ ١١٥Oo ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ ١١٦Waxay yidhaahdeen: Haddii aad joojin oo aadan ka harin (baaqaagan) Nuuxow! Waxaad hubaal ka mid noqon doontaa xaqiiq kuwa la dhagaxyeeyo (ilaa ay ka dhintaan) قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ ١١٧Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal, dadkaygii waa ay i beeniyeen فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحًا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١١٨Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (caddaalad ah), oo i badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ ١١٩Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ ١٢٠Oo waxaan qarqinnay intaas kaddib kuwii haray (gaaladii) إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٢١Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٢٢Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٢٣Caad waxay beeniyeen Rusushii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٢٤Waa tii uu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha) إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٢٥Hubaal, Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٢٦Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٢٧“Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah ( Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةً تَعۡبَثُونَ ١٢٨Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ ١٢٩Oo sameysataan dhufeyso adag bal inaad waartaan وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ ١٣٠Oo markaad soo qabataan (qof) waxaad u soo qabataan idinkoo jujuubayaal ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٣١“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ ١٣٢Oo dhowra (Amarrada) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٍ وَبَنِينَ ١٣٣Idin siiyey xoolo tiro badan iyo carruur وَجَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ١٣٤Iyo beero tanaad ah iyo ilo إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ ١٣٥Hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa (oo digayaa) cadaab Maalin murugo weyn قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ ١٣٦Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddii aad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣٧Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay) وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ ١٣٨Oo ma nihin kuwo la cadaabayo فَكَذَّبُوهُ فَأَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٣٩Oo way beeniyeen, markaas baan halaagnay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٤٠Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan كَذَّبَتۡ ثَمُودُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٤١Thamuud waxay beenisay Rusushii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٤٢Waa tii uu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha) إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٤٣Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٤٤Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٤٥Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka أَتُتۡرَكُونَ فِي مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ ١٤٦Ma waxaa la idiinkaga tagayaa idinkoo nabad ah waxa halkaan ah فِي جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ١٤٧Ku sugan beero iyo ilo وَزُرُوعٍ وَنَخۡلٍ طَلۡعُهَا هَضِيمٌ ١٤٨Iyo galley iyo geedo timir fiiddeedu jilicsan yihiin وَتَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا فَٰرِهِينَ ١٤٩Oo waxaad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٥٠Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca وَلَا تُطِيعُوٓاْ أَمۡرَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ ١٥١Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha ٱلَّذِينَ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ ١٥٢Ee ku fala fasahaad arlada oo aan wax hagaajin قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ ١٥٣Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثۡلُنَا فَأۡتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ١٥٤Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddii aad run sheegayso قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٌ لَّهَا شِرۡبٌ وَلَكُمۡ شِرۡبُ يَوۡمٍ مَّعۡلُومٍ ١٥٥(Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَظِيمٍ ١٥٦Oo ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin murugo weyn فَعَقَرُوهَا فَأَصۡبَحُواْ نَٰدِمِينَ ١٥٧Waase dileen, markaasay ka shallaayeen فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٥٨Markaas baa Cadaab qabtay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٥٩Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٦٠Dadkii Luud waxay beeniyeen Rusushii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٦١Waa tii uu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha) إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٦٢Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٦٣Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٦٤Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka أَتَأۡتُونَ ٱلذُّكۡرَانَ مِنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٦٥Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uunanka وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ عَادُونَ ١٦٦Oo aad ka tagtaan waxa uu Rabbigiin idiin abuuray oo afooyinkiinna ah? Mayee, waxaad tihiin dad xadgudba قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُخۡرَجِينَ ١٦٧Waxay yidhaahdeen: Haddii aadan joojin Luudow (baaqaagan)! hubaal, Waxaad ka mid noqon doontaa kuwa debedda loo saaro قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلۡقَالِينَ ١٦٨(Luud) wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun) رَبِّ نَجِّنِي وَأَهۡلِي مِمَّا يَعۡمَلُونَ ١٦٩Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxa ay falaan فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ ١٧٠Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan إِلَّا عَجُوزًا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ ١٧١Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal (cadaabta) ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ١٧٢Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرًاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ ١٧٣Oo Waxaanu ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٧٤Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٧٥Oo hubaal, Rabbigaa waa isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٧٦Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ شُعَيۡبٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٧٧Waa tii uu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (Xumaha) إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٧٨Hubaal, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٧٩“Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٨٠Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka ۞ أَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُخۡسِرِينَ ١٨١Bixiya beeg dhan oo ha ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِ ١٨٢Oo wax ku miisaama Miisaan toosan وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ ١٨٣Oo ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٨٤Oo iska jira (ciqaabka) Kan idin abuuray idinka iyo uunankii horeba قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ ١٨٥Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ ١٨٦Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, oo waxaanu yaqiinsannahay inaad dhabtii ka mid tahay beenlowyada فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ١٨٧Ee nagu soo rid jab samada ah haddii aad ka mid tahay run sheegyada قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ ١٨٨Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxa aad fashaan فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ ١٨٩Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, hubaal waxay aheyd cadaab Maalin aad u murugo weyn إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٩٠Hubaal, arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٩١Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٩٢Oo hubaal, kani (Qur’aankani) waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ ١٩٣Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ ١٩٤Qalbigaaga si aad uga mid noqoto Digayaasha بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُّبِينٍ ١٩٥Isago af Carabi faseex ah وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٩٦Oo hubaal isla midkani xaqiiq wuxuu ku yaal Kutubtii dadkii hore أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ١٩٧Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ay og yihiin وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ ١٩٨Oo haddii aan u soo waxyoon laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ ١٩٩Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ٢٠٠Sidaas baan yeellaa inuu u galo quluubta Dambiilayaasha لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ ٢٠١Ma ay rumayn doonaan jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةً وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ٢٠٢Oo ugu imaan doona si kedis ah, iyagoo aan fileyn فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ ٢٠٣Markaas bay waxay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno) أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ ٢٠٤Ee ma cadaabtayada bay degdegsan أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ ٢٠٥Ee ka warran, haddii aan u deyno inay raaxeystaan sanooyin ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ ٢٠٦Markaas uu u yimaado waxaa (ciqaabka) loogu gooddiyo مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يُمَتَّعُونَ ٢٠٧Waxaa loo daayey inay ku raaxeystaan maxay bal u tari doonaan وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ ٢٠٨Oo ma jirto magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal ذِكۡرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ ٢٠٩Si loo waaniyo, oo ma nihin kuwo ku gardarrooda (dadka) وَمَا تَنَزَّلَتۡ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ ٢١٠Oo Shaydaammada ma ayan keenin15 (Qur’aankan) وَمَا يَنۢبَغِي لَهُمۡ وَمَا يَسۡتَطِيعُونَ ٢١١Oo kuma habboona, oo ma leh awood inay isagoo kale keenaan إِنَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّمۡعِ لَمَعۡزُولُونَ ٢١٢Hubaal, waa kuwo xaqiiq laga fogeeyey inay maqalaan isaga فَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُعَذَّبِينَ ٢١٣Ee ha la baryin ilaah kale la jirka Allaah yaadan ka mid noqone kuwa la cadaabayo وَأَنذِرۡ عَشِيرَتَكَ ٱلۡأَقۡرَبِينَ ٢١٤Oo u dig xigtadaada kuu sii dhow وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٢١٥Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta فَإِنۡ عَصَوۡكَ فَقُلۡ إِنِّي بَرِيٓءٌ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ ٢١٦Haddayse ku caasiyaan markaa dheh: Anigu shaqo kuma lihi waxa aad fashaan وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ ٢١٧Oo isku hallee Awood Badanaha, Naxariista Badan ٱلَّذِي يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ ٢١٨Kan ku arka marka aad kaceyso وَتَقَلُّبَكَ فِي ٱلسَّٰجِدِينَ ٢١٩Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwaa u sujuuda (Allaah) إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٢٢٠Hubaal, (Allaah) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon هَلۡ أُنَبِّئُكُمۡ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ ٢٢١Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ ٢٢٢Waxay ku soo degaan beenaale kasta, dambiile ah يُلۡقُونَ ٱلسَّمۡعَ وَأَكۡثَرُهُمۡ كَٰذِبُونَ ٢٢٣Waxay dhigtaan dhegaha19, oo badankoodu waa beenlawyo وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلۡغَاوُۥنَ ٢٢٤Oo ma xagga gabyaayada, kuwaa habowsan baa raaca أَلَمۡ تَرَ أَنَّهُمۡ فِي كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ ٢٢٥Miyaadan arag inay dhex wareegaan iyagoo wareersan tog waliba وَأَنَّهُمۡ يَقُولُونَ مَا لَا يَفۡعَلُونَ ٢٢٦Iyo inay yidhaahdaan waxaysan falayn إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَذَكَرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱنتَصَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَيَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ ٢٢٧Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo xusa Allaah in badan, oo difaaca nafahooda kaddib marka lagu gardarrooday21. Oo kuwa gefka geysta durba way ogaan doonaan rogmasho noocee ah bay rogmi doonaan