ملة الإسلام

السورة 69 · 52 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة الحاقة باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة الحاقة (1,346 قارئاً)
مكيةسورة الحاقة٥٢ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَآقَّةُ ١Xaqiida dhabta ah ee soo socota مَا ٱلۡحَآقَّةُ ٢Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحَآقَّةُ ٣Oo maxaad ka og tahay waxa ay xaqiiqdaa dhabta ahi tahay كَذَّبَتۡ ثَمُودُ وَعَادُۢ بِٱلۡقَارِعَةِ ٤Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaamaha) فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهۡلِكُواْ بِٱلطَّاغِيَةِ ٥Ma Thamuud, waxaa iyaga lagu halaagay cadaab Daran oo xad dhaaf ah وَأَمَّا عَادٌ فَأُهۡلِكُواْ بِرِيحٍ صَرۡصَرٍ عَاتِيَةٍ ٦Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl hugmeysa oo xoog badan سَخَّرَهَا عَلَيۡهِمۡ سَبۡعَ لَيَالٍ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًاۖ فَتَرَى ٱلۡقَوۡمَ فِيهَا صَرۡعَىٰ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ خَاوِيَةٍ ٧Oo (Alle) uu ku salliday korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay فَهَلۡ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ ٨Ee ma aragtaa wax ka haray وَجَآءَ فِرۡعَوۡنُ وَمَن قَبۡلَهُۥ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتُ بِٱلۡخَاطِئَةِ ٩Oo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la daba geddiyey (qowmu Luud) waxay joogto ula yimaadeen gefaf فَعَصَوۡاْ رَسُولَ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَهُمۡ أَخۡذَةً رَّابِيَةً ١٠Oo waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu ku ciqaabay ciqaab aad u daran إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلۡمَآءُ حَمَلۡنَٰكُمۡ فِي ٱلۡجَارِيَةِ ١١Hubaal waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux) markay biyihii xad dhaafeen لِنَجۡعَلَهَا لَكُمۡ تَذۡكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ ١٢Si aan idiinkaga dhigno waano, oo u xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ نَفۡخَةٌ وَٰحِدَةٌ ١٣Ee marka Buunka la afuufo afuufid keliya. (tan hore) وَحُمِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً ١٤Oo dhulka iyo buuraha laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah فَيَوۡمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ ١٥Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِيَ يَوۡمَئِذٍ وَاهِيَةٌ ١٦Oo samada u kala dillaaci gaballo, marka Maalintaasi waxay iyadu ahaan mid daciif ah وَٱلۡمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرۡجَآئِهَاۚ وَيَحۡمِلُ عَرۡشَ رَبِّكَ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَئِذٍ ثَمَٰنِيَةٌ ١٧Oo malaa’igtu waxay ahaan agagaarkeeda, oo waxaa ku sidi doona Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah) يَوۡمَئِذٍ تُعۡرَضُونَ لَا تَخۡفَىٰ مِنكُمۡ خَافِيَةٌ ١٨Maalintaas waa la idiin soo bandhigi doonaa, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan doonta فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقۡرَءُواْ كِتَٰبِيَهۡ ١٩Ee ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig wuxuu odhan doonaa: Hooyoo, akhriya Kitaabkeyga إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَٰقٍ حِسَابِيَهۡ ٢٠Hubaal anigu waan ogaa inaan la kulmi doono Xisaabteyda فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ ٢١Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ ٢٢Beer sare gudaheed ah قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ ٢٣Midhaheedu aad u dhow yihiin كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَآ أَسۡلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡأَيَّامِ ٱلۡخَالِيَةِ ٢٤Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُوتَ كِتَٰبِيَهۡ ٢٥Oo ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa bidix wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen Kitaabkeyga وَلَمۡ أَدۡرِ مَا حِسَابِيَهۡ ٢٦Oo aan ogaadeen, waxa ay xisaabteyduba tahay يَٰلَيۡتَهَا كَانَتِ ٱلۡقَاضِيَةَ ٢٧Alla haddii taa iyada ahi (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga مَآ أَغۡنَىٰ عَنِّي مَالِيَهۡۜ ٢٨Maalkeygii waxba iima tarin هَلَكَ عَنِّي سُلۡطَٰنِيَهۡ ٢٩Awooddeydii waa iga baabba’een خُذُوهُ فَغُلُّوهُ ٣٠Qabta isaga haddaba oo xidha ثُمَّ ٱلۡجَحِيمَ صَلُّوهُ ٣١Markaas ku tuura dabka ololoya ثُمَّ فِي سِلۡسِلَةٍ ذَرۡعُهَا سَبۡعُونَ ذِرَاعًا فَٱسۡلُكُوهُ ٣٢Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ ٱلۡعَظِيمِ ٣٣Hubaal ma uu rumeynsneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ ٣٤Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka فَلَيۡسَ لَهُ ٱلۡيَوۡمَ هَٰهُنَا حَمِيمٌ ٣٥Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنۡ غِسۡلِينٍ ٣٦ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee لَّا يَأۡكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡخَٰطِـُٔونَ ٣٧Aanay cidi cunin geflowyada Maahee فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَا تُبۡصِرُونَ ٣٨Ee mayee, waxaan ku dhaartay waxa aad aragtaan وَمَا لَا تُبۡصِرُونَ ٣٩Iyo wax aydaan aragba إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ٤٠Hubaal waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَاعِرٍۚ قَلِيلًا مَّا تُؤۡمِنُونَ ٤١Oo ma aha hadal gabyaa, yaraa inta aad rumeysaan وَلَا بِقَوۡلِ كَاهِنٍۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ ٤٢ama hadal curraafle, yaraa inta aad waantowdaan تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٣Waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka وَلَوۡ تَقَوَّلَ عَلَيۡنَا بَعۡضَ ٱلۡأَقَاوِيلِ ٤٤Oo haddii uu naga been sheegi lahaa لَأَخَذۡنَا مِنۡهُ بِٱلۡيَمِينِ ٤٥Waxaan hubaal ku qaban laheyn gacanta Midig ثُمَّ لَقَطَعۡنَا مِنۡهُ ٱلۡوَتِينَ ٤٦Markaas waxaan hubaal goyn laheyn halbowlaha فَمَا مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ عَنۡهُ حَٰجِزِينَ ٤٧Oo ma jiro axad idinka mid ahi oo naga celin lahaa isaga وَإِنَّهُۥ لَتَذۡكِرَةٌ لِّلۡمُتَّقِينَ ٤٨Oo xaqiiq waa u waano kuwaa ka dhowrsada xumaha وَإِنَّا لَنَعۡلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ ٤٩Oo xaqiiq waan ognahay inay qaarkiin yihiin xaq diidayaal وَإِنَّهُۥ لَحَسۡرَةٌ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٥٠Oo xaqiiq waa u murugo iyo ciil gaalada وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلۡيَقِينِ ٥١Oo hubaal waa xaq dhab ah فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ ٥٢Ee huf oo xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.