بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانٍ مُّبِينٍ ١Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ka yeela (arrimaha) caddaan رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ ٢Wax badan bay kuwaa (xaqa) rumeysan waaya jecleysan doonaan inay ahaayeen Muslimiin ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٣Iska daa wax ha iska cunaane oo ha iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso. Durbase way ogaan doonaan وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعۡلُومٌ ٤Oo ma jirto magaalo aan rognay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ ٥Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, mana dib dhigi karaan وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونٌ ٦Oo waxay yidhaahdaan: Adigaaganow ah kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyey3! Hubaal adigu xaqiiq waxaad tahay ku waalan لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٧Maxaad noogu keeni weyday malaa’igta haddii aad tahay mid ka mid ah runowlyada مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذًا مُّنظَرِينَ ٨Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq4 aheyn, oo markaas lama siiyeen wax nafis ah إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ ٩Hubaal Annaga (Allaah ah) baa soo waxyoonnay Waanada (Qur’aanka) oo hubaal Annagaa xaqiiq ah ilaaliyayaasheeda وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٠Oo xaqiiq Waxaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ١١Oo ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ١٢Sidaas baan ugu yeelnaa (diiddada Xa- qa) inay u gasho quluubta dambiilayaasha لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray, oo dhab ahaan waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ ١٤Oo xitaa haddii aan uga furno albaab samada oo ay kor ugu cir tagaan لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمٌ مَّسۡحُورُونَ ١٥Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray وَلَقَدۡ جَعَلۡنَا فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ ١٦Oo xaqiiq Waxaan yeelnay rugo adag samada, oo Waxaan u qurxinnay daawadayaasha وَحَفِظۡنَٰهَا مِن كُلِّ شَيۡطَٰنٍ رَّجِيمٍ ١٧Oo Waxaan ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga fogeeyey (Naxariista Ilaahay) إِلَّا مَنِ ٱسۡتَرَقَ ٱلسَّمۡعَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٌ مُّبِينٌ ١٨Mid maahee xada mar wax u maqlo, markaas la raaciyo isaga holac muuqda وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَيۡءٍ مَّوۡزُونٍ ١٩Oo dhulka - waanu fidinnay, oo waxaanu ku sugnay dhexdeeda buuro, oo sababnay inay ka soo baxaan gudaheeda wax kasta oo ku habboon وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسۡتُمۡ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ ٢٠Oo Waxaan idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٍ مَّعۡلُومٍ ٢١Oo ma jiro wax aannu Annagu hayn khasnadahiisa. Oo kuma aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan وَأَرۡسَلۡنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَسۡقَيۡنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمۡ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ ٢٢Oo Waxaan soo dirnaa dabaylaha tallaala (daruurta) markaas baan ka soo dejinnaa biyo daruurta, oo aan idinka waraabinno,oo ma ahidin idinku kuwa kaydiya وَإِنَّا لَنَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَنَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثُونَ ٢٣Oo hubaal waa Annaga (Allaah) Kuwa bixiya nolol, oo sababa inaad dhimataan8, oo Waa Annaga dhaxlayaasha وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَقۡدِمِينَ مِنكُمۡ وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَـٔۡخِرِينَ ٢٤Oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwa dib ka iman doona وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحۡشُرُهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٌ ٢٥Oo hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin doonaa iyagoo dhan. hubaal Waa Falsame Xakiim ah, wax kasta Ogsoon وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٍ مِّنۡ حَمَإٍ مَّسۡنُونٍ ٢٦Oo xaqiiq Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, oo madow jilicsan oo qaab leh ah وَٱلۡجَآنَّ خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ ٢٧Oo Jinka, Waxaan ka abuurnay awal hore dab aad u kulul oo ololaya وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرًا مِّن صَلۡصَٰلٍ مِّنۡ حَمَإٍ مَّسۡنُونٍ ٢٨Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow jilicsan oo qaab leh ah فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ ٢٩Ee, marka aan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayga10, ula dhaca sujuud فَسَجَدَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ ٣٠Markaas bay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٣١Ibliis11 maahee (ma yeelin): waa u diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday قَالَ يَٰٓإِبۡلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٣٢Wuxuu yidhi:Ibliisoow!Maxaa kuugu wa- can inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday قَالَ لَمۡ أَكُن لِّأَسۡجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقۡتَهُۥ مِن صَلۡصَٰلٍ مِّنۡ حَمَإٍ مَّسۡنُونٍ ٣٣wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow ah jicilisan qaab leh قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ ٣٤Wuxuu yidhi: Haddaba ka bax xaggeeda, hubaal adigu waa lagu fogeeyeye وَإِنَّ عَلَيۡكَ ٱللَّعۡنَةَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ٣٥Oo hubaal waxaa dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta Abaal marinta قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ ٣٦Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaba ii sug ilaa Maalinta la soo bixin doono قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ ٣٧(Alle) wuxuu yidhi:Haddaba hubaal Wa- xaad ka mid tahay kuwa la siiyo fursadda إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ ٣٨Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٣٩Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sida aad ii habaabisay darteed, Waxaan hubaal iyagana u qurxin doonaa jidka habowga dhulka korkiisa, oo xaqiiq waxaan habaabin doonaa iyagoo dhan إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٤٠Marka laga reebo addoomahaaga ku ji- ra ee daacadda ah kuu keli yeela cibaadada قَالَ هَٰذَا صِرَٰطٌ عَلَيَّ مُسۡتَقِيمٌ ٤١Wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah إِنَّ عِبَادِي لَيۡسَ لَكَ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ ٤٢Hubaal, ma xagga addoomahayga, ku- ma lihid awood dushooda, marka laga ree- bo kuwa ku raaca ee habowsanayaasha ah وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوۡعِدُهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٤٣Oo hubaal, Naarta waa halka loo ballan qaaday iyagoo dhan لَهَا سَبۡعَةُ أَبۡوَٰبٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنۡهُمۡ جُزۡءٌ مَّقۡسُومٌ ٤٤Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa halkaa waxaa ahaan doonaa qayb gaar ah oo ka mid ah إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ٤٥Hubaal kuwa iska jira (xumaha) waxay dhex ahaan doonaan Beero iyo ilo ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ءَامِنِينَ ٤٦Ku gala nabad idinkoo aamin ah وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلٍّ إِخۡوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَٰبِلِينَ ٤٧Oo Waxaan ka soo siibi doonnaa wixii xasad ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool لَا يَمَسُّهُمۡ فِيهَا نَصَبٌ وَمَا هُم مِّنۡهَا بِمُخۡرَجِينَ ٤٨Kuma taaban doono gudaheeda daal, lagamana soo saari doono ۞ نَبِّئۡ عِبَادِيٓ أَنِّيٓ أَنَا ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ٤٩Ogeysii addoomahayga inaan Anigu ahay Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan ۞ وَأَنَّ عَذَابِي هُوَ ٱلۡعَذَابُ ٱلۡأَلِيمُ ٥٠Iyo in Cadaabkaygu, kaasi weeye cadaabka xanuunka badan وَنَبِّئۡهُمۡ عَن ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٥١Oo u sheeg arrinka martidii Ibraahiim إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمًا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ ٥٢Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: hubaal innagu cabsi ayaa idinka qabnaa قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٍ ٥٣Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan. Hubaal waxaan kuugu bishaareyneynaa wiil aqoon leh (dhalashada Isxaaq) قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ ٥٤Wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Haddaba maxaad iigu bishaarayneysaan قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ ٥٥Waxay yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ ٥٦Wuxuu yidhi: Oo yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٥٧Wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan haddaba, kuwaan la soo dirayow قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٍ مُّجۡرِمِينَ ٥٨Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٥٩Reer Luud ma’ahee. Hubaal waanu badbaadin doonnaa xaqiiq iyagoo dhan إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ ٦٠Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay hubaal ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi) فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٦١Markay Rusushii la soo diray u yimaadeen reer Luud قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٌ مُّنكَرُونَ ٦٢Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin qolo aan la garanayn قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ ٦٣Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaanu kuula nimid waxa ay ka doodayeen وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ ٦٤Oo waxaan kuula nimid Xaq oo hubaal waxaanu nahay xaqiiq run sheegayaal فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٍ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٌ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ ٦٥Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo adigu daba soco oo ka dambee, oo yaanu midkiinna dib soo jalleecin oo aada halka la idin ku amray وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعٌ مُّصۡبِحِينَ ٦٦Oo Waxaanu u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas la goyn subaxa horeba وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ ٦٧Oo dadkii magaaladu waxay yimaadeen iyagoo aad u faraxsan قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ ٦٨Wuxuu yidhi: Hubaal kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ ٦٩Oo Alle ka cabsada oo ha i ceebeynina قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٠Waxay yidhaahdeen: Oo miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka kale قَالَ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِيٓ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ ٧١Wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii16, haddii aad yeeleysaan (inaad guursataan) لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ ٧٢Waa igu Cimrigaaga'e, waxay indho la’- aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُشۡرِقِينَ ٧٣Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba فَجَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ ٧٤Oo Waxaan u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٍ لِّلۡمُتَوَسِّمِينَ ٧٥Hubaal, arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٍ مُّقِيمٍ ٧٦Oo hubaal Waxay ku taal (magaaladaasi)18 waddo weli la deggan yahay إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةً لِّلۡمُؤۡمِنِينَ ٧٧Hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin mu’miniinta وَإِن كَانَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ لَظَٰلِمِينَ ٧٨Oo dadkii degganaa hawdka19 waxay sidoo kale xaqiiq ahaayeen gar ma qaatayaal فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٍ مُّبِينٍ ٧٩Markaas baan ka aargudannay. Oo waxay labaduba20 xaqiiq ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro وَلَقَدۡ كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡحِجۡرِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٨٠Oo dadkii degganaa dhadhaabka waxay dhab ahaan beeniyeen Rususha وَءَاتَيۡنَٰهُمۡ ءَايَٰتِنَا فَكَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ ٨١Oo waxaanu siinnay Aayadahayagii, wayse ka jeesadeen xaggooda وَكَانُواْ يَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ ٨٢Oo waxay ka qorteen buuraha guryo iyago aamin ah فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُصۡبِحِينَ ٨٣Markaas baa waxaa qabaty qeylo (qarax) weyn waaberkiiba فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٨٤Oo waxba uma tarin waxay kasbadeen وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٌۖ فَٱصۡفَحِ ٱلصَّفۡحَ ٱلۡجَمِيلَ ٨٥Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq, Oo hubaal Saacaddu xaqiiq waa imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ ٨٦Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba ogsoon وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ سَبۡعًا مِّنَ ٱلۡمَثَانِي وَٱلۡقُرۡءَانَ ٱلۡعَظِيمَ ٨٧Oo dhab ahaan Waxaanu ku siinnay toddobo (Aayadood ee) lagu soo celceliyo (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn لَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجًا مِّنۡهُمۡ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِلۡمُؤۡمِنِينَ ٨٨Ha u taagin indhahaaga waxa aanu siinnay qaybo ka mid ah iyaga inay ku raaxeystaan oo ha u murugoon, oo ahow mid u nugul oo soo dhoweeya mu’miniinta وَقُلۡ إِنِّيٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلۡمُبِينُ ٨٩Oo dheh: Hubaaal anigu waxaan uun idiin ahay digaha cad كَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَى ٱلۡمُقۡتَسِمِينَ ٩٠Sida aan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii (Yuhuudda iyo Nasaarada) ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ ٩١Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٩٢Haddaba waa igu Rabbigaa hubaal waanu weydiin doonnaa dhammaantood عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٩٣Xagga waxa ay faleen فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ٩٤Ee daaha ka qaad wax lagugu amray22, oo iskaga jeeso Mushrikiinta إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ ٩٥Hubaal Annaga baa kaaga filnaan doonna jees-jeesayaasha ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٩٦Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Allaah, durbase way ogaan doonaan وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ ٩٧Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay ka ciriiryoonto laabtaadu waxa ay yidhaahdaan فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٩٨Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ ٩٩Oo caabud Rabbigaa ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka)