ملة الإسلام

السورة 14 · 52 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة إبراهيم باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة إبراهيم (1,367 قارئاً)
مكيةسورة إبراهيم٥٢ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ إِلَيۡكَ لِتُخۡرِجَ ٱلنَّاسَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذۡنِ رَبِّهِمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ ١Alif Laam Raa1. (Kani waa) kitaab aan kuugu soo dejinnay (waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka si idanka Rabbigood ah – xagga Jidka Adkaadaha sare, ee la ammaano ٱللَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَوَيۡلٌ لِّلۡكَٰفِرِينَ مِنۡ عَذَابٍ شَدِيدٍ ٢Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Oo hoog waxaa leh gaalada xagga Cadaab Darani darteed ٱلَّذِينَ يَسۡتَحِبُّونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبۡغُونَهَا عِوَجًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٍ ٣Kuwa jecel nolosha adduunkan in ka badan Aakhirada, oo ka leexda Jidka Ilaahay oo doona inay ka yeelaan mid qalloocan, kuwaanu waxay ku sugan yihiin habow aad u fog وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوۡمِهِۦ لِيُبَيِّنَ لَهُمۡۖ فَيُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٤Oo kuma soo dirin Rasuulna waxaan aheyn afka qolodiisa si uu ugu faahfaahiyo si caddaan ah2; markaasuu Allaah midka uu doono habaabiyaa3, oo hanuuniyaa kan uu doono, oo Waa Isaga Adkaadaha sare, Falka sanoo Xakiimka ah وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ أَنۡ أَخۡرِجۡ قَوۡمَكَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَذَكِّرۡهُم بِأَيَّىٰمِ ٱللَّهِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ ٥Oo xaqiiq Waxaan la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, oo xusuusi Ayaamaha Ilaahay4. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ أَنجَىٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ وَيُذَبِّحُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٌ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٌ ٦Oo waa tii uu Muuse ku yidhi qolodiisa: Xusuusta Nicmadda Ilaahay idin siiyey, waa tii uu idinka badbaadshay reer Fircoon ee idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, oo gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo (arrin)kani waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah, aad u weyn وَإِذۡ تَأَذَّنَ رَبُّكُمۡ لَئِن شَكَرۡتُمۡ لَأَزِيدَنَّكُمۡۖ وَلَئِن كَفَرۡتُمۡ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ ٧Oo waa tii Rabbigiin ka yeelay wax la og yahay oo caddaan ah: Haddii aad mahad naqdaan, hubaal waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddiise aad gaalowdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِن تَكۡفُرُوٓاْ أَنتُمۡ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعًا فَإِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ حَمِيدٌ ٨Oo Muuse wuxuu yidhi: Haddii aad gaalowdaan idinka iyo kuwaa jooga arlada oo dhan, hubaal Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَبَؤُاْ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ قَوۡمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لَا يَعۡلَمُهُمۡ إِلَّا ٱللَّهُۚ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَرَدُّوٓاْ أَيۡدِيَهُمۡ فِيٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَقَالُوٓاْ إِنَّا كَفَرۡنَا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ وَإِنَّا لَفِي شَكٍّ مِّمَّا تَدۡعُونَنَآ إِلَيۡهِ مُرِيبٍ ٩Oo miyaanay idin soo gaarin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey Cidi ma oga iyaga aan ahayn Allaah. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda5 oo yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aaminsanin waxaa la idinla soo diray, oo hubaal innagu waxaanu ka qabnaa shaki waxaad noogu baaqdaan ۞ قَالَتۡ رُسُلُهُمۡ أَفِي ٱللَّهِ شَكٌّ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يَدۡعُوكُمۡ لِيَغۡفِرَ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُؤَخِّرَكُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّىۚ قَالُوٓاْ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٌ مِّثۡلُنَا تُرِيدُونَ أَن تَصُدُّونَا عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَا فَأۡتُونَا بِسُلۡطَٰنٍ مُّبِينٍ ١٠Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Oo ma waxaa jira shaki ku saabsan Allaah, Abuuraha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhaa inuu idinka dhaafo dambiyadiinna oo idin siiyo fursad ilaa muddo magacaaban ah. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaa- shayo, Ee noo keena wuxuun awood muuqata ah قَالَتۡ لَهُمۡ رُسُلُهُمۡ إِن نَّحۡنُ إِلَّا بَشَرٌ مِّثۡلُكُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأۡتِيَكُم بِسُلۡطَٰنٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ١١Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, laakiinse Allaah wuxuu ku manneystaa (Fadligiisa) cidda uu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Oo ma aha wax noo yaal innaga inaan idiin keenno awood inuu Allaah Idmo maahee. Oo Allaah uun waa inay mu’miniintu isku halleeyaan وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنَا سُبُلَنَاۚ وَلَنَصۡبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيۡتُمُونَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ ١٢Oo maxaan ugu kalsoonaan weynay Allaah? Isagoo runtii nagu hanuuniyey jidadkayaga (san), oo hubaal waan u samreynaa dhibta aad noo geysataan, Oo Allaah uun ha isku halleeyaan kuwa isku halleeya وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِرُسُلِهِمۡ لَنُخۡرِجَنَّكُم مِّنۡ أَرۡضِنَآ أَوۡ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَاۖ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ رَبُّهُمۡ لَنُهۡلِكَنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٣Oo kuwii xaqa diiday waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu hubaal idinka saari doonnaa dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqon doontaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Wallee waanu halaagi gar ma qaatayaasha وَلَنُسۡكِنَنَّكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَافَ مَقَامِي وَخَافَ وَعِيدِ ١٤Oo hubaal Waxaanu idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga وَٱسۡتَفۡتَحُواْ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٍ ١٥Oo waxay dalbeen gargaar, oo waxaa hoogay isla weyne kasta oo macangag madax adag ah مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسۡقَىٰ مِن مَّآءٍ صَدِيدٍ ١٦Naar baa ka horreysa, oo waxaa laga waraabin biyo carow ah يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأۡتِيهِ ٱلۡمَوۡتُ مِن كُلِّ مَكَانٍ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٍۖ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٌ ١٧Wuxuu u cabbi in yar in yar oo ma kari doono inuu liqo oo ka degaan, oo dhimashadu waxay uga imaan meel walba, mase dhiman doono, oo waxaa horti ah Cadaab aad u Qallafsan مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ أَعۡمَٰلُهُمۡ كَرَمَادٍ ٱشۡتَدَّتۡ بِهِ ٱلرِّيحُ فِي يَوۡمٍ عَاصِفٍۖ لَّا يَقۡدِرُونَ مِمَّا كَسَبُواْ عَلَىٰ شَيۡءٍۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلۡبَعِيدُ ١٨Mataalka kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas oo kale oo ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabayl xumi dhaceyso, uma lahaan doonaan awood inay ka helaan waxba ka mid ah waxay kasbadeen.Kani waa habowga fog أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَأۡتِ بِخَلۡقٍ جَدِيدٍ ١٩Miyaadan arkayn inuu Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Haddii uu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٍ ٢٠Oo arrinkani kuma adka Allaah وَبَرَزُواْ لِلَّهِ جَمِيعًا فَقَالَ ٱلضُّعَفَٰٓؤُاْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُنَّا لَكُمۡ تَبَعًا فَهَلۡ أَنتُم مُّغۡنُونَ عَنَّا مِنۡ عَذَابِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٍۚ قَالُواْ لَوۡ هَدَىٰنَا ٱللَّهُ لَهَدَيۡنَٰكُمۡۖ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَجَزِعۡنَآ أَمۡ صَبَرۡنَا مَا لَنَا مِن مَّحِيصٍ ٢١Oo waxay iyagoo dhammi iman doonaan Allaah horti, markaasay kuwii ducafada ahaa ku odhan kuwii isla weynaa: hubaal waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tari kartaan wax ka mid ah Cadaabta Ilaahay? Waxay odhan: Haddii uu Allaah na hanuunin lahaa, innaguna sidoo kale waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddii aan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo وَقَالَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لَمَّا قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ إِنَّ ٱللَّهَ وَعَدَكُمۡ وَعۡدَ ٱلۡحَقِّ وَوَعَدتُّكُمۡ فَأَخۡلَفۡتُكُمۡۖ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنٍ إِلَّآ أَن دَعَوۡتُكُمۡ فَٱسۡتَجَبۡتُمۡ لِيۖ فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوٓاْ أَنفُسَكُمۖ مَّآ أَنَا۠ بِمُصۡرِخِكُمۡ وَمَآ أَنتُم بِمُصۡرِخِيَّ إِنِّي كَفَرۡتُ بِمَآ أَشۡرَكۡتُمُونِ مِن قَبۡلُۗ إِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ ٢٢Oo shaydaanku wuxuu odhan doonaa marka Arrinka la xukumo: hubaal Allaah wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, oo Anigu sidoo kale waan idiin qaaday ballamo (been ah), markaasaan idiinka baxay. Oo kuma laheyn awood dushiinna, waase idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna7. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Hubaal Anigu diiday ila wadaajintiinna cibaadada Allaah awal hore. hubaal waa gar ma qaatayaasha kuwa mudan doona Cadaab aad u Xanuun Badan وَأُدۡخِلَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٍ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا بِإِذۡنِ رَبِّهِمۡۖ تَحِيَّتُهُمۡ فِيهَا سَلَٰمٌ ٢٣Oo kuwa rumeysan oo samaha fala Waxaa laga yeeli doonaa inay galaan Beero hostooda ay webiyo qulqulaan, _iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, Salaantooda dhexdeeda waa, Nabad أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا كَلِمَةً طَيِّبَةً كَشَجَرَةٍ طَيِّبَةٍ أَصۡلُهَا ثَابِتٌ وَفَرۡعُهَا فِي ٱلسَّمَآءِ ٢٤Ma waadan u fiirsan sida Allaah ugu soo qaato mataal Kelmedda Wanaagsani inay la mid tahay geed wanaagsan oo asalkiisu dhidban yahay, oo laamihiisu kor samada jiraan تُؤۡتِيٓ أُكُلَهَا كُلَّ حِينِۭ بِإِذۡنِ رَبِّهَاۗ وَيَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡأَمۡثَالَ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ ٢٥Ku soo saarta midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Oo Allaah wuxuu u soo qaadaa mataallo dadka bal inay waantoobaan وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِيثَةٍ كَشَجَرَةٍ خَبِيثَةٍ ٱجۡتُثَّتۡ مِن فَوۡقِ ٱلۡأَرۡضِ مَا لَهَا مِن قَرَارٍ ٢٦Oo mataalka Kelmedda xun waa sida geed xun8 oo laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan يُثَبِّتُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱلۡقَوۡلِ ٱلثَّابِتِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَيُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلظَّٰلِمِينَۚ وَيَفۡعَلُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ ٢٧Allaah Wuxuu waafajiyaa kuwa rumeysan kelmedda sugan9 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba10. Oo Allaah wuxuu lumiyaa gar ma qaatayaasha. Oo Allaah wuxuu falaa wixii uu doono ۞ أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ بَدَّلُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ كُفۡرًا وَأَحَلُّواْ قَوۡمَهُمۡ دَارَ ٱلۡبَوَارِ ٢٨Ma waadan arag kuwa ku doorsaday Nicmadda Ilaahay abaal dhac11, oo ka yee- lay dadkoodii inay degaan daarta halaagga جَهَنَّمَ يَصۡلَوۡنَهَاۖ وَبِئۡسَ ٱلۡقَرَارُ ٢٩Naar bay gali doonaan. Oo u xun meel lagu sal yeesho وَجَعَلُواْ لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِهِۦۗ قُلۡ تَمَتَّعُواْ فَإِنَّ مَصِيرَكُمۡ إِلَى ٱلنَّارِ ٣٠Oo waxay u yeelaan shariigyo Allaah si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Hubaal Aayihiinnu waa xagga Naarta قُل لِّعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُنفِقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرًّا وَعَلَانِيَةً مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٌ لَّا بَيۡعٌ فِيهِ وَلَا خِلَٰلٌ ٣١Ku dheh addoommahayga rumeysan, inay hagaajiyaan tukashada salaadda, oo bixiyaan wax ka mid ah waxa aan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jiri doonin ganacsi iyo saaxiibnimo midna ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَخۡرَجَ بِهِۦ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ رِزۡقًا لَّكُمۡۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡفُلۡكَ لِتَجۡرِيَ فِي ٱلۡبَحۡرِ بِأَمۡرِهِۦۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡأَنۡهَٰرَ ٣٢Allaah waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada oo ka soo dejiya biyo daruuraha, oo ku soo saara midho risiq idiin ah, oo Wuxuu idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, oo idiin sakhiray webiyada وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ دَآئِبَيۡنِۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ ٣٣Oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; oo wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta وَءَاتَىٰكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلۡتُمُوهُۚ وَإِن تَعُدُّواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ لَا تُحۡصُوهَآۗ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ ٣٤Oo Wuxuu idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan12, oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tiro koobtaan. hubaal Aadmigu waa dulmilow, abaal laawe ah وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ رَبِّ ٱجۡعَلۡ هَٰذَا ٱلۡبَلَدَ ءَامِنًا وَٱجۡنُبۡنِي وَبَنِيَّ أَن نَّعۡبُدَ ٱلۡأَصۡنَامَ ٣٥Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, oo iga dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan cabudno sanammo رَبِّ إِنَّهُنَّ أَضۡلَلۡنَ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِۖ فَمَن تَبِعَنِي فَإِنَّهُۥ مِنِّيۖ وَمَنۡ عَصَانِي فَإِنَّكَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ٣٦Rabbiyow! Hubaal waxay lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee mid kastoo i raaca, aniga buu hubaal iga mid yahay; mid kastoo se igu caasiya,_ Adiga baa hubaal ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan رَّبَّنَآ إِنِّيٓ أَسۡكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِي بِوَادٍ غَيۡرِ ذِي زَرۡعٍ عِندَ بَيۡتِكَ ٱلۡمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱجۡعَلۡ أَفۡـِٔدَةً مِّنَ ٱلنَّاسِ تَهۡوِيٓ إِلَيۡهِمۡ وَٱرۡزُقۡهُم مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَشۡكُرُونَ ٣٧Rabbiyow! Hubaal waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn, oo beydkaaga Xurmadda leh agtiis ah; Rabbiyow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho bal inay mahad naqaan رَبَّنَآ إِنَّكَ تَعۡلَمُ مَا نُخۡفِي وَمَا نُعۡلِنُۗ وَمَا يَخۡفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِن شَيۡءٍ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ ٣٨Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ogtahay waxa aan qarinno iyo waxa aan muujinnaba.Oo kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي وَهَبَ لِي عَلَى ٱلۡكِبَرِ إِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَۚ إِنَّ رَبِّي لَسَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ ٣٩Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. hubaal Rabbigay xaqiiq waa Maqlaha baryada رَبِّ ٱجۡعَلۡنِي مُقِيمَ ٱلصَّلَوٰةِ وَمِن ذُرِّيَّتِيۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلۡ دُعَآءِ ٤٠Rabbiyow! Iga yeel mid si fiican u ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbiyow! Oo iga aqbal baryada رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيَّ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ يَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡحِسَابُ ٤١Rabbiyow! Ii dambi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici doonto Xisaabtu وَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱللَّهَ غَٰفِلًا عَمَّا يَعۡمَلُ ٱلظَّٰلِمُونَۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمۡ لِيَوۡمٍ تَشۡخَصُ فِيهِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ ٤٢Oo ha moodin in Allaah moog yahay waxa ay falaan gar ma qaatayaashu, ee Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay indhahu taagmi doonaan مُهۡطِعِينَ مُقۡنِعِي رُءُوسِهِمۡ لَا يَرۡتَدُّ إِلَيۡهِمۡ طَرۡفُهُمۡۖ وَأَفۡـِٔدَتُهُمۡ هَوَآءٌ ٤٣Iyagoo horay u degdegaya, madaxyadoodu kor u taagan yihiin13, indhahoodu u soo noqoneyn xaggoooda, oo quluubtoodu maran yihiin وَأَنذِرِ ٱلنَّاسَ يَوۡمَ يَأۡتِيهِمُ ٱلۡعَذَابُ فَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ رَبَّنَآ أَخِّرۡنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٍ قَرِيبٍ نُّجِبۡ دَعۡوَتَكَ وَنَتَّبِعِ ٱلرُّسُلَۗ أَوَلَمۡ تَكُونُوٓاْ أَقۡسَمۡتُم مِّن قَبۡلُ مَا لَكُم مِّن زَوَالٍ ٤٤Oo uga dig dadka Maalinta ay u iman doonto cadaabtu, markaas kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay odhan: Rabbigayow! In yar dib noo dhig, (markaas) waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan adduunka ka tegi doonin وَسَكَنتُمۡ فِي مَسَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَتَبَيَّنَ لَكُمۡ كَيۡفَ فَعَلۡنَا بِهِمۡ وَضَرَبۡنَا لَكُمُ ٱلۡأَمۡثَالَ ٤٥Oo waxaad degteen guryihii kuwii ku gar darrooday nafahooda, oo waa idiin caddahay sidii aan u galnay. Oo Waxaan idiinka dhignay tusaalooyin وَقَدۡ مَكَرُواْ مَكۡرَهُمۡ وَعِندَ ٱللَّهِ مَكۡرُهُمۡ وَإِن كَانَ مَكۡرُهُمۡ لِتَزُولَ مِنۡهُ ٱلۡجِبَالُ ٤٦Oo waxay dhab ahaan qorsheeyeen qorshahooda xun, qorshahooda xun se waxaa (ka war) hayay Allaah, inkastoo qorshahoodu xun ahaa mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu فَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱللَّهَ مُخۡلِفَ وَعۡدِهِۦ رُسُلَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ ذُو ٱنتِقَامٍ ٤٧Ee marnaba ha moodin inuu Allaah uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Allaah waa Adkaade sare, Aar gudasho leh يَوۡمَ تُبَدَّلُ ٱلۡأَرۡضُ غَيۡرَ ٱلۡأَرۡضِ وَٱلسَّمَٰوَٰتُۖ وَبَرَزُواْ لِلَّهِ ٱلۡوَٰحِدِ ٱلۡقَهَّارِ ٤٨Maalinta marka arlada loo beddeli doono arlo kale iyo samooyinkaba, oo waxaa la hor keeni doonaa Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh وَتَرَى ٱلۡمُجۡرِمِينَ يَوۡمَئِذٍ مُّقَرَّنِينَ فِي ٱلۡأَصۡفَادِ ٤٩Oo waxaad arki Dambiilayaasha Maalintaas oo iskula xir-xiran silsilado سَرَابِيلُهُم مِّن قَطِرَانٍ وَتَغۡشَىٰ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ ٥٠Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur, oo dabku daboolayo wajiyadooda لِيَجۡزِيَ ٱللَّهُ كُلَّ نَفۡسٍ مَّا كَسَبَتۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ ٥١Si uu Allaah uga abaal mariyo naf walbaa waxa ay kasbatay. hubaal Allaah waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta هَٰذَا بَلَٰغٌ لِّلنَّاسِ وَلِيُنذَرُواْ بِهِۦ وَلِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ وَلِيَذَّكَّرَ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٥٢Kani (Dhambaalkani) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan inuu yahay Ilaah Keliya, iyo inay ku waana qaataan waxgaradku

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.