بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُدَّثِّرُ ١Midkani ku dadanow (dharka) قُمۡ فَأَنذِرۡ ٢Kac oo dig وَرَبَّكَ فَكَبِّرۡ ٣Oo Rabbigaa waa inaad weyneyso وَثِيَابَكَ فَطَهِّرۡ ٤Oo maryahaaga waa inaad daahiriso وَٱلرُّجۡزَ فَٱهۡجُرۡ ٥Oo fadarada waa inaad ka fogaato وَلَا تَمۡنُن تَسۡتَكۡثِرُ ٦Oo wax ha u bixin si aad u hesho wax ka badan وَلِرَبِّكَ فَٱصۡبِرۡ ٧Oo Rabbigaa dartiis , samir yeelo فَإِذَا نُقِرَ فِي ٱلنَّاقُورِ ٨Ee marka Buunka la afuufo فَذَٰلِكَ يَوۡمَئِذٍ يَوۡمٌ عَسِيرٌ ٩Taasi waxay ahaan Maalin aad u Daran عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ غَيۡرُ يَسِيرٍ ١٠Gaalada aan u fududeyn ذَرۡنِي وَمَنۡ خَلَقۡتُ وَحِيدًا ١١Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan) وَجَعَلۡتُ لَهُۥ مَالًا مَّمۡدُودًا ١٢Oo aan siiyey hanti aad u ballaaran وَبَنِينَ شُهُودًا ١٣Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمۡهِيدًا ١٤Oo aan u hagaajiyey arrinkiisa hagaag ثُمَّ يَطۡمَعُ أَنۡ أَزِيدَ ١٥Oo waliba wuxuu damcaa inaan u siyaadiyo كـَلَّآۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِأٓيَٰتِنَا عَنِيدًا ١٦Ma jirto, hubaal wuxuu ka hor yimaadaa Aayadahayaga سَأُرۡهِقُهُۥ صَعُودًا ١٧Waxaan yeeli doonaa cadaab dhibaato leh inay qabsato إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ ١٨Hubaal waa uu fekaray, oo wax qoolay فَقُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ ١٩Se nacaladi ha ku dhacdee! Sidee wax u qoolay ثُمَّ قُتِلَ كَيۡفَ قَدَّرَ ٢٠Mar kale, nacladi ha ku dhacdee, sidee wax u qoolay ثُمَّ نَظَرَ ٢١Markaas waa uu fiirshay ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ ٢٢Markaa wejiga kaduuday oo uruuriyey ثُمَّ أَدۡبَرَ وَٱسۡتَكۡبَرَ ٢٣Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay فَقَالَ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٌ يُؤۡثَرُ ٢٤Markaasuu yidhi: Kani wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا قَوۡلُ ٱلۡبَشَرِ ٢٥Kanu ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi سَأُصۡلِيهِ سَقَرَ ٢٦Waxaan ku tuuri doonaa Saqaro (Naar) وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سَقَرُ ٢٧Oo Maxaad ka og tahay waxa ay Saqaro tahay لَا تُبۡقِي وَلَا تَذَرُ ٢٨Ma reebto waxna kamana tagto cidna لَوَّاحَةٌ لِّلۡبَشَرِ ٢٩Waxay doorisaa jirka oo gubtaa عَلَيۡهَا تِسۡعَةَ عَشَرَ ٣٠Waxaa kor jooga sagaal iyo toban وَمَا جَعَلۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَٰٓئِكَةًۖ وَمَا جَعَلۡنَا عِدَّتَهُمۡ إِلَّا فِتۡنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيَسۡتَيۡقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَيَزۡدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِيمَٰنًا وَلَا يَرۡتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلۡكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَمَا يَعۡلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكۡرَىٰ لِلۡبَشَرِ ٣١Oo kama aanu dhigin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, oo uma aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada,_si ay ehlu-Kitaabku u yaqiinsadaan, oo mu’miniintu u kororsadaan Iimaan_, oo aanay kuwaa la siiyey Kitaabka iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada u yidhaahdaan: Muxuu Allaah uga jeedaa tusaalahan? Sidaas buu Allaah u lumiyaa kii uu doono, oo u hanuuniyaa kii uu doono. Oo ma jir wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Oo (Naar) tani wax kale ma aha aan aheyn waano ku socota dadka كـَلَّا وَٱلۡقَمَرِ ٣٢Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa وَٱلَّيۡلِ إِذۡ أَدۡبَرَ ٣٣Iyo habeenka marka uu tago وَٱلصُّبۡحِ إِذَآ أَسۡفَرَ ٣٤Iyo waagu marka uu caddaado إِنَّهَا لَإِحۡدَى ٱلۡكُبَرِ ٣٥Hubaal iyadu (Naarta) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn نَذِيرًا لِّلۡبَشَرِ ٣٦Digniin ku socota dadkaa dhimanaya لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَتَقَدَّمَ أَوۡ يَتَأَخَّرَ ٣٧Ku socota mid kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu hormaro ama ku haro gadaal كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ رَهِينَةٌ ٣٨Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay galabsato إِلَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡيَمِينِ ٣٩Qolada midigta maahee فِي جَنَّٰتٍ يَتَسَآءَلُونَ ٤٠Beero gudaheed, waxay iska wareysan عَنِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ٤١Xaalka dambiilayaasha مَا سَلَكَكُمۡ فِي سَقَرَ ٤٢Maxaa idin keenay Naarta Saqaro قَالُواْ لَمۡ نَكُ مِنَ ٱلۡمُصَلِّينَ ٤٣Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada وَلَمۡ نَكُ نُطۡعِمُ ٱلۡمِسۡكِينَ ٤٤Oo ma aannu quudin jirin miskiinka وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلۡخَآئِضِينَ ٤٥Oo waxaanu gali jirnay waxyaalo been ahoo aan jirin la jirka kuwaa gala baadilka وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ ٤٦Oo waxaan beenin jirnay Maalinta abaal marinta حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلۡيَقِينُ ٤٧Jeer ay noo timid geeridu فَمَا تَنفَعُهُمۡ شَفَٰعَةُ ٱلشَّٰفِعِينَ ٤٨Marka shafeecada kuwa shafeeca waxba uma tari doonto فَمَا لَهُمۡ عَنِ ٱلتَّذۡكِرَةِ مُعۡرِضِينَ ٤٩Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada كَأَنَّهُمۡ حُمُرٌ مُّسۡتَنفِرَةٌ ٥٠Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan فَرَّتۡ مِن قَسۡوَرَةِۭ ٥١Ee ka soo cararay libaax بَلۡ يُرِيدُ كُلُّ ٱمۡرِيٍٕ مِّنۡهُمۡ أَن يُؤۡتَىٰ صُحُفًا مُّنَشَّرَةً ٥٢Bal, qof walba oo ka mid ahi iyaga wuxuu rabaa in la siiyo waraaqo fidsan كـَلَّاۖ بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ ٥٣Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Ilaahay) كـَلَّآ إِنَّهُۥ تَذۡكِرَةٌ ٥٤Mayee, hubaal waa waano فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ ٥٥Ee mid kastoo raba ha ku waano qaato وَمَا يَذۡكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ هُوَ أَهۡلُ ٱلتَّقۡوَىٰ وَأَهۡلُ ٱلۡمَغۡفِرَةِ ٥٦Oo kama ay waano qaadan doonaan in Allaah doono maahee; waa Isaga Rabbiga, mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Dambi Dhaafo