ملة الإسلام

السورة 53 · 62 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة النجم باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة النجم (1,299 قارئاً)
مكيةسورة النجم٦٢ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ ١Waxaan ku dhaartay xiddiga marka uu hoos u soo dhaco مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ ٢Saaxibkiin ma uu gefo, mana habaabo وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ ٣Oo ma ku hadlo hawadiisa إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٌ يُوحَىٰ ٤Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyoodo عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ ٥Waxaa baray (oo xagga Allaah ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn ذُو مِرَّةٍ فَٱسۡتَوَىٰ ٦Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuraddiisuna dhan tahay (Jabriil) وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ ٧Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ ٨Markaasuu soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ ٩In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka sii dhowba فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ ١٠Markaasuu (Allaah) u Waxyooday addoonkiisa4 waxa uu u waxyooday مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ ١١Kama been sheegin Qalbigu wuxuu arkay أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ ١٢Ma waxaad haddaba kula murantaan waxa uu arkay وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ ١٣Oo xaqiiq wuxuu ku arkay (Jabriil) soo degid kale عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ ١٤Dhammaadka xadka geedka gobka عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ ١٥Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ ١٦Marka uu daboolay gobka waxa daboolay مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ ١٧Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ ١٨Xaqiiq wuxuu wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ ١٩Ee ma u fiirsateen haddaba Al-Laat iyo Al-Cuzza وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ ٢٠Iyo Manaat, midka seddexaad ee kale أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ ٢١Ma idinka baase leh labka oo Isagu leeyahay dheddigga تِلۡكَ إِذًا قِسۡمَةٌ ضِيزَىٰٓ ٢٢Tanu dhab ahaan waa qayb dulun ah إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٌ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ ٢٣Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen,_ idinka iyo aabbayaashiin,_ oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Oo ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, oo xaqiiq waxaa uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ ٢٤Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleysto فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ ٢٥Mayee Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka) ۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ ٢٦Oo badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Allaah u idmo maahee ciddii uu doono oo ka Raalli yahay إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ تَسۡمِيَةَ ٱلۡأُنثَىٰ ٢٧Hubaal, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـًٔا ٢٨Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, oo hubaal, maluhu waxba kama taro Xaqa فَأَعۡرِضۡ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكۡرِنَا وَلَمۡ يُرِدۡ إِلَّا ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا ٢٩Ee iskaga jeeso kan ka jeesta Xuskayaga oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka ذَٰلِكَ مَبۡلَغُهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱهۡتَدَىٰ ٣٠Kaasi waa inta uu gaaray garaadkooda aqooneed. hubaal, Rabbigaa aad buu u Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, oo wuxuu aad u Ogsoon yahay kan hanuunsan وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ بِمَا عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ بِٱلۡحُسۡنَى ٣١Oo Allaah baa iska leh waxaa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxa ay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta waxa wax u wanaagsan ٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلۡمَغۡفِرَةِۚ هُوَ أَعۡلَمُ بِكُمۡ إِذۡ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَإِذۡ أَنتُمۡ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡۖ فَلَا تُزَكُّوٓاْ أَنفُسَكُمۡۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ ٣٢Kuwa ka fogaada dambiyada waaweyn iyo foolxumooyinka, waxaan ahayn waxa ku soo dhaca maanankooda, _hubaal, Rabbigaa waa mid leh dambi dhaaf ballaaran. Wuxuu idiin yaqaan si fiican, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku tihiin jiif uurarka hooyooyinkiin, ee ha ku ammaanina daahirnimo nafahiinna, wuxuu u Og yahay si fiican kan ka dhowrsada (xumaha) أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي تَوَلَّىٰ ٣٣Ee ma aragtay haddaba kan isagu jeediya dhabarkiisa وَأَعۡطَىٰ قَلِيلًا وَأَكۡدَىٰٓ ٣٤Oo bixiya wax yar7, oo misna ma suuga أَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡغَيۡبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ ٣٥Ma wuxuu hayaa cilmiga waxa aan muuqan, oo isagu arkaa أَمۡ لَمۡ يُنَبَّأۡ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ ٣٦Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse وَإِبۡرَٰهِيمَ ٱلَّذِي وَفَّىٰٓ ٣٧Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay) أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزۡرَ أُخۡرَىٰ ٣٨Inuusan qof culaab xambaarsan (denbi) uu qaadi doonin culaabta (denbiga) qof kale وَأَن لَّيۡسَ لِلۡإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ ٣٩Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn waxa uu ku dadaalo وَأَنَّ سَعۡيَهُۥ سَوۡفَ يُرَىٰ ٤٠Iyo in dadaalkiisa durba la arki doono ثُمَّ يُجۡزَىٰهُ ٱلۡجَزَآءَ ٱلۡأَوۡفَىٰ ٤١Markaas looga abaal marin doono si dhan abaalmarin kaamil ah وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلۡمُنتَهَىٰ ٤٢Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay halka arrin kasta loo celiyo وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضۡحَكَ وَأَبۡكَىٰ ٤٣Iyo inuu Isagu yahay Kan ka qosliya (dadka) oo ka oohiya وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحۡيَا ٤٤Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan sababa dhimashada oo bixiya nolol وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ ٤٥Iyo inuu Isagu abuuray lammaanka, labka iyo dheddigga مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ ٤٦Ka abuuray mino nool marka la shubo وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ ٤٧Iyo inay Isaga (Alle) saaran tahay soo celinta kale وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ ٤٨Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan hodmiya (qofka) ama Ka dhiga sabool وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ ٤٩Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Rabbiga xiddiga Shicra وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ ٥٠Iyo inuu rogay (reer) Caadkii hore وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ ٥١Iyo Thamuudba, waxna kama reebin وَقَوۡمَ نُوحٍ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ ٥٢Iyo qolodii Nuux awal hore; hubaal waxay ahaayeen kuwo gardarro iyo qooq badan وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ ٥٣Iyo magaalooyinkii la dabageddiyey uu soo riday فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ ٥٤Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ ٥٥Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodi doontaan oo ka shaki qabtaan هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ ٥٦Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ ٥٧Dhacdada dhow (Qiyaamaha) intaas way soo dhowaataa لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ ٥٨Ma jiri doono Allaah ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda) أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ ٥٩Ee ma waxaad haddaba la yaabban tihiin warkani وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ ٦٠Oo ku qosli oo aydaan ooyeyn وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ ٦١Idinkoo iska haasaawaya فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ ۩ ٦٢Ee u sujuuda Allaah, oo caabuda

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.