ملة الإسلام

السورة 53 · 62 آية · Mahmud Muhammad Abduh

سورة النجم باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة النجم (1,299 قارئاً)
مكيةسورة النجم٦٢ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلنَّجۡمِ إِذَا هَوَىٰ ١Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمۡ وَمَا غَوَىٰ ٢Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلۡهَوَىٰٓ ٣Kumana hadlo hawadiisa إِنۡ هُوَ إِلَّا وَحۡيٌ يُوحَىٰ ٤quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلۡقُوَىٰ ٥Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil) ذُو مِرَّةٍ فَٱسۡتَوَىٰ ٦Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay وَهُوَ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡأَعۡلَىٰ ٧Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil) ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ ٨Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga) فَكَانَ قَابَ قَوۡسَيۡنِ أَوۡ أَدۡنَىٰ ٩Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw فَأَوۡحَىٰٓ إِلَىٰ عَبۡدِهِۦ مَآ أَوۡحَىٰ ١٠Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday مَا كَذَبَ ٱلۡفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ ١١Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu) أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ ١٢Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay وَلَقَدۡ رَءَاهُ نَزۡلَةً أُخۡرَىٰ ١٣Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale عِندَ سِدۡرَةِ ٱلۡمُنتَهَىٰ ١٤Sidratul-Muntaha agteeda عِندَهَا جَنَّةُ ٱلۡمَأۡوَىٰٓ ١٥Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa إِذۡ يَغۡشَى ٱلسِّدۡرَةَ مَا يَغۡشَىٰ ١٦(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola مَا زَاغَ ٱلۡبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ ١٧Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin لَقَدۡ رَأَىٰ مِنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ ١٨Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn أَفَرَءَيۡتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلۡعُزَّىٰ ١٩Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ ٢٠Iya Manaatadii saddexaad ee kale أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلۡأُنثَىٰ ٢١Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga تِلۡكَ إِذًا قِسۡمَةٌ ضِيزَىٰٓ ٢٢Taasi waa qayb dulan ah إِنۡ هِيَ إِلَّآ أَسۡمَآءٌ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهۡوَى ٱلۡأَنفُسُۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلۡهُدَىٰٓ ٢٣Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun أَمۡ لِلۡإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ ٢٤Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan فَلِلَّهِ ٱلۡأٓخِرَةُ وَٱلۡأُولَىٰ ٢٥Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh ۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغۡنِي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ أَن يَأۡذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرۡضَىٰٓ ٢٦Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ تَسۡمِيَةَ ٱلۡأُنثَىٰ ٢٧Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّۖ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـًٔا ٢٨Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro فَأَعۡرِضۡ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكۡرِنَا وَلَمۡ يُرِدۡ إِلَّا ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا ٢٩Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn ذَٰلِكَ مَبۡلَغُهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱهۡتَدَىٰ ٣٠Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔواْ بِمَا عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ بِٱلۡحُسۡنَى ٣١Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag ٱلَّذِينَ يَجۡتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَۚ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلۡمَغۡفِرَةِۚ هُوَ أَعۡلَمُ بِكُمۡ إِذۡ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَإِذۡ أَنتُمۡ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡۖ فَلَا تُزَكُّوٓاْ أَنفُسَكُمۡۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ ٣٢Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي تَوَلَّىٰ ٣٣Ka warrama midka xaqa ka jeedsaday وَأَعۡطَىٰ قَلِيلًا وَأَكۡدَىٰٓ ٣٤Oo wax ar bixiyay inta kalana reebtay أَعِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلۡغَيۡبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ ٣٥Ma agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa أَمۡ لَمۡ يُنَبَّأۡ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ ٣٦Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse) وَإِبۡرَٰهِيمَ ٱلَّذِي وَفَّىٰٓ ٣٧Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray) أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزۡرَ أُخۡرَىٰ ٣٨Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin وَأَن لَّيۡسَ لِلۡإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ ٣٩Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin وَأَنَّ سَعۡيَهُۥ سَوۡفَ يُرَىٰ ٤٠Camalkiisana la arki doono ثُمَّ يُجۡزَىٰهُ ٱلۡجَزَآءَ ٱلۡأَوۡفَىٰ ٤١Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلۡمُنتَهَىٰ ٤٢Eebaa xaggiisana loo ahaan وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضۡحَكَ وَأَبۡكَىٰ ٤٣Eebe waakan wax ka qosliya kana oohiya وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحۡيَا ٤٤Isagaana wax dila waxna nooleeya وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰ ٤٥Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba مِن نُّطۡفَةٍ إِذَا تُمۡنَىٰ ٤٦Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday وَأَنَّ عَلَيۡهِ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُخۡرَىٰ ٤٧Isagaana ahaysiin soo celinta kale وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغۡنَىٰ وَأَقۡنَىٰ ٤٨Eebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعۡرَىٰ ٤٩Waana Eebaha xiddigga Shicra وَأَنَّهُۥٓ أَهۡلَكَ عَادًا ٱلۡأُولَىٰ ٥٠Eebe isagaa halaagay Caadkii hore وَثَمُودَاْ فَمَآ أَبۡقَىٰ ٥١Iyo Thamuudba waxna kama reebin وَقَوۡمَ نُوحٍ مِّن قَبۡلُۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ هُمۡ أَظۡلَمَ وَأَطۡغَىٰ ٥٢(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan وَٱلۡمُؤۡتَفِكَةَ أَهۡوَىٰ ٥٣Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe) فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ ٥٤Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah) فَبِأَيِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ ٥٥Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلۡأُولَىٰٓ ٥٦Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore أَزِفَتِ ٱلۡأٓزِفَةُ ٥٧Wayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame لَيۡسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ ٥٨Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici) أَفَمِنۡ هَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ تَعۡجَبُونَ ٥٩Ma quraankanaad la yaabantihiin وَتَضۡحَكُونَ وَلَا تَبۡكُونَ ٦٠Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed) وَأَنتُمۡ سَٰمِدُونَ ٦١Idinkoo waliba hilmaansan (islana wayn) فَٱسۡجُدُواْۤ لِلَّهِۤ وَٱعۡبُدُواْ ۩ ٦٢Ee dadow Eebe u sujuuda caabudana

الترجمة: Mahmud Muhammad Abduh.