ملة الإسلام

السورة 75 · 40 آية · Mahmud Muhammad Abduh

سورة القيامة باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة القيامة (1,389 قارئاً)
مكيةسورة القيامة٤٠ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ ١Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ ٢Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin) أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ ٣Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ ٤Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ ٥Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ ٦Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ ٧Markase Araggu Wareero (Taagmo) وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ ٨Dayuxuna Madoobaado وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ ٩Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ ١٠Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa كـَلَّا لَا وَزَرَ ١١Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee) إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ ١٢Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ ١٣Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٌ ١٤Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ ١٥Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto) لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ ١٦Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa) إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ ١٧Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ ١٨Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ ١٩Annagaana isasaarray Cadaayntiisa كـَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ ٢٠saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) وَتَذَرُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ ٢١Waxaadna ka tagaysaan aakhiro وُجُوهٌ يَوۡمَئِذٍ نَّاضِرَةٌ ٢٢Wajiyaal Maalintaas way ifi إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌ ٢٣Eebeheedna way Eegi وَوُجُوهٌ يَوۡمَئِذِۭ بَاسِرَةٌ ٢٤Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami تَظُنُّ أَن يُفۡعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌ ٢٥Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo كـَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِيَ ٢٦Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida) وَقِيلَ مَنۡۜ رَاقٍ ٢٧Oo la Dhoho uaa ku tufi وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلۡفِرَاقُ ٢٨Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman وَٱلۡتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ ٢٩Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis) إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمَسَاقُ ٣٠Eebahaa Xaggiisaa la aadi فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ ٣١Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ٣٢Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ ٣٣Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰ ٣٤Halaag Buuse Mutaa ثُمَّ أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰٓ ٣٥Haddana Halaagbuu Mutaa أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَن يُتۡرَكَ سُدًى ٣٦Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan) أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةً مِّن مَّنِيٍّ يُمۡنَىٰ ٣٧Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ٣٨Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ ٣٩Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig أَلَيۡسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰ ٤٠Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay

الترجمة: Mahmud Muhammad Abduh.