ملة الإسلام

السورة 26 · 227 آية · Mahmud Muhammad Abduh

سورة الشعراء باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة الشعراء (1,209 قارئاً)
مكيةسورة الشعراء٢٢٧ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

طسٓمٓ ١Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ ٢Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad لَعَلَّكَ بَٰخِعٌ نَّفۡسَكَ أَلَّا يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ ٣Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa إِن نَّشَأۡ نُنَزِّلۡ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةً فَظَلَّتۡ أَعۡنَٰقُهُمۡ لَهَا خَٰضِعِينَ ٤Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٍ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ مُحۡدَثٍ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهُ مُعۡرِضِينَ ٥Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada فَقَدۡ كَذَّبُواْ فَسَيَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ٦Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَمۡ أَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٍ كَرِيمٍ ٧Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ٨Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa) وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ٩Eebahaana Waa Adkaade Naxariista وَإِذۡ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئۡتِ ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٠(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَۚ أَلَا يَتَّقُونَ ١١Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ ١٢Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan وَيَضِيقُ صَدۡرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرۡسِلۡ إِلَىٰ هَٰرُونَ ١٣Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun وَلَهُمۡ عَلَيَّ ذَنۢبٌ فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ ١٤Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan قَالَ كـَلَّاۖ فَٱذۡهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسۡتَمِعُونَ ١٥Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina فَأۡتِيَا فِرۡعَوۡنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٦ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka أَنۡ أَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ١٧Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga قَالَ أَلَمۡ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثۡتَ فِينَا مِنۡ عُمُرِكَ سِنِينَ ١٨Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin وَفَعَلۡتَ فَعۡلَتَكَ ٱلَّتِي فَعَلۡتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ١٩Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii) قَالَ فَعَلۡتُهَآ إِذًا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ ٢٠Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn فَفَرَرۡتُ مِنكُمۡ لَمَّا خِفۡتُكُمۡ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكۡمًا وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٢١Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul) وَتِلۡكَ نِعۡمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنۡ عَبَّدتَّ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٢٢Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil قَالَ فِرۡعَوۡنُ وَمَا رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢٣Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ ٢٤Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan) قَالَ لِمَنۡ حَوۡلَهُۥٓ أَلَا تَسۡتَمِعُونَ ٢٥Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan قَالَ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٢٦Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِيٓ أُرۡسِلَ إِلَيۡكُمۡ لَمَجۡنُونٌ ٢٧Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay قَالَ رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ ٢٨Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذۡتَ إِلَٰهًا غَيۡرِي لَأَجۡعَلَنَّكَ مِنَ ٱلۡمَسۡجُونِينَ ٢٩Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan قَالَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكَ بِشَيۡءٍ مُّبِينٍ ٣٠Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna قَالَ فَأۡتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٣١Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٌ مُّبِينٌ ٣٢Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ ٣٣Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi قَالَ لِلۡمَلَإِ حَوۡلَهُۥٓ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٌ ٣٤Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِۦ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ ٣٥Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَٱبۡعَثۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ ٣٦Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ ٣٧Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَٰتِ يَوۡمٍ مَّعۡلُومٍ ٣٨Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلۡ أَنتُم مُّجۡتَمِعُونَ ٣٩Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ ٤٠Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُواْ لِفِرۡعَوۡنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ ٤١Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ إِذًا لَّمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ ٤٢Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ ٤٣Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan فَأَلۡقَوۡاْ حِبَالَهُمۡ وَعِصِيَّهُمۡ وَقَالُواْ بِعِزَّةِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبُونَ ٤٤Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan فَأَلۡقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ ٤٥Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ ٤٦waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٧Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٤٨Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَ فَلَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ ٤٩Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin قَالُواْ لَا ضَيۡرَۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ ٥٠Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa إِنَّا نَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَٰيَٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٥١waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa) ۞ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِيٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ ٥٢Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye فَأَرۡسَلَ فِرۡعَوۡنُ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ ٥٣Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَشِرۡذِمَةٌ قَلِيلُونَ ٥٤Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar وَإِنَّهُمۡ لَنَا لَغَآئِظُونَ ٥٥Wayna Na cadho Galiyeen وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَٰذِرُونَ ٥٦Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon فَأَخۡرَجۡنَٰهُم مِّن جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ٥٧Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ ٥٨Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٥٩Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil فَأَتۡبَعُوهُم مُّشۡرِقِينَ ٦٠Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلۡجَمۡعَانِ قَالَ أَصۡحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدۡرَكُونَ ٦١Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay قَالَ كـَلَّآۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهۡدِينِ ٦٢Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡبَحۡرَۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرۡقٍ كَٱلطَّوۡدِ ٱلۡعَظِيمِ ٦٣Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale وَأَزۡلَفۡنَا ثَمَّ ٱلۡأٓخَرِينَ ٦٤Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon) وَأَنجَيۡنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ ٦٥Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ٦٦Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ٦٧Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ٦٨Eebahaana waa Adkaade Naxariista وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ إِبۡرَٰهِيمَ ٦٩Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا تَعۡبُدُونَ ٧٠Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan قَالُواْ نَعۡبُدُ أَصۡنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ ٧١Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada قَالَ هَلۡ يَسۡمَعُونَكُمۡ إِذۡ تَدۡعُونَ ٧٢Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan أَوۡ يَنفَعُونَكُمۡ أَوۡ يَضُرُّونَ ٧٣Mase idin Anfaci ama idin Dhibi قَالُواْ بَلۡ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ ٧٤Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali قَالَ أَفَرَءَيۡتُم مَّا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ ٧٥Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلۡأَقۡدَمُونَ ٧٦Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey فَإِنَّهُمۡ عَدُوٌّ لِّيٓ إِلَّا رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٧Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee ٱلَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهۡدِينِ ٧٨Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin وَٱلَّذِي هُوَ يُطۡعِمُنِي وَيَسۡقِينِ ٧٩Kan I Quudin ee I Waraabin وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِينِ ٨٠Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya وَٱلَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحۡيِينِ ٨١Waana kan I dili Ina Noolayn وَٱلَّذِيٓ أَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لِي خَطِيٓـَٔتِي يَوۡمَ ٱلدِّينِ ٨٢Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta رَبِّ هَبۡ لِي حُكۡمًا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ ٨٣Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٍ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ ٨٤Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ ٨٥Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ ٨٦Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ ٨٧Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka) يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ ٨٨Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٍ سَلِيمٍ ٨٩Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan) وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ ٩٠Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah) وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ ٩١Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ ٩٢Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ ٩٣Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ ٩٤Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ ٩٥Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ ٩٦Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ ٩٧Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٩٨Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٩٩Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ ١٠٠Mana Lihin wax Noo Shafeeca وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ ١٠١Iyo Saaxiib Dhaw فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٠٢Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٠٣Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa) وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٠٤Eebahaana waa Adkaade Naxariista كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٠٥Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٠٦Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٠٧Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٠٨Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٠٩Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١١٠Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca ۞ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ ١١١Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun) قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١١٢Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ ١١٣Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١١٤Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ ١١٥Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ ١١٦Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ ١١٧Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحًا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١١٨Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ ١١٩Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ ١٢٠Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii) إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٢١Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٢٢Eebahaana waa Adkaade Naxariista كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٢٣Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٢٤Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٢٥Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٢٦Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٢٧Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةً تَعۡبَثُونَ ١٢٨Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ ١٢٩Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ ١٣٠Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٣١ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ ١٣٢Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٍ وَبَنِينَ ١٣٣Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur وَجَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ١٣٤Iyo Beero iyo Ilo إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ ١٣٥Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ ١٣٦Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣٧Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ ١٣٨Nalamana Cadaabayo فَكَذَّبُوهُ فَأَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٣٩Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٤٠Eebahaana waa Adkaade Naxariista كَذَّبَتۡ ثَمُودُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٤١Waxay Beenisay Thamuud suulladii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٤٢Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٤٣Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٤٤ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٤٥Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi أَتُتۡرَكُونَ فِي مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ ١٤٦Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina فِي جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ ١٤٧Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda) وَزُرُوعٍ وَنَخۡلٍ طَلۡعُهَا هَضِيمٌ ١٤٨Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay وَتَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا فَٰرِهِينَ ١٤٩Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٥٠Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca وَلَا تُطِيعُوٓاْ أَمۡرَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ ١٥١Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha ٱلَّذِينَ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ ١٥٢ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ ١٥٣Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثۡلُنَا فَأۡتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ١٥٤Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٌ لَّهَا شِرۡبٌ وَلَكُمۡ شِرۡبُ يَوۡمٍ مَّعۡلُومٍ ١٥٥Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَظِيمٍ ١٥٦Ee ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn فَعَقَرُوهَا فَأَصۡبَحُواْ نَٰدِمِينَ ١٥٧Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٥٨Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa) وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٥٩Eebahaana waa Adkaade Naxariista كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٦٠Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٦١Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٦٢Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٦٣ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٦٤Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi أَتَأۡتُونَ ٱلذُّكۡرَانَ مِنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٦٥Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ عَادُونَ ١٦٦Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُخۡرَجِينَ ١٦٧Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلۡقَالِينَ ١٦٨Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay رَبِّ نَجِّنِي وَأَهۡلِي مِمَّا يَعۡمَلُونَ ١٦٩Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ ١٧٠Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan إِلَّا عَجُوزًا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ ١٧١Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii) ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ ١٧٢Markaasaan Halaagnay Intii kale وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرًاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ ١٧٣Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٧٤Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٧٥Eebhaana waa Adkaade Naxariista كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ١٧٦Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii إِذۡ قَالَ لَهُمۡ شُعَيۡبٌ أَلَا تَتَّقُونَ ١٧٧Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٌ ١٧٨Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ ١٧٩ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٨٠Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi ۞ أَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُخۡسِرِينَ ١٨١Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِ ١٨٢Una Miisama Cadaalad Toosan وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ ١٨٣Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٨٤Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ ١٨٥Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ ١٨٦Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ١٨٧ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ ١٨٨Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ ١٨٩Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةًۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ ١٩٠Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ ١٩١Eebahaana waa Adkaade Naxariista وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٩٢Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ ١٩٣Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil) عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ ١٩٤Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُّبِينٍ ١٩٥Af Carabi ahoo Cad وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٩٦Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ١٩٧Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ ١٩٨Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ ١٩٩oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ٢٠٠Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ ٢٠١Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةً وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ٢٠٢Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ ٢٠٣Oy Dhahaan ma nala Sugi أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ ٢٠٤Ma Cadaabkanagay Dadajisan أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ ٢٠٥Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ ٢٠٦Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يُمَتَّعُونَ ٢٠٧Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ ٢٠٨Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto ذِكۡرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ ٢٠٩Waano Darteed, mana nihin Daalimiin وَمَا تَنَزَّلَتۡ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ ٢١٠Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu وَمَا يَنۢبَغِي لَهُمۡ وَمَا يَسۡتَطِيعُونَ ٢١١Kumana Habboona mana Karaan إِنَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّمۡعِ لَمَعۡزُولُونَ ٢١٢Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin فَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُعَذَّبِينَ ٢١٣Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo وَأَنذِرۡ عَشِيرَتَكَ ٱلۡأَقۡرَبِينَ ٢١٤Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٢١٥Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah فَإِنۡ عَصَوۡكَ فَقُلۡ إِنِّي بَرِيٓءٌ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ ٢١٦Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ ٢١٧Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista ٱلَّذِي يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ ٢١٨Ee ku Arka Markaad Kici وَتَقَلُّبَكَ فِي ٱلسَّٰجِدِينَ ٢١٩Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٢٢٠Eebana waa Maqle Og هَلۡ أُنَبِّئُكُمۡ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ ٢٢١Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ ٢٢٢Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan يُلۡقُونَ ٱلسَّمۡعَ وَأَكۡثَرُهُمۡ كَٰذِبُونَ ٢٢٣Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلۡغَاوُۥنَ ٢٢٤Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah أَلَمۡ تَرَ أَنَّهُمۡ فِي كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ ٢٢٥Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin وَأَنَّهُمۡ يَقُولُونَ مَا لَا يَفۡعَلُونَ ٢٢٦Oyna Sheegi waxayna Falayn إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَذَكَرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱنتَصَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَيَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ ٢٢٧Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada)

الترجمة: Mahmud Muhammad Abduh.