بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلۡفَجۡرِ ١Waxaan ku dhaartay waaberiga وَلَيَالٍ عَشۡرٍ ٢Iyo habeennada tobanka ah وَٱلشَّفۡعِ وَٱلۡوَتۡرِ ٣Iyo dhabanka iyo witirka(tirada is dheer) وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَسۡرِ ٤Iyo habeenka marka uu tago هَلۡ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِي حِجۡرٍ ٥Runtii taasi waxaa ugu sugan dhaar kuwaa garashada leh أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ ٦Mawaadan u fiirsan sida Rabbigaa u galay (reer) Caad إِرَمَ ذَاتِ ٱلۡعِمَادِ ٧Qolodii Iram, ee lahaa saraha aad u dhaadheer ٱلَّتِي لَمۡ يُخۡلَقۡ مِثۡلُهَا فِي ٱلۡبِلَٰدِ ٨Aan wax la mid ah laga sameyn magaalooyinka kale وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُواْ ٱلصَّخۡرَ بِٱلۡوَادِ ٩Iyo (sida uu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad) وَفِرۡعَوۡنَ ذِي ٱلۡأَوۡتَادِ ١٠Iyo (sida uu u galay) Fircoon, ee lahaa ciidammada tirada badan ٱلَّذِينَ طَغَوۡاْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ ١١Kuwaasoo ku qooqay magaalooyinka فَأَكۡثَرُواْ فِيهَا ٱلۡفَسَادَ ١٢Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda فَصَبَّ عَلَيۡهِمۡ رَبُّكَ سَوۡطَ عَذَابٍ ١٣Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلۡمِرۡصَادِ ١٤Hubaal Rabbigaa baa u jeeda oo arkaya فَأَمَّا ٱلۡإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكۡرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَكۡرَمَنِ ١٥Ee ma aadmiga, marka uu Rabbigi imtixaano, oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيۡهِ رِزۡقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَهَٰنَنِ ١٦Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday كـَلَّاۖ بَل لَّا تُكۡرِمُونَ ٱلۡيَتِيمَ ١٧Mayee’ bal ma daryeeshaan agoonka وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ ١٨Oo iskuma boorrisaan quudinta miskiinka وَتَأۡكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكۡلًا لَّمًّا ١٩Oo waxaad ku cuntaan xaqdarro dhaxalka idinkoo booli ku cunaya (wax kasta) si aan kala saar lahayn وَتُحِبُّونَ ٱلۡمَالَ حُبًّا جَمًّا ٢٠Oo waxaad jeceshihiin Maalka jaceyl aad u daran كـَلَّآۖ إِذَا دُكَّتِ ٱلۡأَرۡضُ دَكًّا دَكًّا ٢١Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلۡمَلَكُ صَفًّا صَفًّا ٢٢Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah وَجِاْيٓءَ يَوۡمَئِذِۭ بِجَهَنَّمَۚ يَوۡمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكۡرَىٰ ٢٣Oo laga yeelo Naarta mid muuqata Maalintaas. Maalintaas buu Aadmigu waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي قَدَّمۡتُ لِحَيَاتِي ٢٤Wuxuu odhan: Alla haddaan wax horay ugu soo dirsan lahaa noloshaydatan فَيَوۡمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌ ٢٥Maalintaas se cidna wax uguma cadaabto (wuxuun la mid ah) Cadaabkiisa وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌ ٢٦Oo cidi wax uma xirxirto, (wuxun la mid ah) Xirxiriddiisa يَٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفۡسُ ٱلۡمُطۡمَئِنَّةُ ٢٧Naf yahay adiga xasillooneey ٱرۡجِعِيٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرۡضِيَّةً ٢٨U noqo Rabbigaa, _adigoo raalli ka ah oo raalli lagaa yahay فَٱدۡخُلِي فِي عِبَٰدِي ٢٩Ee gal addoomaheyga dhexdood وَٱدۡخُلِي جَنَّتِي ٣٠Oo gal Jannadeyda