ملة الإسلام

السورة 90 · 20 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة البلد باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة البلد (1,326 قارئاً)
مكيةسورة البلد٢٠ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ١Mayee,Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah) وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ٢Oo adiga (Muxammad) waad ka eed tiran tahay (ku dagaallanka) magaaladan وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ ٣Oo waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil) لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ ٤Xaqiiq Waxaan abuurnay aadmiga isagoo ku sugnaan dhib iyo howl أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٌ ٥Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالًا لُّبَدًا ٦Wuxuu leeyahay: Waxaan lumiyey maal badan أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ ٧Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ ٨Miyaanan siin labo indhood وَلِسَانًا وَشَفَتَيۡنِ ٩Iyo carrab iyo labo bishimood وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ ١٠oo aan tusin labada jidood فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ ١١Ee muu ka gudbo jidka buurta ah وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ ١٢Oo maxaa ku ogeysiiyey (waxa ay tahay ee looga gudbo) jidkaa buurta ah فَكُّ رَقَبَةٍ ١٣(Waa) xoreynta qof (addoon ah) أَوۡ إِطۡعَٰمٌ فِي يَوۡمٍ ذِي مَسۡغَبَةٍ ١٤Ama siinta cunno maalin gaajo jirto يَتِيمًا ذَا مَقۡرَبَةٍ ١٥Agoon, aad qaraabo tihiin أَوۡ مِسۡكِينًا ذَا مَتۡرَبَةٍ ١٦Ama miskiin dhulka yaal ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ ١٧Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeysan, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta) أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ ١٨Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada) وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ ١٩Ma kuwa se k ku gaalooba Aayadahayaga (xujooyinka, waxyiga iwm) waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka) عَلَيۡهِمۡ نَارٌ مُّؤۡصَدَةُۢ ٢٠Dushooda waa Naar korka looga xiray

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.