بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلشَّمۡسِ وَضُحَىٰهَا ١Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo iftiinkeeda وَٱلۡقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا ٢Iyo dayaxa marka uu raaco (qorraxda) وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا ٣Iyo maalinta marka ay muujiso caddaankeeda وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰهَا ٤Iyo habeenka marka uu yeelo dabool dusheeda وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا ٥Iyo samada iyo Kan Isagu fidshay وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا طَحَىٰهَا ٦Iyo arlada iyo Kan Isagu goglay وَنَفۡسٍ وَمَا سَوَّىٰهَا ٧Iyo nafta iyo Kan Isagu simay فَأَلۡهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقۡوَىٰهَا ٨Markaas kala garansiiyey waxa fiican ee u dan ah iyo waxa xun ee u daran قَدۡ أَفۡلَحَ مَن زَكَّىٰهَا ٩Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa وَقَدۡ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا ١٠Oo waxaa dhab ahaan hoogi qofka xumeeya naftiisa كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِطَغۡوَىٰهَآ ١١Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشۡقَىٰهَا ١٢Waa tii uu koodii uga sharka badnaa soo baxay فَقَالَ لَهُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقۡيَٰهَا ١٣Markaasuu Rasuulkii Ilaahay (Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay! (ha dilana) oo siiya waraabkeeda فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمۡدَمَ عَلَيۡهِمۡ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمۡ فَسَوَّىٰهَا ١٤Wayse beeniyeen, oo gowraceen (Hashii). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey dambigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii) وَلَا يَخَافُ عُقۡبَٰهَا ١٥Oo Kama uu cabsado cidhibteeda