ملة الإسلام

السورة 81 · 29 آية · Abdullah Hasan Jacob

سورة التكوير باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة التكوير (1,316 قارئاً)
مكيةسورة التكوير٢٩ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ ١Marka qorraxda la iftiin tiro وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ ٢Oo xiddiguhu soo daataan وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ ٣Oo buuraha la rujiyo وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ ٤Oo geela rimman la caddilo وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ ٥Oo dugaagga la soo wada kulmiyo وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ ٦Oo badaha la shido (ama soo fatahaan) وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ ٧Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkooda وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ ٨Oo (gabadhii) nolosha lagu xabaalay la weydiiyo بِأَيِّ ذَنۢبٍ قُتِلَتۡ ٩Denbigee baa loo dilay وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ ١٠Oo marka kutubta la fidiyo وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ ١١Oo marka samada daboolka laga qaado وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ ١٢Oo marka Naarta la huriyo وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ ١٣Oo marka Jannada la soo dhoweeyo عَلِمَتۡ نَفۡسٌ مَّآ أَحۡضَرَتۡ ١٤Naf walbaa waxay (markaa) ogaan waxay la goob iyo shir timid فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ ١٥Mayee se Waxaan ku dhaartay xiddigaha dib gurta ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ ١٦Ee ku socda rugahooda, ee qarsooma وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ ١٧Iyo habeenka marka uu tago وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ ١٨Iyo subaxa marka uu neefsado إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ١٩Hubaal kani waa hadalka (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf badan (Jibriil) ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينٍ ٢٠Awood iyo meeqaan sare ku leh (Allaah) agtiis, Rabbiga Carshiga مُّطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ ٢١La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونٍ ٢٢Oo Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha (innaba) ku waalan وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ ٢٣Oo xaqiiq horay buu ugu arkay isaga (Jibriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa) وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينٍ ٢٤Oo ma aha isagu (Muxammad) mid ceshada cilmiga ku saabsan Ghaybka وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنٍ رَّجِيمٍ ٢٥Oo (Qur’aanku) ma aha hadalka Shaydaan laga soo ceyrshay (samooyinka) فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ ٢٦Ee xaggee baad u socotaan إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٌ لِّلۡعَٰلَمِينَ ٢٧Wax kale ma aha aan aheyn Waano ku socota ummadaha لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ ٢٨Kii isagu idinka mid ah ee raba inuu qaado jid toosan وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢٩Oo wax ma doontaan aan ahayn waxaa uu Allaah doono, _Rabbiga uunanka

الترجمة: Abdullah Hasan Jacob.