ملة الإسلام

السورة 81 · 29 آية · Mahmud Muhammad Abduh

سورة التكوير باللغة الصومالية

السورة بالعربية مع التفسير استمع إلى سورة التكوير (1,316 قارئاً)
مكيةسورة التكوير٢٩ آية

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ ١Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada) وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ ٢Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow) وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ ٣Buurahana la kexeeyo (La rujiyo) وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ ٤Geelii rimmanaana la halleeyo وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ ٥Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed) وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ ٦Badahana la kululeeyo وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ ٧Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ ٨Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado بِأَيِّ ذَنۢبٍ قُتِلَتۡ ٩Maxaa dambi ah oo loo dilay وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ ١٠Kutubta (camalkana) la fidiyo وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ ١١Samadana la rujiyo وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ ١٢Naarta Jaxiimana la huriyo وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ ١٣Jannadana la dhaweeyo عَلِمَتۡ نَفۡسٌ مَّآ أَحۡضَرَتۡ ١٤Waxay ogaan nafu waxay camal fashay فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ ١٥Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii) ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ ١٦Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ ١٧Iyo Habecnku markuu jeedsado وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ ١٨Iyo subaxu markuu soo qaabilo إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ١٩Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينٍ ٢٠Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh مُّطَاعٍ ثَمَّ أَمِينٍ ٢١Laguna addeeco halkaas aaminna ah وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونٍ ٢٢Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ ٢٣Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka) وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينٍ ٢٤Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنٍ رَّجِيمٍ ٢٥Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ ٢٦Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٌ لِّلۡعَٰلَمِينَ ٢٧Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano) لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ ٢٨Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay) وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢٩Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec

الترجمة: Mahmud Muhammad Abduh.