بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى ١Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ ٢Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ ٣Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ ٤Eebaha soo bixiya Daaqa فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ ٥Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ ٦Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ ٧Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ ٨Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ ٩Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ ١٠Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى ١١Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ ١٢Ee ah mid gali Naar wayn ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ ١٣Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ ١٤Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ ١٥magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا ١٦Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٌ وَأَبۡقَىٰٓ ١٧Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi) إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ ١٨Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ ١٩Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse