بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ١Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan» وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ٢Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ ٣Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka» لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ ٤Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi) أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٌ ٥Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku) يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالًا لُّبَدًا ٦Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado) أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ ٧Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ ٨Miyaannaan u yeelin Laba indhood وَلِسَانًا وَشَفَتَيۡنِ ٩Iyo Carrab iyo Laba bishimood وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ ١٠Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka) فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ ١١Ee Dadku muu jiidho Jiirta وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ ١٢Ma taqaannaa Jiirta فَكُّ رَقَبَةٍ ١٣Waa qoor la xoreeyo أَوۡ إِطۡعَٰمٌ فِي يَوۡمٍ ذِي مَسۡغَبَةٍ ١٤Iyo cunno la siiyo maalin gaajo يَتِيمًا ذَا مَقۡرَبَةٍ ١٥Agoon kuu dhaw أَوۡ مِسۡكِينًا ذَا مَتۡرَبَةٍ ١٦Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed) ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ ١٧Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ ١٨Kuwaasina waa kuwa Midigta mari وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ ١٩Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari عَلَيۡهِمۡ نَارٌ مُّؤۡصَدَةُۢ ٢٠Waxaana lagu dabooli Naar